Dr Susan Mackinnon waxay u baahatay caawimaad mar ay qalliin ku sameeyneysay neerfaha, waxayna nasiib wanaag heshay buug anatomy ah oo la qoray bartamihi qarniga labaatanaad.

“Aad baan uga mahadcelinayaa sawirka cajiibka ee gacan ku sameyska ee aan buuggaasi ka helay ee muujinaya qaab dhismeedka jirka qofka” ayey tiri Dr Mackinnon, oo jaamacadda Washington wax ka dhigta waxayna sidaa ku dhammeysatay qalliinkeedi.

Buugga qalliinkeeda gacanta ka siiyey ee ay isticmaashay ayaa wuxuu si cad u qeexayaa dhismaha jirka bani aadamka oo dhanwalba ah, buugaasoo noqday tusaalaihi ugu wanaagsanaa ee sawirrada jirka qofka laga qaadan karo.

Sawirradana waa kuwa aad u muuqdo si wanaagsanna loo faahfaahiyey midabba aad u qurxoonna lagu harday. Maqaarka, murqaha, seedaha, lafaha iyo xubnaha kalaba waxaa lagu muujiyey sawirro si wanaagsan u muuqda.

Buuggan Pernkopf atlas oo dib loo daabicin nuqul ka mid ah oo aan asal ahayn iyo qayba kale oo isaga laga sii minguuriyey ayaa online kumannaan gini lagu kala iibsadaa. Dadka qaar ayaa buuggan dhaleeceyn u soo jeediya iyaga oo sheega wajiga madoow ee loo isticmaalayey buuggan xilliga Nazi iyo adeegsiga buugga oo ay dhakhaatiirka u adeegsadaan si ka baxsan ‘Anashaxa qalliinka’.

Dr Mackinnon waxay sheegeysaa iney ku faraxsaneen asal ahaan buugga halka uu ka soo jeedo, balse buugga oo la isticmaalo ay muhiim u tahay ‘qalliinka anshaxa ku dhisan’ iyo iney howlaheeda buuggaasi la’aantii ay qaban karin.

Sawir muujinaya qof wajigii

Mashruuca qorista buuggan oo muddo 20 sana ah qaadatay waxaa qoray dhakhtar Nazi ee caanka ahaa Eduard Pernkopf. Dhakhtarka saaxibbadii oo ay ugu yeeraan ‘dambiile’ waxay sheegaan inuu ahaa nin maalin walba xirfaddiisa caafimaad ku shaqeeya isaga oo xiran labbiski u gaarka ahaa Nazi.

Xilli uu ninkaasi ahaa hormuudka jaamacadda Vienna, wuxuu shaqada uu ka eryey dhawaan dadka Yuhuudda oo jaamacaddaasi ka tirsanaa oo ay ku jiraan seddex nin oo takhasusukooda heer sare ka gaaray cilmiga.

1939-kii, sharci la soo saaray wuxuu dhigayey dhammaan macabiista dilka lagu fuliyo in meydadkooda loo gudbiyo waaxda ugu dhaw ee cilmibaarista anatomy ee daraasadda iyo waxbarashada loo adeegsado. Xilligaasi wuxuu Pernkopf uu shaqeynayey ugu yaraan 18 saacadood, wuxuu cilmibaaristiisa uu u adeegsanayey meydadka iyada oo ay saaxibbadii meydadka sawirra kala duwan ka sameeynayeen.

Nuqulka ugu horreeyey ee buugga Atlas waxaa la daabacay 1937-kii. 1964-kii waxaa la daabacay laba nuqul oo af-ingiriis lagu tarjumay oo laga soo minguuriyey nuqulki asalka ee ay ka muuqatay calaamadda Nazi. 1990-yadi ayey ahayd marki ay ardayda buuggaasi waxkabarata ay su’aal geliyeen buuggaasi iyo dadka ka qayb qaatay waxa ay yihiin. Marki taariikhda buuggaasi ay soo shaac baxday ayaa atlas dib loo daabacay 1994-kii.

Kulliyadaha lagu barto qalliinnada dhinaca neerfaha daraasad lagu sameeyey waxaa lagu ogaaday 59% dadka cilmigaasi barta iney buuggaasi ay xogtiisa hayaan, 13% ka mid ahna ayba isticmaalaan. Rabbi Polak wuxuu BBC u sheegay: “bal fiiriya Dr Mackinnon sida ay shaqadeeda uga adag tahay uguna caan baxday. “Waxayna i weydiisay, inaan anshaxa aan ka fikirno oo aan xaaladda qaadaa dhigno. Iyada oo haatan laga joogo muddo 60 sana ah xilliga buuggan atlas la soo saaray haddana wuxuu buuggaasi yahay mid wakhtiga la jaanqaada isla-markaana ay cilmi baarayaasha iyo dhakhaatiirtuba u adeegsadaan meel ay aqoontooda u kaashadaan xirfaddoodana ay u adeegsadaan. Waxayna intaa ku dartay: “Anigu shakhsi ahaan sawirrada Pernkopf casharrada anatomy oo aan bixiyo kuma soo qaato ilaa aan marka hore ka hadlo taariikhda sawirkaasi uu ku yimid.”

Dr Jonathan Ives, oo wax ka dhiga jaamacadda Bristol, wuxuu sheegayaa inuu buugga atlas uu “si la yaab leh uu u sharraxayo” balse cilladdiisu tahay “taariikhdi madoobeed” oo horay loo adeegsan jiray. “Haddii aan buugaasi isticmaalno inaga oo eegeyno faa’idada ka dambeysa wax badan ayaan ka faa’ideeynaa” ayuu yiri.

Facebook Comments