Axmed Yuusuf Xassan

About the Author Axmed Yuusuf Xassan

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan.so. Waa dhaqaalayahan wax ka qora dhaqaalaha, siyaasadda, gorfaynta buuggaagta, arrimaha bulshada iyo cilmilada. Qoraaga ayaa ah shaqsi jecel akhriska iyo qoraalka wuxuu yiri “Waxan jecelahay akhriska qoraalka iyo siyaasada” Si aad ula xariirto qoraaga riix halka hoose ee Facebooga.

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Aqoontu Maxay Soomaalidu u Bedeli Waysay?

Soomaalida iyo aqoontu waa isku marti. Weli si fiican iskumay baran. Mararka qaarna waxaabad is odhanaysaa cadaawad ayaa ka dhaxaysa. In cid u kala sheekaysay oo isku dirtayna waa suurogal. Horta xilliga ay is barteen ayaaba iska dhawayd oo marar badan waxa aad is odhanaysaa malaha wakhti fiican isku may helin oo ay isku bartaan. Somaliland ardaygii u horreeyey ee dugsi la qoro ayaa weli nool. Halkaa ka qiyaas qaado. Waa xilligii Ingiriiska. Dugsigii u horreeyey ee Hargeysa laga furay waxa uu ahaa Fisher School oo hadda loo yaqaan Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Bashiir. Fasalkii u horreeyey waxa la …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Hantida Kheyraad Ee Ku Jirta Insaanka

Halkan waxaaynu ku Eegaynaa Khayraadka bini’aadamka ku jira oo ah awoodooda xag jismi, caafimaad, cilmi iyo caqli.khayraadkaas oo ah kan ugu muhiimsan ee mudan in la maalgashado.Waxaana u qaadaa dhigi doono si la wada fahmi karno. Dadka badankood markii ay maqlaan hanti, isla markiiba waxay u fahmayaan lacag bangi taala, saami shirkadeed, guri, gaari ama wax lamid ah. Dhamaan waxaas oo dhan waa nooc kamida hantida la taaban karo, waayo waxay leeyihiin faa’iido iyo wax-soosaar la mafacsanayo mustaqbalka dhow ama fog. Laakin waxaa jira hanti kale oo aan la taaban karin, hadana wax-soosaar iyo faa’iido badan u leh dhismaha iyo …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Farqiga u Dhaxeeya Wadamada Qaniga ah iyo Kuwa Saboolka ah

Wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi kuma xidhna da’da qarankaasi soo jiray. Taasi waxay daliil muuqda u tahay in wadamada India iyo Egypt kuwaas soo jiray 2000 oo sano ay hadana wali yihiin wadamada saboolka ah. Dhinaca kale Kanada, Australia, iyo New Zealand kuwaas oo 150 sano oo kaliya jiray ay maanta yihiin wadamada ugu qanisan adduunyada ama horumarsan. Sidoo kale farqiga wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi kuma xidhna khayraadka wadankaasi yaala “Available of Natural Resource” Maxa yeelay dhulka Jaban 80% waa buuralay aan ku habboonayn wax soo saarka beeraha laakiin hadana Jaban waa wadamada ugu qanisan …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Maxaa Loolla Jeedaa Kobac Dhaqaalle?

Marka waxqabadka (performance) dhaqaalaha dalka la cabbirayo, waxa ugu horrayntabala xisaabiyaa tacabka ama wax soosaarka dalka idilkiis (Gross Domestic Product – GDP). GDP-gu wuxuu tilmaamaa qiimaha suuqa (market value) ee wadarta tacabka (total production) dalka. Qiimaha suuqa ee dhammaan badeecadda iyo adeegga waddanka gudihiisa lagu soo saaray muddo cayiman waxay ku siinayaan GDP-ga waddanka. GDP-ga ama wadarta tacabka dalka inta badan looma adeegsado is-barbardhigga dhaqaalaha dalalka kala duwan ee adduunka maxaa yeelay dalalku waxay ku kala duwan yihiin tirada muwaadiniinta ku nool. Sidaasi darteed, si dhaqaalaha waddamada la isku barbardhigo, siday u kala horreeyaanna loo ogaado, waa in GDP-ga dalka …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Bangiyada Islaamka: Milicsi Taariikheed

1963-dii ayaa bangigii u horreeyey oo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka laga furay magaalda Mit-Qamar ee dalka Masar. Inkastoo bangigaas markiiba irdaha la isugu dhuftay, arrimo siyaasadeed darteed, haddana, muddadii yarayd ee uu shaqaynayey, sagaalkiisii laamood, waxay soo jiiteen macaamiil sare u dhaafaysa hal milyan oo qof. Chapra (2001) wuxuu tilmaamaa in bangigaas iyo labadii isku day ee ka horreeyey, oo midna laga hirgeliyey dalka Pakistan midna Malaysiya, ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelidda nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka Duminta derbigaas khiyaaliga ah waxaa xigey yagleelidda bangiyo ka baaxad weyn bangigii hore. Bangigii …

