Dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha webiyada iyo roobabka ayaa waxay ka noqdeen gudaha Soomaaliya wax soo noqnoqda, kuwaasoo baabi`yay dad iyo duunyaba.

Marka loo barbardhigo dhulalka wabi-mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka.

Iyadoo ay dhibaatooyinkaasi jiraan, madaxda Soomaaliyeed waxaad u malaynaysaa in ay kala jecel yihiin dadyowgaan dhibaatada u wada siman. Sanadkaan gudihiisa waxaa gudaha Soomaaliya ka dhacay fatahaado dhibaatooyin badan gaystay sida Baladweyne iyo Afgooye.

Qoraalkaan waxaan ku falanqeynaynaa qaababka kala duwan ee loogu kala gurmaday fatahaadaha ka dhacay Afgooye iyo Baladweyne. Haddii aan ku bilaawno Ra’iisul Wasaarihii hore DF Soomaaliya Xasan Cali Khayre, fatahaada Baladweyne wuxuu isla markiiba shir guddoomiyay kulanka Guddiga Gurmadka Qaranka waxa uu Wasaaradda Maaliyadda amray in ay bixiso dhaqaalaha Dowladda ay u qorsheysay kahortagga daadadka iyo fatahaadda Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne.

Dadaalladaan ayaa isugu jiray; carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan. 

Marka ay fatahaada ka dhacday magaaladaasi waxaa isla markiiba tagay Madaxdii hore ee dalka oo ay ugu horeyaan Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud waxayna durba u tageen Ugaaska Xawaadle ayagoo tusinaayo wanaagga ay u haayeen shacabka reer Baladweyne.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Duubabka Dhaqanka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxa Madasha Xisbiyada Qaran, Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UPD, Xildhibaano labada aqal katirsan ayaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay. Sidoo kale waxaa si hagar la’aan ugu qeyb-galay gurmadka Baladweyne Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ku dhashay, kana soo jeedo Gobolka Hiiraan, isla markaana ahaa guddi ay Dowladdu u magacowday arrimaha fatahaadaha.

Madaxdii hore ee dalka oo ay ugu horeyaan Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud waxayna durba u tageen Ugaaska Xawaadle

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya waxay fatahaada Baladweyne u qorsheysay haaf milyan oo dollar. “Dowladdu 500-Kun oo Doollar ayay u qorsheysay gurmadka qoysaska ay saameeyeen fatahaada kuwaasi oo duruufo nololeed ay ku heysato degaanada buuraha ku dhow magaalada Baladweyne” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo u waramayay BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay jiraan hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Turkiga iyo Qatar inay ballan qaadeen ka qeyb qaadashada taakuleynta qoyskaasi ay barakiciyeen fatahaadaha.

Waxaa sidoo kale Baladweyne tagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay la socdeen madax iyo xubno ka tirsan Dowladda dhexe ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha ee magaalada Baladweyne, waxaana isla halkaasi gaaray qeybtii labaad shixnado gargaar ah oo Dowladdu ku tabaruceyso dadka ku tabaaloobay daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay la socdeen madax iyo xubno ka tirsan Dowladda dhexe ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha ee magaalada Baladweyne, waxaana isla halkaasi gaaray qeybtii labaad shixnado gargaar ah oo Dowladdu ku tabaruceyso dadka ku tabaaloobay daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayay oo tagay Baladweyne ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in guddiga isaga madaxda u yahay ee fatahaada loo xil saaray gargaar dhinacyo kala duwan leh gaarsiin doonaan shacabka reer Baladweyne.

Madaxdaan ayagoo dedaalkaasi sameeyey ayaa hadana lagu sii canaantay inay meelo gaar ah oo kali ka ay tageen Baladweyne. Xildhibaan Faaduma Faarax oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadashay saameynta Fatahaada Wabiga Shabelle iyo Socdaalka Madaxda Dowladda ay ku tageen magaalada Baladweyn.

Xildhibaanadaan ayaa sheegtay in nolol adag ay la soo deristay dadka ku nool Baladweyne, balse xaalada ay uga sii dareyso in madaxdii dalka ay meelo gaara ah kasoo arkeen saameynta fatahaada iyo Roobka ee Baladweyne oo dadkeedii barakaciyay. Waxa ay sheegtay in Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Famaajo iyo kan Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ay soo indha-indheeyeen oo kaliya deegaano gaar ah oo sida ay hadalka udhigtay hal reer ka dega magaalada.

“Baladweyne, bari iyo qoraxsin ayey leedahay, ma aha madaxda inay tagaan oo kaliya qoraxsin, waa in loo tagaa dadka geedaha ku hooyanaya ee meydkoodana doonyo lagu qaadayo, anaga haddaan Xildhibaano nahay ma aha in nala dhaho Dowladdii hal meel kaliya ayey tagtay, waa in shacabka cuqdada laga saaraa” ayey tiri xildhibaan Faaduma Faarax.

