Baraha bulshada iyo golayaasha siyaasaddaba lagu hadal hayay imaatinka madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Abiy Axmed, kuwaas oo ku soo wajahan magaalada Hargeysa. Haddaba waxa iswayddiin mudan maxaa keenay in labada masuul ay damcaan in ay yimaaddaan magaalada Hargeysa?

Isla sidan oo kale ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Abiy ay u damceen in ay yimaaddaan sannadkii 2018-kii, kolkii ay soo galeen heshiiska isdhexgalka gobolka. Balse, arrinaas Soomaalilaan waa ay ka biyo diiday, diidmo qayaxanna waa ay ka muujisay.

Shirkii Midowga Afrika iyo Kulankii Labada Madaxweyne!

Kulankii 10-kii bishan Febraayo uga bilaabmay Midowga Afrika magaalada Addis Ababa, ayaa waxa isugu tagey madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo iyo dowlada iskeed isku magacowday – madaxweynaha Soomaalilaan ee Muuse Biixi. Sida aynnu ognahay waxa ay ay ku kulmeen xafiiska ra’iisal wasaaraha, si badheedh ah (waa been cad in la dhaho si kedis ah ayay ugu kulmeen xafiis raiiisal wasaare oo aynnu ognahay meeqaamkiisa). Maalintii shirku soo dhammaaday kaddib, waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo ka hadlay xasuuqii shacabka Soomaalilaan uu kula kacday taliskii millateriga ee kacaanku.

Wuxuuna tilmaamay in isaga oo ku hadlaya (magaca iyo meeqaamka qaranka Soomaaliyeed) uu raalligelin iyo cafis wayddiisanayo shacabka Soomaalilaan. Sidii la doonaba ha loo falanqeeyo e, dad badan baa leh muxuu u toosin waayay erybixinta (iyaga oo ua jeeda muxuu u adeegsan waayay weedha “xasuuq”). Taasi hadda ma aha, anigu aragti ahaan waxa aan qabaa Farmaajo in uu sameeyay ku dhac geesinimo leh. Madaxweyne reer koonfureed ah sidan oo kale hore uguma dhiirran in uu u sheego dhibaatadaas. Wax walbaaba si tartiib tartiib ah ayay ku imanayaan, garaabidda ay reer Soomaaliya ka garaabayaan dhibaatadaasna fahan iyo samir bay u baahan tahay.

Farmaajo iyo Muuse Biixi Maxaa Dhexmaray?

Haddaba waxa hubaal ah in madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ay ka wada hadleen in Farmaajo uu raalligelin ka bixiyo arrintaas xasuuqa ku saabsan. Farmaajo hore ugama hadal arrintan, mana dooneynin. Waxaana taas caddeyn u ah thesis-ka uu jaamacaddiisa ku khatimay ee tilmamaaya in dhibaatadii kacaanku kula kacay shacabka Soomaalilaan ay ahayd (xabbad la is waydaarsaday oo u dhexaysay ciidamada dawladda iyo jabhaddii SNM). Arrinta labaadina waxa ay tahay ee M. Biixi oggooladay in Farmaajo iyo Abiy ay si wadajir ah u yimaaddaan magaalada Hargeysa. Waana midda keentay in uu Muuse Biixi ku dhici waayo ilaa maalintii uu Addis Ababa ka yimd ilaa maanta hor istaaggi waayo warbaahinta.

Hadalkii Guddoomiyaha Guurtida Soomaalilaan!

Maanta gelinkii hore kolkii uu hadlay guddoomiyaha guurtida Soomaalilaan, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ma ahayn hadalkiisu mid ka turjumaya waaqica barlamaanka iyo go’aankoodaba. Waxa uu u hadlayay sidii nin aan go’aan ku lahayn imaanshaha labada masuul, waxa kale oo uu tilmaamay in haddiiba ay dhacdo in Farmaajo yimaaddo Hargeysa, uusan ka sugeyn meeqaam madaxweynanimo ee keliya loo tixgelinayo mid ka mid ragga la socda weftiga Abiy Axmed.

Taasina macquul ma aha, laba masuul oo laba dal kala hoggaaminaya, midna meeqaamkiisaan ku soo dhaweyn, midna shacab ahaan ayaan ku qaabilayaa wax dhici kara marnaba ma aha. Golaha guurtidu wax diidmo ah kama uusan soo saarin arrinta imaanshaha laba masuul, waxaana ay arrinka ku soo koobeen in ay sugayaan khudbadda sannadlaha ah ee madaxweyne Muuse Biixi ee ku beegan maalinta salaasada (18-ka bishan Febraayo).

