Muuse, waxa uu ahaa wiil madi ah. Baaddiye ayaa uu ku dhashay oo uu ku garaadsaday. Xilligii kuraynimada ayaa aabbihi uga dhintay kadimo ishkin ah iyo tirooyin ari ah. In kasta oo uu barwaaqo darduuranayey, haddana, ma uusan jeclayn in uu ku sii nagaado baddiyaha. Waxa uu ka doorbidayey magaalada. Laba arrimood ba waa u danaynayey magaalada: In uu wax ka barto iyo in uu ku naalloodo nolol ka macaan tan miyaga.          

Muddo uu isweydiinayey tabtii uu uga daldoorsan lahaa duurka ka dib, habeen habeennada ka mid ah, ayaa waxa uu go`aan ku qaatay: In uu magaalo galo uu xoolaha uga tago adeerradi. In maalinta uu baxayo uu kaxaysto xoolo uu suuqgeysto oo uu ku noolaan karo ilaa muddo sannad ah, maadaaama aysan xigaalo uga horreyn magaalada. In, kolka uu nooliga ka dhammaado, uu adeerradi la soo hadlo si ay hantidiisa uga soo diraan, wixii uu hadba uga baahdo. Fuliyey arrinkii. U caqlicelin, ismarinwaa iyo dood dheer oo ku saabsan xoolo-dayaciisa ka dib, dirqi looga yeel taladiisii. Ka ambabax oo, kaxaysay dhawr rati oo korommo ah, xoogaa dibi ah iyo xeynta jar ah.

Isaga oo xoolihiisii dabada ka wada ayuu galay magaalada Muqdisho. Xoliihiisii ayuu beecsaday. Magaalada ayuu guri ka kiraystay. Waxa uu dhaqso ku bilaabay waxbarasho. Awooddiisa ayuu isugu geeyey waxdhigashadii. Sidii uu qiyaasayey, nooligiisii waa isku furdaamiyey sannadkii. Qorshuhu sida uu ahaa, kolka ay sahaydu ka go`do, adeerradi ayuu la xiriiri jiray oo ka warsan jiray in ay xoolihiisa wax uga soo gadaan oo u soo diraan. Iyaguna, waxa uu codsado, ju` kama keeni jirin.       

Muuse, sidii uu u dadaalayey, dhammee dugsi sare. Halkaas kuma joojine, jaamacad buu inta bilaabay, iyana soo afmeerey. Ganacsiga iyo maamulka ayuu ku takhasusay. Kolkii uu tacliintii sare ka baxay, ayaa inta uu fekeray, waxa u sawirantay in uu ka dhabeeyo aqoontiisii ganacsi ee uu bartay. Inta baaddiye u baxay oo soo xaraashtay xoolihii oo dhan ayuu ka bilaabay ganacsi magaalada Muqdisho. Ganacsigii waa u bullaalay, waxa uuna ka mid noqday hantiileyaasha baladka laga yaqaanno.

Maantiii uu ganacsigiisu tisqaaday, ayuu joogteeyey ka-warqabidda iyo taageerada adeerradi. Wax kasta oo ay u baahan yihiin; baad iyo biyaba ayuu ugu diri jiray halkooda, taas oo adeerradi ugu beddeli jireen mahadin iyo duco. Oday ka mid ah adeerradi ayaa inta waxa kale oo ugu abaalgudo garan waayey, waxa uu baaddiye ugu yaaray Muuse, kolkaasina ku daray gabadhiisii. Markii gabadhii lagu meheriyey, ayuu Muuse waxa uu soo kaxeeyey xaaskiisii iyo wiil adeerki kale dhalay oo uu is lahaa waxna ha barto, hana ku caawiyo. Qasri uu xaaskiisa ugu talo galay ayuu gees ka dejiyey wiilkii.    

Muuse, waa nin hawlo adduun kala xallinayee, subixii sida uu guriga uga baxo, habeenkii waqti dambe ayuu ku soo laabtaa. Waxaa inta badan guriga isla jooga xaaskiisa iyo ina-adeerkood, markaas baa Sheydaan inta uu waa dambe isku dhaweeyey, waxa ay bilaabeen in ay gorodda iska laacaan. Saaxiibbo isjecel bay noqdeen oo, hawlahooda maareysta inta uu Muuse masruufkooda ku maqan yahay.   

Muddo ka dib, Muuse waa ogaaday in ilma-adeerradi ay dabamareeyeen. Xataa waa hubiyey oo, mar ma ahayn inta uu arkay iyaga oo isku maqan oo aan warheyn. Muuse, in uu dacwo iyo dagaal galo iska daaye, xataa ma dareensiin in uu la socdo dhubuqdhubuqdooda. Waxa uu muujiyey dulqaad. Dhawr jeer buu gabadha si sarbeeb ah u waaniyey, laakiin Indhxamil waa garabmariyey in ay si saxa u fahanto. Marar buu wadaaddo ugu yeeray in ay saaraan Qur`aan gabadha dejiya oo imaanka ku suga, se taasina lagu ma anficin. Wiilku waa sidaa oo kale oo, ma kaso waxsheeggiisa dadban. Caqli iyo ciso midna ma leh. Mar buu ku fekeray in firaaqada badan uu Shaydaanku uga faa`iidaysanayo, markaas buu inta is yiri hawl ku mashquuli, wiilkii, u dhuumasho deyn waayey.

