Tiifowga  waxaa sababo bakteeriyo ilma aragta ah loona yaqaano salmoneela teeyfood  (salmonella tyhiod). Bakteriyadan waxaa laga helaa jikada cuntada lagu kariyo, waxay kaloo ku badan tahay cuntada  qoyan  haddaan lagu kaydiyo meelaha heer kulkooda  hooseeyo.

Tiifowga waa xanuun nolosha galin karo xaalad adag mararka qaar, waana cudur halis ah kuna faafa cuntada iyo cabitaanka  ay bakteeriyada  gaartay.

Calaamadaha Qofka Lagu Garto:

–       Qandho daran

–       Madax xanuun

–       Daciifnimo inuu  qofka dareemo

–       Omateetka  oo qofka ka lumo

–       Saxarada  oo ku dhagta qofka , dadka qaar ayaa lagu arkaa calamadaan

–       Shuban ayaa lagu arki  karaa qaar ka mid  ah dadka.

–       Matag

–       Lalabo

–       Wadno garaaca oo yaraado

–       Qarow

 

Sidee Ku Daawaan  karnaa Tiifowga?

–       In la siiyo daawoyin fuuq celin

–       Xanuun baabiyaal  ina la siiyo

–       Qalijiyaal in la siiyo qofka

 

Sidee Oga Hor Tagi Karnaa  Tiifowga?

–       Talalka tiifowga ina la qaato

–       Inaa ku dadaalno nadaafda gacmaha

–       Inaa ku dadaalno nadaafda  cuntada  iyo kushiinka

–       Cunatada qofka karinaayo waa in laga baaraa tiigow si uu dadka kale ugu gudbin

 

Caawaqibaha Ka Dhalan Kara  Tiigowga Hadii aan la daaweeyn:

–       Kooma inuu galo qofka

–       Dhiig inuu qofka matago

–       Caabuq inuu ku dhaco xuubka caloosha

–       Maqaarka  qofka inuu noqdo mid cad (pale      skin)

–       Neefsashada qofka inay ku adkaato

–       Wadna garaaca inuu noqda mid an hal meel joogin (irregular heart beat)

–       Saxarada qofka oo madow noqota

Facebook Comments