Guurka waa unnuga iyo aasaaska ugu horeeyo ee qoyska, bulsha kasta oo ku nool degaan gaar ah waxa eey leeday xeer iyo caadooyin guur oo u gaar ah, kuwaas oo eey ka dhaxleen jiilkii iyaga ka horeeyay. Hadaba lbulshada soomaaliyeed waa bulsho leh hiddo iyo dhaqan u gaar ah . Sidaa darteed waxa eeynu ka hadli doonaa guurkii iyo hasaawahii soomaalida inaga oo tilmaami doona waagii hore siyaaabaha uu guurku ku imaanjiray iyo nooca hasaawe ee bulshadii hore.

Inta badan guurka somaliada waxa uu ku imaanjiray shan siyaabood oo mid waliba ka koobanyahay labo qeeybood kuwaas oo eey iskugeeyntoodu noqoneeyso tobankan nooc:

1- Guurka tooska ah, guurka noocan ah waxa uu kala qeeybsamaa laba qeeybood oo kala ah:

Dhaadasho: waa marka gabadha iyo wiilka iyaga oo yaryar waalidkood isugu dun xidhaan, guurka noocan ah aad ayuu u adkaa oo dhibaatooyin badan ayaa lagala kulmi jiray taasi oo sabab u aheeyd marka wiil iyo gabadh aan isgaraneeyn isna dooran guri isugu yimaadaan.

Gaadasho: waa xulasho uu sameeyo ninka guur doonka ah. Isaga ayaa raadsanjiray lamaanahiisa, waxa uu tafaha u xidhanjiray sidii uu ku baran lahaa gabadh karti iyo bilic leh. Waxaase xusid mudan in hidda raacu ahaa sheeyga ugu muhiimsanaa ee uu ku xusho ninka ooridiisa. Waayo inanta hooyadeed iyo isirkeeda ayaa lagu cabiri jiray shakhsiyadeeda iyo dhaqankeeda.
Inanka guurdoonka ah inta uusan u baqoolin xulashada gabadha uu nolasha la wadaagayo waxa uu talooyin iyo duruus wax ku ool ah ka qaadan jiray odayaasha deegaankiisa maadaama eey arinkaan kaga khibrad badanyihiin.

Wiil guur doon ah ayaa hada ka hor waxa uu ka talo weeydiiyay nin oday ah in uu kala taliyo gabdha uu nolasha la wadaagayo astaamaha uu ka eegaayo. Ninkii odayga ahaa waxa uu yiri oo uu talo ahaan ugu soo jeediyay inankii sidan “gabadha aad guursaneeyso waa in eey lahaataa shantan sifood:
Waa in eey lahaataa Itaal nimeed, Aqbal dumar, Af-muslim, Anshax culumo iyo waa in eey ahaataa arinkeen waayeel”

Marka ninku uu qeeyb kamid ah tilmaamahaas uu ka helo gabadha ayuu guursan jiray.sidaa si lamid ah gabdha gashaantida ah inanka eey dooraneeyso waxa eey ka eegi jirtay dhinacyo badan oo eey kamid yihiin: raganimadiisa geesinimadiisa, deeqsinimadiisa, aftahanimadiisa iyo hantida reerkooda.,balse sheeyga ugu muhiimsan ee eey gabdhuhu ka eegi jireen waa raganimada.

Bal aan soo qaadano qiso inoo bayaamin karto waxa eeynu ka hadleeyno gabadh baa hada ka hor waxa eey la sheekeeysatay labo nin, mid waliba wax gooni ah ayeey ku jeclaatay. Waa midka koowaadee waxa eey ku jeclaatay raganimadiisa, waxa uu ahaa nin karti badan. Kan labaadna waxa eey ku jeclaatay hanti iyo maal. Iskama waalinee sidii caadada aheeydba waxa eey la tashatay gabdh kaga khibrad badan arimahan oo iyada kaga horeeysay. Waxa eey weeydiisay weeydiintan.

Nin rag ah iyo nin reer maare leh ayama la raacaa? Waxa eey ugu jawaabtay tallo ahaana usiisay “isagaa rogrogayee nin rag ah baa la raacaa”.

2- Boob: guurka nuucan ah sida magaciisaba ka muuqato waxa uu ku imaaan jiray sifo qalafsan oo ah in lagu guursado gabadh si khasab ah ama iyada oo eeysan qooyskooda raali ka aheeyn. Waxaana loo qeeybiyaa labo qeeybood oo kala ah:

Latagis: guurka latagis waxa eey aheeyd in wiilku intuu gabadha si qarsoodi ah ula heshiiyo uu dabadeedna la tago reerkoodii marka uu geeyo gurigooda aad baa loo soo dhaweeyn jiray inanta dabadeedna waxaa innanta reerkoodii loo hibeeyn jiray xoolo si looga helo ogalaashiyo waalidkeed.

