Nuur Faarax Xirsi waxa uu ku dhashay Degmada Burco, ee Gobolka Togdheer sannaddii 1962-dii. Halkaas ayuu kusoo qaatey waxbarashadiisii aasaasiga, oo kasoo bilaabmeysa dugsi Qur’aankii. Kaddibna waxa uu isla Degmadii Burco ka bilaabay Dugsigii Hoose/Dhexe. Kaddib waxa uu haddana usoo wareegay magaaalo madaxda dalka Soomaaliyeed ee Muqdisho. Isagoo ku biirey Dugsigii Hoose/Dhexe ee Halgamaa Maxamuud Xarbi.

Dugsigaas ayuuna ku dhammeystay waxbarashadiisii hoose/dhexe, oo ku yaallay degmada Wardhiigley. Nuur intaas kaddib, waxa uu ku biirey Dugsigii Sare ee Jamaal Cabdinaasir, oo ay dawladda Masar gacanta ku haysey.

Nuur Faraax Xirsi dabadeed markaas wuxuu bilaabay labadii sanno ee Gurmadka Qaranka. Wuxuuna Bare Sare ka noqdey Dugsigii “Xisaabaadka iyo Cabiraadda“ ee magaalada Muqdisho. Labadaas sanno kolkuu dhammeystay wuxuu ku biiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyadda Cilmiga Siyaasadda iyo Saxaafadda “Political Science and Journalism” Halkaas oo uu ku diyaariyey shahaadada heerka koobaad ee Jaamacadda “Degree/Bachelor” Intaas kaddib, wuxuu haddana isla Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ka diyaariyey heerka labaad oo ku sahabsan xidhiidhada caalamiga ah “International Relations” .

Burburkii dalka Soomaaliya ee 1991-kii. Nuur Faarax Xirsi waxa uu usoo wareegay Waqooyiga dalka “Soomaalilaan” halkaas oo uu kaalin muhiim ah ka qeyb qaatey nabadeyntii iyo dhismihii Soomaalilaan. Waxa sidoo kale uu qeyb ka ahaa shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha Waqooyi, gaar ahaan shirkii Liibaan ee ka dhacay Sheekh sannaddii 1992-kiii, halkaas oo uu ahaa Af-hayeenka shirka.  Dabadeed, haddana 1993-kii ayuu dalka Suudaan u tagey course waxbarasho oo la xidhiidha cilmiga Saxaafadda. Wuxuuna halkaas, ku sugnaa muddo sannad ah. Wuxuuna dib ugu soo laabtay Soomaalilaan, oo uu kasii ambaqaaday dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta dagaalladdii foosha xumaa ee dhexmaray beelaha.

Waxa uu mar labaa oo ku beeggan sannaddii 1994-kii u ambabaxey dalka Maleysia, halkaas oo uu ka bilaabay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda Malaya. Heerkaas labaad oo ku sahabsanaaa xidhiidhada caalamiga ah iyo daraasaadka istraatiijiyadda “International Relations and Strategic Studies”. Markuu dhammeystay waxabarashadaas. Wuxuu ku soo noqdey dalka.

Sannaddii 2002-dii, Nuur waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii urur siyaasadeedkii la odhan jirey Sahan, ee dhacay, kaas oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Intaas kaddib, haddana muddo kaddib waxa uu sannaddii 2009-kii magaalada Hargeysa ka furay Mac-had lagu baran jirey Siyaasadda iyo Xidhiidhada Caalamiga “Politics and International Relations” oo la odhan jirey Xaaji Af-Qallooc. Nuur Faarax Xirsi, waxa kale oo uu ahaa sheekh dhiga cilmiga diinta, taas oo uu soo bilaabey in uu masaajiddada wax ka dhigo markuu Jaamacaddda Ummadda Soomaaliyeed ardayga ka ahaa, iyo markii uu Waqooyiga dalka joogey mac-hadyadii diinta ee ka jirey, taas oo uu bare ka ahaa intii u dhaxeysay 1993-1999-kii.

