Xaaladaha adag waxaa loogga samata baxaa hoggaamin gaar ah oo leh go’aamo aan caadi ahayn, wax badan ka baro xikmada isu-dhiganta kor ku xusan, jawaab caqliyaysanna (cilmiyaysan) kahel su’aasha ah: Mas’uulka daacadda ah maxaa waxqabad looga waayaa marka uu hoggaanka qabto?

Soomaaliya waa dal burburay dawlad la’aanina ay mudo dheer ka jirtay, waxaa mudadaas soo maray xukuumado iyo hoggaamiyayaal dhowr ah, dawlad walba waxay wajahaysay caqabado waawayn oo u gaar ahaa iyo kuwa ka sii waawayn oo ay kawada sinnaayeen dawladahaasi, shacabka iyo aqoon-yahanka Soomaalidu inta badan waxay tuhmaan daacadnimada iyo hufnaanta hoggaamineed ee hoggaamiyayaashooda, taas ayayna sabab uga dhiggaan caalwaaga haysta dawladnimadeena.

Waxaa hubaal ah in dawladihii intii uu burburku jiray talada dalka iskaga dambeeyay ay wax-qabad lahaayeen, waxyaaba badanna aysan wali qabsoomin, waxaa kale oo hubaal ah in caalwaaga dawladnimadeena haysata aysan sababtiisu ahayn hoggaan xumo kaliya ee ay jiraan sababo fara badan oo is-biirsaday.

Waxaa jirta xikmad dadka in badani aysan ku baraarugsanayn, taas oo ah in xaaladaha aan caadiga ahayn ay u baahan yihiin hoggaamin aan caadi ahayn, haddii xaalad adag iyo mushkilad culus uu hoggaanka u qabto hoggaamiye caadi ah waxaa dhacaysa khalal iyo isu dheeli tirnaan la’aan isu-dhiganta galaysa, dheligaas uma aanayn karno daacadnimo iyo daacadnimo darro toona ee waa dheeli dabiici ah oo ka imaanaya isdhaafsanaanta ka dhaxaysa isu-dhiganta ah: xaalad caadi ah = hoggaamin caadi ah, xaalad aan caadi ahayn = hoggaamin aan caadi ahayn, sidaas ayay xalka rasmiga ah uu ku yimaadaa dheeli tirnaanna ay ku dhacdaa, xaalad walbana hoggaamin u dhiganta ayaa jirta oo in loo baadi goobo ay tahay.

Qarnigii hore nuskiisii hore Japan waxaa ka jiray xaalad adag, waxaa ka saaray hoggaan aan caadi ahayn kaas oo ka dhigay qarniga nuskiisii dambe wadan aad u hormaray safka horena ka galay wadamada horumaray ee dunida, waxaa loo yaqaan “mucjisadii Japan”.

Malaysiya waxaa ka jirtay xaalad aan caadi ahayn, waxaa u kacay hoggaamiye aan caadi ahayn “Mahatir Mohamed” taas waxaa ka dhashay horumar soo jiitay indhaha caalamka oo idil. Turkey-ga waxaa ka jiray xaalado adag, markaasaa waxaa u kacay hoggaamiyayaal aan caadi ahayn kuwaas oo ku guulaystay in ay dalka gaarsiiyaan heer aan la filayn in uu mudadaas ku gaari karo.

Rwanda qarnigii tagay dhammaadkiisii waxaa ka dhacay xasuuqii u xumaa, maantana dalkaasi wuxuu ka mid yahay dalalka ugu horumarsan Afrika, sababtuna waa hoggaamiye aan caadi ahayn oo u kacay, halka dalal hurda ay ku jiraan xaalado caadi ah oo ay hagayaan hoggaamiyayaal caadi ah taas oo keenta in wax walba aamusnaan ku dhacaan, sidoo kale waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dalka Sudan: waa xaalad aan caadi ahayn oo uu hagayo hoggaamiye iska caadiya, waxaa ka dhashay kala foorarka dalkaasi uu galay oo ah kala go’id iyo intii isu hartay oo aan wanaag badani ka jirin inee isu-dhigantaa khaldantaye.

