Waxaan filayaa marka aynu u laabano aqoontii iskuulka la ina ku soo baray in aad diidi doonto jiritaanka vitamin “N”, maxaa yeelay dhowr iyo tobanka vitamin ee iskuulka la inoogu dhigay kuma jirin.

Sida aan la socono ilmaha yaryarka ah marka ay korayaan waxay u baahan yihiin in la quudsiiyo cunnooyin iyo maadooyin leh vitamin-ada kala duwan, si jirkooda iyo maankooduba u kobco, vitamin-ada kobciya ilmaha maankooda iyo hab fikirkooda waxaa ka mid ah vitamin “N”.

Waa maxay Vitamin N?

Hadaba vitamin “N” aan kuu sharxo, waxaa laga soo gaabiyay kalmadda “No” (maya), ilmahaaga oo aad “No” (maya) ku dhahdo waxay ka dhigan tahay vitamin maskadooda korinaya oo aad quudsiisay, aan faafaahiyo:

Waxaa jirta qaacido (principle) tarbiyadeed oo la dhaho: “being deprivation” waa caruurtaada in aad siiso dhamaan waxa ay si dhab ah ugu baahan yihiin 100%, halka waxa ay daneeyaan dhabna aysan ugu baahnayn ay tahay inaadan siin wax ka badan 25% inta kalena aad ugu badasho “No” oo vitamin “N” ah.

Caruurta oo wax walba oo ay sheegtaan hela waalidkuna uu siiyo isaga oo aan eegin dhabnimada baahi ee ay u qabaan shayga waxay dhintaa fakarka ilmaha, waxaa ilmaha yar u abuuranta aragti ah in wax walba free lagu heli karo aduunka, aragtidaas oo ah mid dhabnimada dhinac marsan, isla markaasna mustaqbalkiisa caajisle aan noloshiisa dabooli karin ka dhigaysa.

Ilmaha yari waxay waalidkood xaq ugu leeyihiin ilaalin (protection), naxariis (affection) iyo hagid (direction), sidaa si lamid ah waxay xaq ugu leeyihiin in ay waalidkooda ka maqlaan oraahda ah “No” (maya), oraahdaas oo marka loo adeegsado habka aan soo sheegnay kobcisa garaadka ubadka.

 

PragerU

Facebook Comments