Jabbuuti waxa ay xornimada qaadatey sannadkii 1977-kii, waxa ay muddo u dhaxeysey 1894-19770kii hoostegi jirtey ama xukumi jirey gumeystihii Faransiiska. Magacii loo yaqaanney waqtigaas wuxuu ahaa French Somaliland (sidoo kale Afar and Isse Territory). Waxa maanta loo aqoonsanyahay Jabbuuti in ay tahay dal gaar ah oo madaxbannaan.

Waxa ay ku taallaa baabul mandabka isku xidha badda cas iyo gacanka cadmeed, waa meel istiraatiiji aad xad dhaaf u ah xagga isku socodka.

Waxa ay dhul ahaan jaar la tahay dalalka Eriteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa Jabuuti wada dega asal ahaan Canfar iyo Soomaali, balse waxa aad u badan Soomaalida (T.A: qabiilka Ciisaha, ee Direed). Dadka Soomaalidu waa 65%, halka Canfartu ay tahay 35%. 5% soo hadheyna waa Carab iwm. Waxa waqtigii gumeystaha aad loogu deegaameyey ajnebi xad dhaaf ah, sida: Carabta, Faransiiska, Hindida iwm. Arrintani waxa ay ka qeyb qaadatey masiir go’aamintii Jabbuuti waqtigii xornimada.

Maxamuud Xarbi iyo Dhaqdhaqaaqiisii

Jabuuti waxa ay laheyd waqtigii gumeystaha dhaqdhaqaaq siyaasi oo Soomaali-Weyn. Waxa hoggaaminayey halgamaa Maxamuud Xarbi, waxa uuna iman jirey waagii gumeystaha magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula shiri jirey hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqyada midnimo-doonka ah. Maxamuud Xarbi (1921-1960) waxa uu mar noqdey madaxweyne ku-xigeenkii Golaha Dawladdii French Somaliland ee sannadihii 1957-1958-kii. Waxa uu ahaa halgamaa aaminsanaa midnimada Soomaalida iyo in ay hal dal wada yeeshaan.

Doorashadii Jabbuuti, Hagardaamadii Faransiiska iyo Xornimadii 1977-kii

Haddaba waxa jirtey in uu u ololeynayey in dhulka Faransiisku gumeysto ee Jabbuuti lagu daro dawladda Soomaaliyeed ee 1960 dhismi doonta. Waxa laba sanno ka hor dawladdii Soomaaliyeed, oo ku beegan 28-kii – Diisembar, 1958-kii la qabtey shirkii Dastuurka French Somaliland, kaas oo lasoo jeediyey in afti laga qaado shacabka Soomaaliyeed ee reer Jabuuti, lagu kala dooransiinayo in ay ku biiran dawladda walaalahood ay unki doonaan ee 1960 iyo in ay xukunka Faransiiska weli ku hoos jiraan.

Waxa dhacdey haddaba waqtigaas in qowmiyadda Canfarta iyo reer Yurubkii ay diidanayeen midnimada Jabbuuti ee dawladda Soomaaliyeed, waxaana ay sameeyeen in ay codeynta ku daraan dadyow aan deegaanka u dhalan sida Carab, Yurubiyaan iyo Canfarta oo diidan la midowga Soomaalida kale. Waxa aadna loo daciifiyey codeynta Soomaalida reer Jabbuuti, gacmo-gacmeyn aan sharci aheynna waa la sameeyey, oo la xidhiidha codka Soomaalida sida: in codka aan la dooneyn la xooro, halka codadka loo baahanyaheyna la badinayey ama degmooyin iyo tuulooyin Soomaaliyeed aan aftiba laga qaadin, si ujeedka looga gol-leeyahay uu u fulo. Arrintaasi waxa ay horseedday in la go’aansado in aysan Jabuuti ku biirin dawladda Soomaaliyeed, oo ay weli ku hoos jirto gacanta guumeystaha Faransiiska.

Codeyntaas xaqdarrada ah kaddib, Maxamuud Xarbi waxa uu 1960-kii, kaddib degay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu barnmaaijyo ku saabsan midnimada Soomaaliyeed kasii deyn jirey idaacaddii Soomaalida. Balse nasiib xumo ma uusan rumeyn riyadii iyo hammigii ku jirey qalbigiisa. Haddaba laba sanno kaddib aftidii reer Jabuuti oo ku beegan 29-kii bishii Diisembar ee sannaddii 1960-kii, ayaa uu dalka dibaddiisa u ambabaxey.

Jabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa Ciise iyo Canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay somaalidu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto . 1830-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee Jabuuti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka Soomaalida ee faransiiska gumaysto taasi oo aad ka dareemi kartid in cidda dhulka loogu yimid amma gumaystihii faransiiska waxlasaxeexatay ay ahayd qowmiyada soomaalida ooiyadu hogaanka dhaqan dhaqaaleh ee jiidaas waqtigaaJabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa Ciise iyo Canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay somaalidu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto . 1830-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee Jabuuti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka Soomaalida ee faransiiska gumaysto taasi oo aad ka dareemi kartid in cidda dhulka loogu yimid amma gumaystihii faransiiska waxlasaxeexatay ay ahayd qowmiyada soomaalida ooiyadu hogaanka dhaqan dhaqaaleh ee jiidaas waqtigaa gacanta ku haysay. gacanta ku haysay.

Kaddib waxa lagu qarxiyey diyaaraddii uu saarnaa Maxamuud Xarbi Eebbe ha u naxariistee. Waxa ayna aheyd shirqool iyo dhagar loo maleegay Maxamuud oo lala beegsadey. Intaa kaddib waxa haddana dhisidii dawladda Soomaaliyeed toddobo sanno kaddib—oo ku beegan 1967-kii, ayaa afti labaad laga qaaday shacabka reer Jabbuuti, waxaana dhacdey isla musuqii iyo gacmo-gacmeyntii ay horeba u sameeyeen oo badheedh ah. Ugu dambeyn sannadkii 1977kii, ayaa ay Faransiisku Jabbuuti xornimada siiyeen, una aqoonsadeen dawlad madaxbannaan.

Lafagur Dawladnimada Jabbuuti

Haddaba waxa aynnu lafagur ku sammeyn doonnaa Jabuuti ma noqon kartaa dawlad qiimo leh? Innaga oo ka dab qaadaneyna waxyaabaha lagu qiimeeyo dalalka iyo dawladaha adduunka, sida: Dhulka, Badda, Dadka, Kheyraadka, siyaasadaha gobolka iwm. Qodobadan sida ay u kala horreeyaan baan mid mid u dul istaagi doonnaa:-

  1. Bedka Dhulka (Territory Area): Jabuuti dhulkeedu waxa uu dhanyahay 23,200km2 taas oo macnaheedu yahay waxa ka weyn gobolka Waqooyi-Galbeed oo 28,000km2 ah iyo gobolka Togdheer oo lagu qiyaaso 36,663km2. Haddana waxa laba jeer ka ballaadhan gobolka Sanaag oo lagu qiyaaso 58,000km2. Sidaas oo kale waxa saddex jeer kaweyn gobolka Mudug oo dhan bed ah 72,933km2 iyo gobolka Bari oo lagu qiyaaso 70,000km2.Waxa halkan ka muuqata gobollo Soomaaliya ka mid ah in ay mar, laba iyo saddex jeerba ka ballaadhanyihiin Jabbuuti. Tani waxa uu macnaheedu yahay, dhinaca dhulka aad bay ugu liidataa Jabbuuti una yartahay. Markasta oo dalkaaga uu yaraado bedka dhulkiisu, waxa hoos u dhacaya qiimaha iyo awoodda dalka. Dalba dalka uu ka bed ballaadhanyahay adduunka ayuu ka qiimo iyo awood badanyahay oo aan lagu soo habayaameyn.
  1. Bedka Xeebta(Coastline Area): Jabbuuti waxa ay leedahay xeeb lagu qiyaaso 314km oo ku dhereran badda cas iyo gacanka cadmeed, waa fursad iyo marin juquraafiyadeed oo lama huraan ah. Waxa isaga kala goosha maraakiib aad ufara badan oo kala duwan, waa qodobka keliya ee Jabbuuti ay ku roontahay. Balse waxa dhabarjab ku noqdey in Jabbuuti dhulkeeda iyo siyaasaddeeduba aysan ahayn mid ay isqaadi karaan xeebtan qiimaha badan. Waxaana lagama maarmaan ah qiimaha xeebtu inta uu le’egyahay in uu heysto dhul uu aamin ku noqon karo. Arrintaasi waxa ay horseedday in Jabbuuti xeebteeda ay kumannaan ciidamo shisheeye ah ay ilaalinayaan oo saldhigyo ka dhisteen dalka Jabuuti. 

Waxa aynu odhan karnaa waxa toban jeer ka ballaadhan xeebta Soomaaliya oo lagu qiyaaso 3,025km. Waxa ay arritani la macno tahay in gobolladaas aynnu soo sheegany qaarkood iyo kuwa kale-ba ay laba iyo saddex jeer ka xeeb dheeryihiin dalka Jabbuuti. Waxa si guud aad mooddaa marka la isu barbardhigo xeebta Jabbuuti iyo yaraanta dhulkeeda, in guumeystihii Faransiisku uu ugu talo galey markii hore-ba in uu helo xeeb aan cidna awood ay ku maamulato laheyn oo ballaadhan iyo dhul yar oo aan tamar iyo itaal toona u laheyn ilaalinta iyo ka faa’iideysiga xeebtaas. Sidaas daraadeedna ay shisheeyuhu u ilaalinayaan, wixii ay uga baahanyihiin ka fushadaan.

