Waxaan halkaan kusoo bandhigi doona qoraalo koo koban kuwaas oo macno weyn ka bixin doona Maadada Dhaqalaha. Qoraaladaas oo ay ka faa’idaysan doonaan guud ahaan qofki akhrista, ama jecel in u wax ka ogaado dhaqaalaha iyo gaar ahaanba ardayda jecel in ay bartaan Dhaqalaha. Casharadaas oo aan kusoo arruurinay in uu qof walba fikrad fiican ka heysan doono dhaqalaha.

Waxaynu ognahey in cilmigu ama aqoontu ay tahey warbixin aad hesho. Hadaba haddii aad fursad u hesho aad ku akhrisato fadlan gaarsii walaalkaa kaleeto si uu isna uga faa’idaysto. Inta aan u gudagalin, waxaan qofkasta ka doonayaa inuu iisoo gudbiyo fikradaha lasoo gudboonaata markuu akhristo qoraalkan, adigoo isoo diri kara waraaq.

Dunidda maanta la joogo Dhaqaalahu wuxuu ka noqday wax dhammaan bushada kunool adduunka in ay noqdaan dhaqaalyahano. Gaar ahaan dadka ku nool dunida seddaxaad waxey ogadeen in barashada dhaqaluhu uu u sahlo xalinta dhibatadooda dhaqaale iyo tooda bulshadaba. Sidaa darteed maadada dhaqaaluhu maanta waxay noqotey mid aan la soo koobi karin faa’idooyinkeeda.

Hadaba waxaa muhiim ah in aan halkaan ku xusno maadaddaas, inagoo sheegi doona, asal ahaan erayga dhaqaalaha meesha uu ka yimid, sidii uu u baxey, herarka uu soo marey, qeybaha uu u kala baxo ama loo qeybiyo inaga oo addeegsaneyna habka ugu hufsan una egayna in aan soo koobno qoraalkeena.

Dhaqalaaha waa maado la barto madaddaasoo dad badani ku tilmamaan madadii boqortooyada.

Professor Naiz Ahmed isagoo tusale ka bixinaya ayuu yiri Madaxweynaha wadankan(Pakistan) Genenal Barfeez Musharaf ayaa markii uu xukunka qabanaayey yiri “waan garanayaa aqoon badan inkastoo aan garaneyn Economics waxaana khasab ah in aan barto Dhaqalaha”(isagoo maanta sifiican ubartey) taasi waxey ku tusinaysaa in aysan aheen maado raqiis ah.

Madaddaani waa maado wax walba ka turjumaysa una sahleysa hoggaanka wadanka haya in uu si fiican u hago wadankaas haddii uu yaqaan dhaqaalaha.

Macnaha dhaqaalaha

Erayga economics waxaa la dhahaa markiisi hore wuxuu ka yimid, dadkii Giriiga oo ay oran jireen Oikonomes. Sida aynuba ognahey dadka Giriigu waa dadki laga soo gaarey waxyaabo badan oo haddii aad baarto aad ogaaneyso.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxey iyagu u isticmaali jireen?

Waxay u isticmali jireen maamulka guriga. Hada su’aasha taal waxa weeye sidee eraygaan uu ku noqday  Economics madaama uu ahaa Oikonomos?

Markii ay bilaabmeen kacaankii warshadaha dowlada Ingiriiska 1770, waxaa suurta gashey in ay warshado badan bilaabmaan, hadda waxaa la ogyahey haddi ay wax soo kordhaan in ay wax la yimadaan. Kacaankaas ayaa waxaa bilaabmay dhibaato xagga dhaqalaha ah. Dhibaatadaas oo saameysay shaqo la’an, Gadiidka iwm.

Kadib waxey noqotey in loo baahdo sidii loo darsi lahaa dhibatooyinkaas. Si marka loo darso dhibatooyinkaas soo foodsarey dalka Ingiriiska ayey noqotey in lagu xaliyo Magaca Economic. Sidaas buuna ku noqdey Economic.

