Noloshu waa mid saamayn ku leh bini-aadamka, mid waa lagu ciriirshaa midna waa loo waasiciyaa. Dad badan oo dunida kunooli waxay uqabaan in dadka oo dhani dhereg u dhintaan oo aysan jirin gaajo iyo faqritoona. Hadda ka hor waxaa dhacday in gabar uu dhalay madaxweyne ka mid ahaa madaxdii soomaray dalka maraykanka ayaa laga dhaadhicin waayay waxaa jira faqri iyo gaajo. Sida aan ka dareemayno sheekadaa dadku Alle ma simin oo waxaa la yahay shanta farood oo kale. Mid waa taajir oo waxa uu haystaa maal uu sidii uu doono ugu tamashlayn karo, siddii uu doonana ka yeela. Waxaa jira ruux aanba helin quutal daruuriga iskadaaye in uu helo maal farabadan iyo in uu saddexda waqti quuto quut dhamaystiran.

Oday ayaa wiilkiisa yiri aabbe ina keen waan baxaynaa maanta markaas ayuu ku dhahay aabbe xagee aadaynaa? Waxa uu ku yiri waxaan rabnaa in aan aragno gaajada waxay tahay iyo hoy la’aanta iyo farqiga udhexeeya?

Wiilkii ayaa yiri aabbe ma gaajaa jirta haa waa ay jirtaa inakeen aan ku sootusee?. Wiilkii iyo odaygii waa israaceen waxaa la socday socdaal aad u dheer. Waxaa ka dhammaatay sahaydii ay haysteen oo dhan waxaa helay gaajo iyo haraad, waxaana isku dhegay dhebxanagi, calyadii ayaa ka soo fuqi wayday. Markaas ayuu wiilkii dhahay aabbe xagee noo wadaa gaajoonaye, haraadna waa noo dheeraaday? Odaygii ayaa wiilkii eegay oo dhahay aabbe waxaan rabnaa in aan aragno gaajo waxay tahay markaas ayuu wiilkii dhahay aabbe dhimanaye ma gaajaa noo hartay?

Markaas ayuu dhahay aabbe haa gaajo ma aadan arag iyo faqri toona ilaa aad ku noolaato nolol ciriiri ah, oo waydo saddexda waqti wax aad quudato. Markaas ayuu dhahay aabbe taasi waa dhib ee   inakadaa dhimanaye anagaaba la’ saddex waqti wax aan quudano. Gaajana bartay iyo haraad in ay jiraan. Odaygii ayaa yiri xikmadaan kooban, dad waxaa ugu nasiib badan ruuxii leh

A). Qalbi wax og

B). Jir sabra

C). Iyo in uu ku qanco waxa gacantiisa ku jira

Taas waxaan ka fahmaynaa in nolosha oo loosabraa ay tahay mid wanaagsan sababtoo ah waxaa Alle qur’aankiisa ku yiri “Ruuxa Ilaahay ka baqa ee sabra Ilaahay ma lumiyo ajirka dadka wanaagsan”. Sabarku waa shey qaaliya oo aan la heli karin. Nebi Ibraahim calayhi salaam waa tii uulahaa markii la yiri wiilkaagii Yuusuf diib baa cunay. Waa tii uu yiri “Waan sabrayaa sabir qurux badan”. Haddaba waxaan ka fahmaynaa in saburku yahay shey qaaliya oo aan la dhayal san karin. Xasanul Basri wuxuu yiri:

A). Qofkii aan edeb lahayni cilmi ma leh

B). Ruuxa aan samir lahayni diin ma leh

C). Ruuxa aan xalaal quute ahayni wax la dhawaysto ma leh.

Waxaan ka fahmaynaa xikmadaa kooban in samirku yahay udub dhexaadka nolosha waayo (Ruuxaan samrin sadkiis ma helo), ayay soomaalidu dhahdaa. Waa in aad u adkaysataa nolosha dhibkeeda, samir tan ugu quruxda badan kii uu samray Nebi Ibraahim calayhi salaam. Qof walbaa in uusan hilmaamin in aan lagu waarayn dunidaan oo qof walba uu ku yahay marti, kana tagidoono isagoo aan haysan bar adduunyo. Waa tii uu lahaa Xaatim Al Asam: Maalinkasta oo isoo marta sheydaanku wuxuu idhahaa Maxaad cuntaa? Maxaad lebbisataa? Xaggaad dagin?

