Kaadida muuqaalkeeda waxa laga rabaa in ay noqoto mid layska dhex arki karo oo aan laheyn wax humaag ah ama mugdi aan ku jirin, kaadida marka ay mudo dheer taalo waxa is badal ku dhacaayo muuqaalkeeda.

Muuqaalka saxda ah ee kaadida waxa la arki karaa marka ay fareesh tahay waxa jira waxyaabo saamayn kara iyada oo fareesh ah kaadida, iyadoo fareesh ah haddii lagu arako humaag waxa ay kuu caddayneysaa in uu jiro (UTI), xanuun ku dhaca hab dhiska kaadi mareenka waxa kale oo ku jiri kara kaadidaas

WBC, Pus cells ,RBCs, Yeast cells, Bacteria, Fat droples, Mucus iyo Epithelial cells.

Dhammaan waxyaabahaan aan soo sheegnay waxaad ku ogaan kartaa markaad isticmaasho micrsoscope-ka waa marka aad ku fiiriso kaadida qalabka microscope-ka.

Microscope-ka waa qalab loo adeegsado in lagu arko noolaha isha aan qaban Karin oo sababa cuduro dadka dhibaato u keena. Kaadida hadday noqoto midabkeeda mid gaduud ah ama pink oo kale qofkaas waxyaabaha looga shakin karo in uu qabo waxa kamid ah in ay buro uga taalo qaybta kaadi haysta (bladder) kelliyaha iyo sidoo kale (bilharzias) waa kaadida oo dhiig lagu arko waxa sababa noole loo yaqaano schistosoma, waxa kale oo keeni karaa daawooyin qaar in uu qofka isticmaalo.

Haddii ay kaadida noqoto midab jaalle casaan xigeen ah (light oronge) taasi waxa ay astaan u tahay qofkaas in uu yahay (dehydration) fuuqbax waxa kaloo jirikara in uu dhibaato ka qabo beerka ama tubbooyinka xammeetida soo qaada (bile ducts).

Bile ducts: waa tubbo beerka ka soo qaada dheecaanka dacarta xammeetada waxaa beerka ka soo dhuuqa tubbooyin aad u yar yar kuwaas oo kuwada kulma hal tubbo oo dheecaanka xammeetada ku shuba mindhiciirka yar.

Kaadida marka ay noqoto Jaalle tiq ah waxa ay tilmaamaysaa qofkaas in uu yahay qof aad u fuuq baxay waxa kaloo keeni kara daawooyin qaar.

Fikirkaada Waa Muhiim