Waxaanu hadda hor fadhinaa xooshka ama hoolkii Magafaha ee aan dayna ku bixin lahayn iminka ayaa albaabka sarre la furay waxayna nagu amreen inaan xaroono dayrka ayaan gallay albaabkii gudaha ayaa lasii furay wayna nagu aruursheen waxaanu gudaha ugu tagnay asxaab badan oo naga soo horeysay waa lays wada salamayaa midba mid ayuu shafka galinayaa balse anigu sidaan usoo socday meel ayaan iska fariistay anigoon qofna salaamin.

Indhaha ayaan ka daawanayaa mid aanu saaxiibo nahay oo mudo dhowr maalmood ah iga soo horeeyay ayaa i arkay waa ii yimid saaxiib Khaalid ii waran, ma fiican tahay? Haa saaxiib Cabdifatah see tahay adigu?

Salaan kadib war ayuu ii bilaabay saaxiib meeshan ma ujeedaa waxaa la dhahaa Canbar Express, sheekaddii mukhalasiinta ay inagula soo heshiiyeen kama shaqeyso waxaa layska rabaa lacagta gidaarkaas ku qoran waxaana lagu dirayaa baydhabo. Aniga sheekadani iguma socoto meeshu waxay iila egtahay Yoomal Qiyaame oo kale dad lee musqusha hor dhooban shan-shan qof u galaaya kuwo kale kartoomo ayay isku babinayaan. Qaarkood macluul daran ayaa ka muuqata oo xittaa ma awoodaan inay istaagaan waa laf iyo maqaar, jirkoodana nabro waa-wayn ayaa buux dhaafshay rag iyo dumar waa la isdhex jiifaa kuwo kale maryaha ayay wax ka fiir-fiirinayaan!!

Saaxiibkay Cabdifatah ayaa i dareemay inaan maqanahay oo meesha ka fajacsanahay ayaa wuxuu igu yiri “saaxiib adigaa yaab dayn doona markaad labo maalin joogto, iminka ayaa waxaa nasoo galay kuwii waardiyayaasha ahaa waa labo nin oo madmadow fool xumadu ka badatay aanan aqoonin waxaan ku qiyaaso nooca ay u egyihiin waxay sittaan fiilooyinka korontada oo buur-buuran afka horena ay diirka ka qaadeen way noo wacayeen waxayna nagu dhahayeen “Naas Jadiid tacaaluWaxay nagu dheheen dadkii cusbaa dhammaantiin halkan imaada, xagoodda ayaanu aadnay hal meel ayayna isugu kaano keeneen qudbad ayayna noo bilaabeen mid madow oo wajiga nabro hore kaga yaalaan ayaa imika noo qudbeynaaya wuxuuna leeyahay

“Meeshaan waxaa la dhahaa CAMBAR EXPRESS wax mukhalas la yiraahdaa kama shaqeeyo lacagta laydinka rabaa waa 4800$ haddaad rabto Tribuli, Liibya ka imow lacagtaas ayaad bixinaysaa meel aan Soomaaliya ahayna ma wici kartaan anagu ma naqaano hooyaday baa Suudaan joogta, Ameerika ayuu aabahay degan yahay, Soomaali baad tihiin Soomaaliya basana waa la idiin ogolyahay inaad wacdaan berrina telefoonka ayaa lacag aad ku hadashaan la idiinku shubayaa qof kastana waxaa loo ogolyahay labo daqiiqo oo hadal ah wuxuuna sii raaciyay isagoo ay caro wajigiisa ka muuqato ugu badnaan hal asbuuc waa inaan lacagihiina ku helnaa haddii kale yaa WAYLAKUM hoogina”

Intaas kadib weyna iska laabteen, walbahaar horleh gidaarada hala fiirfiirsho wixii ay nagula soo heshiiyeen nimankii mukhalasinta ahaa ee Suudaan joogay oo ahaa in calaa qof lacagta laga rabo illaa Liibiya ay tahay 3500$ waa is bedeshay bal lamaba garaaci karo ayay dheheen lambaradooda habeenkaasi habeen murugo badan ayuu ahaa qof lacag jeebka ku watayi majirin.
“Qofwalba waalidkiis iyo ehelkii oo xitaa qaarkood laga yaabo inaysan awoodin lacagtaan bixinteeda ayaa lagu xisaabtamayaa.”

