Noolaha Aadamuhu intii uu adduunka guudkiisa saarnaa, waxa uu ku hawlanaa oo ku jirey isbeddel xag kasta ku wajahan. Ha noqdaan isbeddeladaasi kuwo diineed, dheef la raadiyo, siyaasad, korriin caqli iyo jidh, maamul, bulsheyn, deegaamayn, aqoon yeelasho, unkidda ilbaxnimooyin iwm. 

Badanka fal kasta iyo tallaabo kasta oo hore loo qaadana, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Taas oo jirta, ayaa waxa ay dantaasi horseeddaa isriix-riix bulsheed ama qofeed. Waxaana ka dasha oo ka dhambalma, kana dheehma aragtiyo iyo tabab ku cusub waayahaas. Kuwaas oo si guud ummadaha kale ee la jaalka ah ama la jaarka ah, iyo kuwa ka fogba ay qaataan aragtiyihii ka dhashay isriix-riixaas tirada badan. Intaas kaddib, qoraalkani waxa uu daaranyahay ayaa ah aragti kamid ah aragtiyahaas ummaduhu curiyeen, kuwaas oo ay ka faa’idaysteen ummado la jaal iyo dan ah. Haddaan hadalka saafo, waxa dulucdu ay tahay in aragtidaasi ay tahay mid ka tirsan aqoonta siyaasadda, gaar ahaan laanta deegaan-siyaasadeedka. Waxaana loogu yeedhaa “Lebansraum”.

Waa aragti saameyn xooggan ku yeelatey adduunka tan iyo intii la allifay. Walow aragtidan la tibaaxo in aan si sax ah loo garanyn xilliga la curiyey, taas oo macnaheedu yahay ninka loo tiiriyo ee jarmalka ah oo magaciisu yahay Friedrich Ratzel, uusan xaqiiqo ahaan ahayn midka curiyey. Balse ay tahay aragti muddooyin badan ummadaha dunidu ka dhaqmayeen, balse isagu keliya uu horumariyey. Ummadaha iyo sida ay aragtidani u saamaysay walow uusan qoraalkani wada kafeyn karin, ula jeeddaduna ahayn. Balse ay tahay in dacal iyo dadyow gaar ah uun laga tilmaamo. Sidaas darteed qoraalkani waxa uu isku deyayaa isku xidhka aragtidan iyo farac kamid ah cidda ku suntan, taas oo ah dawladda Itoobiya. Sababta aan u doortey dawladda Itoobiya, ayaa waxa ay tahay in Itoobiya ay Soomaalida saameyn toos ah ku leedahay. Cidda keliya ee ay aragtidan la damacsantahay, horena ugu tijaabisayna waa Soomaalida. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in aan lafa gurno tab-adeegsiga dawladda Itoobiya ee aragtidan deegaan-siyaasadeed. Lana bidhaamiyo dhoohanaanta Soomaalidu ay kaga sugantahay arrintan.

Waxa uuna qoraalkani ka koobanyahay shan qeybood. Taas oo mid walbana aynnu ku eegi doonno arrimo gaar ah. Waxa ayna kala yihiin: Qeybta Koobaad. Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa, Qeybta Labaad. Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika, Qeybta seddexaad. Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika, Qeybta Afraad. Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, Qeybta Shanaad. Meles Senawi Asress iyo Itoobiyada Cusub. Friedrich Ratzel waxa uu ahaa juquraafiyahan iyo daraaseeye bulsheed(Ethnographer) jarmal ah. Waxa uu noolaa intii u dhaxeysay(1844-1904). Waxa uu ku dhashay 30-kii, Ogoosto 1844-kii magaalada Karlsruhe, Baden oo ahayd imbiraadooriyaddii Koonfur-Galbeed Jarmalka. Maantana ah Ismaamul Goboleedka Baden-Wurttumberg ee dalka Jarmalka. Waxa uu dhintay 9-kii, Ogoosto 1904-tii. Waxbarasho ahaan waxa uu bartey ugu horreyntii aqoonta Baayoolajiga, gaar ahaan laanta lagu daraaseeyo xayawaanka ee loo yaqaan “Zoology”. Balse markii dambe waa uu ka tagey, waxa uuna noqday Juquraafiyahan. Waxa uuna sannadkii 1875-kii noqday macallin juquraafiga ka dhiga jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Halkaas oo uu ka ahaa Barafasoor caawiye, kaddibna sannadkii 1880-kii ayuu si buuxda u noqday Barafasoor kamid ah Jaamacaddaas.

Friedrich waa mid kamid ah dadkii saameynta xooggan ku lahaa waqtigaas, gaar ahaan waddankiisa Jarmalka. Waxa aad u saameeyey baayoolajiyahannadii Darwin iyo Xayawaan-aqoonkii Ernst Heinrich. Waxa ayna taasi horseedday in uu isku lifaaqo ama isku dhafo aragtiyihii aqoonta baayoolajiga iyo kuwi juquraafiga. Halkaasna ay ka dhalato aragti deegaan-siyaasadeed oo ku dhisan aragtiyihii keynta ee isfidinta iyo guumeysiga. Kuwaas oo aan kala lahayn xad, xeer iyo xakame toona. Friedrich waxa uu qorey maqaallo iyo buggaag, waxaana kamid ah buggaagtiisa midka uu ugu magac darey “The History of Mankind” oo dhowr mug(Volume) lagu daabacay. Iyo sidoo kale “Anthrogeographie” iyo kuwo kale.

