Hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Myanmar Ong San Chie oo la guddoonsiiyey Abaal Marinta Noble Prize ayaa waxa ay sheegtay in ay aad uga carootay ka dib markii la weydiiyey su’aal mar waraysi uu la yeelanayey wargeys oo markaasi ku saabsanayd xasuuqa muslimiinta loogu geysanayo Dalka Myanmar oo ah dalkeeda.

Hoggaamiyahan ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba filanaynin in wareysi siinayso wargeys muslimiin leeyihiin sida laga soo xigtay qoraaga alifay buugga uu ugu magac daray “Marwada iyo Generalada” oo markaasi si weyn uga faalloonayey siyaasadda Burmiyiinta iyo dagaalka ay wadaan  oo ay ku sheegeen xoriyadda darteeda. Intii uu wareysigan uu socday ayaa hoggaamiyaha aad u caraysanayd iyada oo wareysigana cidda qaadaysay ay ahayd suxufiyad muslimad ahayd oo u dhalatay Dalka Pakistan.

Ong San waxa ay diiday intii wareysiga uu socday in waddankeeda laga wado isir sifeyn muslimiinta lagula kacayo iyada oo markaasi sheegtay in ay jiraan qaar ka mid ah muslimiinta waddankaasi weerar lagu qaaday si la mid ah sida Buudiyiinyta waxayna intaasi ku dartay in Myanmar ay ku noolyihiin 1.3 milyan oo qoomiyaga Rhinga badankooduna ay ku nool yihiin Galbeedka waddanka halka 100 kun ka mid ah ay ku nool yihiin teendhooyin iyaga oo markaasi ka soo cararay qulqulatooyinka socda oo markaasi u dhexeeya muslimiinta iyo budiyiinya.

Ong ayaa waxa ay la kulantid dhalleeceyn aad u badan iyada oo markaasi ugu wacan tahay ka aamusnaanteeda dhibka ay gaysanayaan qoomiyadda Rhinga iyada oo haddana hal murashax oo muslim ah usoo istaagin doorashada baarlamaanka ugu dambeysay ee ka dhacday dalkaasi.

Maxamed Cali Juxaa

mjuxxa@gamil.com

Facebook Comments