Goortii uu arkay in aysan labaduba lahayn garasho iyo imaan ba, ayuu talo rogrogid bilaabay. Aad bay u dhibaysaa in uu adeerradi la socod siiyo hawsha oo uu ceebeeyo ilma-adeerradi, uuna dhaawacmo qalbiyada adeerradi. Aad bay u la xumaataa in uu bilaa sabab ku furo Gabadhii lagu sharfay ee adeerki uu jecel yahay dhalay. Haddana, waa dhibaysaa in uu gurigiisa ku wada hayo dad aan lahayn xil iyo xishood.

Sidii uu u arrinsanayey, waxa uu ayaan dambe isku la xaalay: In uu ganacsigiisa u wareejiyo Tansaaniya. In gabadha iyo wiilka uu u celiyo deegaankooda. In adeerradi uu ka dhaadhiciyo in uu dal shishiiye u safrayo, oo aan la ogayn waxa uu kala kulmi doono, ilma-adeerradina uusan sidiisa oo kale ku biimayn karin shisheeye, isla markaasina, garan karin inta ay ku qaadan karto soo laabashadiisa, sidaas darteedna, uu jeclaaday in walaashina uusan waqtiga ka lumin, oo uu furayo. Ku dhaqaaq taladaas. Gabadhii iyo wiilkii waa celiyey. Adeerradina ka yeele cudurdaarkiisii. Gabadhiina furi, waxa uuna siiyey meherkeedii iyo siyaado oo caddaan ah, wiilkiina, waxa uu u dhiibay xaqasalaamo, adeerradina, faramarnaan uga ma ducaysan. Magaaladii ayuu inta ku laabtay, oo ganacsigiisii lacag u beddeshay, ayuu u dhoofay Tansaaniya oo uu halkaas ganacsi kaga furtay.

Muuse, maxa uu intaas oo dhib ah u marayey? Waa u ceebqarinta ilma-adeerradi iyo maandhawridda adeerradi.     

Markii uu Muuse baxay, ayaan ka dib, ayaa habeen ay ilma-adeerradii inta sidoodii isugu nafiseen, talo isweydaarsi dabadeed, waxa ay istuseen in ay fiicnaan lahayn in ay inta isxalaalaystaan, ay reer yegleeshaan. Waa ay la wacnaatay oo, inta odayaashii loo tagay baa la isku daray. Waa dad nolol magaalo arkaye, waxa ay kaalo ku heleen iyo wixii ay haysteenba, inta isku darsadeen ayey ku aqalgaleen degmo u dhaw deegaanka reerahooda.   

Nabsigu ma dhexo e, inantii waxa ay mar kale bilawday in ay baladku ku yeelato saaxiib kale oo dahsoon oo ay wada qaraabtaan xilliyada uu seygeedu guriga ka maqan yahay. Ninkii, tuhunna gal, xanna ka hel ooridiisii. Dabalgal iyo wiido aysan ogayn buu duldhigay. Goor yar dabadeed, waa soo helay ninka gurigiisa u dabamara. Ciil iyo maseyr qalbiga balbalinayey, waxa ay ku riixeen in uu aakhiro u diro ninkaasi. Mindi ayuu inta u soo soofaystay, waa uu yaqiinsaday xilliga guryo-noqodkiisa e, waxa uu ugu gabbaday jiiro xaafadda u dhaw. Goor barqo dheer ah ayuu ninkii, sidiisii, gurigii isa soo taagay. Qolkii jiifka ayuu inta marwadii ugu galay, waxa uu horay ka bilaabay shaqadii la isku jeclaa. Isaga oo weli ku foorara naagtii, ayaa kii inta gurigii xoog ku soo galay, waxa uu middidii kaga shufeeyey dhabarka ilaa uu ka go`ayey.       

Naagtii ayaa isla markiiba qalodhaamisay. Ninkii waa la qabtay. Waxaa loo gacangeliyey bilays. Isla maalintaas, waxaa magaalada soo galay Muuse, oo sannado badan oo muqnaa, u yimid ka-wardoonka adeerradiis. Ina-adeerkii oo jeebbaysan oo saldhigga loo sii jiidayo, ayaa, isaga oo gaari lagu wado, waxa uu kaga horyimid dariiq. Inta uu gartay oo uu si degdeg ah daaqaddii isaga jaray, oo joojiyey isaga iyo ciidankii wadayba, ayaa waxa uu weydiiyey dambiga ina-adeerki lagu haysto.

Ciidankii oo aan jawaabin ayaa waxa u warceliyey ina-adeerki, waxa uuna yiri, “Ina-adeer, waxa aan kow kaga siiyey nin ay ‘Tii’ gurigayga kaga alaxsanaysay!” Muuse, waa hore ayuu maqlay in ay isguursadeene, waxa uu ku yiri, “Ina-adeerow, maxaad ugu dulqaadan weydey sidii aan kuugu dulqaadan jiray!”

Oraahdan ayaa waxa ay gaartay adeerradi, jeerkaas baa la fahmay sababtii uu u soo celiyey ilma-adeerradi oo uu dalka uga haajiray. Waxa ay adeerrari la wada khushuuceen dulqaadka, dhugmada iyo iin-asturidda walaalihi, taas oo hadda, sawaabnimadooda, bannaanka keentay. Xaalmarin, gabar kale iyo duco baa la isugu daray Muuse. 

Nabsigaan ayaan dhaxayn, adigu haw yeedhan.” 
Sayid Maxamed Cabdille Xasan 

Facebook Comments