Tan iyo bilowgii nidaamyada dawladnimo ee cusub ”Modern State” waxa bilaabmay dar-dar xooggan oo la xidhiidha dhanka kala cidhiidhsiga, kala xadidda iyo halganka loogu jiro nooleynta iyo xabaalitaanka ilbaxnimooyinkii hore.

Walow nidaamdaydii dawladnimo ee hore-ba ay ahaayeen kuwo ilbaxnimooyinka danayn gaar ah siiya, haddana waxa qasbayey qowmiyadaha tirada badan ee ay hal xukun hoos keeneen oo midba mida kale duulimaad ku tahay iyo kala maroorsiga kursiga boqortooyada. Taasi waxa ay sababtay in ilbaxnimooyinku aannay wax sidaas u sii weyn nooleynteedu aysan noqonin.

Balse intan ay bilaabmatay dawladnimada cusubi ee ku dhisan qowmiyad-qowmiyadda waxa ummad weliba isku dayeysaa in ay hesho ilbaxnimo hore oo ay ku abtirsado taas oo caddeyn u ah faceeda in ay ka fil roontahay. Tusaale ahaan: waxa aynnu ka war haynaa in ilbaxnimooyinka marka laga hadlayo ay badanaa dhagahaaaga kusoo dhacaan: ilbaxnimadii hore ee Hindida, Biisaanta, Kushitigga, Giriiggii hore, Faraaciintii, Beershiyaankii, Afrikadii hore,Masaaridii Hore, iwm.

Kuwani waa kuwa ugu caansan marka ilbaxnimo laga hadlayo, balse marka ay noqoto in loo abitiriyo oo maanta dadka dunida ku nool lagu sunto qaar kamid ah, waxa ay noqdaan kuwo dad badani ay boos ka raadsadaan ilbaxnimadaas, halka kuwa kale-na laga tuuro booska ay ku lahaayeen ilbaxnimadaas.

Tiiyoo ay sabab u tahay ummadda ilbaxnimadaas booska ka cidhiidhsaneysa ummadaha kale in ay tahay ummad wax fahamsan, wax akhrida, wax qorta oo aad uga horumarsan dhinacyo badan, halka kuwa kale ee laga tuurayo booska ay yihiin ummad aan war u heyn waxa la kala boobayo, wax qorin, wax akhriyin, horumarkeedu aad u liito dhanka kastaba. Kala duwanaanshaha labadaas ummadood ayaa horseeday in midna lahaanshaheedii ilbaxnimo iyo sooyaal hore la duudsiiyo, qaar kale-na isku taxaan ilbaxnimo iyo sooyaal aysan ab iyo isirtoona u lahayn.

Tusaale ahaan: ilbaxnimada Faraaciinta ee maanta Masaaridu sheegato in lala wadaago oo lagala doodo oo ummadda haysata raadad tilmaamaya ilbaxnimadaas, oo dhulkooda ku yaalla ay uruuriso oo xujo dhabar adag u noqoto kana dhigato waa la la’ yahay.

Ummadda keliya ee raadad tusinaya ilbaxnimadaas laga helayaana waa ummadda Soomaalida, oo deegaanadeeda goobo badan laga helayo raadad la xidhiidha ilbaxnimadaas. Balse waxa aynnu lamid nahay dadyowgaas booska laga cidhiidsadey ee laga tuurey kaalintii ay ku lahaayeen ilbaxnimadaas. Masaariduna maadaama aysan arag cid la heer ah oo la fac-tirsata waxa ay noqotey ummadda keliya ee ku suntan ilbaxnimadii Faraaciinta.

Tani waxa ay horseed u tahay xabaalitaanka jiritaanka ummadda Soomaalida ee dhan kasta ka haleelay. Maadaama aysan ummadda Soomaalidu ahayn dad iyagu manhajka ay ardaydooda barayaan qorta oo ummado kale u qoraan, waa suurogal in wixii la doono laguu qoro. Waxyaabo badan baa ka qeyb qaata aasitaanka ilbaxnimooyinka, waxa kamid ah: in ummadda ilbaxnimada leh ay iyadu lefteedu iska xoorto ilbaxnimadaas iyo sooyaalkaas.

