“سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ”.

Waa qormo aan hadiyad uga dhigayo qof walba oo arka, waana jeclaan lahaa in uu wada akhriyo si uu natiijada qormada oo dhamays tiran u helo. Sida aan la socono dunida waxa saaran waa labo labo shay oo kala duwan, marka la isu-geeyana is-dhamaystira, laba walba isu-tagga ayay macna ku sameeyaan, macnaha isu-tagooda ka dhashaana waxaa ku dhabooba ujeedo/ujeedooyin ka mid ah ujeedooyinka noloshu u jirto:

1- Bini’aadanku waa lab iyo dhadig, labadooda oo isu-taga waxaa ka dhasha macnayaal badan oo wada muhiim ah, mida ugu muhiimsanna ay tahay sii-jirida nooca aadanaha, taas oo ah yool kamid ah yoolasha noloshan uu uumaheedu ka leeyahay:

“وَخَلَقْنَاكُمْ أَزْوَاجًا”.

“خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا”.

2- Xayawaanaadkuna nooc ay yihiinba waa la mid oo insaanka sidiisa ayay noloshoodu u dhisan tahay:

“وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ الْأَنْعَامِ ثَمَانِيَةَ أَزْوَاجٍ ۚ “.

“ثَمَانِيَةَ أَزْوَاجٍ ۖ مِّنَ الضَّأْنِ اثْنَيْنِ وَمِنَ الْمَعْزِ اثْنَيْنِ ۗ قُلْ آلذَّكَرَيْنِ حَرَّمَ أَمِ الْأُنثَيَيْنِ أَمَّا اشْتَمَلَتْ عَلَيْهِ أَرْحَامُ الْأُنثَيَيْنِ ۖ نَبِّئُونِي بِعِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (143) وَمِنَ الْإِبِلِ اثْنَيْنِ وَمِنَ الْبَقَرِ اثْنَيْنِ ۗ قُلْ آلذَّكَرَيْنِ حَرَّمَ أَمِ الْأُنثَيَيْنِ أَمَّا اشْتَمَلَتْ عَلَيْهِ أَرْحَامُ الْأُنثَيَيْنِ”.

3- waxaa la yaab leh ma-noolayaasha qudhoodu in ay yihiin lamaanayaal is-dhamaystira wada-jirkana macna ku sameeya, hadaan laba tusaale oo nolosheena saamayn wayn ku leh wax kuugu tusaaleeyo:

“وَمِن كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ”.

A)- Habeenka iyo Maalintu waa labo isu lamaane ah, wada jirka ayay ku sameeyaan dhamaan waqtiyada aynu xisaabsano haday daqiiqado yihiin iyo haday maalmo yihiin iyo haday qarniyo yihiinba, labadooda oo wada jira unbayna noloshu sida ay tahay ku sii ahaan kartaa, midkood oo la waayana waxaa ka dhalan kara nolosha oo idil oo lawaayo.

Maxaa yeelay agabka adduunka yaal ayaan ka maarmin maalin iyo habeen noloshooduna siyaaba kala gadisan ay ugu xidhan tahay, marka laga soo tago waqti ku xisaabsashada aynu soo xusnay, fii’iidada ay qoraxdu u leedahay dhulka iyo inta dul saaran waa mid aan qoraal lagu soo koobi karin, waxaas oo idilna ma jiri lahayn hadii system-ka hada jira oo ah isbaacsiga iyo isu lamaanaanta ama isla falgalka habeenka iyo maalinta uu meesha ka bixi lahaa:

“وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ خِلْفَةً لِّمَنْ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوْ أَرَادَ شُكُورً”.

B)- Korontada oo ah walax aynu aad u isticmaalno, nolosha casriga ahna ay tahay mid aysan ka maarmin marka laga hadlayo labada unug ee saldhiga u ah dhalashadeeda waa labada unug ee loo yaqaan “electric charges”, waxaa xusud mudan in labada charge ee korontada dhaliya ay yihiin laba kala duwan oo kala ah: charge (+) ah iyo change (-) ah, taas oo macnaheedu tahay hadaanay isu-tagin wax macnaa ma sameeyeen, sida kuu muuqatana isu-tagooda waxaa ku dhaboobay ujeedooyin badan oo nolosha asaas u ah, la’aantoodna ay wax badan silloonaan lahaayeen.

