Cabdifataax Xasan Maxamed 'Barawaani'

About the Author Cabdifataax Xasan Maxamed 'Barawaani'

Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani), waa qoraa, cilmi-baadhe iyo tifaftire ka tirsan Afrikaan.so. Waxa uu wax ka qoraa arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, taariikhda iyo afka. Waxa uu wax ka bartaa dalka Ugaandha (Kambaalla), gaar ahaan kulliyadda diblomaasiyadda iyo xidhiidhika caalamiga ah. Waa tifaftiraha guud ee mareegta Indheergarad; taas oo ah mareeg madaxbannaan, si joogto ahna u daabacda qoraallo, gorfayno iyo hal-abuurka sheeka-faneedyo kala duwan oo ku saabsan, dersayana xaaladda guud ee bulshada Soomaalida. Waxa kale oo uu ka mid yahay qorayaasha deggelkamajalladda Afrikaan-so. Sida oo kale waxa uu xubin ka yahay Golaha Kobicnta Afka Soomaaliga, Odhaahdiisa iyo Murtidiisa ee (KASMO).

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Aasaaska Ilaha Dakhliga iyo Dhaqaala-Abuurka ee Ururka Al-Shabaab

Burburka, dawlad la’aanta, faragelinta tooska ah iyo midda dadban, afkaaraha iyo shisheeyaha ku dhex hardamaya gudaha Soomaaliya, ayaa waxa ugu weyn ee shidaalka u ah, dhaqaajinayana uu yahay dhaqaalaha. Dhaqaalahu waa laf-dhabarta wax kasta oo maanta dunida ka dhacaya, gaar ahaan Soomaaliya. Ururrada argagixisadu muhiimad gaar ah baa ay siiyaan meelaynta dhaqaalaha, haddaan dhaqaale jirinna waxba uma socon karaan. Ururka Al-Shabaab muddo badan baa ay ku qaadatay jaangoynta, qaabeynta iyo meelaynta ilaha dhaqaalahu. Hadda oo uu marayo xaaladdii ugu wanaagsaneyn ee dhanka dhaqaalaha, waxa uu ku bixiyay dedaal fara badan sidii uu heerkan u soo gaadhi lahaa. Werwer badanna kama …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Xabaalitaanka Ilbaxnimooyinka

Tan iyo bilowgii nidaamyada dawladnimo ee cusub ”Modern State” waxa bilaabmay dar-dar xooggan oo la xidhiidha dhanka kala cidhiidhsiga, kala xadidda iyo halganka loogu jiro nooleynta iyo xabaalitaanka ilbaxnimooyinkii hore. Walow nidaamdaydii dawladnimo ee hore-ba ay ahaayeen kuwo ilbaxnimooyinka danayn gaar ah siiya, haddana waxa qasbayey qowmiyadaha tirada badan ee ay hal xukun hoos keeneen oo midba mida kale duulimaad ku tahay iyo kala maroorsiga kursiga boqortooyada. Taasi waxa ay sababtay in ilbaxnimooyinku aannay wax sidaas u sii weyn nooleynteedu aysan noqonin. Balse intan ay bilaabmatay dawladnimada cusubi ee ku dhisan qowmiyad-qowmiyadda waxa ummad weliba isku dayeysaa in ay hesho …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Ma Yeellan Kartaa Jabbuuti Dawladnimo Qiimo Leh?

Jabbuuti waxa ay xornimada qaadatey sannadkii 1977-kii, waxa ay muddo u dhaxeysey 1894-19770kii hoostegi jirtey ama xukumi jirey gumeystihii Faransiiska. Magacii loo yaqaanney waqtigaas wuxuu ahaa French Somaliland (sidoo kale Afar and Isse Territory). Waxa maanta loo aqoonsanyahay Jabbuuti in ay tahay dal gaar ah oo madaxbannaan. Waxa ay ku taallaa baabul mandabka isku xidha badda cas iyo gacanka cadmeed, waa meel istiraatiiji aad xad dhaaf u ah xagga isku socodka. Waxa ay dhul ahaan jaar la tahay dalalka Eriteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa Jabuuti wada dega asal ahaan Canfar iyo Soomaali, balse waxa aad u badan Soomaalida (T.A: qabiilka …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Fasirka Xiisadda Siyaasadeed ee Maanta

Baraha bulshada iyo golayaasha siyaasaddaba lagu hadal hayay imaatinka madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Abiy Axmed, kuwaas oo ku soo wajahan magaalada Hargeysa. Haddaba waxa iswayddiin mudan maxaa keenay in labada masuul ay damcaan in ay yimaaddaan magaalada Hargeysa? Isla sidan oo kale ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Abiy ay u damceen in ay yimaaddaan sannadkii 2018-kii, kolkii ay soo galeen heshiiska isdhexgalka gobolka. Balse, arrinaas Soomaalilaan waa ay ka biyo diiday, diidmo qayaxanna waa ay ka muujisay. Shirkii Midowga Afrika iyo Kulankii Labada Madaxweyne! Kulankii 10-kii bishan Febraayo uga bilaabmay Midowga Afrika magaalada Addis Ababa, ayaa waxa isugu …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Maxaad Kala Socotaa Taariikh Nololeedkii Nuur Faarax Xirsi?

