Tirada dadka ku dhintay qaarad ay ku nool yihiin hal bilyan oo ruux ayaa ka yar dadka ku dhintay waddanka UK oo kaliya, iyadoo waliba uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya hannaanka caafimaadka iyo qalabka loo adeegsado.

Dalal badan oo ku yaalla Afrika ayaa lagu ammaanay inay olole fiican u sameeyeen hakinta fiditaanka fayraska corona, iyadoo xitaa la ogyahay inay adeegyadooda caafimaad aad u liitaan. Qaaradda oo ay ku nool yihiin in ka badan hal bilyan oo ruux ayaa laga soo tabiyay 1.5 milyan oo kiis, sida lagu shaaciyay xog kasoo baxday Jaamacadda John Hopkins.

Tiradaas ayaa aad uga yar tii laga soo tabiyay Yurub, Aasiya ama Ameerika, waxaana lagu soo warramayaa inay kiisaska sii yaraanayaan dhinaca Afrika. Ilaa hadda dhimashada uu sababay cudurka safmarka ah ee Afrika laga diiwaan galiyay waa 37,000.

Haddii la barbardhigo qaaradaha kale, 580,000 oo dhimasho ayaa laga diiwaan galiyay qaaradaha Koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika, Yurub dhimashada laga xaqiijiyay waa 230,000, halka qaaradda Aasiya laga soo tabiyay 205,000 oo dhimasho.

Daraasad ay dhawaan soo saartay hay’ad ay ku mideysan yihiin ururro dowli ah iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay ayaa lagu sheegay “Heerka dhimashada ee Afrika uu ka hooseeyo kan dunida inteeda kale, saameyntuna way ku yareyd bulshooyinka reer Afrika.”

Hase yeeshee dagaalka ay Afrika kula jirto cudurka Covid-19 waxaa xagal daacinaya heerka baadhitaanka oo aad u hooseeya.

Ma jiro tuhun laga qabo in tirada dadka u dhintay fayraska qaar aan la diiwaan galinin, sida uu sheegay Dr John Nkengasong, oo ah madaxa waaxda xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee qaaradda Afrika. Haddaba maxaa ka mid ah sababaha horseeday in dhimashada corona ay ku yaraato Afrika?

1. Tallaabo deg deg ah

Kiiskii ugu horreeyay ee corona ah oo qaaradda laga soo tabiyay waxaa laga xaqiijiyay waddanka Masar 14-kii bishii February. Waxaa jirtay cabsi weyn oo laga qabay in fayraska uu si aad ah u saameyn doono dalalka uu liito adeeggooda caafimaadka ee ka tirsan qaaradda Afrika.

Sidaas darteed, billowgii horeba, inta badan waddamada Afrika waxay qaadeen tallaabooyin adag oo lagu yareynayo faafitaanka cudurka. Amarro lagu soo rogay shacabka – oo ay ka mid yihiin in aan gacanta la isku salaamin, in si joogto ah gacmaha loo dhaqdo, kala fogaandhaha dadka iyo xirashada maaskarada – ayaa si buuxda loo fuliyay.

Dalalka qaarkood – sida Lesotho – waxay tallaabooyinkaas qaadeen iyadoo xitaa aan wali la soo tabinin kiiskii ugu horreeyay. Waxaa waddankaas looga dhawaaqay xaalad deg deg ah, goobihii waxbarashada ayaa la xiray 18-kii bishii March, waxaana la galay xayiraad saddex isbuuc ah.

Laakiin maalmo yar uun kaddib markii la qaaday xayiraadda – horaantii bishii May – ayaa kiisaskii ugu horreeyay laga soo tabiyay Lesotho. Waddankaas oo shacabkiisu uu yahay wax ka badan 2 milyan, waxaa laga soo tabiyay 1,700 oo kiis iyo 40 dhimasho.

2. Taageerada dadweynaha

Daraasad ay hay’adda PERC bishii August ka sameysay 18 waddan ayaa lagu ogaaday in taageerada ay shacabka u muujiyeen talooyinka iyo amarrada lagu soo rogay ay gaartay heer aad u sarreeya. 85% ka mid ah dadkii lagu wareystay daraasadda waxay sheegeen inay maaskaro xirnaayeen isbuucii ka horreeyay xilliga daraasadda la fulinayay.