  1. Dadka (Population): Dadka Jabbuuti waxa lagu qiyaasaa 884,000 ama celcelisyadii u dambeeyey oo tibaaxaya in ay dhanyihiin ilaa 900,000. Waa tiro aad u yar ka turjumeysa taran la’aan iyo xaddidnaanta dhulka Jabbuuti. Maadama oo dawladuhu waxa ay ku dhisanyihiinba ay tahay dad iyo dhul. Haddaba hadii aynnu isla barbardhigno magaalada Muqdisho oo keliya waxa kunool 2,500,000, waxa ay la micno tahay kun jeer ayey dadka Magaalada Muqdisho ka badanyihiiin dalka Jabuuti dadka kunool. 

Haddaba yaraanta waxa ay qeyb weyn ka tahay qiimaha uu yeelanayo dalku, marwalba oo shacabka u dhashey dalku ay badanyihiin, waa marwalba oo dalku awood leeyahay. Halka marwalba oo dadku yaryihiin, ay awoodda dalkuna noqoneyso mid liidata. Tirada shacabkuna waa waxa dawlada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku tartamayaan, sida ITOOBBIYA (102 million), MASAR (98 million), UGANDA (42 million), KENYA (50 million).

  1. Kheyraadka (Resources): Ugu horreyn kheyraadku dalalku waa laba mid uun: mid badeed oo kalluumeysiga ah iyo mid barri/dhuleed oo beeraha,macdanta,shidaalka iwm. Haddaba marka laga yimaaddo kalluumeysiga oo xeebta 315km ah oo keliya. Jabbuuti kheyraadkeeda barrigu waa koobanyahay, maadaama oo barriga ay heysataba uu dhanyahay 23,200km. Baadhintaannada dhanka kheyraadka ee dalka Jabbuuti waxa la isku raacsanyahay in keliya dalka Jabbuuti uu qani ku yahay qodista milixda ama cusbada.

Waxaana lasoo bilaabey sannadkii 1998-kii, taas oo marxalado kala duwan soo martey. Haddaba dalka sidaas uu u xaddidanyahay kheyraadkiisu, qiimaha ay dawladdiisu yeellan karto waa mid aad u liidata, ayna tahay in uu sacabada hoos dhigto shisheeyaha. Waxa xusid mudan in gobolladaas Soomaaliya ka tirsan ee aynnu so sheegnay ayaa kaga horreeya dhanka kheyraadka badda iyo kan barrigaba, oo ku laba jibaarba ama saddex iyo shan jibaarmaya haddii la is barbardhigo.

  1. Siyaasadda Gobolka (Regional Politics): Ugu horreyn waxa tilmaamid mudan xuduudaha Jabbuuti ay la leedahay dalalka la jaarka ah. Waxa ay leedahay xuduud dhuleed dhan 516km, oo ay la leedahay saddex dal oo kala ah: Soomaaliya oo ay la wadaagto 58km, Eriteriya oo ay la wadaagto 109km, halka Itoobiya oo ah tan ay la wadaagto xuduud-beenaadka ugu dheer ee dhulka maqan (Soomaali-Galbeed) oo dhan 349km.

Haddaba Jabbuuti waxa saddexdan dal ay heshiis la tahay Itoobbiya iyo Soomaaliya, halka ay cadow isku yihiin dalka Eriteriya.Dalka Eriteriya waxa uu leeyahay siyaasad ku wajahan Jabuuti, oo ah qabsashada iyo xukumidda dalkaas oo ah in laga dhigo hal dal oo loo yaqaan “Eriteriya” tani waxa ay la macno tahay in Jabbuuti oo bedkeedu dhanyahay 23,200km2 iyo Eriteriya oo bedkeedu dhanyahay 117,600km2 la isku daro.

Haddaba damaca jaadkan ah ayaa dawladda Eriteriya ku hamiyeysaa oo aan sinnaba uga qarsooneyn indhaha adduun weynaha. Markii ugu horreysey ee arrintan muuqatey waxa ay aheyd 10-kii bishii Luulyo ee sannaddii 2008-dii, oo ay ka dhaceen xadka labada dal u dhexeeya khilaaf horseeday dagaal. Kaddib markii ciidamada Eriteriya ay soo dhaafeen xadka oo ay gudaha usoo galeen Jabbuuti.

