Haddii ay kula tahay in waqtigan lagu jiro xilliyo adag, bal dhankan ka fiiri arrimaha: xaaladdu sidan aad bay uga xumaan lahayd haddii aan ku jirno sanadkii AD536.

Sida laga soo xigtay taariikh yahanka jaamacadda Harvard, ee lagu magacaabo Michael McCormick, “wuxuu waqtigaas ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa, hadduusanba ahayn sanadkii ugu xumaa ee dunida soo mara”, ee lagu noolaado meelo ka mid ah caalamka.

Ceeryaamo aan la garaneynin sababta ay ku timid ayaa mugdi u baddashay Yurub, Bariga Dhexe iyo qeybo kale oo ka mid ah qaaradda Aasiya – mugdi maalin iyo habeen ah – ayaa muddo 18 bilood ah, sida uu McCormick ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska ka faallooda arrimaha seynisya.

Heer kulka xilliga kuleylaha ee sanadkii 536-kii wuxuu hoos ugu dhacay 1.5C ilaa 2.5C, taasoo horseedday tobankii sano ee ugu qaboobaa dunida, muddadii 2300-ka ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda.

Baraf ayaa xilliga kuleylaha ku da’ayay Shiinaha: dalagyadii beeraha way baaba’een, dadkuna aad bay u gaajoonayeen. Xarunta taariikha wax ka qorta ee Irish-ka waxay diiwaan galisay “cunto la’aan ba’an oo jirtay intii u dhaxeysay sannadihii 536-539”.

Kaddib, sanadkii 541-kii, cudur lagu magacaabay ‘bubonic plague’, oo ka dhashay bakteeriya ayaa ka dillaacay boortooyadii ay Roomaanka ku lahaayeen dalka Masar.

Sanadkii 536-kii, daruuro ayaa iftiinka qorraxda qarinayay muddo 18 bilood ah

Wuxuu noqday cudur u faafay si xad-dhaaf ah, isagoo dilay saddex meelood meel ka mid ah shacabkii boqortooyada Roomaanka ee dhinaca bari, sidoo kalena wuxuu horseeday inay gabi ahaanba burburto boqortooyadaas, sida uu sheegay McCormick.

Laakiin maxaa sii xoojiyay dhacdooyinkan xiriirka ah ee dhibaatada galiyay caalamka?

Saacad mugdi ah

Dadka taariikhda ku xeel dheer waxay muddo dheer ogaayeen in bartamihii qarnigii lixaad uu ahaa saacad mugdi ah, xilligaasoo lagu magacaabi jiray “Dark Ages” (waqtigii madoobaa ee dunida soo maray). Laakiin waxaa muddo dheer xujo noqotay in la fahmo sababta ka dambeysay daruuraha ceeryaamada keenayay.

Hadda cilmibaareyaasha Jaamacadda Harvard waxay iyagoo seyniska adeegsanaya sharraxaad u heleen xaalado horay usoo maray dadkii dunida kusoo noolaa waqtiyo hore. Waxay baaritaan ku sameeyeen baraf ku jira biyaha loo yaqaanno Swiss glacier.

Barafkii sameysmay xilligii guga ee sanadkii 536, ayaa laga dhex helay waxyaabo ili maqabato ah oo lagu ogaaday inay folkaano weyn ka qaraxday Iceland – ama meel ay suurtagal tahay inay ahayd Waqooyiga America – taasoo dabkeeda iyo qiiqeexada ku fidisay dhul aad u ballaaran.

Waxay aqoonyahannadu aaminsan yihiin in ceeryaamada ka dhalatay qaraxa folkaanada ay qaadeen dabeylo gaarsiiyay Yurub, kaddibna Aasiya, iyadoo ay la socotay cimilo qabow.

Waxaa xigay labo folkaano oo kale oo aad u waaweynaa, kuwaasoo qarxay sannadihii 540 iyo 547.

Soo kabasho

Musiibooyinka soo noqnoqday waxaa xigay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo dhulka la sintay Yurub, taasoo socotay muddo boqol sano ah, ilaa laga gaaray sanadkii 640-kii. Barafkii sameysmay sanadkaas wuxuu sharraxayaa in dhaqaalihii xilliyadii dhexe ee taariikhda dunida uu dib usoo kabanayay mar kale.

Cilmi baareyaasha waxay ogaadeen inuu barafka kor u kacay waqtigaas, taasoo ka dhigan in dib loo billaabay qodashada macdanka, oo markii dmabe hoos u dhacday markii la gaaray sannadihii 500.

Sare u kac labaad ayaase cirka isku shareeray markii la galay 660-kii, kaasoo ka dhigan in uu xoogeystay hindisaha kheyraadka macdanta ee kobciyay dhaqaalaha xilliyadii dhexe.

Kyle Harper, oo ah taariikhyahan u kuur gala waxyaabihii dhacay waqtigaas, kuna sugan Jaamacadda Oklahoma ee ku taalla Norman, ayaa sheegay in musiibooyinka faraha badan iyo waxyaabihii ay bani’aadanka sameynayeen ay caddeymahooda ku daadanayeen barafka, taasoo “na fahansiineysa sida ay wax u dhacayeen iyo saameyntii dadka kasoo gaareysay musiibooyinkaas horseeday burburkii boqortaayadii Roomaanka iyo soo gabashadii cusbeyd ee dhaqaalaha.”

Xogtan barafowday waxay seynisyahannada u sahashay inay toosh ku ifiyaan waxa ilaa hadda loo aqoonsan yahay xilligii ugu adkaa ee soo maray taariikhda reer Galbeedka.

Facebook Comments