Illaa hadda lama haayo madax Soomaaliyeed oo tagtay fatahaada Afgooye laga soo bilaabo madaxdii hore iyo kuwa maantaba. Ma jiro hal madaxweyne xittaa kuwii hore oo tagay soona arkay xaalada ay ku sugan yihiin shacabka reer Afgooye. Illaa iyo hadda ma hayno Xildhibaano ama Madaxdii hore iyo kuwa maanta oo u doodaayo ama tagay daadadka Afgooye oo gobolkaas kasoo jeedo, waxaase soo baxday shacabka gobolkasi inay yihiin kuwa af-gaaban oo dhibaatadooda iska qarsada sidoo kale ay ka niyad-jabsan yihiin waxqabadka xildhibaanada ayaga matala.

Waxaa jira dhalinyaro kasoo jeedo gobolkaasi Shabeellada Hoose oo isku xilqaamay wax ka qabashada dhibaatada fatahaada Afgooye, sida muuqato waxay muujiyeen dedaalo ayagoo kaashanaayo ururada kale ee gurmadka.

Olso, Norway: Waa dhalinyaro kasoo jeedo Shabeellada Hoose oo isku xilqaamay lacag aruurinta fatahaada Afgooye.

Lama diidana oo waa ay jiraan lacago la amray oo ay amreen madaxda DF sida Ra’isul Wasaarihiii hore ee Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyada in lagu bixiyo fatahaada Afgooye, su’aasha qiimaheedu sareeyo waa yaa bixiyey lacagtaasi? Xaggeese lagu bixiyey?

Ra’isul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faray Wasaaradda Maaliyadda in si degdeg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo kun Oo doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah yaa bixiyey lacagta, xaggee lagu bixiyay? illaa hadda lama oga wax cadeyn ahna lagama haayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacag loogu tala galay gurmadka Fatahaada degmada Afgooye oo ugu deeqday Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in lacagahaasi aysan bixin doonin haddii aan la helin hannaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaas la musuq- maasuqo. Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay Guddiyo ka shaqeeya arrimaha gargaarka degmada Afgooye iyo Maamulka Koofur Galbeed, si loogu wareejiyo lacagtaas.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa eedeyn usoo jeediyay Wasiirka, gaar ahaan Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasiirku ku fashilmay bixinta lacagta gargaarka degmada Afgooye, maadaama dadkii ku barakacay fatahaada ay u baahan yihiin.

Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ka mid ah gobolada ugu qanisan Soomaaliya wuxuuna leeyahay dhul beereed iyo xoolo. Balse dadkiisu waxay wajahayaan fatahaado, gaajo iyo colaad aanay garanayn waqtiga ay dhamaanayaan.

“Naftu waa qaali ee ma og tahay,” ayey tiri mid ka mid ah dadka kasoo baracakay gobolka Shabeellada hoose oo la hadashay BBC Somali.

“Naftu waa qaali ee ma ogtahay,” ayey tiri mid ka mid ah dadka ka baracakay colaadda gobolka Shabeellada hoose oo la hadashay BBC Somali. “Haddii caawa lagu guulguulo (lagu handado) oo habbeen dambe meel agagaarkaaga ah wax lagu sheego, waa in aad ka dhaqaaqdaa oo ka fogaataa; ma ogtahay?” ayey hadalkeeda ku dartay, Xaawo Sheekh Maxamad Nuur.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa isugu darsoomay abaaraha, fatahaada biyaha iyo colaaddaha isbiirsaday waxay sababeen in qoyasas hor leh ay nolol ka raadiyaan xeryo qoxooti oo nolosha ka jirto ay markii horeba adkayd.

Xaawo Sheekh Maxamad Nuur ayaa sheegtay in diyaaradaha ay sabab u noqdeen in ay ka soo cararaan guryahooda. Guuxa “Diyaaradaha ma maqlin miyaa idinka? oo waxkasta duqeynaya, ma maqlin miyaa idinka?” ayey tiri Xaawo oo la yaab uu ka muuqday. “Dhibkaas baa na qabsaday anaga; dadka dhaqso ka soo qaxay ee xilli hore imaaday magaalada waa anaga. Dhib wayn baa jiro oo dhegeheena aan ku maqalnay”. “Iyagoo dariishadaha saaran oo tuuteysan ayaa albaadada laga arkaayaa dadka guryaha kama soo baxaan xittaa haddii musqul ay u baahan yihiin,” ayey tiri.

Akhristoow isweydii cida ay sugayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatada kawada siman, laakiin shacabkaan qaarkiisa waa kuwa ay u gurmadaan, una doodaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo gobolada laga soo doortay.

Sanadkasta marka ay bilaabmaan roobabka fatahaadaha waxaa sii kordha fatahaado qasaarooyin baaxad leh u geystay dadka ku dhaqan degaanada ku dhow wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyadoo daadadka ka dhashay roobka ay guryahooda ka barakiciyeen in ka badan 60-Kun Qoys. Mana ahan dhacdooyin halmar oo kali yimaada ee waa fatahaado soo noqnoqdo marwalbo waliba sanad kasta la arko. Goobaha ay sida ba’an u saameeyeen fatahaadaha waxaa ugu daran degmooyinka Shabeellada Hoose, Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe, Buurdhuubo iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Roobabka deyrta ayaa qaarkood waxay ka da’ayaan gobolada aan kor kusoo sheegnay, hase yeeshee illaa hadda lama haayo wax Qorshe Qaran ah oo loogu hortagi karo dhammaan dhibaatooyinkaasi. Waxaana fiican in bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto.

Facebook Comments