Arrintani waxay xiise sii yeelan marka aynu walax walba asalkeeda u celino oo saxarka walax kasta u yar (Atom) aynu helno in lamaananimadu ay ka dhex jirto saxarkuna uu leeyahay protons (+) ah iyo electrons (-) ah oo ka dhigan lamaane isla nool oo caalam dhan isla dhisa, halkaas waxaa inooga soo baxaya in labada caalam ee Macro-universe iyo micro-universe ay labadaba ka jirto lamaananimo baaxad wayn, isu soo jiidnaanta lamaanaha iyo isla dhaqankoodana uu caalamku ku taagan yahay:

“سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ”.

Arrinta u fiirsashada leh ayaa ah marka noloshii ay hanaan lamaanenimo ah ku dul is taagtay, in ay yeelatay xeer lamaane is-jeclaysi ku qotoma oo Eebe u dajiyay, labo lamaane oo walba waxa ka dhexeeya xidhiidh isa soo-jiidasho jaceyl aan u bixino ama magacyo kale aan u bixinee, dhanka kale labadii isku mid ah ee aan lamaane isu noqon karin isa soo-jiidashadaasi ma dhex taal xeer iyo qaanuun marin u ahna ma aha, bal arrintan u fiirsashada lehna aan kaa tuso dhowrkii tusaale ee aan kor ku soo xusay:

1- Ragga iyo dumarka waxaa ka dhexeeya xidhiidh abuur ah oo qaanuunkii aan soo xusnay ku salaysan, midba midka kale wuu u durkayaa marka uu usoo dhawaado, waxaan u naqaanaa magacyo kala fuwan sida jaceyl, dareen, is-doondoonid iwm, halka labada nin xeerkaasi uusan ka dhex jirin abuurid ahaan:

“وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا 《وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ》 إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ”.

2- Xayawaanka iyagana marka aad u fiirsato waa isla marinkaas insaanka u jidaysan ayaa iyana u dagsan, orgi ri’ baa lagu ogyahay, awr hal baa lagu ogyahay…., orgi orgi kale xidhiidh lama sameeyo sidoo kale danna uma gasho, macne nolosha ugu jira xidhiidhkoodana ma jiro:

“وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً”.

3- Habeenka iyo Maalinta waa laba lamaane oo is jecel marka aan u adeegsano luuqadeena caadiga ah, habeenku maalinta aad ayuu u jecel yahay, maalintuna si ka daran ayay u jeceshahay una doonaysaa in ay xidhiidh ula samayso, balse nasiib daradda iyaga haysata ayaa ah kuwa waqti isu hela ma aha meelna wada daga sideenoo kale, waxay ku jiraan isbaacsi joogta ah, habeenku wuxuu doonayaa in uu maalinta mar un qabto iyaduna ay mar un qabato, hayeeshee isma qabtaan oo waxaa diidaya habka dhadhaabyada uunkan uu Eebe isu dul dhigay, isbaacsiga ka dhashay fulinta xeerka lamaanenimo ee isa soo-jiidashada ah iyo nasiib darrada habeen iyo maalin jaceylkooda ka haysta ayaa inoo suurtagaliya faa’iidada wayn ee aan ku qabno habeenka iyo maalinta jiritaankooda, kawaran haday xeerka khilaafi lahaayeen oo aanay danba iska galeen?

Habeen joogto ah ama maalin joogto ah ayay mid noqon lahayd ama walax kale oo aynan suuradaysan karin ayaa imaan lahayd, sidaas ayaana waxaa meesha uga bixi lahaa ujeedooyinka nolosha qaar badan oo ka mid ah hadaanay kulligoodba ka bexeen:

“لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ”.

