Charlie Hebdo waa joornaal Faransiis ah, toddobaadle ah oo majaajilo ah oo la soo saaro maalin kasta oo Arbaco ah. Wargeyskaan Charlie Hebdo ee Faransiiska ayaa maanta faafiyey dacaayad uu ka sameeyey suubane Nebi Muxammad NNKH.

Wargeyskan ayaa sidan oo kale 2015 u faafiyey dacaayaad ka dhan rasuulka, haseyeeshee caro ayaa ka dhalatay ficilkaas ay sameeyeen, waxa uu la kulmay weerar iyo cambaarayn xooggan. Soomaaliya ayaa kamid ahayd meelaha laga dhaliiley jariiradaasi 2015-kii.

Wargeyska qaabka maadeysiga wax u qora ee kasoo baxa Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), tallaabadaas oo sanadkii 2015-kii u horseeday in lagu qaado weerar dhimasho geystay. 14 qof oo la sheegay inay gacan ka geysteen weeraradii 2015 lagu qaaday majaladda majaajiliska ah ee Charlie Hebdo iyo dukaan weyn oo Yuhuud ah ayaa maxkamad la soo taagi doonaa, iyadoo seddex tuhmane la maxkamadeeyay iyaga oo maqan.

Waxay arrintani imaaneysa maalin un ka hor xilli la filayo in maxkamad ay kasoo hor muuqdaan 14 qof oo looga shakiyay inay caawinayeen labadii qof ee weerarka ku qaaday xarunta wargeyska. Waxaana weerarkaas lagu dilay 12 qof oo ay kamid yihiin farshaxamiistayaal caan ah, waxaana sidoo kale maalmo kaddib Paris ka dhacay weerar kale oo ay ku dhinteen 5 qof.

Bogga hore ee wargeyska ayaa lagu daabacay 12 sawir gacmeed oo laga sameeyay Nebiga kuwaas oo lagu daabacay wargeys kasoo baxa Denmark ka hor inta aysan kasoo muuqan Charlie Hebdo. Wargeyska ayaa ku dooday in marar badan laga codsaday in uu soo daabaco sawir gacmeedka tan iyo markii uu dhacay weerarkii 2015-kii.

“Markasta waan diidin jirnay, sababtuna ma aheyn in mamnuuc ay tahay daabicidda- sharciga ayaa inoo ogolaanayaa in aan daabacno sababta oo ah waan in la helaa arrin macquul ah oo sabab u ah arrintaas oo micno sameyneyso taas oo dhalineyso dood”

“In dib loo soo saaro sawir gacmeedka xilli lagu gudo jiro toddobaabka dhageysiga dacwadda ku saabsan dadkii lagu tuhunsanaa weerarkii argagixisada ee dhacay bishii Jannaayo sanadkii 2015-kii, waxay arrintaas ka dhigeysaa in laga maarmaan ay inoo tahay”

Weerarkii kadib Maamulka Wargeyska Charlie Hebdo “Mar dambe sawir gacmeed kama sameyn doono Nabi Muxamed sababtoo ah waxaan noqday qof nolosha ka quustay”.  Wargeyska Charlie Ebdo ee ku caanbaxay aflagaadeynta Nabiga Maqaamka sare leh ee Muxamed صلى الله عليه وسلم ayaa ku dhawaaqay in mar dambe uusan wax ka sheegi doonin Nabiga.

Weerarkii xarunta lagu qaaday kadib wuxuu yiri “Laga bilaabo maanta Mar dambe sawir gacmeed kama sameyn doono Nabi Muxamed sababtoo ah waxaan ahay Nin quustay” ayuu yiri Luz

Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa baahisay war ay kasoo xiganayso maamulka Charlie Ebdo Ninka lagu magacaabo Luz kaasi oo ballan qaadaya in mar dambe aysan sawir gacmeedyo ka sameyn doonin Nabiga.

“Laga bilaabo maanta Mar dambe sawir gacmeed kama sameyn doono Nabi Muxamed sababtoo ah waxaan ahay Nin quustay”ayuu yiri Luz.

Wuxuu sheegay in khalad wayn ay ku kaceen sidaasi daraadeed ay ballan qaadayaan in mar dambe aan wargeyskooda lagusoo daabici doonin sawirro iyo qoraallo ka dhan ah muslimiinta.

Wakaaladda AFP ayaa sheegtay in go’aankan uu qaatay maamulka sare ee wargeyska Charlie uu muujinayo isbedel wayn oo ku yimid siyaasadda wargeyska tan iyo markii la aas-aasay oo ay caan ku aheyd ku jees jeesidda muslimiinta. 

Maxaa laga filayaa maxkamadeynta?

Afar iyo toban qof oo lagu soo eedeeyay in hub iyo caawimaad ay u fidiyeen kooxdii weerarka ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo iyo weeraro kale oo ka dhacay Paris ayaa maanta maxkamadda kasoo hor muuqaanayaa. Saddex kamid ah raggaas ayaa dacwaddooda la dhageysan doona iyagoo aan maxkamadda joogin, waxaana la rumeysan yahay inay u carareen dhinaca waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya.

Waxaana la filayaa in maxkamadda ay tegaan ilaa 200 qof oo dacwadda gudbiyay iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday weerarka si ay caddeymaha u horgeeyaan maxkamadda, sida uu ku warramay Raadiyaha Faransiiska ee RFI.

Weerarkii 2015-kii 7-dii bishii Jannaayo ee sannadkaas, labo nin ayaa weerar ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo uu ku lahaa magaalada Paris ka hor inta ay rasaas ku furin shaqaalaha wargeyska.

Tafatirihii wargeyska Stéphane Charbonnier iyo afar kamid ah shaqaalaha ayaa lagu dilay weerarka. Dableydii weerarka soo qaaday waxaa markii dambe dilay saraakiisha booliska, waxaana weerarkaas ku dhintay 12 qof.

Maalmo kaddib, nin hubeysnaa ayaa weerar kale ku qaaday xarun dadka yuhuudda ay dukaameystaan oo ku taalla bariga Paris, waxaana halkaas ku dhintay 4 qof, booliska ayaa markii soo afjaray weerarka, waxay dileen ninkii weerarka soo qaaday.

Maxaa loo beegsaday Charlie Hebdo?

Farshaxankii laga sameeyay Nebiga (NNKK) ayaa horseeday in Charb tafatirihii wargeyska loogu hanjabo dil, ka hor inta uusan weerarka ku dhiman waxaa 24- saac ilaalin jiray ciidamada booliska, sanadkii 2011-kii ayaa qarax lagu weeraray xafiisyada wargeyska. Charb wuxuu si weyn u difaacay daabicidda sawir gacmeedka oo uu ku tilmaamay astaan muujineyso xoriyatul qowlka.

“Lama yaabani in sawiradeena aysan ka farxin muslimiinta” wuxuu sanadkii 2012-kii u sheegay wakaaladda wararka ee AP “Waxaan ku hoos noolahay sharciga Faransiiska ee kuma hoos nooli sharciga Qur’aanka”

Xisbiyada ay taageeraan dadka qowmiyiinta ah ee ajnabiga neceb ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dalalka France, Talyaaniga iyo Jarmalka. Sida saadasha ay u muuqato waa ay sii badnaan doonaan awooda xisbiyadaan midagta fog, waxayna abuuri doonaan iska hor imaadyo u dhaxeeya bulshooyinka wada nool.

Dibad Baxyo ka Dhashay Kitaab Qur’aan ah oo La Gubay

Facebook Comments