Abshiro Axmed Cabdi

About the Author Abshiro Axmed Cabdi

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waxay aqoon u gaar ah u leedahay kuliyada kalkaaliso-nimada iyo umuliso-nimada. Qoraagga ayaa aad u jecel inay wax ka qorto cilmiga hooyada iyo dhalaanka, cilmiga nafaqada waxay tiri “Sababta aan u doortay Cilmiga Nafaqada ama cuntada ayaa ah dadka Sooomaaliyeed badan koodu ma ogo cuntada ay cunayaan faa’idadeeda iyo faa’ido daradeeda waan tan sababtay in dad badan inla jiifiyo isbitaaladda tusaalle dadka qabo Dhiig karka ama Sokorta. Waxaan rajaynayaa in aan soosaaro warbixino badan oo kahadlayo.”

Aqoon Guud

Sidee Qofku Ku Noqdaa Mid Baqli Badan

1– Qodobka ugu muhiimsan ee caaqil lagu noqdo waa awoodda lagu sawirayo iyo qorshaha mustaqbalka, sidaas darteed tani waxay dadka ka caawisaa in ay fahamto waxyaabaha iyo dhibaatooyinka mustaqbalka ku dhici kara, sidoo kale wuxuu furfuri doonaa adduunka oo dhan, Einstein wuxuu yiri mid ka mid ah taariikhda: (Imtixaanku wuxuu ka muhiimsan yahay aqoonta; Aqoontu waxay ku kooban tahay waxa aan ognahay hadda iyo waxa aan fahmeyno, halka runtu ay ka kooban tahay adduunka oo dhan, iyo wax kasta oo la garanayo ama la fahmi doono weligiis. 2- Aqoon kororsi: Aqoontu waxay leedahay door muhiim ah oo kor u qaadeysa …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Cuntooyinka Qofka Gaaska Qabo

Cudurka Gaaska ‘Gastritis’ waa magaca ugu weyn ee loo isticmaalo xaalad kasta oo ku lug leh caloosha. Cudurka ‘Gastritis’ wuxuu noqon karaa mid deg deg ah (wuxuu u dhacayaa si lama filaan ah) ama muddo dheer (wuxuu dhacaa wakhti dheere ka dib). Waxaa jira cuduro kala geddisan oo caloosha ku dhaca. Waxaan sababo waxyaalo kaladuwan. Dadka Soomaaliyeed badan koodu waxay ka cabtaan cudurka gaaska. Gaaska waxa uu ka mid yahay cudurada caloosha. Waxuun ka yimaadaa Acidka caloosha oo lasoo daayo qofkoo bahan. Taasi oo sabab u noqtay in xuubka caloosha booga yeeshto. Helicobacter pylori (H. pylori). H. pylori waa bakteeriyada …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Sidee Harganka Ilmaha Looga Daaweeyaa?

Dhallaanku waxay yeeshaan caabuq ku dhaca marinka neefsashada, cunaha, sanka iyo afka. Waxay sidoo kale kudhaco hargab kaasa oo wato qufac joogto ah iyo hindhiso. Tani waxay ka dhigeysaa habka neefsashada mid adag taas oo nuugistu ku adkaan karto cuniga. Hargabku waa cudur aan khatar ahayn oo faafa oo caadi ah, gaar ahaan xilliga qaboobaha. Waxaan wax badan ka baran doonnaa sababaha hargabka carruurta yar yar iyo siyaabaha looga hortago loona daweeyo. Calaamadaha hargabka Qandho badan. Qufac iyo hindhisi joogto ah. Diif badan. Indhaha oo gaduuto. Codkiisa oo isbadalo. Oohin ama cabasho badan. Hurdo la’aan. Siyaabaha looga ilaaliyo dhallaanka hargabka. …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Qaabka Ugu wanaagsan ee ilmaha loo seexiyo?

Hooyo kastaa waxay soo marta mudado ay ku xanuunsaneyso ku dhibtooneyso hurdada cunga.gaar ahaan hadii ay tahay cunuggeeda koowaad, maadama aysan ogeyn goorta cunuggu rabo inuu seexdo iyo goorta uu soo kacayo. Qaabka ilmuhu u seexdo: Jiifka ilmaha In kasta oo muhiimad gaara ah leedahay ogaanshaha dariiqa saxda ah ee loo seexiyo cuniga. Jiifka caloosha: Akademiyada Mareykanka ee Dhallaanka ayaa diidey ilmaha u seexdo caloosha, sababtuna tahay waxaa suurto gal ah inuu ilmuhu joojiyo neefsashada inta laguda jiro hurdada. Saacadaha uu soo kacaya, cunugga waxaa lagu fidin karaa calooshiisa muddo gaaban waana in waalidiinta la kormeeraa wakhtigaas. Jiifka dhabarka: Hooyooyinka …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Cuntooyinka Lasiiyo Ilmaha 6 bilood jirka ah?

