Cumar Al-mukhtaar wuxuu dhashay 1858, wuxuuna ka dhashay qoys ka mid ah dadka ku nool magaalada Zanzur oo u dhow Tobruk, oo ka tirsan gobolka Ottoman Cyrenaica, oo ka tirsan Senussi (oo loo arkaayey inay yihiin Ashrafs-ka Liibiya) oo ah reer Carbeed sida Amiirka ama boqorka Idris es Senussi, aakhirkiina noqday caaqilka ama hogaamiyaha qabiilka.

Markii uu yaraa Cumar aabihiis ayaa geeriyooday, yaraantiisiina wuxuu ku qaatay saboolnimo, yaraantiisina wuxuuna barashada qur’aanka uu u aaday tuulo aan ka fogeyn Zawaayet,. Waxaa soo korsaday nin Shiikh weyn ahaa, wuxuuna saaxiibo la ahaa wiilka uu adeerka u yahay Xusseen Ghariani, Sharif al Geriani. Adeerkiis wuxuu ahaa hoggaamiye siyaasadeed-diimeed ee Cyrenaica.

Cumar intaas kadib wuxuu aaday deegaanka Jaghboub, oo ay ku xooggan tahay dacwadda Senussi, halkaasi oo ku bartay culuunta fiqiga, axaadiista, tafsiirka qur’aanka iyo luuqadda carabiga oo uu gacanta ku hayay shiikha weyn ee barashada diinta lagu yiqiinnay Mahdi al-Senussi.

Guumeystihi Talyaaniga 16-kii September 1931-kii wuxuu daldalay Sheekh Cumar Al-Mukhtaar, oo ay markaasi da’diisu ahayd, 73 jir kaddib marki la saaray maxkamad ku meel gaar ah oo ay guumeystaha Talyaaniga gacanta ku hayeen.

Encyclopedia-ha Ingriiska ayaa sheegaya marki uu Talyaaniga qabsaday dalka Liibiya 1911-kii waxay dalka Liibiya ay kala kulmeen iska caabbin muddo dheer socotay taasoo sababtay in heeryadi gumeystaha uu iska rido dalka Liibiya. Andrew North wuxuu sidoo kale ku qoray BBC-da in markii Talyaanigu soo galay Tripoli 1911-kii, isagoo rajeynaya in Liibiyaanka ay u arki doonaan inay yihiin kuwo helay xorriyad siddii xukunkii Cusmaaniyiinta, mana fileynin in iska caabin lagala horimanayo, iska caabbintaasi oo socotay muddo 20 sano ah ka socotay agagaaraha Benghazi, iska caabbintaasi oo uu hoggaaminayey Cumar al-Mukhtar.

Kaligii taliyiihii faashistaha Talyaaniga hoggaaminayey ee Benito Mussoloni, wuxuu ku qasbanaaday inuu cabudhiyo kacdoonka guumeysi diidka ah, wuxuuna billaabay inuu ciqaab wadareed uu u geysto 100,000 oo reer Liibiya ahna ka masaafuriyey deegaannadi ay kacdoonnada ka socdeen isla-markaana ku guray xabsi wadareedyo ay kumannaan qof ku dhinteen.

Shekh Mahdi Al-Senussi, 1897-kii wuxuu Sheekh Cumar Al-Mukhtaar uu u xilsaaray magaalo la yirahdo Zawiyat al-Qusour oo ka tirsan gobolka ‘Jabalalul Akdhar’ isaga oo helay jagada ah ‘Sayidii’, oo looga yeero odayaasha iyo culimada u dhaqdhaqaaqa Senussi oo keli ah ay garaan.

Cumar Al-Mukhtaar wuxuu sida oo kale muddo sanado ah uu ku noolaa dalka Suudaan, halkaas oo ay ku sugnaayeen xooggaga dhaqdhaqaaqa Senussi iyaga oo matalaya magaca Al-Mahdi Al-Senussi, halkaasi oo uu Mukhtaar degganaa deegaanka “Karu” oo ku yaalla galbeedka dalka Suudaan, kaddibna uu Mahdi shekh Mukhtaar uu u magacaabay inuu noqdo Sheekh Zawiya.

Tani iyo markii Shekh Mukhtaar uu safarka ku tagay dalkaasi Suudaan waxaa looga yeeri jiray “Libaaxa lamadegaanka”.

Ka dib dhimashadii Muxammad Al-Mahdi Al-Senussi, oo ahaa ninkii labaad ee dhaqdhaqaaqa Senussi sanadkii 1902, Cumar al-Mukhtaar wuxuu markale ku noqday Cyrenaica si uu oday ugu magcaabo markale magaalada Zawiyat al-Qusour, halkaas oo Cusmaaniyiinta (oo markaa xukumayay Liibiya) ay ku soo dhaweeyeen maamulkiisa gobolka, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anatolia.

Sanada kahor dagaalki uu Cumar Mukhtaar la galay Talyaaniga, wuxuu Ingiriiska dagaal uu kula galay deegaanna ku yaalla xadka Masar sida deegaannada Bardiya, Sallum, iyo Musaacid, Dagaalki Saaluumna wuxuu kula dagaallamay 1908-ddii kaasoo ugu dambeyntina ku dhammaaday magaalada oo ku dhacday gacanta Ingiriiska.

Sida oo kale Cumar Al-Mukhtaar wuxuu ka qaybgalay dagaalladi ka dhax qarxay Senussi iyo Faransiiska ee gobollada Koonfurta Suudaan, waxaana intaa u dheer oo uu Cumar Mukhtaar ka qayb galay dagaalki guumeystaha Faransiiska uu ku qabsanayey dalka Chad ee dhacay 1900.