Sannaddii 1897-kii ayaa uu allifay aragtidan uu ugu magac darey “Lebansraum” oo asal ahaan weedh AfJarmal ah. Macnaheeduna yahay “Living Space” ama “Meel Bannaan/Meel lagu noolaado”. Aragtidan oo ka kooban siyaasado iyo tijaabooyin ku salaysan waxa loogu yeedho “Settler Colonialism” ama deegaanbeddelka bulshada la guumeystay. Waxa ayna tahay in dhulka iyo dadka la guumeysto la doorriyo, oo dad qalaad lagu beero goobtaas. Waxaana siyaasaddaas faafiyey Jarmalka intii u dhaxeysay 1890-kii – 1945-kii. Aragtidan Lebansraum-ku waxa ay noqotey deegaan-siyaasadeedkii Jarmalka ee dagaalkii koobaad ee adduunka (1914-1918). Aragtidanina waa ay socotey, oo lagu dhaqmayey illaa dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka (1939-1945). Lebansraum waa aragti sida aynnu sheegnay ka tirsan laanta deegaan-siyaasadeedka (Geopolitics), taas oo ah aragtiyihii ugu horreeyey ee deegaan-siyaasadeed, oo adduunku qarniyo badan kusoo caano maaley. Waxa ayna tibaaxeysaa aragtidani in dawladuhu ay noolyihiin, leeyihiinna sifooyinka noolayaasha oo ay ugu horreyso sifada korriinku. Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah dawladuhu in ay koraan oo dhulal iyo ummado kale ay qabsadaan, si ay u noolaadaan oo u waaraan. Aragtidan oo ahayd midda horseedday in guumeystihii reer Yurub uu ku soo duullo dhulalka Afrika iyo Asia, iyagoo ujeedka ahaa in qowmiyadahaasi ay qabsadaan qowmiyadaha kale ee taagta daran, si ay uga helaan wixii faa’ido ah sida: dhaqaale, khayraad iwm. Bulshooyinka la guumeysto waxaa waajib ah in la doorriyo oo qowmiyadahaas soo duulley ay u ekaadaan, sida: afka, dhaqanka, aqoonta, dawladnimada, maamulka, hab-fekerka iwm. 

Waxa uu tilmaamayaa sidii Jarmalku u qorsheeyey in uu isku fidiyo,
oo dhulal iyo dalal qalaad u qabsado, isagoo ka tallaabay xuduudo cayyiman.

 

Aragtida jaadkan ah, in ummaduhu ummado kale ku duulo si uu uga helo manfac iyo wixii uu u baahanyahay, kuna faafiyo oo ku doorriyo felsafaddiisa, ma aha wax la bilaabmatay guumeystaha reer Yurub iyo Friedrich Ratzel. Balse, iyagu waxa keliya ee ay ku suntanyihiin waa in aragtidii si heer sare ah u horumariyeen, kana dhigeen wax sal leh oo ka tirsan deegaan-siyaasadeedka adduunka. Halka waayadii hore ay si dadban u jirtey, dawladihii hore ee dunida soo marayna ay dhammaantood ka sinnaayeen sida: Giriiggii hore, Roomaakii hore, Faraaciintii, Ashuuriyiinta, Biisaantii, Afrikadii hore, dawladihii Muslimiinta ee Ummawiyiinta, Cabbaasiyada, Cusmaaniyada, Mamaalikta, khulafadii afata ahaa qaarkood iwm.

Waxa ay ku dhaqmi jireen dawladahaa hore in ummado kale lagu duulo, la qabsado oo iyaga la hoos yimaaddo. Dhaqanka iyo sida ay noloshda u arkayaanna aad u aragtid oo ku dhaqantid. Waxa felsafaddan aad ugu dhaqmay una faafiyey Xisbigii Naasiga ee Jarmalka, oo ka dhigtay udub-dhexaad uu ka duullo. Isagoo xataa qorsheeyey jaantusyo tibaaxaya sida loo qabsanayo dhulal, dadna loo xasuuqi doono, dadka jarmalkana loogu beeri doono dhulkaas. Sida caadada ahaydna, dawladihii wax guumeysanayey ee reer Yurub waxa ay ka sinnaayeen badankood in bulshooyinka la guumeysto ay dhaqankooda ku faafiyaan. Waxaana aad ugu suntanaa arrintan Faransiiska iyo Jarmalka; oo illaa maanta dadkii ay ku duulleen dhaqankoodii iyo ilbaxnimadoodii ka dhex muuqato. Balse, hadda badanka adduunka duullitaanka qowmiyad ama ummado ku duullaan dadyow kale, waa yaraatey oo ma jirto. Waxaana hadda duullaankii isu beddelay mid aragti dhaqaale, dawladeed ama ilbaxnimo. Sida labadii aragti dhaqaale ee hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka, oo qarnigii labaatanaad ku loollamayey adduunka. 

Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika

Itoobiya waxa ay soo martey marxalado kala duwan, oo aad isu soo bedbedalay. Itoobiyadii hore ee loo yaqaannay magaca “Abyssinia” oo ahayd imbiraadooriyad ka talin jirtey dhulka Amxaarada iyo aaggaga u dhow. Taas oo ay gadhwadeen ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada, waxaa sal-dhig u ahayd diinta Kiristaanka oo keliya. Boqortooyadii ugu horreysay ee laga aasaasay Itoobiya waxa ay ahayd boqortooyadii Minilikii koobaad oo ku abtirsanaysay boqortooyadii Suleymaan. Waqtigaas oo ku beeggan toban qarni ka hor dhalashadii Nebi Ciise ee miilaadiga(BC). Boqortooyadaasi ma aysan xooggaysan illaa laga soo gaadho qarnigii 12-aad oo ku beeggan 1270-kii, markii uu Amiirkii Amxaariga ahaa ee Yekuno Amlak uu inqilaabay boqorkii ugu dambeeyey ee xukumey boqortooyadii Sagwa, kaas oo magaciisu ahaa Yilma. Sidaas darteed, waxa aynnu odhan karnaa Itoobiyada Abyssinia waxa ay si rasmi ah u bilaabmatey sannaddii 1270-kii. Boqorro kala duwan ayaa soo maray, oo ay kamid ahaayeen: Menelik II, Galawadoos, Yohaanis-kii labaad, Dawit-kii seddexaad, Xayle Salaase, Tewadros-kii labaad iyo kuwa kaleba.

Khariiraddani waxa ay muujinaysaa dhulkii ay ahaan jirtey boqortooyadii
Amxaarada-Kiristaanka ah ee Abyssinia, waana inta lagu calaamadiyey midabka cas/guduudan. 

Itoobiya waxa ay ku suntantahay isbeddel aan la dareemin, la dhugan haddana aad u xooggan. Waxa ay soo martey marxaladdii imbiraadooriyadda Axmaarada-Kiristaanka oo kasoo bilaabmatay 1270-kii. Waxa ku xigtey waqtigii guumeystaha reer Yurub uu yimid, kolkaasna Itoobiya marxalad cusub ayay gashay, illaa laga soo gaadhay sannadkii 1974-kii markii la inqilaabay boqorkii Xayle Salaase. Haddana Itoobiya waxa ay gashay xaalad cusub oo uu hoggaaminayo Mingiste Xayle Maryam, oo nidaamka askarnimada iyo shuuciyadda mooyee aan wax badan dhaamin Xayle Salaase. Ugu dambayntii waxa ay haddana mar afraad gashay xaalad kale oo xilka laga tuurey Mingiste, kuwaas oo ay la wareegeen shacabku, gaar ahaan jabhadihii dagaalamayey mid kamid ah oo uu hoggaaminayey Meles Senawi Asress. Xaaladdii uu Meles ku beddelay Itoobiya ayay weli ku jirtaa, oo aysan isbeddelin illaa maanta. Iyadoo aan la xaqiijin karin xilliga uu isbeddel kale iman doono, iyo in ay sidan hadda ay tahay kusii jiri doonto.

Dhinaca kale Soomaalida, oo kamid ah ummadaha ku dhaqan Geeska Afrika. Ayaa waxa ay kamid yihiin dadka ku isirran dhul aad u baaxad weyn, oo maanta afar dawladood kala ah: Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti, Kenya. Waxa soo raaca qeyb-qeybintii shanta Soomaaliyeed, oo Somaliland kamid tahay, taaas oo aan si toos ah ama rasmi ah uga mid ahayn federaalka Soomaaliya. Balse sharciyad ahaan ku hoostagta, oo si guud loogu aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya. Soomaalidu waa ummad lagu qiyaaso tiro ahaan celceliskeedu in uu dhanyahay 30-million. Dhulka ay degaan waxa uu cabbir ahaan dhanyahay 1,000,000Km2. Haddaan dhul ahaan u sheegno waa dhulka ay maanta Itoobiya ku taallo oo iyaga oo keliyi degnanaan lahaayeen. Xidhiidh aad u fac weyn baa kala dhexeeya Itoobiyadii hore iyo ta maantaba, mid siyaasadeed iyo mid isireedba ah. Dhulka ay degaan ee 1-MillionKm2 ah walow aan taariikhdu sheegin in hal dawlad oo keli ahi ka talisey. Haddana waxa jirey boqortooyooin badanka dhulkaas ka talin jirey oo ilbaxnimo iyo sooyaal gundheer lahaa sida: dawladdii Bunti, Dawladdii Azania, Dawladdii Cadal, dawladdii Ajuuraan, dawladdii Warsangeliga, dawladii Xaaji Sharma’arke ee Saylac, dawladdii Hobyo iwm. Dagaallo badan oo faraha looga gubtay ayaa dhex maray dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey, iyo dawladihii kusoo duulli jirey dhulka ay dagaan. Waxa kamid ahaa dagaalladii Abyssinia iyo udhexeeyey dawladdii Cadal ee uu hoggaaminayey Axmed Gurey “Duullaan-badane”. Waxa taariikhdu tilmaamtaa in Kal-tirsigu markuu ahaa 1112kii miilaadiga waxa lagu tiriyaa markii ugu horraysey ee Soomaali iyo Amxaaro, Soomaali iyo Tigree ay dagaalameen. Goobaha lagu dagaalamo ee la isku haystay waxay ahaayeen Gondaar, Baxar-daar iyo Lalibeelle oo dhulka Amxaarada ah iyo Aksum oo dhulka Tigreega ah ee maanta. Dadka guullaha badan aad uga gaadhay dagaalladaas, ee labadaa Qowmiyadood ee Amxaaro iyo Tigree u babac dhigi kari waayeenna; waxay ahaayeen dadka Soomaalida. 

Jaantuska 4aad: Khariiraddani waxa ay muujinaysaa dhulka ay dagaan dadka Soomaalidu ee cabbirkiisu dhanyahay 1-Million Km2.

