Trade deficit waa cabir dhaqaale oo caalami ah laguna muujiyo inta wadan waxa uu soo dhoofsado (import) ay ka badan yihiin waxa uu iska dhoofiyo (export). Trade deficit-ku wuxuu ka dhigan yahay in lacagta wadanka ka baxaysa ee suuqyada qalaad aadaysa ay ka badan tahay lacagta wadanka ka soo galaysa suuqyada dibada.

Formula-da Trade deficit-ku waa: Trade deficit = Total value of imports – Total value of exports.

Marka laba wadan oo ganacsi is-dhaafsada laga hadlayo,  waxaa la dhahaa “Trade Deficit” baa ka dhexeeya marka labada wadan mid kamid ah uu kan kale ka soo dhoofsado wax ka badan inta kan kale uu isagu u dhoofiyo. Midka wax soo dhoofsiguusa badan yahay ayaa la dhahaa wuxuu ku jiraa “Trade Deficit”.

Si dal looga saaro “Trade Deficit” uu si guud ugu jiro ama dal gaara uu kula jiro waxaa loo baahan yahay siyaasado dhaqaale iyo kuwa ganacsi oo lagu xakameeyo badeecadaha xad-dhaafka ah ee dalka soo gala sidoo kalana sare loogu qaadayo wax soo-saarka dalka iyo dibad wax u dhoofintiisa.

Dagaalka ganacsi “Trade war” ee ka dhexeeya Maraykanka iyo China-ha waa mid ku salaysan aragtida dhaqaale ee “Trade Deficit”, marka la is barbardhigo ganacsiga ay is waydaarsadaan labada dal Maraykanka ayaa “Trade Deficit” xoogan kula jira dalka China-ha.

Sababta taas keentayna waxay tahay siyaasadaha ganacsi ee dalka Maraykanka oo furfuran taas oo sahashay in badeecadaha China-ha ka imaanaya ay sahal ku yimaadaan dalka Maraykanka, halka siyaasadaha dhaqaale iyo kuwa ganacsi ee China ay yihiin kuwa xidhxidhan oo aan badeecadaha ajanabiga u saamaxayn in ay sahal u soo galaan dalka. Maraykanka oo doonaya in uu xakameeyo badeecadaha faraha ka baxay ee China uga yimaada ayaa hada dagaal ganacsi oo xoogan la galay dalka China.

Maraykanku wuxuu soo dhoofsadaa $3.1 Trillion, halka uu iska dhoofiyo $2.5 Trillion, sidaas darteed wadarta guud ee trade deficit-ka uu Maraykanku ku jiro waa $621 billion. Maraykanku China wuxuu ka soo dhoofsadaa badeecad qaymeheedu gaarayo $539.5 billion taas oo marka aan boqoley ku muujino ka noqonaysa wadarta guud ee import-kiisa 17.3% ($539.5 bn ÷ $3.1 tn = 17.3%). Dhanka kale Maraykanku China wuxuu u dhoofiyaa badeecad qaymeheedu gaarayo $120.3 billion taas oo markaan iyana boqoley ku muujino ka noqonaysa wadarta guud ee export-giisa 4.8% ($120.3 bn ÷ $2.5 tn = 4.8%). Sidaas awgeed total trade deficit-ka uu Maraykanku China kula jiro waxay noqonaysaa $419 billion taas oo markaan boqoley u rogno ka noqonaysa wadarta guud ee trade deficit-ka Maraykanka 67% ($419 bn ÷ $621 bn = 67%). (Vluetainment, US China Trade War)

Trade deficit-ka uu Maraykanku kula jiro China waa mid aad u sareeya 67% ma aha xisaab yar, si culayska siyaasadeed, ganacsi iyo kan dhaqaale ee ay arrintaasi ku keeni karto uu iskaga furto ayuu Maraykanku dagaal ganacsi oo xoogan ku qaaday dalka China, dagaalkaas oo hada gaaray heer xun oo sababay in Maraykanku uu xanibaado saaro qayba kamid ah shirkadaha China laga leeyahay isaga oo waxyaaba aan run u muuqan ugu marmarsiyoonaya, muranka ka dhashay xanibaada uu Trump ku soo rogay shirkada wayn ee Huawei waa mid wali taagan, wax kale na maahane Maraykanku wuxuu doonayaa in uu dheeliga xoogan ee ganacsigiisa galay uu miisan celiyo.

Waxaa se waxaas oo dhan ka yaab badnaan lahaa marka la xisaabiyo dal Soomaaliya oo kale ah Trade Deficit-ka uu aduun waynaha kula jiro!!!. Waa dal wax soo-saar iyo wax uu dhoofiye ha joogtee quutu daruurigiisa la soo baxa wax ka yar 25%!!!.

Facebook Comments