Dhulka illaahay fidiyey, waxaa ku kala nool, noolayaal aan is ogayn; inta isku raas ka ah maahane. Nafleyga dunidaan haraysay ayaa loo qaybiyaa mid caqli leh iyo mid aan caqli lahayn hase ahaatee farac kasta oo nool, waxaa badala, farac kale oo maan-fahan ku dheereran yahay iyo waayo aragnimo ka dhaxla, si nolosho ugusii dhadhanto.

Hadaba waxaa jeclaystay, inaan qalinka saaro, waxna  ka qoro, boqortooyo dunidaan kunool oo nolosheenu ku tiirsan tahay, boqortooyadaas oo aan la wada ogayn.

Hal qasri oo qara wayn, aadna u balaaran, kana kooban qaybo badan, qasrigaan ayaa loo diyaariyey si aad u firfircoon; qasrigaan ayaa leh hal albaab oo laga soo galo, markaad gudaha gashid, waxaad arkeysaa qayb qasriga ka mid oo kala qoqoban, looguna tala galay in lagu koriyo dhallaanka bulshadaan, markaad horay usii socotid.

Waxaad arkeysaa qolka boqorada deggan tahay, qolkaas waxaa ku xeeran shaqaale waardiyayaal ah, markaad horay tilaabo uqaadid, waxaad la kulmaysaa qayb qasriga kamid oo lagu keydiyo cunno dhallaanka lagu koriyo, hadii aad geesaha fiirisid, waxaad arkeysaa shaqaalaha khaas oo u tababaran quudinta boqoradda iyo seygeeda, haddii aad wali horey usii socotid qasrigaan ma’ahan mid aad ka dhamaanaysid, waxay indhahaagu qabanayaan cunooyin loogu tala galay in waqti dheer la isticmaalo, intii larabo ayadoo lagu darayo dareero dhaliil tiran oo ka ilaalinaya cunnada inay isbadasho abid.

Toobiyaha markaad sii raacdo, waxaad tagaysaa warshad dhan oo cunnada lagu sameeyo, iyo dawooyin, cunadaas caalamka baa loo kala dhoofshaa si dedban, intaas aad dhex marayso qasriga, waxaa Ku dhinac marayo shaqaale kalkaaliyaal ah oo u carbisan shaqadooda, qofkasta shaqadiisa buu wataa, gabi haanba talada iyo maamulka qasrigaan waxuu kasoo go’aa boqorad dhadig ah oo aad u qurux badan, una eg ubax jaalle ah, way ka qurux badan tahay shacabka meeshaan kunool, waa qof dhuuban oo aan loogu talo galin shaqo iyo dhib toona, waxay cuntaa cunno boqortooyo oo shaqaale khaas ah ukeenaan.

Markaan faahfaahiyo, shacabka meesha kunool tiro ahaan hadii ladhaho, waxaa dhici karta inay ka badan yihiin bulshooyinka kunool wadamada caalamka laga aqoon San yahay qaar ka mid ah.

Bulshadaan waxay ubadan yihiin dhadig, Labka jooga wuu yar yahay, dhallaanka illaa uu ka gaarayo labaatan jir, waxaa lagu koriyaa qayb qasriga kamid waliba si heer sare ah. Afar heer baa lookala koriyaa, markey qaan-gaaraan waxaa loo carbiyaa shaqada si ay ubadalaan shaqaalaha gaboobay, boqoradda ayaa ah hooyada dhammaan dhallaanka meesha kunool, marka laga tago dhallaanka iyo labka fara ku tiriska ah, bulshada inta kale waa shaqaale dhadig ah, shaqaalaha ayaa leh unug unug yo iyo guutooyin ku kala jiro hawlgallo.

Shaqaalaha qasriga ayaa u qaybsan dhowr, qayb waxay qaabilsan tahay difaaca qasriga, qaybna diyaarinta iyo raadinta cuntada ceeriin ee warshada, qaybna tarbiyeyta iyo quudinta dhallaanka qasrigaan mucjisada ah Ku dhex nool, qaybna waa Kalkaaliyayaal u adeega boqorada, qaybna waa qayb Ku xeeran boqoradda oo amarka kasoo baxa una gudbiya dhammaan qoyska Ku nool qasrigaan. Shaqaalaha qayb ayaa qaabilsan inay durbaan iyo hoon uyeeriyaan shaqaalaha dibadda Ku maqan maadaama qasrigaan wax rasto aha ama waddo soo gallin.

…………… La soco Qaybtii 2aad

Facebook Comments