Waxay ahayd Maalin aad u kulul. Ilayska cadceeddu indha ayuu naga qabanayay, heer-kulkuna waxuu gaarayay 40°. Aniga oo dhex mushaaxaya magaalo madaxdaTripoli ee waddanka Liibiya, si aan neecaw ugu soo qaato fagaaraha cagaaran, ee aadka u quruxda badan, ee loo yaqaanno Al-saaxa Al-khadraa. Xilligu waa billawgii 2007 dii, maalin Jumca ah. Waxaan dhaayaha saaray gabar aan is iri waa Soomaali, waan milicsaday wax yar kadib, gabadhii oo waxaan arkay xaggayga u soo ruclaynaysa, sida qof magangalyo doon ah, waan yaabay, waan istaagay, aniga oo xoogaa amakaag igu jiro, gabadhii ayaa ii soo dhawaatay, cod xiran oo xiiqsan ayeey waxay igu tiri, “War igala hadal dulligii ayaa idaba joogee”.

Waa maxay ayan ku iri, isla markiiba waxaa meel luuq ah ka soo baxay, nin gaaban oo calool weyn, qamiis jilbaha hoostiisa ku joogana xiran, wajigiisuna aad u subkanyahay. Ninkaasi wuu ku qayla dhaaminaayay af-Carabi, waxuuna si xoog leh u dhahaayay “Gabadha madoobey istaag”.

Waxaan ku iri si dabacsan “Maxaad ka rabta gabadha?” Wuxuu igu yiri si yasmo iyo quursi ku jirto, “Waxaan rabaa in ey tobban daqiiqo i siiso gabadhaani, si wiilkayga oo 11 jir ah uu u daawado, sababtuna waa qof sidaas u madaw, misana gaaban, waligiis ma uusan arkin wiilkaygu, marka waa in ey aqbashaa rabitaanka cunugayga, lacagna waan siinayaa”. Gabadhii halkaas ayeey qarracan la fadhisaa, waxa uu ka rabo ninkaanna ma fahansano.  Waxaa madaxeeda ka guuxaya, kufsi iyo in sharafteeda in uu meel uga dhaco rabo ninku, maxaayeelay waxay aamainsantahay in jirkeeda meel ka mid ah uu sharfkeedu ku xiranyahay, balse waxaan u sheegay, in uu wiil uu dhalay ninkaani doonayo in uu daawado. Marna wey qosashaa, marna wey oydaa, waxayna isku dartay qosal gariir iyo illin, waxayna igu tiri “Aniga miyaa maanta sidii xayawaan oo kale la ii daawanayaa?”.

Halkaas markii ay marayso ayaan ninkii ku jeestay, kuna iri “Sidee damiirku kuugu ogalaaday, in aad qof Muslima oo asturan sida xayawaanka oo kale uu u daawado cunigaagu?”

Waxuu igu yiri “Daawashada dadka madaw waa bannaantahay”, siiba lacag ayaan u ogalahay gabadhaan saboolka ah. Markaan arkay in uu ku sii indha caddeynayo gabadha xaggeeda, ayaan ku iri, “Haddii aad naga leexan wayso, waxaan kuu sheegaynaa Poliska, intuu qoslay ayuu igu yiri “Waxaan ahay wiilasha kacaanka waddankaan, xeerna ima qabto, ee hadda i tus waddan ku joogistaada,( Iqaamadda) labadiinnaba xabsigaan idin dhigayaa”. Waxaan iska soo jaray waddan ku joogista ardayda Jaamacadda, markaas ayuu is dajiyey, gabadhii halkaas ayeey illin la hundhursatay, oo waxay leedahay “Alla maxaa i soo waday!”, ma maantaa sida xayawaan oo kale la ii soo daawasho tagay”.

Aniga iyo ninkii meel xun ayeey naga taagantahay, xeer na kala celinaayana ma jiro, anshax iyo damiirna kama muuqdo qaab hadalkiisa, waxaan billaabay in aan u dhoolla caddeeyo, oo aan munaafaqaddii la soo baxo, waana xalka kaliyah ee aan maciin-bidi-karo, markaas ayaa waxaan ku dhahay “Ilaahay ka cabso, iska daa gabadhaan, soo aabbe ma tihid”. Iniga iyo gabadhii meel xun ayeey naga maree, isaguna waa iska kaftamayaa, ugu dambayntii waa naga tagay isaga oo midabkeenna iyo isirkeenna caaynaya.
Gabadhii ayaan Taksi saaray, iyada oo indhaheedu illin la casaadeen, oo yaabban, waxaan u sheegay in ey xisaabta ku darsato in ey ku dhax jirto kayn dhurwaayo ka buuxaan. Waxay si nabad ah ku tagtay xaafaddii ey ka dagneed magaallada. oo la dhihi jiray “Janzuur”. Kadibna isma arag, waxay ii ahayd xasuus aad u xanuun badan.

Fikirkaada Waa Muhiim