Soomaaliya waxaan xasuustaa laba xaalad oo adkaa oo markay hoggaan aan caadi ahayn ay heleen guulaystay:

1- dawladii Soomaaliya markii ay burburtay 1991-dii oo todoba sano shirarkii la qabanayay xal loogu waayay xaaladii dalka. Waxaa go’aan iyo hoggaamin aan caadi ahayn la yimid waxgaradkii deegaanada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay maskaxdooda iyo maalkooda ku yagleeleen Maamulka Puntland oo hadda labaatan jir ah, horumar iyo guula waawayna u xaqiijiyay deegaanadaas, guulahaasna waxay xaqiijiyeen iyagoo walaalahood kale aan hilmaamin goonina iskaga taagin, go’aankii Puntland lagu aasaasay guushana noqday sababta ka dambaysay ma ahayn daacadnimo kaliya ee waxaa weheliyay kana xoog badnaa karti iyo awood hoggaamineed oo xoog badan una dhigantay xaaladii markaas taagnayd ee xal doonka ahayd.

2- 2004 waxaa madaxwaynaha Soomaaliya loo doortay Cabdillaahi Yuusuf Axmed isaguna wuxuu Raysal wasaare u soo magacaabay Cali Maxamed Geedi, dawladii labadaan hoggaamiye waxaa soo wajahday xaalad aad u adag oo ahayd magaala madaxdii dalka iyo Villa Soomaaliya oo ay marti duur joog ah ka noqdeen, dawladooda waxaa laga hor istaagay in ay Caasimada tagto oo ay Villa Soomaaliya ka arrimiso, markii ay xaaladaas adag soo wajahday labadaan hoggaamiye waxay la yimaadeen hoggaamin iyo go’aamo aan caadi ahayn oo ay kaga gudbeen caqabadaas una suura galisay in Muqdisho ay gacanta ku dhigaan.

Villa Soomaaliyana ay dib dawlad Soomaaliyeed uga arrimiso, waxaa cad xaaladaas adkayd in xalkeedu uu noqday hoggaamin aan caadi ahayn oo ku xalisay go’aamo adag oo xalilay mushkiladii taagnayd, ma noqon xalkeedu daacadnimo badan oo lala yimid, waad dareemi kartaa dawlad aan Caasimadii iyo Madaxtooyadii tagi karin macnaha dawladnimo ee ay yeelan karto, taas oo ahayd rajo xumo umada Soomaaliyeed oo dhan taabanaysay.

Waxaan filayaa inaad si wacan iila fahantay xikmada isu-dhiganta aan ka faalooday, hadaba dalka Soomaaliya waxaa ka jira xaalado adag, dambayn iyo dib-udhac aan caadi ahayn, sidaas awgeed Soomaaliya maanta sida ay ugu baahan tahay hoggaamin daacad ah si kawayn ayay ugu baahan tahay hoggaamin aan caadi ahayn iyo go’aamo samatabixineed oo horay loo qaado.

Isu-dhigantaan fahankeedu wuxuu kaa caawin karaa in aad garato mas’uuliin aan rajo badan ka qabnay marka ay xukunka qabtaan sababta ay wax badan u qaban waayaan deetana aan uga raja go’no inagoo laga yaabo innaan daacadnimadoodaba durno, si fudud: waa hoggaamiyayaal caadi ah oo wajahaya xaalado aan caadi ahayn, halkaas ayuuna dheeligu ka jiraa, masuul walba isma badalo marka uu hoggaanka qabto, waa inaad garataa hoggaamiyaha daacadnimadiisu iyadoo aysan isbadalin in ay jiraan waxyaabo wax-qabad la’aantiisa sabab u noqon kara, waxyaabahaas is hortaagi kara ayaa waxaa ugu horeeya in uusan hayn kartidii, hoggaamintii iyo go’aamadii u dhigmi lahaa xaalada jirta.

Hoggaamin aan caadi ahayn waxaan ula jeedaa hoggaamin leh karti iyo awood hindiseed ay xal ugu keento xaalado adag oo jira, go’aamo adagna ku qaadan karta ka mira dhalinta hindisayaasheeda.

Facebook Comments