“Iyadoo ay jireen amarro adag oo lagu soo rogay shacabka, dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika waxay awood u yeesheen inay cudurka xakameeyaan intii u dhaxeysay bilihii March ilaa May,” ayaa lagu yiri daraasadda.

Waxaa intaas lagu daray: “Dabacsanaan yar oo dhacday bilihii June iyo July ayaa kusoo aadday sare u kac ku yimid kiisaska laga soo tabiyay qaaradda”. Xilligaas wixii ka dambeeyay, hoos u dhac la taaban karo ayaa ku yimid saameynta fayraska.

3. Shacab da’ yar – iyo guryaha qadiimiga ah oo yar

Da’da dadka ku nool inta badan waddamada Afrika ayey sidoo kale u badan tahay inay saameyn ku leedahay faafitaanka cudurka ee yaraaday. Marka la eego dunida oo dhan, dadka u dhintay fayraska ayey da’dooda ahayd wax ka badan 80 sano, halka Afrika ay hoy u tahay dadka ugu dhallinta yar caalamka, oo inbadan ay ka hooseeyaan 19 sano, sida lagu sheegay xog ay shaacisay Qaramada Midoobay.

“Cudurka safmarka ah wuxuu inta badan ku dhacay dadka da’da yar… qiyaastii 91% ka mid ah kiisaska Covid-19 ee dalalka saxaraha ka hooseeya waxay ku dhaceen dad ay da’dooda ka yartahay 60 sano, in ka badan 80% ka mid ah dadkaasina calaamadaha way kasoo muuqdeen,” ayey tiri Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO.

4. Cimilo fiican

Daraasad ay sameeyeen cilmibaareyaal ka tirsan Jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday inuu jiray xiriir ka dhaxeeyay cimilada iyo faafitaanka fayraska dhaliya cudurka Covid-19. Heer kulka, huurka iyo hawada ayaa qeyb ka ah waxyaabaha saameeya awoodda uu ku fido xanuunkan.

“Waxaan eegnay fiditaankii hore ee cudurka uu ugu faafay 50 magaalo oo ka mid ah caalamka. Fayrasku way u sahlan tahay inuu ku fido meelaha uu heerkulkooda hooseeyo iyo kuwa uu huurka ka jiro,” ayuu yiri Maxamed Sajadi, oo hoggaaminayay cilmi baarista.

“Taasi micnaheeda ma aha inuusan ku fidin meelaha kulul, laakiin marka uu heerkulka sare u kaco waxaa yaraanaya faafitaanka fayraska.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

5. Hannaanka Caafimaadka bulshada oo wanaagsan

Cudurka safmarka ah ee Covid-19 wuxuu yimid xilli Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ay la tacaaleysay cudurkii ugu weynaa ee ilaa hadda ka dillaaca Qaaradda, oo ah Ebola. Waddamada dariska la ah waxay ku jireen heegan, baaritaannada caafimaad ee lagu sameynayay dadka safrana waxay ahaayeen kuwo joogto ah, maadaama la iska ilaalinayay fayraska Ebola, kaddibna baaritaannadaas waa lasii ballaariyay markii uu dillaacay Covid-19.

Waddamo badan oo ku yaalla Galbeedka Afrika – oo la soo dagaallamay fayraska Ebola ee socday intii u dhaxeysay 2013-kii ilaa 206-kii – ayey u sahlanaatay in xarumihii caafimaadka ee lagula tacaalayay cudurkaas loo adeegsado fayraska Corona. Meelaha wax tarka yeeshay waxaa ka mid ah goobaha karantiilka ee sii shaqeynayay. Sidoo kale waxaa laga faa’iideystay hannaankii dabagalka iyo baaritaanka dadka qaba xanuunka.

Intaas waxaa sii dheer, waddanka ugu shacabka badan qaaradda Afrika ee Nigeria, kooxihii xaafadaha dhexdooda ka waday ololaha tallaalka dabeysha ayaa si sahlan loogu weeciyay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah fayraska corona. Oraahdan waxaa bishii April yiri Dr Rosemary Onyibe, oo bixinayay barnaamijka wacyigalinta cudurka dabeysha:

“Isla markii aan maqlay warka ku saabsan corona, waxaan durbadiiba ku fikiray: waajibaadkii ayaa i sugaya. Khibraddeyda ayaa looga baahan yahay adeegga bulshada.”


Xigasho: BBCSomali

Facebook Comments