Dagaallo badan oo faraha looga gubtay ayaa dhex maray dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey, iyo dawladihii kusoo duulli jirey dhulka ay dagaan. Waxa kamid ahaa dagaalladii Abyssinia iyo udhexeeyey dawladdii Cadal ee uu hoggaaminayey Axmed Gurey “Duullaan-badane”. Waxa taariikhdu tilmaamtaa in Kal-tirsigu markuu ahaa 1112kii miilaadiga waxa lagu tiriyaa markii ugu horraysey ee Soomaali iyo Amxaaro, Soomaali iyo Tigree ay dagaalameen. Goobaha lagu dagaalamo ee la isku haystay waxay ahaayeen Gondaar, Baxar-daar iyo Lalibeelle oo dhulka Amxaarada ah iyo Aksum oo dhulka Tigreega ah ee maanta. Dadka guullaha badan aad uga gaadhay dagaalladaas, ee labadaa Qowmiyadood ee Amxaaro iyo Tigree u babac dhigi kari waayeenna; waxay ahaayeen dadka Soomaalida. 700 oo sanno ayey gulufyadaa colaadeed socdeen, waxa isasoo gaadhey afar jiil oo is dhaley in ay hoggaamiyayaal dagaal noqdaan, waxa lagu qiyaasaa dagaalladii adduunka ugudhiigga badnaa. Xabashidu waxyaabaha ay isugu hal-qabsan jirtey ee waaggaas laga reebay waxa kamid ah in ay isku dhahaan: “Birdhin ama Soomaali baa diley!” Birdhin waa kelmad Af-Xabashi ah oo macnaheedu yahay qabow, maadaama buuraleyda Itoobiya ay qabowdahay oo waxay u jeedaan labadaa wax aan aheyn Xabashida ma dilo. Waxa kaloo jirtey dawladdii Ajuuraanka iyo qowmiyadda Oromada in dagaallo aad u qadhaadh, oo faraha looga gubtay ay dhex mareen hilaaddii 1244-kii. Taas oo ay horseedday markuu qowmiyadda Oromadu ay billowday is-ballaadhin ku wajahan dhulka Soomaalida ee ay maamusho dawladda Ajuuraanku.

Waxa uu muujinayaa Imaam Axmed Gurey “Duullaan-badane” oo waran gelinaya wiilkii uu dhalay boqorkii Bortuqiiska ee Vasco da Gama, kolkiii dagaalka lagu jebiyey.

Sooyaalkaas aan laga gayooneyn, ee aadka u adag una dhiigga badan ayaa ka dhexeeyey Soomaalida iyo Xabashida. Waxase Soomaalida aad u wiiqayey felsafadda ku dhisan qabiilka. Taas oo horseedi jirtey burburka dawladaha Soomaalida, waxa ayna taasi fursad u siin jirtey Itoobiyaanka in ay tallaabooyin hor leh qaadaan inta ay isku jeedaan Soomaalidu. Waxa Geeska ku hardami jirey laba felsafadood oo midna ay tahay Soomaalida-Muslinka ah ee xeebaha geeska Afrika heysta. Iyo Xabashida-Kiristaanka ah ee lagu oodey buuraha Addis Ababa, oo aan bad iyo xeeb toona lahayn. Duullaanka iyo dilka lagu hayo, danta iyo waayuhu badeen in aanay hilibka karinin, oo qeydhiinka ku cunaan.

Khamrina iskaga dejiyaan, oo ilma aragtayda ku gubaan, basbaaskana dufan uga dhigaya! Arrintaas oo xataa horseedi jirtey in Xabashida ay usoo hiiliyaan dadyow aanay diir iyo deegaan midna wadaagin, balse ay isku diin yihiin sida: Bortuqiiska iyo Masaarada-qibdiga Kiristaanka ah. Sida jaantuska xagga sare ka muuqda, oo ah wiilka uu dhalay boqorkii Bortuqiisku ee Vasco da Gama oo Axmed Gure waran ku mudayo, dhiigna ka qubanayo. Soomaalidana waa jirtey kol ay usoo hiilisey boqortooyadii Cusmaaniyiintu, oo laba dagaal kala qeyb qaadatey. Balse, markii dambe Axmed Gurey uu u sheegay in ay iska noqdaan Soomaaliduna ay isku filantahay. Waxaana uu Axmed Gurey ka cabsi qabey in Cusmaaniyiintu is fidiyaan oo dhulka Soomaalida qabsadaan, sida lagu yaqaanno boqortooyooyinkii waaggaas.

Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika

Reer Yurub waxa ay yeesheen ilbaxnimo unkiddeedu ay soo taxnayd qarniyo badan. Taas oo bulshada xagg kasta laga jafey, dadaal dheer oo muddo qaateyna lagu gaadhay. Waxa ay isu diyaariyeen in ay keenaan felsafad lagu deydo, oo ay adduunka intiisa kalena ku maamulaan. Kolkay xaqiiqsadeen in adduunka ay hormuud u noqon karaan, waxa ay bilaabeen oddorosid gundheer taas oo lagu sahaminayo dadka iyo dhulalka ka fog ee adduunka. Waxa ay adduunka oo idil sahamaniyeen oo daraaseynayeen muddo lagu qiyaaso illaa afar qarni oo kasoo bilaabmatay 1600-kii ilaa 1900-kii. Kolkii dabo iyo dacal la ogaaday adduunka, waxa la damcay in loo qeybsado sidii loo guumeysan lahaa, ee loogu duuli lahaa. Shirkii baarliin ee 1884-kii ayaa miiska la saaray khariiradda Afrika si loo qeybsado, iyadoo ay ku dhisayaan danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale. Waxa ay isku sidkeen dad kala dano ah, kala isir ah, kala diin ah, kala af ah, kala deegaan ah. Halka ay dad intaasba wadaagga kala durkiyeen, oo xuduudo kala dhex dhigeen.