Tusaal ahaan: haddii afkaar la xidhiidha dhanka diinta ay ku ababiso kuna dhiirigeliso in faraacintu ay tahay alle-koodnimo, gaalnimo, iwm sida: Soomaalida oo kol kasta oo erayga “Faraaciin” ku soo dhaco dhegaha ummadda Soomaalida ay fal-celin laga didayo bixiyaan waxa ay u dhowdahay in ilbaxnimadaas laga saaray sooyaalka ummadaas oo aan sinnaba loo tirsan lana sheegan karin!

Haddaynu dhan kale ka eegno ummadda Soomaaliyeed waxay tirsataa kal-tirsi ama sannad loo yaqaan “Nayruus” oo macnahiisu yahay “Now” oo kasoo jeeda “New: cusub” iyo “Rus: maalin” marka la isku daro waxa ay noqoneysaa “Maalin Cusub” ama sida Soomaalidu u taqaan ee “Dab-tuur” oo isna ka yimid habeenka sannadku cusubyahay in dab-tuur la sameeyo.  Haddaba kal-tirsigan ayaa sidoo kale waxa adeegsan jirey beershiyaankii(Iraaniyiinta) hore haddana waa adeegsadaan oo waxa uu kamid yahay ciidaha ay qabsadaan bisha Maarso.

Inkastoo aan weli la isweyddiin ummadda Soomaalida iyo sida uu kusoo gaadhay kal-tirsigani ayaa haddana waxa la wadaaga dadyow fara badan oo kale sida: dadka qawqaasiyaanka, dadka aaminsan dab-caabudka(Zoroastrian), dadyowga badhtamaha iyo galbeedka Aasiya iyo Balkans (oo ah dadyowga ku nool koonfur-bari qaaradda Yurub). Haddaba daraasaynta, baadhitaanka iyo asal-raacintaanka lagu hayo ilbaxnimooyinka dunidu waa waxyaabaha u horreeya ee dal kasta oo dunida horumartay kamid ah uu ku tashto.

Taas oo marka la helo ilbaxnimo hore oo ummadi lahayd uu dal walba isku dayo ummadiisa in uu ugu gudbiyo habab kala duwan sida: qoraal ahaan oo dadka wax akhriska ku fiicani u dhugan karaan, qaab maqal ah: oo dadka aragga la’ ama aan qoraalka aqoonin ay ka faaideysan karaan ama habka ugu saameynta badan ee maqalka iyo muuqaalka ee Documentary ama Film.

Tusaale ahaan Hindida iyo shiineeska oo ah dad aad isugu dhow dhanka ilbaxnimooyinka sidoo kale-na wadaagga diinta budhiisamka ee aasaasitaankeedana loo tiiriyo amiirkii hindiga ahaa ee “Sidharta Gunatama” ee ku caanka ah “Budha” ayaa labadaas dal waxa ay halgan ugu jiraan kala xoogitaanka ilbaxnimooyinka iyo daraasaynta asallada hore ee ummadaha ku nool waddamadaas. Tusaale ahaan: waxa aynnu ka war haynaa marshal arts-ka ugu caansan adduunka ee “Karate/Kung Fu, iwm” in maanta ummadda lagu yaqaanno ay tahay indho-yarta gaar ahaan shiinaha oo dad badan u aqoonsanyihiin in unkamiddeeda ay shiineysku lahaayeen.

Balse xaqiiqada ayaa ah in ikhtiraaceeda uu lahaa nin hindi ah oo loo yaqaan “Bodhidharma” oo noolaa qarnigii shanaad iyo lixaad kaas oo kasoo jeeda boqortooyo ka jirtey koonfurta Hindiya. Inkastoo shiinuhu ay qiraan asal kasoo jeedka fankan dagaalka ah, haddana dadyoga hindidu maba yaqaannaan arrintaas badankood. Sooyaalkan dartii ayaa film laga sameeyey dabshidkii 2011-kii oo loogu magac darey “Elam Arivu oo macnaheedu yahay Shanta dareeme” balse si guud ugu caan ah magaca “Chennai VS China” kaas oo ka hadlaya arrintaas Bodhidharma.

Waxaana uu film-kaasi ku sahabsanyahay ardayad hindiyad ah oo ku takhasustey aqoonta “Genetic Engineering-ka” kaddibna baadhitaan iyo daraasayn ay ku sameysay arrintaa ogaatay in lasoo celin karo awoodihii Bodhidharma ee uu gaarka  ulahaa iyo in dagaal dhanka “Baayoolajiga ah/ xannuun” oo china ku faafisey dalka hindiya kaas oo uu soo celinta awoodda Bodhidharmana u tahay daawo.

