Beeraha wax soo saarkooda waxaa kamid ah, sida beerida kalluunka, xayawaanka iyo xoolaha, iyo sidoo kale qoryaha, saliidda iyo macdanta qodista ee soo saara khayraadka dabiiciga ah iyo walxo cayriin ah sida geedaha, batroolka, gaaska dabiiciga ah, dhirta, iyo macdanta.

Ganacsiga adeegyada maaliyadeed waxaa ka mid ah bangiyada, shirkadaha arimaha dhaqaalaha, ururada deyn bixiyayaasha ama ceymis, kaararka deynta, shirkadaha caymiska, hantida iyo shirkadaha maalgashiga sida shirkadaha hantida gaarka ah, , maalgashiga hantida maguurtada, iyo , is-weydaarsiga badeecadaha, iyo shirkadaha kale ee keena faa’iidada iyada oo loo marayo maal-galinta iyo maareynta lafaha iyo faaida la maal geliyay.

Shirkadaha isboortiga iyo wakaaladaha warbaahineed waxay abuuraan faa’iido laga helo iibka hantida garaadka. Waxay ka mid yihiin studios iyo dhismayaasha wax soo saarka, shirkadaha warbaahinta ee sida warbaahinta telefishanka, wakaaladaha warbaahinta dijital ah, hay’adaha tayada, warbaahinta , wargeysyada, buugaagta iyo jaraa’idka daabacaadda.

Warshadaha ayaa ah kuwa leh wax soo saar balaaran oo qeyb mug weyn leh ka qaata ganacsiga dunida ka jira imika warshadeynta waxay soo saaraan alaabooyin, ha ahaadaan alaabo ceeriin ah ama qaybo ka mid ah walxaha bisil warsjadaha wax soo saarkooda waxay bilaabaan dhoofinta alaabta la dhammeeyey soo saarideeda faa’idada Waxaana ka mid ah alaabada la taaban karo sida baabuurta, basaska, qalabka caafimaadka, muraayadda, ama diyaarada kuwaas oo laga sameeyay walxo la isku gee geeyay oo ay u badan tahay in dhowr shirkad ay iska kaashadeen sidii loo soo saari lahaa.

Ganacsatada hantida maguurtada ah leh waxay iibiyaan, maalgashadaan, dhisaan oo horumariyaan guryaha, oo ay isugu jiro dhul, hoy, iyo dhismooyin kale.

Sida Dukaamo, jumlo iyo tafaariiq, kuwa wax iibiya waxay u dhaqmaan hab u gaar ah oo macaamiisha loogu talagalay; waxay ka dhigaan faa’iidadooda iyaga oo qiimeeya qiimahooda. Dukaamada badankood iyo shirkadaha dukaamada ah ayaa ah  kuwa iibiya badeecooyin kala nooc ah. 

 

Ganacsiga waxa uu ku shaqeeyo waxaa kamid ah Ganacsiga Gaadiidka sidda Tareenada, Duulimaadyada, Shirkadaha Maraakiibta ee keena alaabada iyo shakhsiyaadka si ay u bixiyaan dalabkooda. Mashruucyada ayaa soo saara adeegyada dadweynaha sida biyaha, korontada, maareynta qashinka ama daaweynta bulaacadaha.

Warshadahaas waxaa sida caadiga ah lagu shaqeeyaa iyada oo loo marayo maamulka dowladda.

Ganacsiyada adeega  ah waxay bixiyaan alaab la isticmaali karo ama adeegyo caadiyan laga qaadayo shaqada ama adeegyada dadka loo qabto ama adeegyada kale kale oo la siiyo dawladda, macaamiisha, ama ganacsiyada kale.

Qurxinta qurxinta, kuwa ku sahqeesta qurxinta jirka iyo iwm, sida:- timo gaaban, farshaxan-yo, qurxiyo, dhar-dhaqasho, nadiifiyaasha habka meerida qallalan, iyo xakameynta cayayaanka waa ganacsiyada adeegga iyana.

Howlaha uu ganacsiga inta badan ka shaqeeyo waxaa weeye:

  • Xisaabinta iyo xisaabaadka
  • Maaliyadda iyo maalgelinta
  • Soo saarida iyo warshadeenta
  • Suuq geynta
  • Cilmi-baaris iyo horumarinta ganacsiga
  • Badbaadada Nafta shaqaalaha iyo hantida iyo agabka
  • Iibka.
  • Dib-u-dhiska hay’adaha yaryar iyo kuwa waa weyn.

 

Fikirkaada Waa Muhiim