Nuur Faarax Xirsi waxa uu ku dhashay Degmada Burco, ee Gobolka Togdheer sannaddii 1962-dii. Halkaas ayuu kusoo qaatey waxbarashadiisii aasaasiga, oo kasoo bilaabmeysa dugsi Qur’aankii. Kaddibna waxa uu isla Degmadii Burco ka bilaabay Dugsigii Hoose/Dhexe. Kaddib waxa uu haddana usoo wareegay magaaalo madaxda dalka Soomaaliyeed ee Muqdisho. Isagoo ku biirey Dugsigii Hoose/Dhexe ee Halgamaa Maxamuud Xarbi. Dugsigaas ayuuna ku dhammeystay waxbarashadiisii hoose/dhexe, oo ku yaallay degmada Wardhiigley. Nuur intaas kaddib, waxa uu ku biirey Dugsigii Sare ee Jamaal Cabdinaasir, oo ay dawladda Masar gacanta ku haysey. Nuur Faraax Xirsi dabadeed markaas wuxuu bilaabay labadii sanno ee Gurmadka Qaranka. Wuxuuna Bare …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaFalsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum)

Noolaha Aadamuhu intii uu adduunka guudkiisa saarnaa, waxa uu ku hawlanaa oo ku jirey isbeddel xag kasta ku wajahan. Ha noqdaan isbeddeladaasi kuwo diineed, dheef la raadiyo, siyaasad, korriin caqli iyo jidh, maamul, bulsheyn, deegaamayn, aqoon yeelasho, unkidda ilbaxnimooyin iwm.  Badanka fal kasta iyo tallaabo kasta oo hore loo qaadana, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Taas oo jirta, ayaa waxa ay dantaasi horseeddaa isriix-riix bulsheed ama qofeed. Waxaana ka dasha oo ka dhambalma, kana dheehma aragtiyo iyo tabab ku cusub waayahaas. Kuwaas oo si guud ummadaha kale …

Read more 0 Comments
Diinta Islaamka

Taariikhda Qorista Xadiisyada Suubbanaha

Xaadiisyada oo ah isha labaad ee diinta Islaamka laga qaato, laguna tilmaamo in ay yihiin hadalladii, falalkii iyo wixii raadad laga arkay suubbanaha Nebi Maxamed, waxa ay soo mareen marxalado kala duwan. Kuwaas oo ay saameynayeen duruufo kala jaad ah oo ku xeeraan aqoon ahaan, siyaasad ahaan, taariikh ahaan, garaad ahaan, iwm. Xadiisyadu waa qeybta ugu ballaadhan ee diinta xagga faahfaahin ahaan, dhaqan ahaan, dhinac kale haddii laga eegana waa isha sheekooyinka, khuraafaadka, iyo wax isku cayn iyo beyd go’an oo jid iyo jiho looga baxo aan lahayn. Xadiisyadu waa meesha ay kooxaha Muslinku ku kala baydheen, marka laga soo …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Maxaa Lagu Halbeegaa Dhaqanka iyo Akhlaaqda?

Dhaqanka iyo hiddaha oo lammaan iyo akhlaaqda oo ku ladhan marna diin, marna dhaqan-hiddeedka ayaa ka mid ah mawdduucyada tiro beelay ee ummaduhu ay doodo adag geliyaan. Doodaha falsafadeed iyo fikir diimeedyaduna ay xoogga saaraan in halbeeg cayiman oo Aadame iyo Bulsho yar iyo tu weynba ay ku halbeegaan loo helo. Tiiyoo aanay bulsho goob iyo xilli cayiman nooli, aanay la duruuf iyo la xilli ahayn bulsho kale oo ka horraysay, ama se ka dambeysay. Saddexdan weedhood ee kala ah: Dhaqan, Hidde iyo Akhlaaq ayaan ugu horrayn qeexi doonnaa waxa ay yihiin. Ka dibna waxa aynnu u gudbi doonnaa inaan …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Daahirada Diin Ka Bixidda ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika

Bariga dhexe ama si guudba ah waddamada Carbeed, iyo Geeska Afrika oo ay ku dhaqan tahay ummadda Soomaalidu ayaa ah kuwo qarniyo badan oo fac ka fac ku suntanaa dad diintoodu ama rumeysadkoodu uu yahay Islaam. Diintaasna aan beddelin, oo ka dhigtay sidii caadada iyo dhaqanka la iska dhaxlo. Se is beddelkii xoogganaa ee ka bilawday Galbeedka, oo ka soo bilaabmayey qarnigii 15-aad iyo 16-aad. Kaas oo ka dhashay diinta Masiixiga oo la jaanqaadi kari waydday daah’furradii kala duwanaa ee aqoonta casriga ah. Iyo wadaaddadii diinta Masiixiga oo la bah noqday xukuumadaha dhiig’miiratada ah ee ka jiray Galbeedka. Ka dib …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Hab-Qorista Qumman ee Af Soomaaliga

Qoritaanka Af Soomaaligu waa uu ka duwan yahay dhihitaanka afka, ama waxa aynnu odhan karnaa hadalka caadiga ah iyo dhigaalku waa ay kala geddisan yihiin. Waana muhiim in bulshadu iska toosiso afka Soomaaliga dhigaalkiisa saxda ah. Maadaama aanay jirin hadda dawlad u taagan ilaalinta afka Soomaaliga, bulshadiina aanay dawladd arrinkaas u heellan sugi karin, oo afka hadalkiisa iyo dhigaalkiisuba ay nolol-maalmeed ka mid yihiin, waxa lama huraan noqotay in qof walba inta karaankiisa ah uu bulshada u soo gudbiyo wixii uu ku dhaamo ee mawdduucaas ku saabsan. Qormadan aan ugu magac daray Hab-Qorista Qumman ee Af Soomaaligu, ma noqon doonto …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!