4- Marka aan u nimaano korontada, xeerkaani waa mid si muuqata uga dhex shaqeeya, charge-ka togan (+) waxay isa soo-jiidasho kala dhexaysaa midka taban (-), labadan charge meel walba oo ay isku arkaan way isa soo jiitaan isu tagooda ayaynu ka macaashnaa, waxaa ka dhexeeya wax loo yaqaan isa soo-jiidasho (attraction), halka labadii isku nooc ah aanay wax dan ah iska lahayn oo waxaaba ka dhexeeya kala carar loo yaqaan (repulsion).

“أَوَلَمْ يَنظُرُوا فِي مَلَكُوتِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا خَلَقَ اللَّهُ مِن شَيْءٍ وَأَنْ عَسَىٰ أَن يَكُونَ قَدِ اقْتَرَبَ أَجَلُهُمْ ۖ فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُ يُؤْمِنُونَ”.

Lamaanenimada walxuhu kuma eka dhowrkan tusaale ee aan kor ku soo xusnay ee waa arrin ay wadaagaan dhamaan ama badi walxaha uunka yaal sida Qur’aanka iyo Science-kuba cadaynayaan. Xeerkan aadka ufudud jiritaankiisana ay nolosheenu ku dul taagan tahay waxaa fahmi waaya qayb dadka kamid ah iskuna daya in ay xeerkaas ka leexdaan noloshuna ay baraaraheedii ugu sii socoto, hadaan kuu soo koobo waa qolooyinka isku magacaaba “LGBT community”.

Waa bulshada dunida ugu maangaabsan, waxay garawsan la’yihiin sharci iyo qaanuun dunida ka dagan oo noole iyo ma-noolaba wada ictiraafsan yahay ayna kuwada dhaqmaan:

“أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ ۚ إِنْ هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ ۖ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا”.

“سَأَصْرِفُ عَنْ آيَاتِيَ الَّذِينَ يَتَكَبَّرُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَإِن يَرَوْا كُلَّ آيَةٍ لَّا يُؤْمِنُوا بِهَا وَإِن يَرَوْا سَبِيلَ الرُّشْدِ لَا يَتَّخِذُوهُ سَبِيلًا وَإِن يَرَوْا سَبِيلَ الْغَيِّ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلًا ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا عَنْهَا غَافِلِين”.َ

Halkaas marka aad marayso waxaad si fudud u fahmi kartaa u hugaansanaanta makhluuqaadku ay Eebe u hugaansan yihiin qayb Insiga iyo Jinka ka mid ah mooyee, arrintan oo ay cadaynayaan aayado ku jira Qur’aanka, waxaad ogaataa sida xeerkan qayb insaanka kamid ah ay u khilaaftay iyadoo ay makhluqii kale oo dhan u hugaansan yihiin in ay jiraan xeerar kale oo sidaas oo kale insaanka kaligi u baalmaro, hada waxaad si fudud u fahmi kartaa qayb kamid ah macnaha caasinimada uu Qur’aanku basharka had iyo jeer ku tilmaamo isaga oo makhluuqaadka kale mudiiciin (dhaga-nugeyllo) ku tilmaamaya makhluuqaadkaas oo ay ugu horeeyaan ma-hadashada iyo ma-noolaha, hadaba aan aayad iyo abo macnaha aan ka soo warranay xambaarsan aan kuu soo qabto:

“وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَظِلَالُهُم بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ”.

“أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَسْجُدُ لَهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِّنَ النَّاسِ ۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ الْعَذَابُ ۗ وَمَن يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِن مُّكْرِمٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَاءُ”.

Waxaa iga xasuusin ah in aayadan ay ku bilaamatay “ألم تر” oo ah miyaadan ogaan yacnii saw maad arag xaqiiqada ay aayadan xambaarsan tahay? Bilowgaas oo tilmaamaya in xaqiiqada ay aayudu ka hadlayso lagu garan karo un fiiro fakar la socdo.

“قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ”.

Facebook Comments