Cudurada dhimirka oo tabaaleynaya malaayiin dad ah caalamka sannad walba ayaa waayadan dambe cilmiga, aqoonta iyo daawayntiisu horumar xoog leh ka samayayeen waddamada horumaray. Xaqiiqduna waxay tahay in heerar isku dhow bani’aadamka soo wada maray taariikhihii hore, marka la fiiriyo hadba wixii laga rumaysnaa xanuunadan sababtooda iyo daaweyntoodaba ilaa waqtigan xaadirka ah.

Wareemidda, tumaatida, dirirta iyo dhacdooyinka kale ee argagaxa lihi waxay qofka ku reebi karaan masiibo maskaxiyeed. Inkasta oo ay qofba heer waxyeeladu u gaarto misana waxa hubaal ah in ay jiraan qaabab loo maro ama lagu daaweyn karo.

Qof kasta oo inaga mid ah mar-mar ayuu dareemaa kurbo ama niyadjab. Haddii dareenka dhibaataddu ay sii socoto waxaa habboon in qofka caawinaad raadsado. Tusaale waxaa habboon in qofka wax ka qabto culeyska is daba jooga ah inta aysan dhib u keenin hurdada uusana dareemin hami la’aan.

Nolosha adag qof walba ayey ku abuuri kartaa fikir maskaxdiisa mashquuliya waxaana dhici karta in qofka iyo xigaaladiisu aysan xalin karin dhibkaas. Marar xittaa waxaa dhici karta in sabab loo waayo waxa keenaya dhibka marka ka la fiiriyo xaaladda nolosha qofka ama taariikhdiisii hore.

Masiibada culus waxa lagu xiriiriyaa dhacdooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin, dagaalada iyo barakaca oo dhibaatooyinka ay sababaan la arko in wax yeelada sii socoto sanado badan marka ay dhacaan kadib. Waxay keeni karaan isbeddelo muuqda, hantiyeed iyo dhaqaale bur-bur, kuwaas oo sababa culays ama bur-bur dhinaca kaabayaasha nolosha oo kedis ah.

Xaaladdaasi waxay keentaa ugu yaraan inay daciifiso mugga insaanka sifo qulub, dhaawac ama dhimashoba. Kuwaas oo iyana saameeya xirfadda, aqoonta iyo kartida mujtamaca oo daciifta qoys iyo mujtamacba oo aan dadka awoodin inay baahidooda daboolaan ama isku tashadaan.

Waxa iyana khalkhala xiriirka bulshada dhexdeeda oo saameeya dhinacyo badan. Waxa kale oo dhaawacma dhaqanka iyo maamuuska bulshada ka dhexeeya gaar ahaan marka lagu xadgubo xeerarka iyo tilmaanta diinta kolka dil/dhac iyo falal kale oo aan bannaanayn faraha lala galo xiliga dagaalada. Waxa taa sii dheer khalkhal guud oo isbeddel ku keena dhismihii mujtamaca, sida hoggaanka talada, haynta maaliyadda iyo awoodda oo faraha kala cayn wareega.

Waa in waxyaabahaas oo dhan la tixgeliyaa marka jaangoyn farogelineed la samaynayo si loo yareeyo khalkhalka dheeraadka ah oo ay keeni karto gurmad iyo afcaal ujeeddo waxtar leh.

Waxa saldhig u ah hirgelinta barnaamij waxtar sare leh hadba sida mujtamaca laftiisu talada looga qayb geliyo intaan dusha lagaga keenin mashaariic haayad la roorayso oo waxtar daayo kharbudaad hor leh abuura ama sii cakira mushkilad jirta.

Marka qofku uu dareemayo inuusan fayoobeyn una baahanyahay caawinaad, waxaa laga yaabaa in sababo badan awgood ay ku adkaato siduu caawinaad u raadsan lahaa. Dhibaatooyinka dhimirku si tartiib ah ayeey ku bilaawataa, waxaana laga yaabaa in qofka ay dhib ku noqoto inuu dareemo inuu caawinaad u baahanyahay. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku isdiid-siiyo, in dareenka dhibaatadu aysan sii yaraaneynin.

Raasashadda caawimada waxaa kale oo sii hakin kara in dad badan ay ku adag tahay in ay kala hadlaan arimahooda shaqsi, arrimaha noloshooda iyo kuwa u gaarka ah qof aysan aqoonin. Waxaa kale oo caqabad noqon kara qofkoo dareema qiimo-daro iyo rajo-xumo.

Tusaale waxaa laga yaabaa in qofka qaba niyadjab, inuu dareemo inuusan u qalmin daryeel ama in aysan faa’iido u laheyn. Sidoo kale waxaa arintaas la xiriira dhaqanka dadka soomaalida ah ee ku dhisan in qofka ceebihiisa qarsada sidoo kale inuu qofka dareemo qof jilcan haddii caawimaad raadsado. Waxayna aaminsan yihiin aragti ku dhisan in qofku kaligiis wax is taro.

In la raadiyo caawimo ama daryeel habboon ayaa laga yaabaa in ay qaadato waqti iyo dadaal badan. Haddana waa muhiin in qofku si dhiirannaan ah u raadsado daryeelka.

Way adagtahay in la xaddido xiliga ay mudan tahay in qofku raadsado xirfadle kaalmeeya, laakiin waxaa mudan in la xusuusto arriman soo socda:

  • Adeega caafimaadka dhimirka waxaa loogu talo galay qof walba oo naga mid ah, inta aadan u tagin dhaqtarka dhimirka marka hore qoyskaaga iyo saaxibada midka aad ku kalsoon tahay kala sheekeyso xaalkaaga halka uu maraayo.
  • Dareen ah inaad u baahantahay khabiir adeegan aqoon u leh ayaa ku filan inaad  la soo xiriirto.
  • Ma aha inaad dib u dhigto in aad la  xiriirto adeegan haddii qofku ama qof qoyska ahi uu ku fikirayo inuu is haligo ama haddii qofku uu u dhaqmayo si qof waallan ama si guracan.

Daaweynta cuduradani waxay inta badan ku xiran tahay calaamaadka iyo noocyada xanuun ee qofku muujiyo. Daaweynta waxay noqon kartaa mid ku eg hadal iyo talo-bixin ilaa daaweyn culus oo dhinaca dhimirka ah iyo weliba daaweyn ku aadan calaamaadka khaaska ah hadba sida ay u soo ifbaxaan.

Facebook Comments