Ayaanle Cabdi

About the Author Ayaanle Cabdi

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda iyo arrimaha bulshada, Waa qoraa aqqoon dheeraad u leh Maamulida kheyraadka aadanaha, jecelna horumarka bulshada. Qoraaga wuxuu shahaadada jaamacada ee loo yaqaano Bachelor Degree ka haystaa Maamulida Kheyraadka Aadanaha.

Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Maxaad Ka Ogtahay Awooddii Cusmaaniyiinta Qaybtii 2aad?

Waxyaalaha kale ee indhaha reer galbeedka aad ugu soo jeediyey dawlada Cusmaaniyiinta iyo Suldaan Cabdixamiid waxaa ugu weynaa isaga oo dhisay sirdoon aad u awood badan , fashilin jirayna had iyo jeer qorshayaasha ay damacsan yihiin reer galbeedku. Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee soo dedejiyey burburkii dawlada ayaa waxaa ka mid ahaa iyada oo mucaaradkii ka soo horjeeday xukunka Suldaan Cabdxamiid aad u buunbuuniyeen guuldarooyin badan oo ay la kulantay dawlada Cusmaaniyiintu wuxuuna kacdoonkii ugu horeeyey banaanka u soo baxay sanadkii 1326H, 1908M , waxaana abuurmay ururo isbadel doon ah, oo la soo baxay magac cusub iyaga oo muujinaya qawmiyada Turkida, …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Sheekadii Dhaxmertay Haweeneydii Xigmada Badneed iyo Sadexdii Odayaa lITukesomalism.com

Haweeney gurigeeda joogta ayaa banaanka u soo baxdey, waxeeyna aragtey sadex nin oo odayaal ah oo gurigeeda agtiisa fadhiya odayaasha oo u muuqdey kuwa rafaadsan ayeey u tagtey waxeeyna ku tiri:­ gudaha soo gala, ayada oo dooneysay in wax ay cunaan siiso, waxeeyna weeydiiyeen, ma joogaa ninkii guriga masuulka ka ahaa, waxayna u sheegtay inuu maqan yahay, odayaashii ayaa yiri ma galeyno gudaha maadaama odayga xaafada uu maqan yahay. galeyno.Galabkii goor casar gaab ah ayaa waxaa yimid ninkii la sugayay xaaskiisa ayaana u sheegtay in odayaashaas ay damacdey in ay cunto siiso nasiib wanaagse ay iga diideen maadaama aad guriga …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Farsamo Fudud oo Finanka Wajiga Lagu Daween Karaayo!

Fin doobka ama fin qooqa sida dadka qaar u yaqaanaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna keena barar markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax. Daraasado caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in malabka iyo qorfaha aay daaweeyaan xanuuno badan, waxaana ka mid ah xanuunada Wadnaha, Curuuqda dhiiga (Arthritis), Hargabka, Calool qushqushka, Xoojinta difaaca jirka, Daalka, Finanka …

Read more 1 Comment
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Ogtahay Awooddii Cusmaaniyiinta Qaybtii 1aad?

Dawladda Cusmaaniyiinta ama khilaafadii Cusmaaniyiinta waxay ahayd dawlad aad u xoogweyn oo adduunka dhul baaxadweyn xukumi jirtay, waqooyi adduunka waxay gaadhay magaalada Vienna Caasimada wadanka Austria, barina waxay ka gaadhay xadka shiinaha, koonfurna Soomaliya, Galbeedna wadamada ka hooseeya wadanka Moroko, badda Cad ama bada dhexe waxay ahayd goob ay ka taliyaan ciidamada badda ee dawladda Cusmaaniyiintu. Awoodaa baaxada weyn waxay dawladii Cusmaaniyiinta ku dhiiri galisay in ay cadayso in ay dhamaan muslimiinta ku nool adduunka iyadu mas,uul ka tahay xataa haday ku hoos nool yihiin xukun aan islaam ahayn, sida wadan Ruushka oo ay ku noolaayeen dad aad u tira …

Read more 0 Comments
Aqri

Waa Maxay Saxaafadu? Suxufigu’se waa kee?

  Inta baddan iyadoo aynu ka wadda dheragsanahay dhibka iyo waliba tacadiyada, heerka aqoon la’aaneed iyo baahida aas’aasiga ah ee ku xayn daaban saxaafada soomaalida, haddana saxaafadu waa hubka lagu dagaalamo dunida maanta marka laga yimaado dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyada Casriga ah, awoodaha looga bahan yahay suxufiga tayaysan way badan yihiin qoraal kooban iyo maqaal shakhsi qoray lagu soo koobi kari maayo, balse waxaan isku dayi doona inaan wax ka taabto anoon ku xad gudbayn xurguftayda aqooneed ee aan xirfadan u leeyahay Suxufi marka aynu leenahay mar hore waa in uu leeyahay suxufigu aqoon shakhsiyaadeed intaanu ku soo biirin saaxada balaadhan …