Maadaama oo bodhidharma uu isla xannuunkan qarnigii shanaad ka daweeyey china oo ku dhacey waaggaas. Isku soo wada xooriyoo film-kaasi waxa uu ka hadlayaa dhiirigelin ku socota dadyowga hindiya iyo in ay ilaashtaan taariikhdooda iyo ilbaxnimadooda soo jireenka ah oo aan dadyow kale sheegan. Akhristow ilaa hadda Bodhidharma china waa laga caabudaa oo waxaaba uu leeyahay macbad iyo sanam lagu xuso isaga oo ku yaalla china. Kal hore oo ay ku beegnayd 4-tii, Sebtembar 2008-dii oo aan magaalada Addis Ababa ku noolaa ayaa waxa isu soo baxey dhammaan dadkii itoobiyaanka ahaa ee ku noolaa magaalada, anigoo la yaabban waxan la isugu soo baxey ayaa la ii sheegay in dawladda itoobiya ay soo celisay dhameystirteyna taallo loo yaqaan “Aksum” oo ku taalley magaalada Aksum oo guumeystihii Talyaanigu ka qaatey waaggii guumeysiga. 

Walow 1947-kii UN-tu heshiis ay saxeexday uu tibaaxayey in taallada Talyaanigu u celiyo Itoobiya ayaa haddana waxa sii xoojiyey markii Xayle Salaase 1961-kii uu booqday Talyaaniga. Walow kolba qurub la hagaajinayey ayaa waxa la dhammeystirey 4-tii, Sebtembar ee sannadkaas 2008-dii. Waxaan aad isu weyddiiyaa markasta oo aan xasuusto innagu sooyaalkeennu taallooyin maleeyahay, iwm, se haddiiba sidan oo kale taallo aynnu usoo ceshan lahayn Soomaalidu ma isu soo bixi lahayd oo ma xusi lahayd?

Dhawaan sannadkan 2019-ka waxa uu Dr. Abiy Ahmed dhisay taallo lagu xasuusto madaxweynihii hore ee Itoobiya Xayle Salaase. Haddii tolow innaga madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre ama ku wii ka horreeyeyba taallo loo dhisi lahaa Soomaalida qaarkood maxay sameyn lahaayeen? Eebbe ayaa og!!

Haddaba innaga ka Soomaali ahaan weli ma isweyddiisay ma leennahay ilbaxnimo iyo asal-raacyo hore oo aynnu dadka qaarkii ama gebi ahaantiiba dheernahay? Dabcan waa jirtaa weliba wax badan, balse shacabku wax badan ma qaban karo, se arrimahan oo kale waxa ay ku habbooneyd wax dawlad Soomaaliyeed ay gacanta ku hayso oo dadaal iyo dhiirigelin ay la daba taagantahay. Dhammaan ama badanka dawladdaha adduunku waxa ay leeyihiin mac-hadyo kala duwan oo arrimo kala duwan lagu daraaseeyo, waxaana kow ka ah ilbaxnimada ama asallada hore ee dadkaas. Waxa ay isku dayaan wixii raad ah ee la heli karo ee tilmaamaya jiritaankoodii hore in ay kaydiyaan oo daraaseeyaan.

Ummaddaas waxa aynnu tusaale ahaan uga soo qaadan karnaa marka laga yimado Yurub iyo Amerika, kuwa afrikaan ah sida: Ethiopia oo dhawaan qolfoof Lusi la dhaho soo bandhigtay oo ay ka heshay gobolka Canfarta. Sidoo kale Masaarida oo madxafyo kala duwan oo lagu kaydiyo ramsiisyadii hore(Fircownadii hore) lagu kaydiyo, dhigaalladii iyo raadadkoodii, iwm. Ummadaha adduunka ku kala nooli kuwooda baraarugsan waxa ay dadaal iyo halgan ugu jiraan nooleynta ilbaxnimadooda iyo weliba duudsiga ilbaxnimooyin la jaal ah ee u deegaan dhow, iwm in ay ka fara-maroojiyaan ummadaha aan la socon dadaalka iyo halganka baraaruggaas.

