Waxaa muhiim ah in waxqabadkaaga aad talo-bixin ka hesho, weysiiyo qofka talo-bixiyaha ah sida uu u arkay hawshaada. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad suaalo iyo faahfaahin weydiiso si laguugu kala caddeeyo waxa kaa khaldamay. Ha isku dayin inaad difaac gasho, oo xaqiiqda aad iska indho tirtid. 

Dhagayso

Wax badan ayaa laga yiri sida loo bixiyo. Balse dhinaca kale waxaa aad u yar xogta ku saabsan sida talo loo helo. Balse, talo-helidda waa qorshe laba dhinac ah, sida uu qofku u helo, oo uu uga jawaabona, waxay u dhigantaa muhiimadda ay leedahay sida taladaas loo dhiibo.

Lucy King, oo ka tirsan qaybta tababarka BBC World Service, ayaa sidan ku talinaysa:

  • Dhagayso waxa uu qofku kuu sheegayo
  • Waydii su’aalo si ay wax kuugu kala cadaadaan
  • Waydii faahfaahin dheeraad ah
  • Waydii sida aad mustaqbalka wax uga qaban kartid

Difaac ha galin

Marka lagu siinayo talo(faallo) ku saabsan sida aad howsha u qabatay, dhaliilna loo soo jeediyo waxqabadkaaga, aad ugu dadaal in aadan difaac galin. 

Waxay kuu tahay fursad aad ku baranayso naftaada iyo sida dadka kale ay kuu arkaan. Isku day in aad dhagaysato waxa ay ku leeyihiin, oo qaado talada wanaagsan.

Xusuusnow, waa wax caadi ah in aad qaadato waqti aad kaga fakarto faalada laga bixiyay waxqabadkaaga kadibna aad su’aalo mar dambe waydiisid.

Waqti qaadasho

Waa caadi in aad joojiso kulanka hadii aad doonayso in aad ka fakarto, waxa laguu sheegay.

Waa muhiim in aad soo bandhigto sida aad wax u malaynayso iyo fikirkaaga, balse ka fakar inta aadan jawaab ka bixin.

Sidaa darteed, dalbo kulan kale oo kaas daba socda marka aad is tiraahdo waad ka jawaabi kartaa wixii laguu sheegay.

Waa bixi, oo qaado

Xusuusnoow, taladu waa mid laba dhinac leh.

Hubi in aad fahmayso si dhab ah, waxa laguu sheegay. Xaqiijina in qofka ku siinaya talada uu dhagaystaa waxa aad ugu jawaabayso..

Marka ay wax kuu kala cad yihiin, waxaad kala hadli kartaa waxa ku xigi kara taladaas.

Diiradda

Talada aad raadinaysaa waa in ay ahaataa mid cad oo kooban, sidaas darteed marka aad qof waydiiso fikirkiisa, wax cad waydii.

U sheeg qofka talada bixinayaa in aad doonayso in uu ka faallooddo howl si gaar ah aad u qabatay.

Sidaas ayaad ku heli kartaa jawaab waxtar leh, oo taabanayso howl aad qabatay oo gaar ah, ma noqonayso arrin ah faallo guud, oo aan meelna haysan.

Tallaabooyinka xiga

Isku fahamkiina, waa tallaabada xigaysa, waana qayb ka mid ah qorshaha talo-helidda.

Waxaa suurtagal ah in aad u baahato ka miro-dhalinta talada lagaa siiyay waxqabadkaaga, sidaa awgeed, waa in aad kala hadashaa talobixiyaha, oo ay dhici karto in uu yahay qofka madaxda kuu ah. Ka fakar in aad hesho:

  • Taageero uu ku siiyo qofka tooska kuu maamula
  • Si joogto ah, oo lagaala hadlo heerka waxqabadkaaga
  • Tababar iyo hagid

Dhabta u dhowoow 

Ka hortag rabitaanka in aad wax badan ballanqaaddo.

Waxaad u baahan tahay in aad madaxdaada isla garataan hadafyo macquul ah, ma aha wax aanay dhici Karin in la qabto.

Waa in aad meel dhigataan qorshe-la-raaco oo labadiinaba idiinkula muuqda mid lagu guulaysan karo.

 


Haddii aad rabto waxbarasho ONLINE ah waxaa kuu suurta geliyay Somalism Worldwide Academy booqo: somalism.org/

Facebook Comments