Hanti Qaran: Khubarada dalku waa Hanti Qaran, waagii aynu lahayn dawladda xoogga leh waxaa jiray khubaro iyo kaadir leh aqoon iyo khibrad shaqo oo xeel dheer, khubaradaas waxay lahaayeen noocyo badan oo ay kamid yihiin: khubaro siyaasadeed, kuwa diplomacy-adeed, kuwa milatari, kuwa sirdoon, kuwa maamul, kuwa dhaqaale iyo kuwa kale oo badan.

Hal-doorkaas aqoonta iyo khibradda lahaa markii ay dawladdu dhacday midba meel ayuu ula jihaystay la tacaalida noloshiisa gaarka ah, qaar kamid ahna dacdaro iyo shisheeye shirqooladi ayay u madheen.

Khubaradaas rug-cadaaga ah waxay leeyihiin aqoon iyo khibrad shaqo dawladeed, sidoo kale waxay waaya’arag iyo goob-joog u ahaayeen burburkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, hadaba khuburadaas waa Hanti Qaran ma aha wax la dhayalsan karo, talada dalkana waa in wax laga siiyo, dhinacyada ay aqoontoodu tahayna laga tala galiyo, hadii saas la yeelo waxaa hubaal ah in ay hayaan aqoon biirtay oo dalkeena anfici doonta.

Maalin walba waxaan arkaynaa khabiir rug-cadaa ah oo aysan umadeenu horay u aqoon, maxaa yeelay burburkii ayaa dad badan qayma riday, muhuumada ay dadkaasi leeyihiina dadkeenu ma fahansana sidoo kale ma dareensana in ay yihiin Hanti Qaran oo qaali ah in la dhowraana ay waajib umadeed tahay.

Waayadaan dambe waxaa jiray dad jiilashii dame ah oo qurbaha ka soo yaacay in ay talada dalka u badnaayeen, sidoo kale waxaa jirtay dhabayl dhanka dhalinyarada u dhacaysa oo ah dhalinyarada un baa dalka hugaamin kara oo samata bixin kara, waa run dhalin yaradu dawr wayn ayay ku leeyihiin hor-umatinta iyo samata-bixinta dalka, hadana khubaradeenii hore inta ka nool inaan kaashano waa lagama maarmaan, dadkeenu ma kala maarmo danteenu waa isku-tolan.

Arrintaas waa in ay fiiro u lahaadaan hugaamiyayaasha iyo madaxda umada soomaaliyeed mar walba, dhalinyarada firfircoon ee doonaya dalka inay wax u qabtaana waa inaysan hilmaamin Kaydkaas qaaliga ah, wax badan waa inay ka korarsadaan intay raadiyaan Hantidaas kala luntay, waa in aan waaya’arageena urursanaa oo dhanna ka daryeelnaa dhanna ka faa’iidaysanaa.

Facebook Comments