Warqaddii uu Madaxweyne Biixi u direy Dawladda Itoobbiya!

Isla maanta xukuumadda Biixi waxa ay dib uga codsadeen dawladda Itoobiya in imaatinka labada masuul uusan macquul ahayn ee keliya uu iman karo raiisal wasaare Abiy Axmed. Waa aynnu dareemi karnaa culeyska fuulay xukuumadda Biixi, kolkii ay go’aankaas qaadatay iyo sida degdegga ah ee ay uga noqotay in madaxweyne Farmaajo yimaaddo magaalada Hargeysa.

Maxaa Keenay Doonista Imaatinka Hargeysa ee Labada Masuul?

Isbeddelka Geeska Afrika ee dhaley in la abuuro isdhexgalka gobolka, kuwaas oo ay waddamada gobolku hormuud ka yihiin, dhammaantoodna ay wada oggolaadeen isdhexgalkaasi in uu dhaco. Furfuridda siyaasadeed ee Abiy Axmed ku dhaqaaqay tan iyo intii uu kursiga raiisal wasaaraha yimid, dedaalladii nabadeed iyo heshiisineed ee uu galey. Kuwaas oo uu magac badan ku helay iyo in uu ku guuleysto biladda nabadda (Nobel Peace Prize).

Arrimahaas oo dhan waxa ay Itoobbiyada cusub iyo Abiy laftiisaba u keentay sumcad iyo sharaf weyn. Sidaa si la mid dhiggiisa Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo, waa nin ay siyaasad ahaan isla jaanqaadeen, heshiiskii isdhexgalkana ka oggolaaday. Balse, heshiiskani waxa uu ku qasban yahay in uu ilaaliyo madaxbannaanida waddamada Geeska Afrika. Waddamaas waxa ka mid ah Soomaaliya oo ay ku jirto Soomaalilaan.

In aan lagu xadgudbin midnimada iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waa mid ay Itoobbiya, Afrika iyo caalamkuba uu ku qasban yahay. Weliba, madaxweyne Farmaajo iyo Abiy kulankoodii ugu horreeyay ee uu heshiiskana ku oggolaaday, waxa uu Farmaajo ku qasbay Itoobbiya iyo Abiy Axmedba in aysan ku xadgudbi karin, farahana la soo geli karin arrimaha Soomaaliya. Waan sababta daciifisay ee hoos u dhigtay awooddii maamullada ee u kala dheerayn jirey dawladaha deriska iyo dunidaba.

Maxaa u Yaalla Soomaalilaan?

Waa su’aal u baahan in la iswayddiiyo, Soomaalilaan sidee ayay u waajahaysaa arrinkan? Soomaalilaan lagama talogelin heshiiskii isdhexgalka gobolka Geeska Afrika, iyada oo isu aqoonsan dawlad ka madaxbannaan Soomaaliya. Wax baaq, diidmo qayaxan, dood ama wax kaleba ma ay muujinin kolkii heshiiska la wada galayay. Iyada uu metelayay madaxweynaha adduunku aqoonsan yahay ee Maxamed Farmaajo. Taasi waxa ay ka micno tahay, Soomaalilaan ma leh siyaasad dibadeed oo baraarugsan, ogaal buuxa uma leh halka ay marayso siyaasadda heer gobol, qaarad ama dunidaba.

Waxa arrintaa u soo raacday iyada oo uu weliba nin askari ah, hankiisu hooseeyo, isbeddel iyo raad in uu reebo aan u dan lahayn uu kursiga fuuley waa Muuse Biixiye. Soomaalilaan anigu aragti ahaan, iyo sida qasabka ah ee ay mari doonto waa la mid uun: in ay dib u hagaajiso siyaasadeedda arrimaha dibadda oo ay heshiiskii dib kaalin door ah ugu yeelato, isna muujiso. Lana timaaddo qorshe cad oo kaga aaddan isbeddelka dhacay, Soomaliya iyo dunidaba.

Taasina waa ay adagtahay oo Muuse ma aha nin kartidaa, aqoontaa iyo dedaalkaasba la iman kara. Qodobka labaadna waxa uu yahay in dawladda Itoobbiya isbeddelkeeda cusub ee uu hoggaaminayo indheergaradka reer Oromiya ee Abiy Axmed, awoodda ciidan ee AMISOM iyo Afwerki iyo diblumaasiyadda beesha caalamka oo wadajira ay Soomaalilaan ku qasbi doonaan iyada oo dulleysan oo kala tafaraaruqday in ay ka mid noqon doonto federaalka Soomaaliya.

Facebook Comments