Dhinaca kale ummadaha lagu soo duulley ee la guumeystay laftoodu, cawaan aan adduun war u hayn ayaa ay ahaayeen. Intii ummadaha Yurubku iyo kuwo kaleba ay wax baadhayeen, wax akhrinayeen, wax qorayeen halkee ayay joogeen? Sidii xayawaanka ayay baadka iyo biyaha kala boobayeen, ama sida Soomaalida reer reer ceel iyo gabdho kala boobayeen! Shirkaas oo socday intii u dhaxeysay 25-kii, Noofembar. 1884-kii iilaa 26-kii, Febraayo. 1885-kiii. Waxa uu horseeday in reer Yurub ay qabsadaan badanka adduunka. Afar iyo toban dal ayaa shirkaas wakiilladoodu ka qeyb galeen oo kala ahaa: Germany, Austria-Hungry, Belgium, Denmark, Spain, United States, France, United Kingdom, Italy, Netherlands, Portugal, Russia, Sweden-Norway, Ottoman Empire.

Waxa ay labadan sawir muujinayaan sidii reer Yurub ay u qeybsadeen qaaradda Afrika. Inta midabka basaliga ah leh waa Ingiriis, halka buluugga khafiifka ahna uu yahay Faransiis iwm. Jaantuska kalena waxa uu tilmaamayaa fadhigii caasimadda Baarliin ee dalka Jarmalka.

Soomaalida oo waqtigaas aan dhaadsanayn sida loogu tashtay, ayaa iyagoo isku jeeda waxa ay mar keliya ku war heleen iyadoo la dul joogo. Qaab-nololeedkii bulshada Soomaalida ee waqtigaas, oo ahaa in beel beel iyo qabiil qabiil la isu maamulo, ayaa reer Yurub si fiican u daraaseeyeen kal hore. Ingiriiska oo Cadan qabsaday, ayaa waxa uu Soomaalidii Waqooyiga joogtey kuwo kamid ah, oo markaas magaalada Cadan joogay ku qalqaaliyey in uu dhulka yimaaddo. Sidoo kale waqtigaas waxa aad isu fidineysay boqortooyadii Abyssinia ee Itoobiyaanka. Labadaa arrimood baa horseeday in Ingiriiska heshiis lagula galo in uu dhulka yimaaddo. Dhowrkii qof ee kala beelaha kasoo jeeday, ayaa uu la galay heshiisyo isku wada mid ah. Kolkii uu xeebaha Waqooyi yimidna, horjoogayaashii reeraha ayuu ku yidhi ma aqbalaysaan heshiiskan? Iyaguna waa oggolaadeen. Heshiisyadaas oo ku kala astaysnaa xilliyo isu dhaw-dhow ayaa kala ahaa sidatan:

1. Agreement with Habar Awal, Berbera in 14, July 1884.
2. Agreement with Gedabuursi, Zeila in 11, December 1884.
3. Agreement with Habar Toljeclo, Aden in 26, December 1884.
4. Agreement with Eeza, Zeila in 31, December 1884.
5. Agreement with Eidangale|Habar-Gerhajis, Aden in 13, January 1885.
6. Agreement with Warsangali, Laskorey in 27, January 1886.
Dhanka kale ee Koonfurtana, waxa uu Talyaanigu heshiisyo la saxeexday saldanidihii ka jirey dhulkaas.
Kuwaas oo kala ahaa:
1. Agreement with Sultanate of Hobyo, Yusuf Ali Kenadid, 1888
2. Agreement with Majeerteenia, King Osman Mohamoud, 1888
3. Agreement with Hiraab Sultanate, Warsheekh.

Haddaynu dhinaca kale ee Jabuuti jalleecanana, waxa uu Faransiisku heshiis la galay salaadiintii Canfarta iyo Soomaalida-Ciisaha. 11-kii, Maarso 1862-kii heshiiskii ay wada galeen Faransiiska iyo suldaankii Canfarta Raieta Dini Ahmed ee ka dhacay caasimadda Baariis, waxa uu ku salaysnaa in Canafartu ay ku iibsadeen dhulka Obokh lacag qiimaheedu dhanyahay 10,000 doollar. Kaddib 26-kii, Maarso 1885-kii, ayaa uu Faransiisku heshiis la galey Soomaalida, waxa uuna heshiiskaasi dhigayey in ay noqdaan maxmiyad hoostagta Faransiiska. Balse sidii Canfarta ma aysan iibsan dhulkii, waana midda badbaadisey dhulka Jabuuti oo aysan noqon qeyb kamid ahi dhul Faransiis iibsadey. Labada dhinac ee kala ah: Soomaali-Galbeed iyo NFD, iyaga labadaba waxa si toos ah dalalka ay maanta ka tirsanyihiin u hoosgeeyey Ingiriiska. NFD isaga ayaa xukumi jirey, kaddibna ku daray Kiiniya.

