Soomaaliya waa dal la daalaa dhacaya dhibaatadii colaadahii qabiilka ugeystay welina wuu muuqdaa saameyntiisa, intaa waxaa sii dheer nidaam khatartiisa leh oo soomaalida ay xal u aragto lakiinse  dhibta uu xambaarsanyahay aanan xal loo heli doonin.

Waa nasiib daro dad isku dal ah isku diin ah isku af ah inay ku heshiin waayeen sidii xal loogu heli lahaa dib udhiska dalkooda.

Nidaamkaan 4.5 waa nidaam caqabad ku ah dib udhiska dalka, waxaana gadaal ka riixaya wadamada aanan faaidada ku qabin in soomaaliya iskeeda u istaagta heshana nabad waarto oo shacabka soomaaliyeed ku naaloodaan.

“Jiilka waqtigan siyaasada soomaaliya horboodaya waa jiil u adeega siyaasadaha dalalka caqabada ku ah geedi socodka  nabadeed ee dalka soomaaliya, waan ka xumahay inaan sidaa iraahdo laakiin waxaa muhiim ah in bulshada soomaaliyeed fahanto dhibaatada ay ku hayaan jiritaankooda umadeed”

Siyaasi kasta wuxuu ka hormariyay danta umada soomaaliyeed mida uu leeyahay isaga, waana nasiibdaro in marka xilka laqabanayo lagu dhaarta in dalka iyo dadka  si hagar ku jirin loogu shaqeynayo.

Sanadkan gudahii waxa uu shir loogu magacdaray wadatashiga soomaaliya oo loogu falanqeynayay sidii nidaam doorasho loo heli lahaa waxaa dhacday in dowlada federalka soo bandhigtay nidam 4.5 ah oo lagu soo xulanayo xildhibaanada golaha hoose halka golaha sare lagu soo dooranayo deegaan balse arintaan waxa qaadacay maamulka Puntland oo markaa u ekaa inuu ku adagyahay in 4.5 uu san wanaagsaneen. Inta uusan shirka dhicin soomaalida waxay ku faanayeen in shirka aysan ka sooqeybgelin cid aan soomaali ahayn oo heshiin doonan balse maalmo kadib shirkii waa lagu kala yaacay.

Dhacdada iga yaabisay waxay tahay waxaa uu shir ka dhacay isbuucaan dhexdiisa magala madaxda maamulka puntland ee Garawe, shirkaas waxaa horboodayay  reer galbeedka iyo dowladaha deriska la eh soomaaliya waxaana lagu qasbay soomaalida iney qaataan nidaamka 4.5, waxa nidaamkan go’aan ka qaatay oo aan aqbalin maamulka puntland balse waxaa laga dhaadhiciyay in ay qaadato.

Inkastoo nidaamkaan uu yahay mid bulshada soomaalida Qatar ku ah balse waxaa u wanaagsaneed inay soomaalida kismaayo ku heshiiyaan oo go’aan ay xur uyihiin ku heshiiyaan maadaama ay ogsoonaayeen in lagu qasbi doona,  hada nidaamkii way qaateen sumcadiina way ka dhuntay. Waxaan maqli jiray “qooley qoor qabad biyo kuma cabto” balse waxa ka dhacay Garawe waa wax laga xumaado. Sikastaba ha ahaatee nidaamkaan inuu kala geeyo soomaalida waalaalaha mooyee waxtar laga sugimaayo.

Fikirkaada Waa Muhiim