Wuxuu yiri waxaan ku iraahdaa

A). Waxaan cunaa geeri

B). Waxaan lebbistaa kafan

C). Waxaan degin qabri.

Waxaan ka faa’idaynaa xikmadaa kooban in halganka noloshu tahay mid sahay qaadasho aakhiro aysan ahayn mid lagu daa’imaayo adduunyo sababtoo ah waa tii la yiri: Afar shey afar kuguma simaan.

A). Hantidu taajirnimo kuguma siihayso

B). Xinnaysino shaabnimo kuguma sii hayso

C). Daawona caafimaad kugu ma siihayso

D). Nololina sii jirid kuguma sii hayso

Waxaad eegtaan gabaygaan ay ka buuxdo xikmado iyo waano qaadasho waana gabay wacdi ah. Waxaana gabaygaan la dhahaa Haddii Dunida Lagu Waarayo. Abwaanka waxaa la dhahaa Yuusuf Cabdulle Muuse, waxa uu arkay in uu noqday sheyb. Waxa uu go’aansaday in uu dadka raad kaga tago lana dardaarmo. Wuxuuna dadka kala siidardaarmayay waxyaalo nolosha ku saabsan ee dunida la xiriira. Wuxuuna Yiri:

  1. Haddii dunida lagu waarayooy daayin noqoneyso
  2. Waxaan laga dileen Nebiyadii laysu soo diraye
  3. Asxaabihii baan degeen daahirka ahaaye
  4. Faadumo iyo dirkeedii ayaan dumug yiraah deene
  5. Daahaa ku noolaan lahaa deleg yadoodiiye
  6. Anse waxaan daliishaday inaan laga dambeyneyne
  7. Dowliilka uun baan arkiyo diray arwaaxdiiye
  8. Durdurkii makaad iyo xajkaan daalib leeyahaye
  9. Deeblahabkaan geela iyo ariga waa dalaal marane
  10. Daaraha la weegaarayaa waa adduun dumaye
  11. Udadaala diintiyo waqtiga daacadna ahaada
  12. Cabdalaha dushiisiyo ayuu deyro kale sheegan
  13. Darkii odayadii hore xidheen dawgu yuu gonin
  14. Doqon xaajo waa kaa dilaa dibadaba u tuura
  15. Shisheeyuhu hadduu idin danqaro dogob u nooleeya
  16. Rag idaaya kaama tagee dab u fagaareeya
  17. Meeshii daleelaa musaka bahalku doontaaye
  18. Duldhabaha waxa loo saarayaa yaan dugaag marine
  19. Is dugsada walaal kala durkaa dagan dharaartaase
  20. Anna dulka aan celinayiyo daadka aan moose
  21. Dal shisheeye waagaan tagee idinka duukeeyo
  22. Amase mowdku igu soo dagee dabaqa laysaaro
  23. Dadabtiyo aloolkaan ahaa dib u shalaantooda.

Gabaygaan waxaan ka fahmaynaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin in aan lagu daa’imayn “Lagu waarayn” dunidaan qof walbaana uu ka tagaayo dharaar cad ama habeen madow. Sidoo kalena waxaan ka fahmaynaa in aan lays raacin dunida aysanna wax natarayn geel iyo ari farabadan toona. Dhalinyarnimadeenana ka faa’idaysano intaynaan duqoobin ka hor. Sidoo kalena waxaa uu ina tusaalaynayaa abwaanku in aan iska celino shisheeyaha ku sooduula dalkeena iyo diinteena una muujino dhabar adayg iyo naxariis la’aan si ay inooga baqaan. Ilaahay subxaana watacaalaa wuxuu yiri ( Waxaad ku dhahdaa Nebi Allow camal sameeya Alle wuu idin arkayaa camalkiina). Aayadan Ilaahay wuxuu inagu boorinayaa shaqada, marka aad camal la timaado ayaad wax heshaa, markaasaad naftaada raali ka noqotaa. Maxaa yeelay waxaad sugaysaa jiritaankaaga, sugida jiritaankaaga, naftaaduna waxay ka mid tahay sugida shaqsiyadaada, waxaad arki qadarinta naftaada oo kor u kacday iyo adiga oo naftaada raali ka noqday, oo waxbadan xaqiijiyay, markaasay kalsoonida naftaada aad ku qabtaana kor u kacdaa.

