Haddii xero aadan ka bixi karin laggugu xareeyo waxaad tahay addoon, maxaa yeelay uma tasarufi kartid si walba oo aad jeceshahay. Anigu hadda waan xaraysnahay, waxaan taaganahay meel bannaan, waxaan hadba eegayaa jihooyinka dhinacyada iga xiga, jihadii aan eegaba way xidhan tahay (owdan tahay), kor baan eegay waa cir, hoos baan eegay waa dhadhaab, meel aan u dhaafo maleh, waxaan isku arkaa qof xaraysan tabarna aan u lahayn inuu baxsado.

Xaal walba xaajuu leeyahay, xaalada aan ku jiro waxay i baraysaa labo arrin:

1- inaanan haysan xoriyad buuxda oo aan ku faani karo.

2- si xerada dhexdeeda nolosha aan ku haysto iigu haggaagto waa inaan baadi goobo ciddii i xaraysatay, markaan helo waa inaan raali ahaanteeda biiriyo si aan mar kale la ii sii xarayn oo xoriyada la iigu sii yarayn.

Addoonimada dhabta ah waa tan aan ku jirno haddii aynu bashar nahay, xoriyadda yaree aynu ka sheekayno waa mid aan macna wayn lahayn marka la eego xoriyadda wayn ee ina ka maqan oo ah inaynan nafteena maamulkeeda xitta u madax banaanayn dhinacyo badan.

Inta Islaamku uu doonayo inaad fahanto waa intaas, Allah ayaa xayndaabkan ku keensaday isaga ayaad addoon u tahay, sidaas darteed waa inaad u hugaansataa oo aadan uga dhex ciyaarin xayndaabkiisan uu ku keensaday, hadaba inaad Eebe u hugaansanaato waa halka jid ee maan-galka ah hadii aad is-rabtid.

Mar kale ayaa intaan fakaray ayaan is idhi haddii aad midowdaan saad insaan u tihiin oo aad kaashataan ilma adeertiin reer jin miyaydaan ka bixi karin xayndaabkan iyo xeradan addoomada idin ka dhigtay?

Saa waxaan rajadaasna ka quustay xoriyad inaan helaynna yaqiinsaday markaaan maqlay aayad dhawaaq dheer oo odhanaysa:

“يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ إِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَن تَنفُذُوا مِنْ أَقْطَارِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ فَانفُذُوا ۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلْطَانٍ”.

Facebook Comments