Read more 0 Comments
Akhri

Buuggii Maankeyga Ruxay “A DOCTOR IN THE HOUSE”

Waa buugii ugala yaabka iyo tusaalaynta badnaa intaan ku jiray wax ka ogaanshaha taariikha dhan dhaqaale iyo mid bulsheed ee umadi gaadho si ay cibro iyo hore u socod igu noqoto. Dadaaladii iyo Mahdhooyinkii uu reebay Dr Mahadir Mohamed Raysal wasaaraha mar labaad ku soo laabtay Malaysia intaan taariikh iyo ashqaas badalayey umadooda baadhyay Dr. Mahdir Mohamed waa hoggaamiyihii aadka u qabsaday maankayga. Hal ku dhigga DR. Mahadir Maxamed dhextaalka u ahaa hawl qabadkiisu waxa uu ahaa hufnaan, hawlkarnimo iyo aaminaad. Horumarka iyo badhaadhaha ay bulsho gaadho ee mahadhada reeba, waxa jirta cid ku suntan oo calanka u sidda. Ciddaasi …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaqaalaha Somaliland Miyuu Kobcay 10-kii Sano ee Aynu Soo Dhaafnay Mise Hoos Buu u Dhacay?

Dad badan ayaa ku warma arrinta, bal aan isku dayo inaan si kooban uga hadlo dhaqaalaha Somaliland 10kii sano ee aynu soo dhaafnay (2009- 2019). Koboca dhaqaalaha (economic growth) waxa lagu ogaadaa dhawr arrimood: 1.Wax iibsiga macmiisha 2. Adeegyada bulshada 3. Shaqo abuurka 4. Miisaaniyada 5. Maalgashiga Iwm Dhaqaalaheenu waa mid inagu kooban inaga oo aan waafaqsanayn qaar ka mid farsamooyinka caalamka lagu ogaado koboca dhaqaalaha. Tusaale, ma jirto xogo sheegaya awooda wax iibsiga macmiisha (consumer spending). Sidoo kale ma jirto xogo rasmi ah oo qeexaya dakhliga iyo wax soo saarka dalka (GDP and per capita output). Mida kale ma …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dadka

Halkan waxaaynu ku eegaynaa khayraadka bini’aadamka ku jira oo ah awoodooda xag jismi, caafimaad, cilmi iyo caqli. Khayraadkaas oo ah kan ugu muhiimsan ee mudan in la maalgashado. Waxaana u qaadaa dhigi doono si la wada fahmi karno. Dadka badankood markii ay maqlaan hanti, isla markiiba waxay u fahmayaan lacag bangi taala, saami shirkadeed, guri, gaari ama wax lamid ah. Dhamaan waxaas oo dhan waa nooc kamida hantida la taaban karo, waayo waxay leeyihiin faa’iido iyo wax-soosaar la mafacsanayo mustaqbalka dhow ama fog. Laakin waxaa jira hanti kale oo aan la taaban karin, hadana wax-soosaar iyo faa’iido badan u leh …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa Maxay Dhaqaaluhu? – Dhaqaaluhu Waa Maado Fac wayn oo soo Bilabantay waqtiyo Hore

Dhaqaaluhu waa cilmiga aan ku baranno sida loo maamulo khayraadka yar ee aan haysanno si aan u daboolno baahiyaha aan xadka lahayn ee aan leenahay. Dhaqaalayahankuna ma ahan bakhayl ee waa xeeldheere aqoonyahan ah kaasoo si maangal ah u maamusha tacabka yar ee uu haysto. Dhaqaaluhu waa maaddo kamid ah maaddooyinka ugu qaalisa ee dunidaan lagu barto. Dad badan ayaa markay maqlaan magaca “Dhaqaalaha” aan si mug leh u fahmin sababta loo barto maaddadaan? Dadka dhaqaalaha barta waxaa jira oraah ay isticmaalaan oo dhahda “Economists always disagree” taasoo micnaheedu yahay in haddii aad su’aal waydiiso koox dhaqaaloyahaniin ah midkasta wuxuu …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaqaalaha iyo Argagisada

Soddonkii sanno ee u dambeeyey dunidu waxa ay wajahaysey halista argagixisooyinka, horumarka tignoolajiyadda waxaa la kordhiyey khasaaraha weerrarada argagixisooyinka, laakiin sooyaalka ururrada argagixisadu way ka durugsan tahay xilligaas. Ururkii ugu horreeyey ee argagixisinimo loo aqoonsan yahay waxa uu ahaa dagaalyahannadii Yuhuudda ee iska caabbinta kula jiray Boqortooyadii Roomanka (AD 66 –70) ee “Zealots of Judea”. Ururkaas ayaa isu beddelay argagixiso iyaga oo wata magaca Sicarii oo la micno ah “dagger men” “raggii toorreyda”. Ereyga “terrorism” oo asalkiisu Latin yahay oo la micno ah argagixin ama baqdin gelin waxaa markii ugu horraysey la adeegsaday sannadihii 1793-1794 ee xilligii “Reign of Terror” …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!