Caruur iyo dhallinyaro oo asal ahaan ka soo jeeda dad qaxooti ah ayaa dhameysta dugsiyada sare ee dalka Noorway marka loo fiiriyo Denmark iyo Finland. Xogtaan waxaa lagu muujiyey dib u eegis lagu sameeyey xogta diiwaangelinta ee carruurta qaxootiga ah ee yimid Denmark, Finland, Noorway, iyo Sweden sannadihii 1986-2005.

Daraasadda diiwaangelinta waa mid ka mid ah labada daraasadood oo cusub oo lagu sameeyay mashruuca cilmibaarista Nordic “Coming of Age in Exile” (CAGE) oo diiradda saaraysa caafimaadka, waxbarashada, iyo isku xirnaanta suuqa shaqada ee dhalinyarada qaxootiga ah.

Daraasadda labaad ayaa ah sahamin tayo leh oo laga helay waayaha dhallinyarada qaxootiga ku ah dugsiyada sare ee Noorway.

Cilmi-baarayaal ka socda Xarunta Qaranka ee Rabshadaha iyo Dhibaatooyinka Naxdinta leh (NKVTS) iyo Jaamacadda Koonfur-bari ee Noorway (USN) ayaa ka qeyb qaadatay mashruuca CAGE oo ka yimid Norway.

Maxay muujinaysaa darasadaan?

Daraasada diiwaan gelinta waxay muujineysaa in inta udhaxeysa 46% iyo 66% dhalinyarada qaxootiga ku ah Noorwey ay dhammeeyeen dugsiga sare iyagoo jira 25 sano, iyadoo ku xiran da’da ay yimaadeen. Marka la isbarbardhigo, tani waxay khuseysaa 79% carruurta ku dhalatay Norway.

Markasta oo ay sii weynaadaan carruurtu markay yimaadaan, way ka sii dhib badan tahay inay iskuul dhigtaan. Da’da imaanshaha wadamada Waqooyiga Yurub waxay umuuqataa inay door muhiim ah ka ciyaarayso sida wanaagsan ama sida xun ee caruurta qaxootiga ah wax u qabtaan.

Carruurta qaxootiga ah iyo dhalinyarada yimaadda dalalka Waqooyiga Yurub ka dib markay 15 jirsadaan waxay leeyihiin waxqabad dugsi oo liita iyo heerka ka-tagidda dugsiga sare oo ka sarreysa kuwa ay isku fasalka yihiin ee ku dhashay Noorway.

“Dhallinyarada qaxootiga ah ee Noorway tagaayo iyagoo dhallinta yar dhammaantooda waxay leeyihiin dhibaatooyin gaar ah, maaddaama ay tahay inay bartaan luuqad cusub, la qabsadaan nidaamka iskuullada aan looga baran, iyo inay ku dhammaystiraan waxbarashada dugsiga sare dhawr sano gudahood. Isla mar ahaantaana, dadka soo galootiga waxay inta badan, aysan ku helin dalalkooda waxbarasho tayo leh, qaarkiisna waxay ahayeen waxbarasho la’aan” ayay tiri Lutine de Wal Pastoor oo ka tirsan Xarunta Qaranka ee Rabshadaha iyo Dhibaatada Masiibada (NKVTS).

Soomaalida Noorway ayaa ah qoomiyadaha ajaaniibta ah ee la sheego inay ku liitaan xagga waxbarashada.  Dadka waa weyn waxay sheegaan in intooda badan aysan horey waxbo usoo dhiganin, sidoo kale caruurta yaryar ee la geeyo dalka Norway ayaa ah kuwa fajac iyo la yaab ku noqoto dhaqanka iyo dadyow aysan horey u arag. Waxayna ku qaadataa wakhti inay la qabsadaan nolosha iyo nidaamyada cusub ee waxbarashada iyo bulshada Noorway.

Dagaalladii sokeeye ee qarxay sannaddii 1988 iyo burburkii ku yimid dawladdii dhexe sannaddii 1991 ayaa waxay waxyeello xooggan u gaysteen dhammaan adeegyadii bulshada dalka oo ay ka mid tahay qaybta waxbarashada. Qaab dhismeedka waxbarashada ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba la burburiyay.

Dagganaansho la’aan dabo dheeraatay iyo iska hor imaadyo aan kala go’ lahayn ayaa waxay ku khasbeen dadka gudaha ku nool iyo bulshada caalamka inay dib u abuuraan adeegyadii waxbarasho ee waddanka oo ay maalgaliyaan. Burburkii ku yimid nidaamka waxbarashada ayaa waxa uu aad uga baaxad waynaa kan

haleelay dhismayaashii, waxa lagu qiyaasay 80% maskaxdii waddanka inay ka baqooshay intii ka danbeysay markii dagaalladii sokeeye ay qarxeen (Lindley, 2008). Dagaallada iyo colaadda daba dheeraatay ayaa waxay ka hor istaageen carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed inay waxbarasho toosan helaan.

Burburka ku yimid nidaamka waxbarashada Soomaaliya ayaa wax badanna ka horreeyay dagaalladii sokeeye iyo dhaqaalihii waddanka oo dumay intii lagu guda jiray sannadihii 1980-meeyadii ayaa waxay dhibaato xooggan u gaysateen dawladda isku xirnaanshaheedii, taasoo keentay in dawladda ay ka dhunto diiradda iyo dariiquba, meeshana ka saartay in sidii la rabay loo maalgeliyo waxbarashada iyo in la horumariyo qorshayaasha dawladda.

Muddo aan sidaa u fogayn – kaddib marki ay nabadgalyada iyo daganaanshuhu-ba isa soo tareen qaybo ka mid ah waddanka – ayaa waxaa is xilqaamay qaybo kala duwan (oo ay ka mid yihiin Soomaalida dal joogta ah, midda qurbo joogta ah, hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, wakaaladaha gargaarka islaamiga ah iyo sidoo kale ganacsatada) waxayna wax la taaban karo kusoo kordhiyeen dib usoo noolaynta iyo horumarinta waxbarashada.

Faham la’aanta xaaladaha maskaxda iyo bulshada

Daraasadaan waxay kaloo muujineysaa in iskuulada iyo macalimiinta Noorwey ay leeyihiin aqoon kala duwan oo inta badan aan ku filneyn sida loola macaamilo koox arday kala duwan oo asalkoodu yahay qaxooti.

Shaqaalaha dugsigu waxay u badan yihiin inay ka walwalaan cilaaqaadka la xiriira waxbarashada marka loo fiiriyo xaaladaha nafsaani-bulsho markay ka hadlayaan caqabadaha dhalinyarada qaxootiga ah ee dugsiga.

– Macallimiin badan ayaa carrabka ku adkeeyay, in dugsigu ugu horrayn yahay xarun waxbarasho oo aanu ahayn xarun daryeel.

Laakiin macallimiinta tilmaamaya doorka dugsigu ka qaadanayo kor u qaadista fayoobanaanta nafsaani-ahaaneed ee dhallinyarada qaxootiga ah ayaa muujinaya baahida loo qabo karti dheeri ah.

Mid ka mid ah cawaaqib la’aanta karti la’aanta dugsiyada ayaa ah in dhibaatada nidaamka ay noqoto dhibaatada ardayga gaarka ah, “ayay tiri Lutine de Wal Pastoor.


Xigasho: NKVTS/Afrikaan.so

Facebook Comments