Mar kale Insaanku waa suurad qurux badan – فِي أَحْسَنِ تَقْوِيم – balse hoosta ay uga buuxdo xash iyo xanshashaabo – ظلوم – فخور – كنود – suuradaas quruxda badan waxaa uuska hoosta ugu jira ka soo nadiifiya oo kor iyo hoosba ka qurxiya Iimaanka.

Hadaba Qur’aanka iyo Insaanka:

“لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ”.

“وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا”.

“إِنَّ الْإِنسَانَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ”.

“خَلَقَ الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ”.

“وَكَانَ الْإِنسَانُ عَجُولًا”.

“وَكَانَ الْإِنسَانُ قَتُورًا”.

“وَكَانَ الْإِنسَانُ أَكْثَرَ شَيْءٍ جَدَلًا”.

“إِنَّهُ كَانَ ظَلُومًا جَهُولًا”.

“إِنَّ الْإِنسَانَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ”.

“إِنَّ الْإِنسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا”.

“قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ”.

“يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَاقِيهِ”.

“لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي كَبَدٍ”.

“إِنَّ الْإِنسَانَ لِرَبِّهِ لَكَنُود (6) وَإِنَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌ (7) وَإِنَّهُ لِحُبِّ الْخَيْرِ لَشَدِيدٌ (8)”.

“إِنَّ الْإِنسَانَ لَفِي خُسْرٍ”.

“إِنَّهُ لَفَرِحٌ فَخُورٌ”.

“وَإِنَّا إِذَا أَذَقْنَا الْإِنسَانَ مِنَّا رَحْمَةً فَرِحَ بِهَا”.

“إِنَّهُ لَيَئُوسٌ كَفُورٌ”.

“وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا”.

“وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَإِنَّ الْإِنسَانَ كَفُورٌ”.

“وَإِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ كَانَ يَئُوسًا”.

“وَإِن مَّسَّهُ الشَّرُّ فَيَئُوسٌ قَنُوطٌ”.

“وَإِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ فَذُو دُعَاءٍ عَرِيضٍ”.

“إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا”.

Aayadahani waa aayadaha uu Qur’aanku ku tilmaamay insaanka, marka aad si qoto dheer ugu fiirsato waxaad ogaanaysaa dhowr arrin:

1- tilmaamahan kala ah:

ضعيف – ظلوم – كفور – كفار – خصيم – عجول – قتور – جهول  – هلوع – كادح – كنود – فرح – فخور – منوع – يئوس – قنوط – جزوع –  ذو دعاء عريض.

Waxay wadaagaan in ay yihiin tilmaamo ku soo arooray siiqooyinka Carabiyada ee faa’iideeya original-nimada iyo sugnaanshaha sifada, waxay ku yimaadeen badankoodu siiqooyinka la yiraahdo: “صيغ المبالغة” iyo “صفة المشبهة” oo tilmaanta ay xambaarsan yihiin ay sheegto tilmaan sugan oo Insaanka dabci iyo asal u ah.

2- tilmaamahan waxay u badan yihiin kuwa negative ah, taas oo cadaynaysa in filashada sharka iyo tabnaantu ay nafsada Insaanka kaga xoog badan tahay filashada khayrka iyo raja wanaaga, mar walba oo khayr iyo shar nafta ay u soo tartamaana waxaa soo jiidasho badan sharka, hadii aad aragto meel waano iyo tala bixin ka socoto waad iska dhaaftaa dadka halkaas joogana iyo waxa ay hayaana inaadan ku habsaamin ayaa dhacda, halka meel buuq iyo sawaxan ka jiro marka aad aragto ay naftu u hanqal taagayso oo in ay waxa socda iyo sida arrimuhu yihiin in ay ogaato maahane ay ku adag tahay in ay u dhaafto si lamid sidii ay u soo dhaaftay majliskii wanaagu ka socday.

3- marka aad eegto siyaaqa (booska) ay ku soo arooreen tilmamahan Qur’aanka dhexdiisa waxaad ogaanaysa halka dawo ee dabeecadahan taban ay leeyihiin in uu yahay Iimaanka iyo Alle ku xidhnaanta, ma jiro wax kale oo hagaajin kara dabeecadaha qallooca ee Insaanka ku tallaalan Iimaan mooyee.

4- labada xaalad ee ugu wayn ee Insaanka dabcigiisa dhabta ah iyo waxa gudaha ugu jira ay dhab u muuqdaan waa xaaladda Faqrinimada iyo xaaladda Qaninimada.

5- tilmaamahan marka aad akhrinayso waxaa dhici karta in malahaagu aado in ay gaalada un ka hadlayaan badidoodu, haseyeeshe marka aad si xeel dheer ugu fiirsato waxay tilmaamayaan dabciga Insaanka, insanow insaan matahay ayayna uga hadlayaan.

Tusaale ahaan marka قنوط uu Qur’aanku ku tilmaamayo Insaanka gaalka oo kaliya uma jeedo ee qof walba waa dabeecad ku xoog badan oo marka uu dhib la kulmo waxa koowaad ee niyadiisa ku soo dhacaya waa quus iyo dareen niyad jab ah, taas oo cadaynaysa inta ay dabeecadaasi ku tallaalan tahay abuurkiisa.

Tusaale kale tilmaanta ظلوم wa dabiicad basharka ku tallaalan mar walba oo qofka ay wax la wada leeyahay la iskugu yimaado qof walba waxaa niyadiisa xaadir ku ah yaan lagaa faa’iidaysan yaan lagaa sadbursan, taas oo ku riixda ficiltan iyo wax garbin, waxaad dareemaysa inta dabeecadani ay ina ku tallaalan tahay, dareenkaas ayuuna dulmigu ka unkamaa, dabeecad kasta iyo tilmaan kasta oo aayadahan ku sugan marka aad eegto hadana aad eegto naftaada waxaad dareemaysaa atom-yada (daraadka) nafta in ay ku tallaalan yihiin tilmaamahani.

Tusaale sadexaad:

“وَإِنَّهُ لِحُبِّ الْخَيْرِ لَشَدِيدٌ”

Marka tilmaantan xeesha dheer Illahay ina siinayo ulama jeedo gaalada oo qudha, maalka in la jeclaado oo waliba si adag loo jeclaado waa dabeecad aad ugu tolan abuurkeena, hayeeshee maal jacaylku in uu xadka dhaafo oo uu xadgudub dhalo ayuu Kufrigu sababaa, Iimankuna taas ayuu baajiyaa oo dabeecada ayuu qurxiyaa oo wuxuu waafajiyaa quruxda sare oo Insaanka dushiisa laga muujiyay.

Kuligeen dabeecado adag dhanka tabnaantana u janjeera ayaan leenahay, hadana waxaan leenahay qaabiliyad sharka iyo khayrkaba yeesha, sidaas ayuuna Insaanku wanaag iyo xumaanba tii uu doorto ula falgali karaa.

“وَهَدَيْنَاهُ النَّجْدَيْنِ”.

Facebook Comments