Sacaaliik: waa magac loogu yeero koox Carab ah oo nooleed islaamka kahor, waxayna ku noolaayeen Jaziirada Carabta, waxeyna kasoo jeedaan qabaa’il kala duwan, sidoo kale waxay ahaayeen kuwa aan aamin saneyn qanuunyada iyo qaraaradka qabaa’ilka u dagsan, sidaa ayaana looga soo eryey qabaa’ilkoodii, waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah in ay dhici jireen xoolaha hantiilayaasha ayna u qeybin jireen dadka saboolka ah.

Markii weerar lagu soo qaadane buuraha ayey gali jireen orodne laguma gaaro, oo waxaa lasheegaa qaarkood in ay ka dheereeyaan fardaha. Badankooda waa gabyaa oo gabayadooda waxaa lagu daray keydadka Carabta ee luuqada loogu laabto, codkarnimada iyo fasaaxadoodo awgeed.

Muxuu yahay micnaha ereyga SACLUUK?

(Ereyga “Sucluug” ee afka carabiyada loogu yeero, haddii aan soo qaadano qaamuusyada ugu canansan ee lagu falanqeeyo kalmadaha carabtu ay adeegsan jirtay, sida kitaabka la yiraahdo ‘Lisaan Al-carab wuxuu dhigayaa micnaha kalmadaan ((waa qofka saboolka ah ee aan wax hanti ah aan heysan))

Sidoo kale, wuxuu ku qeexay Dr. Showqi dheyf kitaabkiisa la yiraahdo “Al-casru jahili” ereyga SACLUUK “waa saboolka aan heysan hanti uu ku noolaado”. Kooxdaan saboolnimada waxaa u dheeraa waxay dhici jireen oo ay jidka u gali jireen ganacsatada isaga goosheyda dhulalka, hantida ay wataane wey ka qaadan jireen, sidoo kale waa ay dili jireen.

Halkey ka yimaadeen kooxdaan?

  • Asalkooda: Kooxdaan ma’ahan dad isaga yimid hal qabiil oo kaliya, bal taariikhda waxaa la sheegaa in ay isaga yimaadeen qabiilo tira badan oo carab iyo cajabba isugu jira.
  • Maxaa looga soo eryey qabaa’ilkoodii?

Haddii aan fiirino taariikhda waxaa inoo soobaxaaya, in kooxdaaan qabaa’ilkoodii siyaabo kala duwan looga soo eryey, ilaa sadax ayaa la gaarsiiyaa siyaabahaas:-

  • Koox fallaaga ah oo ay iska soo ceyriyeen qabaa’ilkoodii markii ay u adkeysan waayeen dilalka iyo dambiyaasha ay usoo hoynayaan, waayo? Qabaa’ilku wuxuu lahaa qaanuunyo iyo shuruuc u dagsan kaas oo qabanaayo qofki ku dhaca, waxaa kamid ah dadkaan siyaabahaas loo soo eryey, sida: Xaajiz Al-azdy,  Qeys Al-xadadiyy,Bbaraad Bin Qeys Al-Kanani
  • Koox ah caruurtii xabashida oo aan la garan aabayaashood iyo nasabkooda toonna, waayo waagaa carabta waxaa ku badnaa midabtakoorka dadkaas la takooreyne waxaa kamid ahaa, sida: Saliik ibn Saliikat,

Ta’abbata sharran, iyo Shanfara Al-azddy  oo aad loogu yaqaan qasiidada Lamiyatul carab iyo koox kale oo ku soo darsantay markii ay ku qanceen noloshooda iyo geesinnimadooda, kartidooda, sida: Urwa bBin al-ward. Inkastoo taariikhdu ay xusto in ay jiraan siyaabo kale oo looga soo eryey kooxdaan qabaa’il koodi.

Sidey u noolaayeen?

  • Waa sidee noloshooda

Sida aan kor ku soo xusnay qoladaan nolosha qabaa’il koodi waxey ka door bideen in ay la noolaadaan duurjoogta, sidaa darteed dadka ku dhaqan iyo fikir ahaanba isku mid ma aysan aheyn, oo saxaraha iyo buuraha ayaa hoy u ahaa, wax Alle iyo wixii ay arkaane waa ay dhici jireen waana dili jireen

  • Islaamka miyey soo gaareen

Kooxdaan waxey jirtay islaamki dhowr sano kahor, waqtigii jaahiliga, balse waxay isugu jireen kuwo haleeley islaamka markaane soo islaamay iyo kuwa kale oo aan haleelin islaamki kuna dhinteen shirkinimadoodi.