Halka dhulka Soomaali Galbeed oo ay dawladdi Abyssinia isku fidisey waqtigii uu hoggaaminayey Menelikii labaad, aad isugu ballaadhisey. 1-dii, Maarso 1896-kii ayaa uu Talyaanigu bilaabey in uu isku fidiyo dhulka Itoobiya, isagoo kasoo galayey dhulka Eriteriya. Balse dagaalkii Adwa ayaa lagu jebiyey Talyaaniga. Waxaana dantu ku qasabtey in uu heshiis nabadeed la sexeexdo Menelikii labaad. Menelikii labaad waxa uu intii u dhaxeysay 1889-kii illaa 1904-tii ku hawlanaa sidii uu isugu fidin lahaa deegaannada ku hareeraysan ee Soomaalida iyo Oromada. Laba jeer ayaa is fiditaanku ka koobnaa, kuwaas oo kala ahaa: 1889-1896, taas oo uu Soomaalida ka qabsadey Herer illaa Diridhaba. Isagoo afarta jiho ee kalena isku fidinayey. Markii labaad waxa ay ahayd 1897-1904, kolkaas oo iyadana uu ku qabsadey Hawd iyo Receive Area. Waxaana Menelikii II lagu magaacaa “Aabbihii Itoobiya Cusub” ee maanta. Maadaama uu yahay shakhsiga bud-dhigga u ahaa isfidinta Itoobiya, ee ay maanta uga taliso dhul cabbirkiisu dhanyahay qiyaas ahaan 1-Million km2. 

Waxa uu muujinayaa labadii jeer ee uu is fidiyey Menelikii labaad ee Abyssinia

Kaddib dhimashadii Menelikii labaad(1844-1913) waxa talada Itoobiya la wareegay Lij Iyasu (Iyaasugii shanaad) kaas oo xukunka dalkaas hayey intii u dhaxeysay 1913-kii – 1916-kii. Intaa wixii ka dambeeyey waxa taladu gacanta u gashay boqorad Zewditu, oo ahayd mid u dhigmaysa boqorka oo kale. Waxa ayna ahayd gabadhii ugu horreysay ee dal Afrikaan ah, oo la aqoonsanyahay si heer caalami ah ka talisa. Waxa ay Zewditu xilka haysay intii u dhaxeysay 1916-kii – 1930-kii. Itoobiya walow ay Talyaaniga si dadban u hoostagi jirtey, haddana madaxbannaanideeda waxa ku dul taagnaa Talyaaniga. Waxaana madaxbannaanideeda caaalamiga ah carqaladeeyey dagaalkii labaad ee Itoobiyaan-Talyaaniga. Kaas oo ku beegnaa bishiii Oktoobar sannaddii 1935-kii markii uu ku soo duulay Faashiistihii Talyaanigu. Kaddib dhibaatooyin badan oo uu Talyaanigu ka geystay dalkaas. Ugu dambeyntii waxa gacanta ku dhigay Ingiriiska oo si madaxbannaan aqoonsi u siiyey, kolkaas oo ahayd markii ay wada galeen heshiiskii loo bixiyey (AngloEthiopian Agreement) ee dhacay bishii Diisembar, 1944-kii. Waana heshiiska si aan gabbasho lahayn Ingiriisku ugu saxeexay in ay u oggolyihiin qaadashada dhulka Hawdka iyo Receive Area(Soomaali Galbeed). Seddex sanno kaddib, heshiis nabadeed dhexmaray Itoobiya iyo Talyaaniga oo ku beeggan 1947-kii, ayaa
uu Talyaanigu isaguna aqoonsaday madaxbannaanida Itoobiya.

Balse Soomaalidii Waqooyiga ee ka cabsi qabtey in ay Abyssinia isku fidiso, waxaaba si badheedh ah ugu oggolaatey dawladdii Ingiriiska. Weliba markii ay Abyssinia is fidinaysayna kama aysan hadlin, waxbana kama qaban. Waxaana Itoobiya ay lamid noqotey dawladihii reer Yurub ee boobayey dhulka Afrikaanka. Iyaduna dhinaceeda ayay ka gashay waxa la qeybsanayo, badhkeedana xoog baa ay ku qaadatey. Duqeydii Soomaalida Waqooyi, waxa ay ku warheshay 1954-kii, oo ay ogaadeen in dhulkaas la bixiyey. Ururkii NUF (National United Front) oo ujeedkiisu ahaa in uu u dooddo dhulka Hawdka iyo Receive Area ee la bixiyey, ayaa la aasaasay. Wefti ka koobnaa afar qof ayaa loo direy carriga Ingiriiska. Kuwaas oo kala ahaa: Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Cabdillaahi, Maykal Maryama iyo Dubbe Cali Yare, balse waxa ay noqotey wax ay ku hungoobeen uun.

Sawirkani waa weftigii NUF ee loo direy arrinta dhulka Itoobiya la siiyey in ay kala soo hadlaan dawladda Ingiriiska. Waqtiga sawirkani waa 5-tii, Febraayo 1955-kii London, UK.

Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya

Tan iyo intii la aasaasay xisbigii LEEGADA, waxa dardar xooggan uu ka bilaabmay geyiga Soomaaliyeed. Kaas oo lagu baadi-goobayo midaynta dadka Soomaalida, ee shanta qeybood loo kala dhambalay. Sidoo kale waxa dabeysha midnimada Soomaalida aad u kiciyey kolkii la bixiyey dhulka Hawdka iyo Soomaali Galbeed, kaas oo raad weyn ku reebay dadkii degganaa Waqooyiga. Guumeystaha laftiisu waxa uu dhisay Gole kumeel-gaadh ah, oo inta ay xornimada qaadanayaan talada sii haya. Dhinaca Waqooyiga (British Somaliland Protectrate) iyo Koonfurta (Italian Somalia Protectrate) waxa midna loo sii dhiibay Ururka Qaramad Midoobey in ay 1960-ka inta laga gaadhayo sii hayaan talada, oo waa Koonfurta. Halka Waqooyigana uu Ingiriiska korka ka maamulayey, balse Soomaali loo sii dhiibey talada illaa laga gaadhayo 1960-ka. Balse, NFD iyo Soomaali Galbeed waxa caddaatey in aan la ogoleyn soo celinteeda.

Taariikhdeedana halkan laguma soo koobi karo, balse hadda ka hor qoraal aan ugu magac darey “Jabuuti Ma Yeellan Kartaa Dawladnimo Qiimo Leh?” ayaan kaga hadlay taariikhda goonni-isu-taagga Jabuuti sida uu ku yimid. (1) Labada Soomaali Galbeed iyo NFD qoraalkan dhexdiisa wixii aan ka gaadhno waan ku dhex sheegi, wixii soo hadhana qoraal kale ayaan sooyaalkaas ka sameyn doonaa. Waxa xusid mudan in boqorkii ka talinayey Itoobiya intii u dhaxeysay 1930-1975 ee Xayle Salaase, in uu aad uga biyo diidsanaa in ay dadka Soomaalidu dal ama dawlad u gaar ah ay yeeshtaan. Waxa uu doonayey in Itoobiya ay wada maamusho dhulka Soomaalida. Kolkii uu sannaddii 1966-kii ay kulmeen Xayle Salaase iyo De Gullo oo ahaa madaxweynihii Faransiiska, waxa uu u sheegay in aan Jabuuti xornimo la siin. Balse Faransiisku sii haysto, ama Itoobiya lagu soo wareejiyo.

Isagoo diidanaa in ay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaalida. Afar sanno kaddib markii la aasaasay dawladdii Soomaaliyeed ee labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, oo ku beeggan 1964-kii ayaa Itoobiya dagaal ku soo qaadday Sooomaalida. Waxaana halkaas ka bilaabmay dagaalladii 1946-kii ee xuduudda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaalida. Waxa keliya ee Xayle Salaase rabayna waxa ay ahayd inuu qabsado dhulkaas, oo aanay dawlad Soomaaliyeed ka dhalanin. Balse waxa ay noqotey wax uu ku hunggoobay middaasi! Si guudna Itoobiyaanku, gaar ahaan siyaasiyiintu waxa ay aaminsanyihiin in dawladda keliya ee Geeska Afrika ka jiraysaa ee waxtarka leh, in ay noqoto Itoobiya. Waana hardankii soo jirey qarniyo badan, in aan wada noolaansho buuxda jiri karin inta qolo walba wax dulmiyayso, ama midiba midda kale ku amar taaglaynayso oo duullaanka ku tahay. Waxa xusid mudan Xayle Salaase ayaa hadal uu ka jeediyey magaalada Qabridaharre ee gobolka Jarar, Soomaali Galbeed hilaaddii 1956-kii waxa uu yidhi: “ Soomaalidu waxa ay kamid tahay qoyska weyn ee Itoobiya ”

Sawirradani waa qaar kamid ah ciidamadii Soomaalida ee xuduudda ka dagaalamayey sannaddii 1964-kii. Gaar ahaan sawirka bidix waa 2-dii, Febraayo. 1964-kii.

Waxa middaas lamid ah in marlabaad uu dagaal dhexmaray Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, kaas oo ku beeggan sannaddii 1977-kii. Dagaalkaas walow uusan ka fursanayn faahfaahin qoto dheer, oo Soomaalida lafteedu ay waxbadan oo khuseeya ka dhoohantahay. Haddana, waxa uu kamid ahaa dagaalladii dhexmaray labada dhinac mid kamid ah, weliba waxa la odhan karaa waa kii ugu saameynta badnaa. Dagaalkaas oo Soomaalidu ka wada dheregsantahay halka uu ku dhammaadey. Waxa se waqtigaas oo ku beeggan 1974-kii xilka laga tuurey taliskii Xayle Salaase ee boqortooyada, waxaana xukunka la wareegay Mengistu Xayle Maryam. Mengiste oo ahaa shuuci raacsanaa dhinaca Ruushka, waxa uu keenay nidaamkii hanti-wadaagga ee lagu yaqaannay ee keli-talisnimada, dilka, xorriyad la’aanta, dhaca, boobka, xasuuqa iwm.

Sawirradani bidix waa Mengiste Xayle Maryam, midigna waa boqor Xayle Salaase.

