Wakhtiyadaan ugu dambeeyay dalka Mareykan waxaa ka dhacay mudaharaadyo badan kuwaasoo loogu soo horjeeday dilkii naxariis darada ahaa ee George Floyd. Geeridaan naxdinta laheyd ee George Floyd ee ku timid jilibka booliis caddaan ah oo magaciisa la yiraahdo Derek Chauvin ayaa dhalisay kacaan ay shacabka reer Mareykan ku doonayaan in George Floyd helo caddaalad.

Fiidiyowga gacanta lagu duubay ee geerida George Floyd, sarkaalka Derek Chauvin, wuxuu kusii haayay jilib qoorta dhabarkiisa ilaa sideed daqiiqo ilaa uu Mr. Floyd joojiyo hadalka ama dhaqaaqa.

“Uma baahnid inaad halkaas fadhiisatid iyadoo jilibkaagu qoorta saaran yahay,” ayuu ku dhawaaqay qof kamarad ka ag-dhowaa, isagoo sarkaalka kula hadlaya luuqad cusbada lagu daray. “Wuu ku raaxeysanayaa sidaasi. Waxaad tahay. Waad ku raaxeysaneysaa taas. Waad ku ridi kartaa gaariga hadda.”

Tababarayaasha booliska iyo kuwa ku xeel dheer dambiyada ayaa sheegay in, dhacdadaan u muuqato inay tahay mid marar badan horseeday dhimashooyin badan. Mylan Masson, oo ah sarkaal hore oo booliis ah oo waday tabbabaro booliiska Minneapolis muddo 15 sano ah ilaa iyo 2016 wuxuu yiri “Waxaan isku dayeynaa inaan ka fogaano qoorta sida ugu macquulsan.”

Cunsuriyada Mareykanka waxay jirtay ilaa xilligii gumeysiga, waxayna ku lug leedahay sharciyada, dhaqamada, iyo talaabooyinka lagu takoorayo kooxaha kala duwan ama si xun ugu saameynaya siyaabo kale, iyadoo lagu saleynayo isirkooda ama jinsiyadooda. Cunsuriyaddu waa qaab caddaadis nidaamsan oo ay soo saaraan xubno ka tirsan dowladda si loo dhibaateeyo dadyowga kale ee ka duwan xagga midabka iyo timaha.

“Haddii aad madaxaada kor gayso, waxaa laguula dhaqmaa si habboon, haddiise aad isliidid waxaa laguula dhaqmaa six un. Sidaas darteed waxaan ka codsanayaa bulshadeenna in ay u istaagaan xaqooda, naftoodana ku kalsoonaadaan si ay usoo ceshadaan qabkooda iyo aqoonsigooda” ayay tiri Maryan Mursal oo kasoo jeeda qabiilka la takooro ee Gabooyaha.

Dabeecadaha xagjirka ah ayaa ka dhex jiray dadyowga dunida kumanaan sano kahor, laakiin caddaadis nidaamsan ayaa markii ugu horreysay soo ifbaxay 1600-kii oo ay weheliso hanti-wadaaga; wadajirka, hanti-wadaaga iyo dulmiga midabka, waxaa loo arkay hantiwadaag midab. Xilligaan ka hor, cunsuriyaddu ma aysan jirin, addoonsiga waxaa sida caadiga ah loo qaadan jiray iyadoo ay sabab u tahay ku guuleysigii dagaalka militariga.

Dunidaan casriga ah, cunsuriyada hay’adaha waxaa lagu qeexaa cunsuriyad ay geystaan hay’adaha bulshada iyo siyaasada, sida iskuulada, maxkamadaha, ama militariga. Si ka duwan cunsuriyada ay ku kaceen shakhsiyaadka, cunsuriyada hay’adaha, oo sidoo kale loo yaqaano cunsuriyada nidaamsan, waxay awood u leedahay inay si xun u saameyso tirada badan ee dadka ka tirsan koox isir. Cunsuriyada hay’adeed waxaa lagu arki karaa meelaha hantida iyo dakhliga, caddaalada dambiyada, shaqada, daryeelka caafimaadka, guryaha, waxbarashada, iyo siyaasada, iyo kuwa kale.