Intaa dabadeed, waxa uu sannaddii 2012-kii noqdey aasaasihi xisbigii Gurmad. Kaddib xisbigiisu ma uusan soo bixin doorashooyinkaas. Sababo badan oo la xidhiidha in uusan ahayn nin ku ololeeyey qabyaalad, hanti burburin, iwm. Deedna waxa 2012-kii uu u wareegay magaaladii Muqdisho ee uu muuddooyinka badan kusoo qaatay noloshiisha.

Waxa uuna dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, ee Raiisal Wasaarahana uu ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon Saacid loo magacaabey Danjiraha Soomaaliya u dhafiya dalka Maleysia, isagoo markaas kamid ahaa Golihii Wasiirada ee Baarlamaanka uu horgeeyey Raiisal Wasaaruhu 31-kii, Janaayo. 2013-kii.

Muddo kooban kaddib, haddana waxa loo magacaabey dawladdii Raiisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya. Waqtigaas uu Wasiirka ahaa waxa suurto gashey in dacwaddii khilaafka badda uu horgeeyo Maxkamadda Caalamiga ah ee HEEG. Arrintaas oo ay dawladda Kenya aad u dhibsatay qeylo dhaanna ka muujisey.

Waxa ay dhammaan dadkii ay wada shaqeeyeen noloshiisa iyo asxaabtiisuba ay ka markhaati kaceen, daacadnimadiisii xad dhaafka ahayd, cibaado badnaantiisii, waddaniyaddiisii, soomaalinimadiisii iyo karti fara badan oo Eebbe ku galladay. Wuxuu ku suntanaa nin Qowmi ah, oo wax kasta ay kala weyntahay soomaalinimadu.

Isku darsaday qab weyni iyo aqoon, ay ku lammaantahay garasho dheeri. Dhacdooyinka ay dadkii la shaqeeyey kasoo tebiyeen, gaar ahaan markuu ahaa Wasiirka Dekedadaha iyo Gaadiidka Badda waxa kamid ah:  in marka uu baanka dawladda kasoo qaado, miisaan sannadeedka wasaaradda uu wasiirka ka yahay, dabadeedna uu isku jaangooyo waxa ay ku shaqeyn doonto iyo qorshayaasha wasaaradda, kaddibna uu dib ugu celin jirey baanka. Halka ay yareyd in wasaaradahu ay sidaas sameeyeen. Sidoo kale madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga BBC-da iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa qoraal taariikheed oo uu ka diyaariyey Nuur ku tilmaamey

In uu ahaa nin aad uga dhowrsada caddaalad darro, musuqmaasuqa iyo boobka hantida Qaranka, iwm. “

Noloshiiisa caadiga ah haddaynu usoo gudubno, Nuur Faarax Xirsi waxa uu qabey hal xaas, taas oo u lahayd toddobo carruur ah oo kala ah: Afar wiil iyo saddex hablood. Dhammaantoodna waxa ay deganyihin hadda magaalada Hargeysa, waxna way ku bartaan. Waxaan anigu kamid ahaa, dadkii ay carruurtiisa qaar kamid ah wax isla soo barteen Dugsigii Hoose/Dhexe. Waxaan wanaag iyo sharaf aheynna kumay suntaneyn carruurtiisu. Waxa sidoo kale aan Nuur Faarax Xirsi iyo qoyskiisaba aan la ahaa jaar, oo waxbadan gurigiisa magaalada Hargeysa igama fogeyn.  

Nuur Faarax Xirsi, waxa uu ku geeriyoodey Eebbe ha u naxariistee Cisbitaalka Digfeer, ee magaalada Muqdisho, oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa habeenkii Axadda/Koobinta ee ay taariikhdu ahayd 2-dii, Abriil. 2017-kii isaga oo weli aan wareejin xilkii wasaaraddiisa.  Waxaan se in badan ka qoomameeyaa in aan shacabka Soomaaliyeed fursad u helin in ay ka faa’ideystaan aqoontiisii, garashadiisii, xikmaddiisii iyo waayo’aragnimadiisii xeesha dheerayd, oo Eebbe oofsadey goor hore. Horaana Soomaali ugu maahmaahday “Nin rooni, ma raago”.

Facebook Comments