Caalamka caruurnimada waa caalam ay farxad iyo daahirnaan aasaas u yihiin, waa caalam dambi, nacayb, xasad iyo xiqdi uusan ka jirin, ma leh murugo, istarees, iyo warwar midna. Waa caalam ay taal shaqo iyo firfircooni farxad ku dheehan tahay oo aan kala go’ lahayn, maanta dhan wixii aad dhisaysay ayaad markaa ka tagaysid dib u baabi’in laadna ku sii dhufan hadana ka murugoon maysid ee berri ayaad halkii ka soo bilaabin adigoo u haya hami iyo farxad tii hore ka sii badan, ma leh khasaare faa’iido mooyee.

Waa nolol aan murugo iyo fakar aqoon, farxad ka bilaamata kuna dhamaata, ma jiro yool gaaridiisu uu hammi kugu hayo, ma jiraan wax aad ka cabsanayso, ma jirto irsaaqad aad ka fakaraysid, ma jiraan dhibaatooyin aad filanayso, ma jiraan cadow aad leedahay, cid walba jaceyl iyo saxiibtinimo ayaa idin ka dhaxaysa, wax walba oo aad aragtid waxaad doonaysaa inaad ogaato waad ku soo dhawaan si aad u ogaato, wax kaa fog ma jiraan wax kuu dhow mooyee, nolosha waxaad ka taqaan inta farxadda iyo rayraynta leh.

Caalamka ay caruurnimadu ku nooshahay waa caalam ka duwan caalamka aan noolnahay, waa caalam ay ka jirto nolol farxad iyo daahirnaan ku dhisan, qof walba wuu dhoola cadaynayaa dhoola cadayn ka duwan mida aan naqaan, waa dhaala cadayn ilkaha kuu muuqanaya ay yihiin kuwii caana nuuga oo aan wali huurada dambiga dadka ka dhalata aan yeelan, qof walba wuxuu haystaa farxad ku filan oo wax ka qasayaa aysan jirin, wax walba oo nolosha yaal waa wax farxada caalamkaas sii hordhinaysa, maleh maskaxdu qayb dareenta murugada iyo walbahaarka nolosha.

Markaad eegto wajiyada iyo foolasha dadka caalamkaas ku nool waa caruurtee waxaad arkaysaa jidh dhaashan, waji furan, ilka iyo af muusoonaya, shaqo aan daal lahayn, farxad aan murugo aqoon, daahirnaan aan dambi ku dheehmin, daacadnimo dadka oo dhan kuu wada dhawayn, jaceyl aan xad lahayn, kalsooni aad u badan, nolol janno ay ku jirto nafta ku nool.

Waxaase war farxadeed ahayn in nolosha caynkaasi ah aynu soo wada marno balse ay inoo dhaafto si lamid ah waaga baryaa subixii sida kooban ee uu inoo dhaafo, nolol aad uga badalan iyo caalam shar iyo khayr ay ku hardamayaan ayaan u gudubnaa, wax walba oo wanaagsanaa ee caalamka caruurnimada yaalay waxaa ku darsama oo barxa wuxuun shar ah oo aysan nafto jeclaysan.

Waxaan u gudubnaa nolol aad u adag oo halgan iyo dagaal dheer aan u galayno soo kasbashada waxa wanaagsan, sidaas iyo si ka sii adagna aan halgan iyo jihaad kale u galayno iska caabinta iyo ka hortaga waxyaalaha nolosheena dhibka ku ah, waxaan hilmaanaa noloshii farxadda iyo jaceylka ku dhisnayd ee had iyo jeer dhoola cadaynaysay, waxaan galnaa nolol hardan iyo hagardaamo ka buuxdo oo ay farxadu ku yartahay werwerkuna ku badan yahay.

Markaan eego nolosha aan noolahay waxaan is-dhahaa wacnaan lahaydaa in noloshaada jiritaankeeda aad doorashadeeda lahaan lahayd, taas ma dhicin, mar kale ayaan is idhaahdaa wacnaan lahaydaa hadii aad garan lahayd sirta koriinshaha!

Wakhtiga caruurnimada ma jiraan wakhti lamid ah noloshaada, waxayse ku xeran tahay hadba halka aad ku kortay.

Waxaan noloshayda ku daysan lahaa caalamkaas farxadda iyo rayraynta la buuxdhaafay oo kamaba gudbeen, balse iyana ma dhicin oo anoo cilmigaas aan helin ilaa hadana lahayn ayaan ka gudbay caalamkii caruurimada ee dhoola cadaynayay, maanta oo aan joogo caalam kaas ka badalan iyo nolol aan waayaheeda la halgamayo waxaan baadi goobaa jid loo maro caalamkii xiisaha badnaa ee aan ka imid sidoo kale waxaan raadiyaa gaadiid bal loo raaco inuu jiro!