Ereyga “cunsuriyadda hay’adaha” waxaa markii ugu horreysay loo adeegsaday 1967 buugga “Black Power: The Politics of Liberation” oo ay qoreen Stokely Carmichael (oo markii dambe loo yaqaan Kwame Ture) iyo Charles V. Hamilton, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda ku xeel dheer. Buuggu wuxuu si qoto dheer uga hadlay xudunta cunsuriyada Mareykanka iyo sida howlaha siyaasadeed ee soo jireenka ah dib loogu habeyn karo mustaqbalka. Waxay cadeeyeen in kastoo cunsuriyada shaqsiyadeed inta badan si fudud loo aqoonsan karo, cunsuriyada hay’adeed aysan sahlaneyn in la ogaado maxaa yeelay waa dabeecad xeelad badan.

Muran kuma jiro dhacdo taariikhda Mareykanka ah oo reebtay raad weyn oo ku saabsan xiriirka jinsiyada marka loo eego addoonsiga. Kahor intaan sharciga la soo saarin si loo joojiyo addoonsiga, dadka addoonsiga ah ee adduunka oo dhan waxay u halgameen xorriyadda iyagoo abaabulay kacdoonno, faracyadoodiina waxay la dagaallameen isku dayga lagu sii waday cunsuriyadda intii lagu jiray dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah.

Sawirka: Machadka Dhaqanka ee Google / Wikimedia Commons / Public Domain

Xitaa markii sharciga noocaas ah la meel mariyey, ma calaamadin dhamaadka addoonsiga. Gobolka Texas, dadka Madow waxay ku sii jireen addoonsiga labo sano ka dib markii Madaxweyne Abraham Lincoln uu saxiixay Baaqa Xorriyadda. Fasaxa Juneteenth waxaa loo aasaasay si loogu dabaaldego joojinta addoonsiga ee Texas, waxaana hadda loo tixgeliyaa inay tahay maalin loogu dabaaldego xorriyadda dhammaan dadka la addoonsado. 

Sidoo kale, Islaam nacaybka ka jira dalka Mareykanka ayaa sare u kacay tan iyo bishii Sebtember 11, 2001. Markii ugu horreysay ee hadal heynta ka dhanka ah muslimiinta ee ka soo yeera hogaamiyaasha siyaasada waxay timid bishii Sebtember 2015, kuna soo beegantay iyadoo la kordhiyay warbixinada ku saabsan dhibaatada sii kordheysa ee qaxootiga Suuriya. Waxay mar kale kor u kacday kadib weeraradii argagixiso ee ka dhacay Paris bishii Nofeembar 2015 iyo San Bernardino bishii Diseembar 2015.

Sawirka waxa ku qoran muslim kasta oo dhab ah waa mujaahid.

Intii lagu gudajiray 2015, dambiyada naceybka ah ee muslimiinta waxay ahaayeen heerarkii ugu sareeyay tan iyo qaraxii daaraha Mareykanka 9/11. Warbixino ka kooban 174 waxay soo wariyeen dhacdooyinka rabshadaha ka dhanka ah muslimiinta ay sare u kaceen sanadihii u dambeeyey.

Haddii aad sii dhexgasho cunsuriyadaha Mareykanka ka jira ma ahan mid qoraal kooban lagu soo koobi karo. Dilkii George Floyd, waxay wakaaladda wararka ee Associated Press isbarbardhigtay Floyd iyo Crispus Attucks, oo si weyn loo rumaysan yahay inuu yahay ninkii ugu horreeyay ee lagu dilo xasuuqii Boston 1770 ee bilaabay Kacaankii Mareykanka. Wakaaladda wararka ee AP waxay wareysi la yeelatay qoraaga caanka ah ee reer Boston Miranda Adekoje, oo wax ka qoraysa riwaayad cusub oo ku saabsan Attucks, oo barkeed madow ahayd, barkeedna ahayd dadka asaliga Mareykanka.

“Kacaankii ku bilaabmay dilkii Crispus Attucks ‘tixgelin dhab ah uma lahan nolosha dadka Afrikaanka ah iyo kuwa asaliga ah,” ayay tiri. “Kacaankii bilaabmay dilkii George Floyd wuxuu ujeedkiisu yahay oo keliya in Ameerika laga dhigo mid la degganaan karo dadka oo dhan.