Taliska Mengiste oo ku caan ahaa magaca “Dergi” waxa uu kolkii uu joogsadey dagaalkii 77-kii noqday mid hooya jabhadihii mucaaradka ku ahaa Soomaaliya, sida: SSDF, SNM, iwm. Waxa kamid ah waxyaabaha Mengiste iyo jabhadaas dhexmaray: in Mengiste iyo jabhaddii SNM ay ku wada heshiiyeen, oo ballan ku wada galeen in dalka Soomaaliya la isku dhaho ay kala jari doonaan, oo iyagu(SNM) ay goosan doonto gobollada Waqooyiga. Waxa sidan yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed, hoggaamiyihii jabhadda SSDF, weliba waa uu ku dhaartay in ay sidaas ballan ku wada ahaayeen Mengiste iyo SNM. Sidaa si lamida ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayayey mar sida ay jabhaddiisii SSDF Itoobiya magangeliyo uga heshay Itoobiya, ayaa waxa uu tilmaamay in markii uu la kulmay Mengiste Xayle Maryam uu ku yidhi hadal ahaa sidatan: “ Annagu haddaanu nahay Itoobiyaan, shabeelka haddaanu dubka ku dhegno masii dayno weligayo, ee ma nagu galeysaan hadddaad jabhadda SSDF tihiin!” Hadalkan oo ula jeedku yahay, annagu haddaanu Soomaali gacanta ku dhigno, lagama yaabo inaanu sii deyno ee raalli maku tihiin arrinkaas? Cabdullaahi Yuusuf waxa uu xusay in ay arrinkaas oggolaadeen, sidaasna kula heshiiyeen Mengiste. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ahba, waxa uu kaga warramay wareysiga uu weriye Cabdisalaan
Hereri la yeesahy Cabdilaahi Yuusuf Axmed sannaddii 2012-kii.

Hubeyntii jabhadaasi waxa ay carqalad weyn, oo dhabarjab ah ku noqotey dawladdii Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya lafteedu waxa ay hubeyn jirtey jabahadihii mucaaradka Itoobiya ee kala ahaa: WSLF, OLF, TPLF, iwm. Labada dhinacba dab iyo holac ayaa midba midda kale ku shidaysey. Waxase sannaddii 1988-kii dhacay heshiis taariikhi laba geesood ah kaas oo dhexmaray madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre iyo madaxweynihii Itoobiya Mengiste Xayle Maryam. Heshiiskaasi waxa uu daarnaa in labada dhinacba ay joojiyaan hubeynta jabhadaha mucaaradka ah. Waxaana si gaar ah xusid mudan in Maxamed Siyaad Barre uu dhulka Soomaali Galbeed u saxeexay si buuxdana uu uga tanaasuley, taas beddelkeedana gacanta loo soo geliyo jabhadda SNM. Waana uu ka yeelay Mengiste arrinkaas. Balse, ma aysan dhicin middaasi oo isla sannadkaas bishiisii toddobaad ayaa jabhaddii SNM si ismiidaamin ah gudaha ugu soo
gashay Soomaaliya.]

Midig waa Maxamed Siyaad Barre, bidixna waa Mengistu Xayle Maryam.

Wareysigii Maxamed Siyaad Barre lagula yeeshay dalka Jabuuti watigaas, hadalladiisii waxa kamid ahaa in uu tilmaamay in aan loo baahnayn colaad sii waarta, loona baahanyahay in lasoo afjaro waxa ka dhexeeya labada dal. Ayna tahay fikrad duuggowday, oo bulshda walaalaha ah(Itoobiyaanka iyo Soomaalida) kala dileysa. Waxaanu sidoo kale go’aan ku gaadhnay buu yidhi in guddi loo saaro, baadha oo eegta waxa mushkiladdan sababey. Waxase layaab leh in Maxamed Siyaad uu iska indho tirayayey waxa ka dhexeeyey labada waddanna isu dagaalayeen. Sida hadalkiisa ku cadna, waxa uu fikrad duuggowday oo in laga tanaasulo u baahan, colaad mooyee aan xal keenayna ee u sheegayaa waa raadinta ay dawladdiisu ugu jirtey helitaanka Soomaali Galbeed, oo kamid noqota Jamhuuriyadda Soomaalida!

Intaas kaddib, burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu guulweyn oo la gaadhey u noqdey Itoobiya. Maadaama oo teed weyn oo horyaallay uu meesha ka baxay, walow iyada Itoobiya lafteeda uu isbeddel ku dhacay. Taas oo ahayd in kursiga laga tuurey Mengiste Xayle Maryam; oo jabhadihii hubeysnaa xukunka dalka gacanta ku dhigeen. Haddana Itoobiya wax burbur ah ma aysan ku habsanin sida Soomaaliya, ee keliya waxa isbeddelay mas’uuliyiinta dalka. Halka Soomaaliya la ogaa wixii dhacay, iyo sida xaaladdu noqotey. Talana ay faraha ka baxday waqtigaas.!! Waxa xusid mudan oddoros cajiib ah, oo uu sameeyey nin lagu magacaabo Dr. Cumar Cusmaan Raabi hilaaddii 1989-kii. Markaas oo uu kamid ahaa Wasaaradda Gaaashaandhigga Soomaaliya. Dr. Cumar waxa uu qorey buug yare uu ugu magac darey “ Soomaaliyeey: Halkee Baad Ku Socotaa? ” Buuggaas oo uu kaga hadlayey damaca is-fidinta Itoobiya ee Geeska Afrika, ee mowdduucan aan wax ka qoreynaana ku sahabsanyahay. Dr. Cumar waxa uu soo bandhigay jaantusyo uu ku muujinayo sida Itoobiya ay u qabsan doonto Geeska Afrika, si tallaabo tallaabo ah. Waqtigaas uu wax oddorasayey oo xaaladda Soomaaliya cakirneyd ayaa dadkii waagaas joogey ammankaag ku noqotey.

Halkaan kala deg qoraalkaan oo dhameystiran: https://abdifatahbarawani.files.wordpress.com/2019/08/itoobiya-iyo-aragtidii-friedrich-ratzel-lebansraum.pdf

Facebook Comments