Waxaana magaca Economic bixiyey oo awal loo aqoon jiray Oikonomos ku turjumay luuqada uu hadda yahey Economics Adan Smith. Waxaana Adan Smith noqdey abihii dhaqaalaha (father of Economic). 1776 ayuu buug qorey Adan Smith wuxuuna u bixiyey ” Wealth Nation”. Wuxuna ku qeexay “Economic is a science of Wealth”.

Hadaba haddii aynu usii guda galno qeexitaankaas. Waxey na tusinaysaa erayga “Wealth” oo ah Hanti kana koobma afar qeybood oo kala ah:

1.Wax soo saar 

2. Iswaydaarsi

3. Qaybin

4. Isticmaal

Hantidu maxay tahay?

Hantidu waa baddeecada iyo addeega. Marka qexidaasi waxey u dhaceysaa dhaqaaluhu in uu yahay baddeecad iyo addeeg gediskoodu yahay lacag.

Hada wamic:

Guud ahaan dhaqaaluhu waa sayniskaas oo darsa wax qabadka dhaqaalaha dadka oo ku wajahan nolosha bulsada. Hadaba qeybtaan waxay nasiisa qaabab aynu u isticmaalno in aan ku lafa gurno dhibaatada dhaqalaha soo food saarta dadka.

Waxayna u qeyb santaa labo qeybood oo kala ah:

  1. Microeconomics
  2. Macroeconomics

Microeconomics

Micro waxeynu ogsoonahey in ay tahey waxyar, sidaa darted Micro-Economic waxaa loo isticmalaa in lagu wajaho waxyaabaha yar yar ee dhaqaaluhu leeyahey sida dalabka ay leedahey badeecadi sidoo kaleeto markii shey ama badeecad laqimeynayo waxeyna u qeybsantaa aftar waxyaalood ay hantidu leedahey sida:

  1. Wax soo saar (Production)

2. Iswaydaarsi(Exchange)

3. Qaybin(Distribution)

4. Isticmaal(Consumption)

Macroeconomic

Macro waxey ka timid eray Giriik ah oo la oran jiray “Makros” kaas oo macnihiisu yahey baaxad ama weynaan “Large”. Sidaa darted Macroeconomics waxaan ku baranaa qeybaha waa weyn ee dhaqaalaha. Taasoo natusunaysaa tusala’ahaan intaan gaar ahaan ardeyda ka hadli laheen in aan ka hadalno dhamaan waxa dhigta.

Hadaba qeybtaan waxaa hormariyey J.M Keynes. Waxaanu ku baranaa qeybtaan waxyaabo badan oo dowlada la xirrira sida:

  1. Dakhliga ay dowladi leedahay.

2. Ganacsiga kharajka ama dibada.

3. Qiimaha sarifka lacagaha.

4. Dhaqaalaha guud ee bulshada.

5. In loo dhuun daloola waxyaalaha keena shaqo la’anta.

6. Koritaanka iyo hormarka.

Waxaan filayaa

2. Applied Economic

Qeybtaan waxaan ku baranaa in aan ku wajahno wixii aan kusoo baraney qeybti hore oo aheed aragti ama figrad maskaxeed oo la abuuray. Anagoo ku sameynayna xaaladda xaqiiqda dhaqaalaha uu wadan leeyahey. Anagoo shaqadii qabaneyna ayaan ku wajaheynaa. Tusaale ahaan adigoo raba in aad ogaato shaqa la’aanta wadanka ka jirta ama aad ogaato koritaanka iyo hormarka Soomaaliya ayaad wajaheysaa qebtaan.

Waxaad kaloo ku wajihi kartaa (Monetary and fiscal policies of the country).

Madaahiibta afkaarta cilmiga dhaqaalaha

Dhaqaalaha Madhabka Classicism

Dhammaadkiii qarnigi 18aad iyo bilawgi qarnigii 19aad ayaa waxa aad usoo ifbaxay in kacdoonkii warshadeed ee Yurub ka jiray, iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadanaha, sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed, taasna sababtay inay dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadkii ka shaqeen jiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas.

Saas darteed culumadii cilmiga dhaqaalaha oo xiliga doonayay inay saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray, iskusoo wada duboow Classic School waxa ay ahayd dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka ahayd ee cilmiga dhaqaalaha iyo hirgalinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah (maslaxada fardiga) ee Liberalism ka loo yaqaan, ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha, taxliilka loo yaqaano.

Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism:-

  1. Soo ifbixida dabaqaadka bulsho (dabaqada hoose, dhaxe, sare).
  2. Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado.
  3. Faragalinta dawlada oo lagu soo koobay ilaalinta malkiyada afraada qura.

Waxa hoggaaminayay iskuulkaas raga caan ku ah cilmiga dhaqaalaha sida Adam Smith iyo Tomas Maltose iyo David Ricardo iyo John Stu-red mill

Madhabka Neoclassicism

Iyadoo ay sii fideyso afkaarta Marxism ka (maraakisiyada) oo lid ku ah fikirka hanti-goosadka ayaa waxa soo ifbaxay waxa loo yaqaano madhabka neoclassicism.

Hadaba waa maxay neoclassicism?

Waa qeyb ka mid ah musaslada horimarineed oo ay wadeen culumadii dhaqaalo ee qarnigii 19aad, waxeyna ka duuleysan awooda fardiyeed ee lo yaqan (Liberalism) waxa ay eheed muhimada madhabka neoclassicism in ay hormariso madhabki classicism ee ka horeyay.

Waxyaabaha ay so bandhigtay madhabka neoclassicism aya aha:-

  1. Isticmaalka xisaabaata kolka lagu guda jira taxliilka dhaqaalo, sida law of supply iyo law of demand iyo qawaaniinta xisaabeed oo lamidka ah.
  2. Soo biirida fikrada la dhaho (Marginal ) ama xadiga sare
  3. Isticmaalka fikrada manfacada (Utility ) mid xadideesa iibsiga baddeecooyinka seddax daas afkaar aya ugu waaweyna waxyabaha ay soo biirisay madhabka neoclassicism. Waxa jira dhawr iskuul oo ka farcamay madhabka neoclassicism oo kala ah:

B. Iskuulka xisaabta: oo caan ku ah isticmaalka xisaabaha iyo soo sarida qaannuuno kala duwan oo ku dhisan qaab xisaabeed.

T. Madarasada Austria: oo caan ku ahayd in ay ahmiyada siiso nafsiyada qofka kolka ay daraasanayso muuqaalka isbadalka dhaqaalo, waxayna ku caan baxday magaca ah (Psychological direction).

J. Madarasada Cambridge: waxa ay ku can baxday isku arruurinta dhamaan afkaarta dhaqaalo ee labada madhab iyo is waafajintooda.

  1. Madhabka Keynes (Keynesian Revolution):- 30 meeyadi qarniga 20aad, aya waxa culumada dhaqaalo ay muhiimada siin jiray taxliilka juz’iga ah (Microanalysis), waxeyna aaminsanaayeen in shaqa siinta buuxdo (Full employment) ay tahay wadci joogta, islamarkaana wax soosaarka qoomiga (GNP) uu ahaanaya mid fadhiya oo is badbadlin, aragtidaasoo ku koobneed taxliilka loo yaqaan (Microanalysis) .

Aragtidaas aya waxa ay sababtay in ay dhacaan dhacdo dhaqaalo oo weyn taasoo lamagac baxday (Great depression) ama Fadhiid dhaqaalo lagu dhihi karo afka soomaaliga, waxay sababtay inuu soo if baxo nin la dhaho John Maynard Keynes oo ah caalim dhaqaalo oo udhashay dalka ingriiska , asagoo qoray kitaab la dhaho ” The General Theory of employment , interest and money” kitaabkaan oo wax weyn ka badalay habsami usocodki cilmiga dhaqaalo , oo soo ifbixiyay waxa loo yaqaan (Macroeconomic) dhaqaalaha guud.

Haddaba Kacdoonka Keynes maxa uu ku saabsana?, Waxa u sabab ahaa:

  1. Burburinta afkaarti ku dhisneed taxiilka yaraa (Microanalysis)
  2. Shaqo la’aanta iyo wax soo saarka guud in ay yihin kuwa isbedbedelo oo aan ku nagaan hal meel, taaso ka duwan aragtidii culumadii hore.
  3. Faragelinta dawlada ee xaga dhaqdhaqaqa dhaqaalo oo kor u qaadmay, xaga ay ka ahaan jirtay mid ilaalisa hantida gaar ahaaned qura.
  4. Taxliilka maaliyadeed oo noqday mid awood ku leh taxaaliisha cilmiga dhaqaalo
  5. Soo ifbixida mawaadiic cusub oo aad muhiim u ah sida wax soosaarka guud, dakhliga guud, iyo wax soosaarka maxaliga guud. GNP, GD , NNP.