Sanadki 1911-kii Talyaaniga ayaa wuxuu iclaamiyey dagaal ka dhan ah dowladda Cusmaaniyiinta ee ka talisa dalka Liibiya, wuxuuna Talyaanigu uu ciidamadiisa uu ka howlgeliyey gudaha dalka Liibiya, sanaddi 1912-kii Talyaaniga wuxuu ku dhawaqay Liibiya inuu yahay dalka uu Talyaaniga guumeysto.

Cumar Al-Mukhtaar oo ay markaa da’diisu ahayd 53 jir wuxuu horkacayey kooxaha iskacaabbinta guumeystaha ee gudaha Liibiya ka dagaallama oo muddo 20 sana ah Talyaaniga dagaalka kula jiray, muddadaasi oo jabhadda ay qasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen dagaalladi Senussi iyo Faransiiska ee gobollada Koonfurta Suudaan ilaa iyo dagaalki Chad ee 1900.

Guumeystiyihi Talyaaniga iyo Kooxaha iskacaabbinta ee guumeysidiidka uu Cumar Mukhtaar hoggaaminayey iyo ciidamada Talyaaniga waxaa Liibiya ku dhexmaray dagaallo aad u waaweyn, oo uu ka mid ahaa dagaalkii weynaa ee labada maalmood socday ee Derna oo dhacay bishii May 1913-kii. Dagaalkaasi oo ku dhammaaday 70 askari oo Talyaani ah oo la dilay iyo 400 oo kalana lagu dhaawacay iyo dagaalki Boushamal ee Ceyn-maara ka dhacay bishii Oktober ee 1913-kii. Sida oo kale 1914-kii waxaa dhacay dagaallo ay ka mid ahaayen Shakhnab, Shaldiimah, Zawiitiinah xilligaasi oo uu Cumar Mukhtaar hoggaaminayey dagaalladaasi oo dhan isaga oo isaga goshayey goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

Xaaladda ayaa kasii dartay iyadoo faashiistiyadii ay la wareegeen taladii Talyaaniga bishii Oktoobar 1922-kii, intaas ka dib waxay kordhiyeen howlahoodii milatari ee Libya.

Xaaladda dalka Liibiya ayaa ka sii dartay kaddib marki ay talada dalka Talyaaniga 1922-kii markale faashistuhu la waregeen, iyaga oo wixi intaa ka dambeeyey kordhiyey howlagallada ciidan ee ay ka sameeynayeen dalka liibiya. Talyaaniga wuxuu damcay inuu qabsado waddada ay sahayda u soo marto kooxaha kacdoonka wada wuxuuna qabsaday qayba ka mid ah Jaghboub, balse taa ma horistaagin kooxaha kacdoonka wado iney weerarradooda sii laba jibbaaraan, taasoo ugu dambeyntina Mussoloni ku kalliftay inuu Badoglio uu u soo magacaabo taliyaha militariga Talyaaniga ee dalka Liibiya bishii January 1929-kii.

Maxamed Maxamuud Ismaaciil wuxuu ku qoray buuggiisa uu ugu magac daray “Cumar Al-Muktaar Shahiidka Islaamka ee geesiga saxaraha” wuxuu ku sheegay Cumar Al-Mukhrtaar fariin uu shacabka Liibiya uu u diray inuu ku sheegay xabbad joojin, Talyaanigana inuu ka baxa Jaghboub iyo in cafis guud loo fidiyo maxabiista siyaasadeed isla-markaana lasii daayo.

Balse Talyaaniga ballamihi xabbadjoojinta ma fulinin waxayna dalbadeen muddo kordhin iyaga oo marmarsiiyo ka dhigtay safarka Badoglio uu Liibiya ku imanayo waxaana looga daray 10 maalmood ugu dambeyntina 20 maalmood.

Shekh Cumar Al-Mukhtaar marka uu ogaaday Talyaaniga inuu doonayo inuu wakhti helo, wuxuu kordhiyey dagaalladi uu kula jiray gumeystaha Talyaaniga, kaddibna Mussolini wuxuu Liibiya u magacaabay Jeneral Graziani inuu beddelo Badoglio, ugu dambeyntiina 1931-kii Cumar Mukhtaar wuxuu ku dhacay gacanta Talyaaniga iyada oo lagu qabtay Kufra kaddib marki uu Talyaaniga uu caddaadis xooggan uu saaray Cumar Al-Mukhtaar.

“Ma isdhiibeyno ilaa aan guuleysanno ama aan dhimanno” – Cumar Almukhtaar

11-kii bishi Sebteembar 1931-kii Talyaaniga wuxuu ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo Cumar Al-Mukhtaar. Saddex maalmood kadib, 14-kii September, ayuu taliyihii reer Talyaani Graziani yimid Benghazi wuxuuna si degdeg ah ugu dhawaaqay qabashada Maxkamadda Gaarka ah bisha Sebteembar 15, 1931, shantii fiidnimo ee maalintii loo qabtay maxkamadaynta Cumar Al-Mukhtar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Subaxnimadii maalinti xigtay dhageysiga dacwadda Cumar Al-Mukhtaar maxkamadda waxay ku xukuntay xukun dil oo daldalaad ah. Hadalki caanka ahaa uu Cumar Al-Mukhtaar uu madaxdi gumeystaha Talyaaniga marki ay ku dhaheen kacdoonka jooji oo isdhiib uu ku yiri wuxuu ahaa “Isma dhiibeyno, ilaa aan guuleysanno ama aan dhimanno”. Illaa iyo hadda Cumar waa shaqsi caan ah oo dadka reer Liibiya ay aad u yaqanaan, caruurtana iskuuladana loogu dhigo, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay halyeeyga qaran ee Liibiya astaana u ah iska caabinta wadamada Carabta iyo Islaamka. 

Facebook Comments