Read more 0 Comments
AqriCaafimaadka iyo Sayniska

Wax Kabaro Seeftii Allah Khalid bin WaliidITukesomalism.com

Khaalid Bin Waliid oo noolaa intii u dhexeysey 592-642 waxa uu ahaa Jeneraaladii ugu qiimaha badnaa ee adduunka soomara waxana uu ahaa dadkii ugu geesinasaa ee weligood soo mara Muslimiinta Waxa uu hoggaamiyey ciidamada Muslimiinta xilligii uu noolaa Rasuulku NNKH iyo xilligii Khulafaa’u Raashidiintii Abuubakar iyo Cumar Bin Khaddaab. Waa addoonkii Allah oo aad u wanaagsana Khaalid Bin Al-Waliid oo ah mid ka mid ah Seefaha Allah ayaa xooggiisii ooda kaga qaaday kuwo aan Allah rumaysneen Waxaa hadal sidaas u dhigma laga weriyey Nebi Muxamed [NNKH] oo ay weriyeen Tirmidhi iyo Axmad ayna ka weriyeen Abu Hurayrah rc kuna sugan …

Read more 1 Comment
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaGanacsiga & TeknolojiyadaHorumarka & DeegaankaMaqal & Muuqaal Arrimaha Bulshada

Umada Soomaaliyeed Yey u Bahantahy Maanta IITukesomalism.com

Soomaaliya waxaa badbaadin kara hal qof oo ay ka go’antahay badbaadada Soomaaliya, fahansanna waxa uu doonayo leh na aqoon ku saabsan wax qabadka ummada wax badanna ka og taariikhdii dunida liibaantay ay soo martay iyo taariikhda dunida guuldarraystay ay soo martay. Oo afkiisa ka dhawri kara erayada Caaddifaddu ay sababto ee ummaddiisa itaalka daran u keeni kara natiijo foolxun sida hadalkii Maxkamadihii Islaamigaa ahaa ay ka dhex yidhaahdeen Xamar ee ahaa ‘Addis-Ababa ayaanu ku tukan doonnaa salaadda ciidda!’ leh na awood uu ku xammilo bahdilaadaha ku dhici kara inta uu gaadhayo halka uu rabo dalkiisuna uu yeelanayo awood dhaqaaleed, mid …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Riyadii Wanaagsaneed ee Saxaabigi Saciid BiniZayd IITukesomalism.com

Saciid binu zayd wuxuu ahaa saxaabigii qabay faadumo bintu khaddaab cumar binu khaddaab walaashii Waana saxaabigii sobabta u ahaa inuu cumar islaanimada soo galo. Dagaaladii muslimiintu gali jireen mid ka mida ayuu abbaan-duule ka ahaa markaas ayaanu dhawr cisho seexan Saxaabi ciidanka ka mid ahaa ayaa saciid dhaariyay si uu u seexdo Saciid saxaabigii waa ka ogolaaday wuxuuna seexday teendho loo dhisay. Muddo markuu hurday saciid ayuu bilaabay inuu isla hadlo isaga oo leh wallaahi ma noqonayo wallaahi ma noqonayo Saxaabigii kale oo gaadh ka hayay ayaa u soo galay markaasuu u maleeyay inuu qarwayo daalka darteed Wuxuu ku yidhi waar …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

SAXAABIGII ILLAHAY MAYDKIISA DIFAACAY||Tukesomalism.com

Caasim ibnu Saabit saxaabi la odhan jiray ayaa 3 walaalo ah oo gaala ah dagaalkii badar ku dilay. Gabadh saddexda nin ay walaalo ahaayeen ayaa ballan ku martay in ninkii caasim madixiisa u keena ay siin doonto 100 geela gabdhaheedana mid ay u guurin doonto, madaxa saxaabigana ay khamriga ku cabbi doonto. Rag ka socda labada qabiil ee kala ah alcadal iyo alqaran ayaa Nabiga scw u yimadday markaasay ku yidhaahdeen cid diinta na barta nagu dar 6 nin oo saxaabada ka mida ayuu Nabigu csw ku daray waxa ku jiray caasim ibnu saabit raggii ballankii ayay Nabiga csw kaga …

Read more 0 Comments
Maqal & Muuqaal Arrimaha BulshadaQoyska & Horumarinta Bulshada

SIR DUMAR LAMA SALGAADHO IITUKESOMALISM.COM

Nin aya kaligii sheekeystay waxaa uuna is weydiiyay waa maxay Maah Maahda dhahaysa sir dumar lagama sal gaadho bal kawaran hadii aan ka sal gaadho hadii aan isku dayo toloow maxaan la kulmi doonaa dhamaan su,aalahan ayaa maskaxdiisa ku soo noq noqday waxa uuna guda galay safar dheer isagoo baadhitaan baaxad leh u biyo qaatay si uu uga sal gaadho sirta dummarka ee lagu tilmaamay mid aad u halis badan. Ninkii ayaa isagoo meel baadiya ah lugeyna waxaa uu la kulmay haweenay qurux badan oo ceel joogta waxuuna damcay inuu xoogaa kusoo dhawaado balse wey kasii durugtaa ayadoo ka cabsi …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!