Nasiib darro wali ma hayo astaanka laga raaco gaadiidka u safra caalamka caruurnimada oo aan ogahay in uu wax badan ka xasiloonaan iyo daganaan badan yahay caalamka aan hadda ku jirno aniga iyo dad badan oo sidayda oo kale safarka nolosha wali sii wata.

Markaan baadigoobkaas ku daalo gaadiid iyo jid aan u maro caalamkaas soo wayo ayaan falsafad nafta aan ku sasabo adeegsadaa, daqiiqado kooban ayaan xasuusta dib u celiyaa waxaan geeyaa jawigii caruurnimo waxaan soo xasuustaa waayo sidii ay noloshu ii ahayd.

Waxaan galaa xasuus dheer waxaa ii sawirmata nolol aad uga naala badan mida maanta, saan moodaa inaan dhexjoogo, waxayse taladu caalwaa noqotaa marka nolosha isku kay sawirta aan doono inaan sidii hore ula falgalo ulana noolaado, ayaa waxaan dareemaa isbadalka dhacay iyo masaafada aan jaray fogaanteeda jidhku maaha kii jiljilicsanaa ee meel walba ka dusi jiray suu doonana u boodboodi jiray.

Caqliguna maaha kii ciida miisan jiray ee aan noloshaba dhibaatooyinkeeda howl iska saari jirin, caadifaduna maaha tii jaceylka iyo farxadda un xambaarsanaan jirtay, waxaan gartaa in xasuusasho qudha aysan ii celin karin caalamkaas farxadiisiina aysan isiin karin inta ay xubnahayga iyo caqligayguba i caasinayaan oo ileeyihiin ma sidii caruurtaad ciida miisan rabtaa.

Intaas kuma quustee waxaa diyaariyaa xeelado kale oo aan mar un bal uga xuubsiibto noloshan kakan oo aan booqashu ugu tago caalamkii jilicsanaa ee caruurnimada booqashadu haba koobnaato oo daqiiqado nasashaaba ha ahaatee, waxaan ogahay hadaan doono inaan sidii caruurnimada u dhaqmo in aysan farxad iyo jaceylkii waagii aan yaraa oo kale aysan ii yeelanayn mar hadaan dib ugu wada noqonayn caalamkaas.

Waayo maanta ma lihi jidhkii caruurnimada mid la mid ah sidoo kale ma lihi caqligii dabacsanaa ee caruurnimada waxaa badalay wax walba wax ka duwan wixii hore, sidaas awgeed ma dhadhamayso nolol aan agabkeedii lahayn ee xasuus un ay ka joogto, saa waxaan xeelad iyo xiskasho bidaa inaan sameeyo ciyaaro iyo maaweelooyin ay caqliga iyo cududa aan maanta hayo igu adeeci karaan anoo uga socda bal daqiiqadana Allaah haka dhigee inaan noloshii xiisaha badnayd si un u booqdo mar hadii aan waayay xeelad kale oo aan dib ugu noqdo.

Marmar baa intaa fakaro ayaan is-idhaahdaa tani ma fakar iyo mushkilad adiga kaliya ku haystaa, markaan cabaar isku maqnahay ayaan eegaa hareerahayga, saa waxaan arkaa dad waawayn oo kubad ciyaaraya, kuwa kale oo dabaalanaya, qaar dalxiisaya, qaar boodboodaya, qaar tartamaya, qaar jara ciyaaraya, qaar shaneemo daawanaya, qaar riwaayado fiirsanaya markaas ayaan ogaadaa mushkiladu kaligay inaysan ahayn ee ay tahay mushkilad guud oo dadka ila nool oodhan haysata mid walbana sidayda oo kale markuu waayay jidkii uu ku laaban lahaa noloshan dhibka badana uga baxsan lahaa uu bilaabay hab jirkiisa iyo caqligiisu ka yeeli karaan oo uu booqoshooyin nafsiya ah ugu sameeyo caalamkii caruurnimada, waxaan ogaaday in dadkaa wada ciyaaraya oo idil ay yihiin dad booqashadii nasashada samaynaya, dhammaantoodna waxay raadinayaan astaankii (boosteejadii) caalamka caruurnimada.

Waxaan arkay Rasuulka (SCW)  oo caash’isha la tartamaya oo ay ka dheeraysay, muddo kadib ayuu mar kale la tartamayaa suu wuu ka dheerayn, suu odhanayaa: tan u qaado taadii hore, waxaan ogaaday caalamkaas si aan ku booqanaba inaan laga wada maarmin booqashadiisa, waxaanse wali raadinayaa jidkii iyo astaankii caalamkaas si dhab ah loogaga ambabixi lahaa.

Facebook Comments