Kaarboon:

Xooga yar oo xaddi kaarboon ah ayaa laga helaa oogada sare ee dhulka. Waxaana loo heli karaa Dhaymon iyo Rasaas ahaan, kuwaas oo ah Jinsiyada kaarboon.

Dheemmanku aad ayuu u adag yahay, waana adke nadiif ah oo lakala jabinkaro la iskuna cadaadin karo ayadoo la isticmaalayo dubbe. Rasaasku waa madow adke dufan leh.

Dhuxusha iyo danbasku waa noocyo kamida Rasaaska, waxa ayna kasamaysmaan gubashada alwaaxda, dhuxul dhagax (dhulka hoostiisa ayaa laga qodaa) ama lafaha noolaha.

Kaarboon labo oksaydh (CO2):

Hawadu waxa ay ka kooban tahay 1% gaaska kaarboon labo oksaydh, xataa jiritaanka xadigaas yare e kaarboonka la’aantiis maanu noolaankarno.

Astaamaha kaarboon labo oksaydhka (CO2):

  1. Waa neef aan lahayn midab iyo ur.
  2. Waa uu ka culus yahay hawada.
  3. Markii laqaboojiyo -78waxa uu isku badalayaa adke. Adkaha CO2 waxaa loogu yeeraa (dry ice) baraf qalalan. Marka lakululeeyo adkaha CO2 waxa uu isku badalaa neef oo waa uu kabooda in uu noqdo dareere.
  4. CO2 kama uu qayb qaato gubashada, waana sababta loogu isticmaalo dabdamiska.
  5. Si yar ayuu ugu milmaa biyaha waxa uuna sameeyaa milan aashito ah kaas oo ah aashito aad u daciif ah.

Isticmaalka CO2:

  1. Waxaa loo isticmaalaa dabdamiska.
  2. Waxaa lagu daraa casiirada sida Cola, 7up ka, iwm.
  3. CO2 adkaha ah waxaa loo isticmaalaa in cuntooyinka ay ku ilaaliyaan qabowga.

Kaabonaytis (Carbonates):

Kaarbonaytisyadu waa isku-dhisyo kakooban aayonada kaabonate (CO3-2), labada ugu muhiimsana waa:

  1. Calcium carbonate (CaCO3) kaas oo si dabiici ah looga helo dhagaxa, waxaana loo isticmaalaa tamaashiirta, nuurada iyo marmarka.
  2. Sodium carbonate (NaCO3) waxaa kale oo loogu yeeraa washing soda waxaana loo isticmaalaa sifaynta (jilcinta) biyaha adag.

Astaamaha karbonaytyada:

  1. Biyaha kuma ay milman marka laga reebo kaarbonaytyada Sodium, Potassium iyo Ammonium.
  2. Waxa ay lafalgalaan aashitada waxa ayna sameeyaan cusbo, biyo iyo kaarbon labo oksaydh.
  3. Intooda badan waa ay kala jabaan marka lakululeeyo waxa ayna sameeyaan kaabon labo oksaydh iyo oksaydh, tusaale ahaan:

  CaCO3  ———>    CaO(s)   +  CO2(g)

 Calcium carbonate —> Calcium Oxide  +   Carbon dioxide

 

Raad raac:

Rose Marie and Daul Ingram (2000). “Complete chemistry” Oxford University Press, P 238 – 239.

Facebook Comments