Kacdoonka Keynes ayaa wax weyn ka bedelay cilmiga dhaqaalaha asago leexiyay habsi u socodkii cilmiga dhaqaalaha, kaasoo cilmiga dhaqalaha haatan loo qeybiyo laba qeeybood oo muhiim ah Microeconomic & Macroeconomic.

Culumadii dhaqaalaha islaamka

  1. Ibnu khalduum: Abuu Zeyd Cabdiraxmaan bin Muxamed ibnu khaldun Alhadrami, (1332 – 1406 miladiga) wuxuu ku dhashay waqooyiga Afrika, Tunis, Andlus, wuxuu ku noolaa kadib markii uu ka qalan jabiyay jaamacada Zaytuuna dalalkii ku yaalay waqooyiga Afrika oo ay kamid ahaayeen (sakra, qarnada, jaya, talmasan). wuxuuna gaaray dalka Masar, oo Suldaanki Masar Al-dahir Barquuq kusoo dhaweeyay, waxaana loo xilsaaray garsoor inuu u noqdo madhabka malikiga, oo halkaa wuxuu degenaa in ku dhow rubac qarni (784 – 808 hijriga). Wuxuuna geeriyoday Allaha u naxariistee 1406 miladiga, oo cumrigiisa ahaa toddobaatan iyo lix sano, waxaana lagu aasay meel u dhow Albabaka (nasr) ee ku taala waqooyiga qaahira oo loo yaqaano qubuuraha suufiyada.waxaa loo yaqaanaa Ibnu Khalduun aasasaha cilmiga taarikhda.

Hadaanu tilmaano wax yaabihii uu uga qeyb qaatay cilmiga dhaqaalaha waxaa kamid:

  • Waa aabihii dhaqaalaha sida xaqiiqada ah waxa uuna qeyb kamid ah qoraaladiisa uga hadlay qeybinta dhaqaalaha
  • Dajinta shaqaaale u jajaban shaqada, siyaadinta wax-soosaarka iyo isbadalada suuqa ee wax-kala badalashada iney wadanka kadhigayo hodon.

Yaa Amaanay

Waxaa amaanay niman reer galbeed ah oo kamid yihiin. “Arnuuld Tuwinbii” markii uu yiri, Ibnu Khalduun wuxuu soo saaray falsafo taariikheed, falsafadaasna waa middii ugu weyneed uu bini’aadan gaaro, cusuuraha ha is badalaan bee. “joorj marsiiz” waxyaabihii uu so alifay Ibnu Khalduun waxay kamid yihiin, wax la alifaa midkii ugu muhiimsanaa uu bini’aadan gaaro.

  1. Al-Ghazali (1030-1084): waxa uu qeexay shaqada ugu muhiiimsan ee lacagta is medium of exchange.
  2. Qayim Al-Jawziya

Gunaanad

Fursadaha  qofka barta cilmiga dhaqaalaha

  1. Waxaad noqon kartaa maamule guud ahaan noocyada maamulka gaar ahaan wixii bulsho ah.
  2. Waxaad ka shaqeyn kartaa caawiye shaqsi ee maaliyadeed.
  3. Sidoo kale waxaad noqon kartaa falan qeeye dhinaca maaliyada
  4. Waxaad noqon kartaa maamule maaliyadeed.
  5. Actuary baad noqon kartaa [person who compilies and analyses statistics and uses them to calculate insurance risk and premiums]
  6. Waxaad noqon kartaa cilmi baare dhinaca dhaqaalaha ‘Economic researcher’
  7. Iyo intaas wax ka badan oo fursada ah taasoo ay sabab utahay economics In uu yahay (father of arts) oo aad gali kartid arimaha khuseeya Artska oo dhan.
Facebook Comments