Waxaa jira mudaaharaadyo sharci ah, iyo dib-u-habeyn dhab ah oo lagu riixaya, sida Congress-ka oo doonaya in laga takhaluso caqiidada sharciga ee xasaanadda u qalma booliska. Laakiin, sida muuqata, qaar ayaa doorbidaya dib-u-habeyn wanaagsan oo lagu raadinayo kacaan.

Wakaalada AP “Si la mid ah George Floyd, wuxuu ahaa madow, bartamihii 40-naadkii, wuxuuna ku dhintay gacanta nin caddaan ah. Iyo sida Gearge Floyd, waxaa laga yaabaa inuu ka caawiyay taabashada kacaanka.”

Waxaa halkaasi kaaga cad, duruufaha nin walba dhimashadiisu aad bay u kala duwan yihiin. Attucks, 47, wuxuu ku dhintay iska horimaad ay la galeen xoogaggii qabsaday. Floyd oo 46 jir ah ayaa ku dhintay Maalinta Xusuusta Magaalada Minneapolis ka dib markii sarkaal bilays ah oo caddaan ah uu jilibkiisa ku caddaadiyey qoorta, isaga oo iska indho tiray oohin aanu neefsan karin.

Sarkaalka dilay marxuum George Floyd ayaa lagaga sii daayay xabsiga qaab damiin ah. Derek Chauvin ayaa soo dhigay $ 1m (£ 774,000) oo dammaanad ah waxaana la sii daayay subaxnimadii Arbacada, sida uu muujinayo diiwaanka maxkamaddu.

Dhammaan afartan sarkaal ee loo haysto dilka Mr Floyd oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa hadda la soo damiintay, waana xor ilaa laga gaarayo maxkamadeyntooda danbe sannadka soo socda.

Chauvin wuxuu ku jiray xabsiga ugu amniga badan ee Oak Park Heights, Minnesota, tan iyo dabayaaqadii bishii May. Bishii Juun, garsooraha ayaa dhigay dammaanad ah $ 1.25m oo aan lahayn wax shuruud ah, ama $ 1m oo ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin Mr Chauvin in aanu la xiriirin qoyska Mr Floyd, dhiibistiisa qorigiisa oo uusan ka shaqeyn karin waaxaha sharci fulinta ama amniga maadaama uu maxkamad sugayo.

Mr Chauvin, damaanaddiisa ayaa tan shuruudda leh, taasoo diiwaanka maxkamada ay muujisay inay u dammaanad qaadday wakaalad ka shaqaysa damiin qaadidda, sida ay soo tebisay warbaahinta CBS Minnesota.

Mareykanka gudahiisa, wakiillada damaanad-qaadayaasha ah aa ayaa kuu ballan qaadaya inay siiyaan mas’uuliyiinta qaddarka dammiin buuxa ee looga baahan yahay deysanayaasha haddii aysan awoodin inay sidaas sameeyaan ama ay ku fashilmaan inay ka soo muuqdaan maxkamadda.

Mr Chauvin ayaa laga sii daayay xabsiga wax yar ka hor 11:30 waqtiga maxalliga ah (17:30 GMT) Arbacadii, sida laga soo xigtay Xafiiska Sheriff County Hennepin.

Ben Crump, oo ah qareen u dooda xuquuqda madaniga ah oo matalayay qoyska Mr Floyd, ayaa sheegay in siidaynta Mr Chauvin ay ahayd “xusuusin xanuun badan” sida oo kalena “wali ay ka fog yihiin inay cadaalad u helaan George”.

“In kasta oo George Floyd loo diiday inuu caddaalad ku helo nolosha, haddana ma nasan doonno illaa iyo inta uu ka helayo caddaalad buuxda kaddib geeridiisa, “ayuu yirri Mr Crump.

Xilligan, dhammaan afarta sarkaal ee la eedeeyay waxaa loo qorsheeyay inay si wada jir ah u wajahaan maxkamad bisha Maarso, laakiin qaaddiga ayaa ka fiirsanaya inuu si goonni goonni ah u maxkamadeeyo. Dhacdadan dacwad oogisteeda ayaa muujisay nabarro qoto dheer oo ka dhashay sinnaan la’aanta jinsiyadeed ee Mareykanka.

Facebook Comments