Maxay ka gabyi jireen kooxdaan?

Kooxdaan aad bay uga duwanaayeen shucarada la noolaay qabaa’il koodi, waayo? Waxaa la arkaa Shucara daas in ay ka gabyi jireen; Gabar amaanteed, Fardaha iwm, balse kooxdaan hadii aad fiiriso waxaad arkee in ay ka gabyayaan, noloshooda sida: gaajada, qaboowga, jirada dhamaan in ay u sabri jireen, sidoo kale waxey ka gabyaan la noolaashaha ay la nool yihiin duur joogta, maadaama aysan hoy kale heysan oo dhinac waliba laga soo eryey.

Waxaa kamid ah oo ugu caan san

  • Urwa ibn al-ward

Wuxuu kamid ahaa kan ugu caansan kooxdaan, si doo kale waxaa loogu yeeri jiray عروة الصعاليك ((wuxuu aruurin jirey dadka saboolka ah wuxuuna siin jiray hantida uu soo qaniimeystay(), wuxuu ahaa mid aad u jecel fuqarada iyo dadka saboolka ah iyo in ay marwaliba sareeyaan wuxuu dhintay 596m

  • Shanfara

waxaa lagu tiri yaa inuu yahay gabyaaga ugu caan sanaa Sacaaliikta ee la kulmay dhibaatada nolosha saxaraha iyo howdka keymaha.

Magaciisa mu’rikhiintu waa ay isku maan dhaafeen oo magacyo madan ayey u sheegeen kuwa dheheen waxaa la oron jiray camar bin baraaq, iyo kuwa kale oo ku sheegeen Thabit bin cawas al-Azdi.

Ereyga shanfara micnihiisa waa “faruuryo waaweynWuxuu ahaa orod yahan aana lala maratami karin “lala ordi karin” ilaa uu noqday tusaale ay carabtu soo qaadato sida: hebal wuxuu ka orad badan yahay shafara.

Haddii aad aqrido taariikhda nin kaan waxaad arkee sheekooyin layaable.

Ninkaan waxaa soo qafaashay nin kamid ah qabiilka la yiraahdo Salaamaan oo hooyadiine guursaday. Shanfara xiligaa cunug yar ayuu ahaa, marki uu weynaadey ayaa uu ku yiri gabadhi la dhalatay “walaashey gacmaha ii dhaq” intey dharbaaxo wajiga uga dhufatay ayey ku tiri “ma aniga ayaa walaashaa ah” intuu baxay ayuu ku yiri Aabihii, maanta waxaan kaa rabaa in aad ii sheekto anigu kumaan ahay?

Wuxuu ugu jawaabay adigu waxaa tahay qabiilka Azdi, hooyadaane anaga ayaa soo qafaalanay, halkaa ayuu ballan ku qaaday in uu qabiilka Salaamaan ladhaho oo hooyadii qafaashay Aabihiina dileen in uu ka dili doonno 100 qof. Balanki uu qaaday wuu gutay oo  99 ayuu diliay inta uu san dhiman.

Midki boqolaadne maalin ayaa nin kamid ah qabiilkaan uu shanfara 99 kadilay, wuxuu duurka ku arkay meydka Shanfara oo geed ka soo laalaado, markaa ayuu haraati ku dhuftay laf ayaana ka soo booday lugta ayeyne ka muday ilaa uu u dhintay sidaa ayeyne boqolki ku buuxsantay. Shanfara dhimashadiisa waxey u dhaxeysaa 520 ilaa 525  70 sano kahor xijradi Nabiga scw.

  • Ta’abbata sharran

Waa gabayaaga ugu caansan ee kooxdaan , magaciisuna waa Thabit Ibnu Jaber, oo ka soo jeeda qabiilka Qais, hooyadiisna waa Umaimah oo ka soojeeda reer Banii Qain. Waxaa lagu naaneesi jiray Ta’bbata sharran, dhimashadiisa waxaa lagu qiyaasaa 530 ilaa 535 milaadiga

  • Abu-kharaash al-hadali

Magaciisa waxaa loogu yeeraa khuilad bin murat, wuxuu ahaa gabyaa soo haleelay islaamki wuuna islaamay akhhiiranne wuxuu dhintay xiligii uu cumar khilaafada haaye. Iyo kuwa kale oo aan la soo koobi karin


Tixraac

1: كتاب- الشعراء الصعاليك في العصرالجاهلي – دكتوريوسف خليف

2: https://www.almrsals.com/post/839174

Facebook Comments