Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay ee Bariga Dhexe Nicolay Maladinov ayaa si weyn waxa uu u cambaareeyey dilkii bareerka ahaa ee loo gaystay wiil Falastiini ahaa oo markaasi si ula kac ah u dilay askari Israa’iili ah, waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay dil naxdin leh oo akhlaaqda basharka ka fog.

Bayaan uu soo saaray ergaygan ayaa waxa uu ku sheegay inuu si weyn u cambaaraynayo toogashadan bareerka ah oo markaasi loo gaystay wiilkan Falastiiniga ah oo markaasi lagu dilay Daanta Galbeed ee Magaalada Khaliil, waxa uuna intaasi ku daray inuu yahay fal ka dhan ah bani aadamnimada iyo akhlaaqda ayna middaan ay sii kordhinayso qulqulatooyinka ka socda halkaasi.

Ergayga Qramada Midoobay ee Bariga Dhexe Nicolay Maladinov ayaa waxa uu si weyn u soo dhoweeyey cambeereyntii isagana uu jeediyey wasiirka difaaca ee Israa’iil, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo saari doono askariga gaystay dilkan bareerka ah. Askiragan ayaa markii uu dilka gaystay ay xireen ciidamada ammaanka ee Israaiil, ka dib markii uu dhamaystiray dhaawaca wiilkan Falastiiniga ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa caada u ah in ay gumaadaan shacabka Falastiiniyiinta ah ee aan hubaysnayn iyaga oo marmarssiyo ka dhigta in ay iska difaacayaan weeararada kaga imaanaya Falastiiniyiinta. Dhanka kale caalamka ayaa iska daawada gumaadka ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta iyaga oo kaliya ku shaashadaha la soo istaaga camabaareyn aan ficil wadan.

Maxamed Cali Juxaa

mjuxxa@gmail.com

Facebook Comments