Haddii Alle inagu booriyay waa in aan nafta barnaa shaqada lana nimaanaa waxkasta oo Alle ina faray una shaqaysanaa Adduun iyo aakhiro si aan liibaanteen adduunyo iyo teena danbe ugu liibaano. Waxaa lagarabaa qofkii doonaya in uu ku noolaado nolol uu raali ku yahay in uu sabro, jihaadna ugalo nolosha iyo guusha waana tan dhabta ah oo laga rabo qofka doonaya in uu ku noolaado nolol sare. Waa in aad go’aan qaadataa lana timaado dadaal waxaa hubaal ah in aad gaarayso meesha aad usocoto waase haddii aadan ka istaagin halganka nolosha. Waa in aad ahaataa mid yididiilo leh iyo aragti fog iyadaa lagu gaaraa nolosha dhabta ah.

Guushu waa mid aan sahlanayn loona maro wado adag. Guul daraduna waxaa loo maraa wado fudud waayo waa mid aan ku dhisnayn karti, rabitaan iyo awood. Haddii lagaa helo awood iyo rabitaan xaqiidii waxaad ugudbaysaa waddada ugu fiican ee loo maro guusha. Dhulka Ilaahay inaga ayuu inoo abuuray, wuxuuna ina amray inaan ku dul socono, oo aan ku dul dhaqaaqno oo aan dushiisa qorshe ku samaysano, go’aankana kuqaadano, si aan wax u samaysano una fulino oo aan sifiican unoolaano.

Alle wuxuu inoo sakhiray dhulka iyo cirka iyo waxa ku dulnool waa in aan ka faa’idaysanaa fursadaa uu Alle ina siiyay anagoon dayacayn jaaniskaa iyo cilmiga uu Alle inaku galadaystay. Abuu Cabaas C/laahi bin Cabaas Alle raali haka noqdee wuxuu yiri: Waxaan maalin raacay Nebiga “NNKH”, wuxuuna igu yiri ” Hoy wiilow waxaan ku barayaa kalimaad, ‘Alle xifdi’ (qaado amarkiisa) wuu ku xifdinayaaye, Alle xifdi hortaada ayaad ka heliye, haddii aad wax su’aalanayso Alle weydiiso, ogow haddii ummaddu u kulanto inay shay kugu anfacaan kuguma anficikaraan, wax Alle kuu qoray maahane, hadday u kulmaan inay shay kugu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Alle kuu qoray maahane, qalinkii waa laga qaaday waraaqihiina way qalaleen.

Ruwaayo kale ayaa aheyd, Alle xifdi waxaad ka heli hortaada, Alle xus xilliga barwaaqada wuxuu ku xusayaa xilliga dhibaatada, ogow wixii ku gefa ma’ahayn inay ku asiibi lahaayeen, wixii ku asiibana ma’ahayn inay ku gefi lahaayeen. Ogow gargaarku waa sabarka agtiisa, farajkuna waa kurbada agteeda, culayskana waa fudueydka agtiisa”. (Muslim baa weriyay).

Xadiiskaan waxaan ka fahmaynaa in talaabo kasta oo aad uqaadayso noloshaada aad Alle talo saarato isagana aaminto si aad ugaadho barwaaqo iyo liibaan uu Alle raali ka yahay adna aad u hesho nolosha macaankeeda iyo in uu Alle kuu fududeeyo halganka aad ugu jirto naftaada in aad raali galiso.

Fikirkaada Waa Muhiim