Waxa sidoo kale In la isweyddiiyo mudan ma leennahay dadyow hore oo meeqaam sare lahaa ama adduunka wax kusoo kordhiyey? Badanaa isma weyddiino, sababa la xidhiidha hammi yaraanta ina heysata haddaynu Soomaali nahay. Balse warcelinta weydiintaasi waxa weeye “Haa, waa jiraan” waxa aynnu ka xusi karnaa laba qof. Ka koowaadi waa: Xasan Al-Jabarti: Waa xisaabyahan, xiddigiyahan, faylasuuf iyo rumaysadyahan Soomaaliyeed oo noolaa qarnigii sideed iyo tobnaad. Waxa uu kasoo jeedaa magaalada Saylac, waxaana uu ku noolaa Qaahira, Masar.

Cid og waaba yartahay oo Soomaali ah baan odhan karaa haddaan qiyaaso. Cidda keliya ee wax ka qortey waa carab iyo dadyowga horumaray sida: Ingiriiska gaar ahaan buug la yidhaahdo “The Historian Al-Jabarti and His Background By. David Ayalon/ Bulletin School of Oriental and African Studies, University of London “

Waa innagu ceeb ummad dhan oo aan dadkeedii garanayn, deedna dadyow kale wax uga qorayaan! Qofka labaad waxa weeye: Sheekh Cabdiraxmaan Saylici, oo wadaad ka tirsan dariiqada Saalixiyada. Sheekh Yuusuf Annabhaani ayaa la weyddiiyey: “Yuusufow cid nebi ammaanka kaa badisaa ma jirtaa?” deedna suu yidhi: “Waa jiraa waana Soomaali qofkaasi, waxaana la yidhaahdaa Sheekh Cabdiraxmaan Saylici” Dhawaan kal-tirsigan 2019-ka intii lagu gudo jirey oo ku beeggan 17-kii, Maarso ayaa lasoo bandhigey magaalada Arabsiyo mawsuuco(mujalado) badan oo uu Sheekh Cabdiraxmaan Saylici iyo Sheekh Yuusuf Macallin Baxar oo ku qoran Af-Carabii, taas oo lagu soo daabacay dalka Masar. 

Cid mawsuucadiisa ballaadhan ka war heysay ma jirin, haddii la xadi lahaa ama la iska tuuri lahaa, balse wadaaddo ayaa dhowray oo ilaaliyey. Waxa sidoo kala yaalla Maydh qoraallo uu qorey Sheekh Isaaq kuwaas oo uu ku qorey gacantiisa, oo u baahan daryeelid aad u xooggan. Xataa waxa aynnu ognahay goobihii dadyow badani ku aasanyihiin sida: Doombiro oo la sheego In ay tahay hooyada qabiillada Daaroodka iyo weliba Isaaq iyo wiilashiisii laga soo farcamey oo ku aasan qudbi ku yaaalla Maydh. Dhammaan waxyaabahaasi waa dhaxalkeennii jiritaan ummadeed, maadaama ay yartahay ummado weli garanaya goobaha ay ku aasanyihiin dadkii ay kasoo farcameen. 

Waxa xusid mudan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo aad isku howshey uruurrinta intii karaankeeda ah raadadkeennii, taas oo goobo gaar ah u sameysay qoraalladii la qorey dhowr kun oo sanno ka hor oo si fiican u ilaalisey. Waa wax loogu mahadnaqo weliba in badan, loogana baahanyahay in ay uga deydaan magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed. Gunta iyo gunaanadku waxa uu yahay baadhitaanka, daraasaynta, ogaanshaha iyo raad-raaca ilbaxnimadeenna iyo jiritaankeenna in aynnu isku howlno wax badan oo innaga qarsoonna waa soo bixi doonaan haddiii waqti, dadaal iyo fikir intaasba la geliyo. 


Tixraac:
1. Bandhiggii mawsuucada Sheekh Cabdiraxmaan Saylici iyo Sheekh Yuusuf Macallin Baxar lifaaqan ka daawo: https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1293853830650282&id=10000077033
3084

2. Lifaaqan waxaad ka daawataa film-kii “Chennai VS China” ee ka hadlayey “Bodhidharma” https://youtu.be/h-Ge_Ds7krg

Facebook Comments