kor u qaad madaxaaga, ka baraarug waxan kugu habsadey, oo waa maxey? dee waa murugo, Erayga muruga  waa eray ku soo noq noqda  nolosheena in la murugoodo ama aan la faraxsanaan waaa iska caadi marka ay wax qaldamaan ama uu qof kaa dhinto, dareemadani waxa ay badanaa la tagaan wakhtiga waadna ka soo fiicnaanaysaa.

Haddaba murugada waxa ka mid ah:

  • in aad dareento degganaansho la’aan
  • inaad dareento inaad mar walba daalan tahey
  • rabitaanka cuntada oo kaa luma
  • in aad dareento rajo la,aan wax laguma fale ciirsi-laawe ah
  • in aad in badan hurudo ama aad iska waydo hurdo

Haddaba akhriste sidee ula tacaali kartaa murugada?

Tallaabada koowaad ee lagu bogsanayaa waa inaad Alle u carartaa, oo aad waydiisataa inuu murugada iyo wal-walka kaa qaado waa inaad quraan akhriska badisaa waa inaad aad cuntaa cuntooyin nafaqa leh kana fog cuntooyinka qashinka ah isku day inaad hesho 7-8 sacadood oo hurda ah habeen kasta fir-fircoonow xataa hadii aadan dareensanayn sidaas qorshayso hawl maalmeed ka fogow diiqad haddii ay suura gal tahay, ama aad kaligaa noqoto ku biir kooxo taageero oo noqo qof firfircoon la xidhiidh qof ku xusuusiya Alle ama citikaaf samee daaweynta murugadu waxa ay ka dhalataa is bedal ku yimaada dareenka, qofka tasoo khal-khal galinaya dheecaanada maskaxda. ha u ogolaan naftadad ineey murugada aay ka yeelata hooy…

 

Facebook Comments