Anigu meel ayaan iska fariistay mar waxaan fiirinayaa dadkaan iyo qaabka ay meeshu u taalo, marna waxaan isha la raacayaa darbi ama gidaar igu aadan oo ay ku qoran tahay Cambar Express $4800, Cabdiqaadir Xassan Maxamuud iyo Lambarka Hormuud ah oo lagu dirihii lacagta ah, Cuar Mahjuub iyo lambarkii Liibiya ah oo Magafihii na haystay. Yaab adduun!

Waxyar kadib waxaan ku baraarugay (Khamsa, Khamsa) shan shan u fariista fadhigii ayaa la boobay waxaana albaabka laga soo galiyay baaquliyaal ama suxuun nooc kale isu badelay shantii aanu meesha ku fadhinay ayaa imika lasoo hor dhigay Walaahi halmar ayaan qaatay mar 2aad kuma laaban waa makaroone saliid milix iyo yaanyo shiishiid lagu kariyay caadina aan u bislaanin waa yaab gaajadii i haysay waa iska huleeshay naftuna waa qanacday qof kasta meeshiisii ayuu iskaga laabtay.

Saaxiibkay ayaa meel dhiniciisa ah igu yiri “halkan dhinaca iska soo dhig” waan u imid wuxuuna leeyahay “saaxiib makaroonuhu caawa siddii hore waaba dhaamay fbk ma haysaa?! Anigu mardhow ayaan (chatting) sheeko galayaa!”
Waan la amakaksanahay waxaan uu saaxiibkay ka sheekaynayo waxaan u haystaa facebooggii caadiga ahaa oo waxaan niyada iswaydiinayaa saaxiibkaa miyuu waashay Faceboogga intee laga helayaa hooyooy isoo wac waxaanu ku dhahno ayaanu la’nahay. Dadku beerka ayay dhulka kuwada xajinayaan qofkasta gacanta ayuu hoos kula jiraa oo waa xoqanayaa saaxiibkay ayaan ku iri “war heedhe dadku maxay iska xoqayaan?” Wuxuu igu yirri saaxiib Faceboogga ayay ku jiraan!

Waxaan irri “saaxiib Faceboogga maxay ah?” Intuu qoslay ayuu igu yirri “INJIR weeyee qaabil ama ha qaabilin amar la’aan, waxyar kadib online-kaagu 4000 oo qof waa dhaafi doonaaye, ha sugi waayin. Walaahi waxyar haddaan dhinaca dhulka ku haayay afar gacmood ayaan u baahday.

Labo deydii gacmood waa igu filnaan waayeen abidkay INJIR saan oo kale ah ma arag iyadoo aan ku soo gaarin ayaad shanqarteeda maqlaysaa habeenkaasi wuxuu ahaa habeen aanan ilaawi doonin. Wuxuu ahaa bilowgii bahdilka, gaajada, dayaca wasakhda darbiga iyo injirta oo dheer. Hurdo ma aanaan hawaysan habeenkaa hoolku qiyaastii waa 20 mitir oo isu wareeg ah meel daloosha maleh dadka ku jiraa ugu yaraan waa 200 oo qof oo waxkaste leh qaar xanuunsan kuwo jajaban naago uurleh kuwo meesha ku dhex waashay waaga ayaa noo baryay anagoo siddii usoo jeedna barqadii ayay labadii madmadow albaabka soo fureen.
Lasoco qeybaha danbe

Fikirkaada Waa Muhiim