1. Ha oran hebel nama yaqaan wakhtiga danta uu leeyahay maahane, ee waxaad dhahdaa waxaa mahadleh Allihii igu karaameeyey inaan dadka dantooda u fuliyo, waayo waxaa jira Xaddiis dhahaya “Dadka Alle agtiisa loogu jecel yahay waa dadka ugu anfac badan “.
  1. Sababaha sacaadada ayaa waxaa ka mid ah inaad leedahahay indha aad ku aragto waxyaabaha qurxoon, qalbi cafiya waxa ugu xun, caqli ka fekera waxa ugu wanaagsan, iyo ruux ka buuxa rajooyin. hayeeshee haddii ay indhahaagu qabtaan kaliya waxa fool xun iyo liita sida, oo marwalba ku fekerta aargoosi hadal ahaan ama ficil ahaan, ruuxaagana uu ka buuxsamo rajabeelo, markaasi waxaad ogaanaysaa adiga iyo sacaada kala dheer tihiin, qalbigaaga waasici, indhahaaga, caqligaaga quudi, ruuxaagana Raxmaanka ku xir…
  1. Waxa uu yiri : cumrigayga waxa uu ku dhamaaday raadinta saaxiib mana helin, waxaa la ii sheegay inaan raadinayey saaxiib wax i siiya, haddii aad raadin lahayd saaxiib aad wax siisid isagana ku siiya bilowgii cumrigaaga ayaad heli lahayd…Haddii aad baadi goob ugu jirtid saaxiib taageera ku siiya, garaba ku siiya, jaceyl ku siiya, kalsooni ku siiya, wakhti ku siiya iyo siismooyinka kale, waxa aad raadinayso si laguu siiyo bixi adiga marka hore.. waayo gacma is weydaartay ayuu gacal ku jiraa.
  1. Ha u murugoon qof markii hore ishaada buuxin jiray marka dambe uu ishaadu ka dhaco, waayo waxa uu kuu baneeyey waddada si aad u aragto qof isaga ka wanaagsan oo ka muhiimsan oo ka fadli badan..hana ku mashquulin naftaada in badan albaab soo xirmay ee ishaadu waa in qabataa albaabada kale ee furan.
  1. Xikmadda waxa ay tahay inaad garato waxaad qabanayso. Xirfaddana waa inaad garato sida aad u qabanayso, hayeeshee geesinimadana ayaa waxa ay inaad u istaagto qabashadeeda.. balse haddii aad jeceshahay kaliya inaad qabato oo aan dhaqaaq jirin cumrigaaga jeceyl ayuu ku dhammaanayaa..
  1. Xikmadle ayaa waxaa la weydiiyey sidee ku ogaan kartaa qofka ku jecel ?
    Waxa uu ku jawaabay qofka hamkayga xambaarsan, oo i xaal wareysta marwalba oo iga caajaisaynin oo iga cafiya haddii aan khaldamo, Rabbigayna i xusuusiya, qofka intaasi isku darsada waa qof i jecel.. Adigana sidee ku ogaan kartaa inuu qofka ku jecel yahay ?
  1. Badiya istigfaarta marka aad guryihiina joogtaan, marka aad miiska cuntada dul fadhidaan, waddooyinkiina, suuqyadiina, io meel kasta oo aad tihiin, sababta oo ah ma ogadiin goorta uu dembidhaafka soo degayo…Xigasho :Xasan Al-Basriy AUN.
  1. Kula dhaqan qof waliba sida aad kula dhaqanto nafsaddaada, ha dulmin, ha dullaynin, ha yasin, ha xaqirin, been ha u sheegin, ha xaman, hana isku dayin inaad qaharto waayo samanka waa wareegtaa ka dib waxa uu ku dhadhansiiyaa waxaad fashay..
  1. Cumar Ibnu Khadhaab RC mar calooshiisa dhawaaq samaynaysay iyada oo markaasi sabab u ahayd muufo iyo saliid uu in badan isku cunayay ayaa isaga oo calooshiisa la hadlaya ayaa waxa uu yiri qeyli ama ha qeylin ma dhadhaminaysid hilib ilaa ay ka dhergaan carruurta muslimiinta, hadda marka uu sidaasi dhahayo waxa uu hayey madaxtinimada Ummadda Islaamka.
  1. Dadka oo dhan ma qancin kartid xitaa haddii aad tahay midka ugu wanaagsan, dadka oo dhanna dhib uma gaysan kartin xitaa haddii aad tahay midka ugu xun, noolow noloshaada adiga oo iska fogaynaya iska dhaadhicinta raaligelinta basharka sheyga ugu fudud aad qaban karto ayaa waxaa ah inaadan cidina dhib u gaysan..

 

La Wadaag Asxaabtaada si ay uga faa’iideystaan…..Mahadsanid

Fikirkaada Waa Muhiim