Dhabar garaac: mararka qaar waxaa dhici jiray in wiilka xoog ku kaxeeysto gabadha.isaga oo aan nafteeda iyo reerkooda intaba aan ogalaasho ka heeysan. Asbaabaha ugu weeyn ee keeni jiray waxaa kamid ahaa in gabadha labo nin isku heeyso oo uu mid weliba isaga doonayo in uu guursado. Arintan waxa eey kamid aheeyd waxyaaabaha colaada huriya. Waxaase xusid mudan in guurka nuucan uu markiisii horeba bulshada uusan ku badneeyn hadana uu ka dabar go’ay dhamaan deegaanada soomaalidu dagto inta ogaalkeeyga ah

3- Dani kubaday: guurka nuucan ah waa mid eey geeridu keento. Waxa uuna u qeeybsamaa noocyadan.

Xigsiin: marka ninka ooridiisu geeriyooto ayaa la siin jiray walaasheed. u jeedada ugu weeyna waxa eey aheeyd in eeeysan caruurtu dayacmin oo eey habaryartood xafido waxa eeyna ku khasbaneeyd in eey aqbasho arintan dhaqanku jideeyay oo waa tii layiri xigsiino xulasho maleh.

Dumaal: dumaashu waxa eey cagsi ku tahay xigsiinta oo waa marka uu ninku dhinto ooridiisana waxaa guursan jiray walaalkii. Ujeedaduna waxa eey kala simantahay xigsiinta.

4- Sahan dumar: Waa marka gabdha eey u bareerto in eey guurka iyada lugaheeda ku raadsato waxaa loo qeeybiyaa labadan nooc oo kala ah:

Heerin: Waa socdaal guurdoon ah oo eey sameeyaan gabdhaha weeynaada ee guurka ka daaha. Waxa eey socdaalkooda ku mari jireen deegaanada ka durugsan deegaankooda. Reerkii eey soo martiyaanba waxa uu fahmi jiray in eey gabdhahu guur doon yihin.sidaas darteed waa la soo dhaweeyn jiray. Lagamana nabsi geli jirin oo rag aan laheeyn oori ayaa guursan jiray.

Gayaan doon: gayaan doon waa marka eey gabadha inta eey soo dhax fadhiisato guriga ninka eey dooneeyso iyada oo aan ka cabsaneynin xaasaska ninka eey dooneeyso si barer ahna eey carabka ugu adkeeyso iyada usheegeeysa in odayga xaafada eey u fadhiso dhinacna eeysan u dhaafeeyn ilaa uu ka mehersado.

5- Bogsiin: Bogsiintu waa guur inta badan hadafkiisu ahaa in lagu qaboojiyo colaad dhaxtaalo labo beelood ama lagu xoojiyo nabada beelaha isku deegaanka ah.

Godobreeb: waa nooc kamid ah bogsiinta waana marka beelo eey is weeydaarsadaan gabdho si loo dhayo boogaha iyo dhawacyo eey isu geeysteen nabadna loo dhaxdhigo beelaha horary isu diriray. Labo col oo aan isbixin jirin baa hubka lagaga dhigaa Waa tii horey loo yiri “meel xinjiri taalo xab hayaalo”.

Marka eey dhacdo in gabadh la faraxumeeyo ma jirin xabsiyo lagu ciqaabo dambiilaha falkaas geeystay. Dantu waa dabar addag oo cadowgaaga ayeey lugaha kaaga xirtaa waxaana dhici jiray in dambiilahii falkaa geeystay lagu daro gabadha iyagoo oran jiray quruxdeedii wax u dhintayee qadaadkeey kuu saarantahay. waa sababtaas mida keentay in dambiilihii ku gaboodfalay gabadha eey u dhaxdo oo eeey oori u noqoto.

Hasaawahii soomaalida waxaa saldhig u ahaa ciyaaraha oo ahaa aaladda fududeeyn jirtay hasaawaha. Waxa eeyna ahaayeen munaasabada ugu weeyn eey dhalinyaradu ku kulmi karaan iskuna baran karaan. Ciyaaraha dhaxdooda lama tiraabi jirinee tix baa la isku sarbeebi jiray intaa marka la is dhaafsado habeenkuna gabala rito ciyaartuna dhamaato ayaa gees la isula bixi jiray sheekadana gunta loo dhigi jiray . Dhaqan xumida iyo gaabsi yarida bulshadeena waa Ku ugubee, milggihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa waxa uu ahaa in arintu guur Ku ekaato. Goobta reerku yaalana la isuraaciyo

Tixraac: Abwaan Muuse Cali Faruur.

 

Fikirkaada Waa Muhiim