Haddaba khilaafkaasi waxa uu sababey in ciidamada Eriteriya ay dhul buuraley ah ka qabsadaan Jabbuuti, oo ay iska dhicin kari weydey. Laga soo bilaabo ilaa waqtigaa waxa xoog ku heysatay Eriteriya. Muddo kaddib waxa loo dhiibey ciidamada nabad ilaalinta ee dawladda Qatar oo gacanta ku hayey dhulkaas la isku khilaafsanyahay. Waxa dhawaan sannadkii 2017-kii dhulkii dib gacanta ugu dhigey ciidamada Eriteriya oo kaashanaya kuwa dawladda Qatar, sidaasna hadda waxa ku heysata dawladda Eriteriya.

Sidaas darteed waxa muuqata in dawladda Jabbuuti aysan itaal iyo tamar toona u heyn, ay iskaga dhiciso dawladdaas ka mid ah dawladaha ugu itaalka yar Afrika ee Eriteriya. Jabbuuti siyaasadda gobolka ee waddamada jaarka kuwa ay heshiiska yihiin mooyee, waddamada ay is hayyaan waxba kama dhicisan karto, gorgortan iyo baryootan wax aan aheyn mooyee!

Intaas kaddib haddeynu usoo gudubno gebogabada arrintan, ayaa waxa aynnu kusoo lafagurney ku dhawaaqidii dawladda Jabuuti iyo haggardaamooyinkii loo maleegay, si aysan ugu biirin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Xaqiiqada iyo runtu waxa ay ku jirtaa in Jabbuuti ay ku soo biirto dalkannagii hooyo, oo dhib iyo dheefba lawada qeybsado. Haddii siyaasad ahaan, caqli ahaan iyo duruufaha ku xeeran loo eegana, waa tallaabada ugu wanaagsan ee Jabbuutina horumar ku gaadhi karto, kuna nabadgeli karto.

Walaalaheenna Jabbuuti waxaan ugu baaqayaa in ay ka koraan ku dhegnaanshaha 23,000km2 aniga oo ugu baaqayaa sheegashada dhul bedkiisu dhanyahay 1,000,000km2 oo ka mid noqon kara awoodaha adduunka ugu sarreeya (Major Super Powers), heystana xeebta ugu dheer Afrika oo dhan haddii la isku daro 3,340km. Halka ay maanta reer Jabbuuti keliya sheeganyaan 315km oo keliya.

Waxa aan xasuusinayaa riyadii qarniyada badan soo taxneyd, ee awoowyaasheen dhiigga iyo dheecaanka u hureen tan iyo markii adduunka guudkiisa lagu arkey ummadda Soomaalida, in aysan ka dheeraan oo aynnu u tafaxaydanno ka dhabeyntiisa. Guntii iyo gunnaanadkii waxaan kusoo koobi erayo ka mid ah heesihii loo qaadi jirey markii Jabuuti uu heystey guumeystaha Faransiisku oo ay ka mid yihiin:

“ Dadka reer Jabuutoow, nin xornimo u jeedaa
Jallaafada guumeysiga, kama joogsanaayee.

Iska jira guumeysiga, wuu jaaadad badanyahee, idin kala jaraayee

Iska jira guumeysiga, wuu jaadad badanyahee, Jirjiroole weeyee, idin kala jaraayee.”


Tixraacyo / Refference

 

  1. Djibouti: Mining, Minerals, and Fuel Resources
    https://www.azomining.com/Article.aspx?ArticleID=205
  2. Barrington, Lowell, After Independence: Making and Protecting the Nation in Postcolonial and Postcommunist States, (University of Michigan Press: 2006), p.115 
  3. United Nations. General Assembly. Special Committee on the Situation With Regard to the Implementation of the Declaration on the Granting of Independence to Colonial Countries and Peoples UN, 1967
    https://books.google.so/booksid=44s6AQAAIAAJ&redir_esc=y
  4. Frankreich, 28. September 1958 : Verfassung
    https://www.sudd.ch/event.php?lang=en&id=fr011958
  5. United States Joint Publications Research Service, Translations on Sub-Saharan Africa, Issues 464-492, (1966), p.24.
  6. Djibouti, Eritrea in territorial dispute after Qatar peacekeepers leave
    https://www.reuters.com/…/us-djibouti-eritrea-border-idUSKB…
  7. Eritrea’s alleged seizure of disputed Djiboutian territory increases likelihood of miscalculation leading to military escalation
    https://web.archive.org/…/htt…//www.janes.com/article/71617/eritrea-s-alleged-seizure-of-disputed-djiboutian-territory-increases-likelihood-of-miscalculation-leading-to-military-escalation
  8. Horn of Africa neighbours clash
    https://web.archive.org/…/08F6F498-733D-48AC-B2F5-49E008BBE…
Facebook Comments