Ganacsigu waxa uu muhiim u yahay adduunka iyo heer-nololeedka aadanaha, xiliyadii hore noloshu wey adkeyd sababtana waxey tahay macaamiisha ayaa iyaga ahaa kuwo sameysta waxey u bahanyihiin, mana aysan jirin kuwo wax walba awooda soo saaridiisa.

Hadaba ganacsiga maanta waxa uu noqday mid hormaray oo illahay addoomadiisa u fududeeyey hababka kala duwan oo loo ganacsado.

Ganacsiguna hadaba hadaan soo qaadano ‘Staub’iyo ‘Attner’ oo ah  khuburada ku xeeldheer ganacsiga una dhashay Mareykanka ayaa igana ku qeexay ganacsiga sida tan ah. Ganacsigu waa abaabul yoolkiisu yahay soo-saaridda badeeco iyo adeeg,si loo sameeyo macaash”

Hadaba ujeedadeydu waxa weeye in maanta maadama ganacsigu  balaarta, diinteena islaamku waxey na amartaa intaan ganacsiga lagalin in aad diintaada aqoon u yeelatid oo aad baratid maxaa xalaal ah? maxaase xaaran ah? muxuu yahay waxa asalka u’ah ganacsiga islamiga ah?

Illahay hadduu idmo waxaa maqaalkan uga hadli doonaa, ma’baadida ganacsiga islaamiga ah, taasoo xiligii saxaabada aad loo adkeen jirey in uu qofku yaqaano fahanka ganacsiga islaamiga ah.

Tusaale haddaan soo qaadano Cumar Binu Khadaab Allaha karaali noqdee isagoo dadka uga digaya iney suuqa iska galaan iyagoo aqqoon aanan u lahayn ganacsiga islamiga ah waxa uu dhihi jirey Qofka aan aqoon ulahayn fiqiga islaamka suuqa yaga yuusan soo’aadin”

Cumar ushiisu usoo qaadan jirey kaan fiqiga islamka ee ganacsiga ku saabsan ama wax kala iibsiga aan aqoon ushaas buu lakori jirey (ku garaaci jirey). Sidoo kale haddaan soo qaadana Cali Binu Abii Daalib Allaha karaali noqdee waxa uu yiri Qofka ganacsiga bilaaba oo tijaarada gala isgagoo aan fiqiga baran waxa uu ku dhacayaa Ribbo”

Ma’baadiida Ganacsiga Islaamka

Mabaadaida ama waxyaabaha aasaaska u’ah iibka iyo tijaarada haddaanu soo qaadano kuwooda ugu muhiimsan oo la rabo innuu qofku si fiican u illaaliyo inta uu awoodo, amase ku dhaqmo oo ku sifoobo waxaa kamid ah:,

Zakada:- Waa tiirka saddexaad,waxaana ay waajib ku tahay dadka hantida leh in ay in go’an oo ay diinta Islaamku u goysay ay Sako u bixiyaan si loo siiyo dadka ay ku baxdo, qofkii diidana dawladda Islaamka ayaa xoog kaga qaadaysa si loo gaadhsiiya dadkii xaqa u lahaa, qofkii jiritaankeeda beeniyana diinta Islaamkaayuu kaga baxayaa.

  1. Wax walboo laga gacsanayo in asalka ganacsigu yahay mubaax ‘mid banana’ illaa inta shareecadeenu kasoo reebtay mooyee ee kooban ee la rabo inuu qofku is illaaliyo waxaana diliil u’ah  hadalkii Eebe weyne “Illaahay waxa uu idiin xalaaleeyey beeca, waxa uu idinka reebeyna Ribbada).

Hadaba inta Rabbi weyne noo baneeyey lama tirin karo laakiin inta lanaga xarimay ee maslaxadeena ku jirtana waa mid kooban oo la yiraahdo ‘buyuucul muxarama’ la yiraahdo oo iyaguna labbo usii qeybsamayaan.

2. Ganacsiga islaamka waxaa asal iyo Gundhig u’ ah inaad ilaaliso masaaliixda guud (danaha guud) ee bulshada taasoo waafaqsan shareecadeenna islaamka, wax walboo maslaxada ahna inaad keento kana shaqeysato, wixii dhib umada u keenayana ka illaaliso.

Hadaba waxyaaba aad ku arkeyso suuqyadeena waxaa kamid ah ee kasoo horjeeda dhaqanka diinta iyo guud ahaa masaalixdeena

  1. Goobaha lagu iibiyo kiimikada dubka badasha
  2. Goobo lagu iibiyo maandooriyaha
  3. Dharka muujinaya cowrada rag iyo dumarba
  4. Daawooyin dhacay
  5. Cuno dhacday Iwm

3. Markaad badeeco suuqa keenaysid dadka qiimo jaban oo ay awoodaan inaad ugu keentid maxaa yeeley dadka dantooda inaad ka shaqeyso waa muhiim iyagana ka faa’idaan. Rasuulkeena waxaa uu yiri Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaatee “Qofka wax keena waa qof Illahay irsaaq siiyey ama kan dadka ku qaaliyeeya kaasi waa mid malcuuna ah”

Haddaba aanu ogsoonaano haddii aad noqoto mid bulshadiisa u keena baddeeco tusaale Quutul duruuriga ah’ hadana aad cunaha ku dhagto dadka oo aad qaali uga dhigto iyo wax ay gooni waayaan haddaba soo lacnadooda kugu dhici meyso iyo habaarkooda?

Sidaas daraadeed shareecadeena waxey na fareysaa in umada loo keeno baddeeco jaban oo ay awoodi karaan inay iibsadan.