  Ilmuhu Marka ay lix bilood gaaraan. hooyada waxaa laga rabaa in ay u bilowdo cuntooyinka nuucyadooda kala duwan. Waa in loo diyaarsho cuntooyin kala dugan oo nafaqo leh suu cunigu u noqdo mid jirkiiso iyo maskaxdiisaba kobacdo. Habka loo diyaariyo cuntooyin nafaqo leh. 1. Ukari baradho: Markay jilicdana u burburi. Kadibna afka umar mari intuu ka baranayo oo kala qabsanayo cuntada. 2. Karootada iyo tufaaxa: Karootada iyo tufaaxu waxay kamid yihiin khudaarta faa’idadeeda aan la soo koobi karin wax tar fiicana uleh cuniga. Tufaax iyo karooto la shiiday waxaa cuniga uga dhigi kartaa qado. Kuna siinayo qaando. 3. Bariis …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Sidee Cuniga Aragtidiisa u Kobacdaa?

  Aragtida cuniga waxay bilaabataa marki uu dhasho, laakiin uma arki karo waxyaabaha dhan si cad, ilmuhu tartiib tartiib ayuu wax u arkaa ilaa sanadka ugu horreeya ee nolosha. markii uu noqdo hal sano jir wuxuu arki karaa aduunka sida aan u aragno. Ilmuhu waxuu arkaa in uu si cad u arko inuu kori doono, tusaale ahaan Awooda cunuga inuu noqdo mid fadhiisto, gurguurto, iyo lugahiisa ku socdo wuxuu ka dhigayaa maskaxdiisa mid firfircoon maxaa yeelay wuxuu helay macluumaad aad u fara badan. Maqaalkan waxaan ku eegi doonaa sida aragtida cunugga u kobocdo dhalashada ilaa uu gaaro hal sano jir. …

Read more 1 Comment
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Baro Muhiimada Quraacda – 7 Faa’ido ee Quraacda Leedahay

  Dadka badankoodu ma jeclo quraacada maxa yeelay ma oga faa’idada ay leedahay cuntada subuxii la cuno. Quraacdu waa cuntada ugu muhiimsan ee qofku qaato maalintii. Quraacdu waxay muhiim u tahay jirka iyo maskaxda. Nafaqada quraacda ku jirto waxay qofka ka caawinee in uu jirkiisa qurxoonaado caafimaadkiisana saxmo ama joogto ahaado. Quraacadu waxay yareysaa dhibaatada caafimaada ee qofka soo gaari lahayda.   7 Faa’ido ee quraacda leedahay: 1. Quraacdu waxaa kor u qaadaa dheef-shiid kiimikaadka caloosha. 2. Quraacda waxay saxdaa ama joogtaysaa heerka sonkorta jirka. 3. Nafaqada iyo caafimaadka quraacada waxay yareeyaan dhibaatada caafimaad. 4. Quraacadu waxay kaa caawinee in …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Nadaafadda Afka

Nadaafadda afka iyo booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha ayaa kaa caawin karto inaad ilaaliso ilkaha iyo ciridka caafimaadka. Waa kuwan tabaha kaa caawinaya inaad ilkahaaga daryeesho. Cadayee ugu yaraan laba jeer maalintii. Waqtiga ugu fiican ee la cadayeeyo ilkaha waa cuntada kadib. Xulo caday burush ah oo leh madax yar si aad si fiican u nadiifis ilkaha dhexdooda. Adeegso daawada cadayga. Fluoride waxay ka caawineysaa adkeynta dhaldhalaalka ilkaha waxayna yareysaa halista bakteriyada ilkaha. Si fiican u cadayee. Cadeyga ilkuha waa in uu qaataa inta u dhexeysa labo iyo saddex daqiiqo ugu yaraan. Maalin kasta ilkahaaga fandhacil( . Adigoo adeeg …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Siddee Miisaanka Loo Dhimaa?

  Ha ka tagin quraacda ka tegida quraacda kaa caawin mayso inaad miisaan lumiso. Laakiin waxaad waayi kartaa nafaqooyinka lagama maarmaanka ah. Quraacda hadii aad katagtid waxaad noqoni tamar la’aan iyo tabardaro waxaan ku qabaneso gaajo.gaajada waxay kugu qasbaysaa in aada wax badan cuntid. Wakhtiga Cuntada. Hadaa rabtid aad dooneyso inaad yareyso miisaanka jirka waa in aad maareysid waqtiga cuntada. Hadii aad qadan jirtay sadex wakhti ah: Quraac: waa mid laga maar maan u ah maskaxda iyo jirkaba waxaan ka helee kartaa tamar aad ku shaqeysid. Qado: waa in aada caadi u qaadatid si uu kugu xoog sado shaqada jirka …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Xanuunka Caaddada – Qaabkee Loo Daaweyn Karaa?

Xanuunka uu keeno dhiigga caadaada waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu ku faafi karaa dhabarka iyo lugaha. Xanuunka caadada waxuu ka dhici karaa minka asagoo noqonkaro mid caadi ah iyo mid aan caadi ahayna oo cudur sababay. Xanuunada ugu badan ee ku dhaco dumarka waa Pelvic inflammatory disease (cudurka caabuqa miskaha) kaas oo qaldo caadada. Waxaa lagu sheegaa in uu yahay cudur ka kooban infakshan kasto oo ku dhaco miskaha ayaa la isku dhahaa (Pelvic inflammatory disease) waxaa loo soo gaabiyaa PID. Waan infakshan ka bilowdo minka afkiisa ilaa uu gaaro ilmo galeenka kadibna sameeyo wakhtigacaadada …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!