4. Wax walboo oo baddeecada qaaliyeenaya inaad umada ka illaaliso sidey doontaba haku timaadee, tusaale ahan: dadka ku nool gudaha Soomaaliya oo reer baadiyaha (xoolo dhaqatada) waxa ay xoolahooda keensadaan magaaladda si ay u iibsadaan kadibna alaab ugu qaataan, wixii kalana cadaan ahaan u qaatan oo qiimo dhexdhexaad ah ku gataan oo ay toos suuqa u keensadaan waxaaa dhacaysa in xoolihii hilibkoodu raqiis ah laakiin haddaad sameysid in aad ninkaas reer baadiyaha ah magaalada meel kabaxsan uga hortagtid oo xoolihiisa gacanta kusoo dhigtid hadhowna suuqa uga iibisid si qaaliya, taasi waxa ay toos u saameyneysaa dadkii waslada waslada u iibin jirey.

Sidaaas dareedeed shareecadu ma ogola in hal qof sidii gafanihii  in uu udhargo, dadka inta kale ay gaajeysanyihiin.

5. Waxa kaloo la rabaa in qofku ogaado inay xaaran tahay in si faduul ah ‘gardaro ah’ in aad u gasho ganacsi dad kale leeyihiin oo sirahooda galgasho, iyo arrimahooda hoose taasoo aysan raali kaaga ahayn.

6. Qofku in uusan ka faa’ideysan baahida walaalkii haysata, walaalkaa oo dhiban baad aragtay kawaran haddaad dhibtaas kasii faa’ideysato? amase qodoxdii kusii riixdo?

Haddaba qof walaalkaa ah oo kurbadu hayso ama xaaladu ku murugaysan tahay waxaa la rabaa inaad murugadaa la qeybsato oo inta aad caawin karto caawiso si illaahay biri oo qiyaama ah kuu caawiyo.

7. Intaaad ganacsiga kujirto badi cafiska iyo masaamixida ,maxaa  yeeley waxey kamid tahay akhlaaqda wanaagsan ee islaamka. Rasuulku naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri “Allaha u naxariisto qof saamaxaad badan markuu wax gadanayo, markii uu isagu soo iibsanaayo, marka uu deynta dadkuu kulahaa ka qaadanayo” hadaba saddexda marba tasaamux baa lagaa rabaa.

  1. Markaad soo’iibsaneyso qiimo fiican kusoo’iibso oo qofkaad wax kasoo iibsaneyso raali kayahay
  2. Markaad kasii faashleynaysana waa in aad ku gadataa qiimo macquul ah, kaan awoodina ka dhintaa ilaa xad fiican.

Deynta markuu kaaqatana ka sug una dhibri haddaad awoodana qaar u cafi.

8. Run sheeg aamin ah ayaa lagaa rabaa in aad noqoto. Rasuulku waxa uu yiri naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee “Qofka taajirka ah ee muslika ahee aaminka ah ee runta sheega waxaa lalasooxaadirinayaa Qiyaamaha  anbiyada iyo shuhadada”

Runtuna iyo amaanadu ganacsiga waa u saldhig haddii ganacsigu gacanta u galo beenlow ganacsigaas masii raagayo. Sidaas oo kale amaanadu in aad ilaaliso iyana ganacsigu kama maarmo hadaba ilaali oo noqo mid ku sifooba amaano iyo run sheegid.

9. Shaqo markaad u dhaqaaqdo shaqadaas sug oo noqo qof shaqada loo diro ka adag oo ka miro-dhaliya qofka ganacsadaha ah waa in wakhtigiisa iyo saacadihiisuba u nidaamsan yihiin alaab haddaad sameyneyso soo saar alaab qiimo leh, sidaas daraadeed Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee “Illahay waxa uu jecelyahay qofkiin haddii uu shaqeynayo shaqo in uu sugo”.

10. Inaad ka fogaaatid, inaad ka ganacsatid shey aan la garaneyn waxa uu yahay iyo waxa uu ka kooban yahay, kaasoo keeni kara dhibaato.

11. Wixii heshiis ah ee aad gasho ee waa faqsan sharciga Islaamka  waa inaad kasoo baxdaa, hadeysan lahayn waxyaabo looga bixi karo heshaaskaas ee dhaca.

  1. Heshiiskana asal waxaa u ah in la fuliyo oo laga soo baxo
  2. Laakiin wixii balan qaad ah iyaga waxaa asal u ah iney banaan tahay, taasoo midkiin uu ka bixi karo balantii uu kii kale la galay laakiin waa dambi sharci ahaa hase ahaatee maxkamada ku oran meyso fuli.

12. In aad ka fogaatid in aad badeecaddaada dhaar ku gadato oo qofku si ‘uu alaabta kaga gato dhaar mareysid taasi waa musiibo asal ahaana dhaarta waa lagu kala baxaa laakiin dhaar waxba laguma gato, sidaas daraadeed Rasuulka waxa laga wariyey axadiis kaasoo noogu sheegayo khasaarada dhaartu u leedahay xoolaha iyo kala gadashadooda “Dhaartu badeecada wey bixisaa laakiin ribixii bey kaa tirtireysaan”

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in qofka muslimka ah in uu barto diintiisa wixii fardul ceyn ah barashada ganacsiga islaamiga ahna qofkasta oo ganacsi raba in uu galo waa ku waajib inuu barto xalaasha iyo xaaranta, amase ka dheeraado wixii shubuhaad iyo khilaaf ku jiraan.

Facebook Comments