Islamarkii ey indhahaagu qabtaan qof xiran dhar aad uqurux badan hadane qaali ah maxaad ka’aamineysaa? Sida ey bulshadu ubadantahay dharka waxa uu kamid yahay, waxa lagu qiimeeyo qofka, haddii aad qamiis iyo cimaamad  xirato waxa aad qaadaneysaa magaca WADAAD.

Haddii aad soo xirato taraaxad iyo saako waxa aad qaadaneysaa magaca CIYAALKA XAAFADDA Sidookalena marki aad xirato dharka Suudka ah ee suuqa qaaliga ka’ah waxa aad qaadaneysaa magaca MAAL QABEEN!!

BALSE MAXAA KU DHACAY GABADHII MAAL QABEENKA U MOODDAY NINKII SUUDKA XIRNAA?

Waxa ey ahayd subax hore; waxa aan ku kulannay dhaqtarka/ cisbitaalka, dhammaanteen waxa aan u nimid si’aan u lakulanno dhaqtar,  arimo caafimaad laxiriira owgood. Marki aan cusbitaalka nimaadnay waxa aan galnay saf dheer oo loo istaagsanaa sidi loo soo kala horreeyay, safka oo aan isha laraacay aad ayuu udheeraa ciriirina waa uu kamuuqday, madareemeysaa marki aad dag-dagayso, hadane eydad badana kaasoo horreeyaan dadka qaar ayaa haminaya in ey iyagu helaan kaaraka diiwaangalinta, waliba iyada oo ey taagan yihiin dhammaan dadkii kaasoo horreeyay!! Balse intabadan damac badanaanta waxaa laga dhaxlaa hoog iyo shallaay, haba ugu darnaatee marki aad rabto in aad damacdo xaq islaameed!

Sheekada yaan kugu daaline Wiil dheer oo xirnaa dhar suud ah ayaa soo istaagay meeshii aan safka kaga jirnay, asaga oo iska dhigaya in uu kamid yahay shaqaalaha cusbitaalka, intabadan dadku iyaga ayaa isku mashquulsanaa, oo dadka xanuun iyo tiic ayaa hayay marki laga reebo kuwa lanbarada jaranayay oo istaagi karay.

Wiilkii inta uu dadka isha marsiiyay, sifiicanna u fiiriyay ayuu u dhawaaday gabar telefoon Iphone ah gacanta kuwadatay, waxa uu kuyiri “abaayo lanbarka dhaqtarka malaguu jaray”?

Si deg-deg ah ayay ugu jawaabtay Alla maya aboow, waanba daalay sida aan u taagnaa, dadka shaqeynaya gacan cuslaa iyo hadallo kale ayay uraacisay…., wiilkii iskama waalin ee siddagan ayuu ku yiri aniga ayaa ku caawinaya! waliba asaga oo qoorta dheereynaya madaxana war wareejinaya sidi qof ey cidi kama qantahay, waxaase kaaga daran gabadhii oo si dhaqso ah uga soo baxday safka ey kujirtay, wiilkiina gees la’aadday iyada oo kuleh: qeer Alle haku siiyee i caawi qof wanaagsan ayaad tahay e, maxaa kaamaqan ood raadineysaane wey uraacisay marki ey qoor taag taaggiisa kayaabtay!!

Inta aayar qoslay ayuu yiri war mid saaxiibbo aan-nahay oo gaaban oo ila socday ayaan la’ahay, taleefankiina wuu iga heystaa, balaayada gaaban umana jeedo meesha uu kabaxay!! Inta sifudud utiri malaha dadkaan ayuu ku dhax dhumay, ayay si’iska warqab la’aan ah ugu dhiibtay taleefankeeda kuna tiri hoo kawaco kan, oo ey ula jeedday mobilkeeda gacanta, kaas oo ahaa waxa damaca galiyay Tuug xarfaankan oo waliba ku qasbay in uu gabadha ula hadlo si-bareer ah.

Alla ninku nasiib badanaa inta taleefankii qabsaday ee uu wacay nambar, “ayuu yiri waryaa hebel intee igaga hartay, ……war xaggee ayaan kaa’eegaa… dhowr tallaabona horay ayuu usii qaaday asaga oo iska dhigayo in uu wiilkii raadinayo, balse marki uu iskullaabay(kulleexday) luuq meesha ka dhawaa oo cisbitaalka dhaxdiisa ah ayaa cid ugu danbeysay oo toos ayuu iridda uga baxay, xoogaa daqiiqado labo ah kaddib ayaa gabadhii istiri bal wiilka eeg maxaa helay!!

Markii ey ujeedi weysay ayay horay usii dhaqaaqday balse maxaa ii dhiibatay ayaa ku dhacday oo Wiillba majoogo meesha! Gabadhii ayaa qeylisay oo shakisay iyada oo uqaadan weysay in wiilkii sida aadka ah ullabisnaa uu tuug xarfaan ahaa!!

Waardiyayaashii iyo dadkii safka kujiray badan kood oo kaararkii helay markaas ayaa ku soo xoomay gabadhii oo weydiiyay waxa ku dhacay?! “Marki ey kasheekeysana qof waliba waxa uu kuyiri waxa aan moodayay in aad aqoon iskula-heydeen oo aad wada socoteen!!

Arrinka ugu yaabka badan ayaa ahaa in gabadhu eynan wadan lacag kale xitaa shillinka Soomaaliga oo lacag loosoo aruuriyay si’ey gurigeeda ugu laabato, maxaa yeelay waxa ey heysatay EVC+ oo kali ah taleefankii ayaana lagu qaatay!!

Haddii aad qofka ku qimeyso dharkiisa waxaa kugu dhici karo halis aadan filanayn, hadaba ka digtoonaaw oo kataxaddar waxa aad qofka ku qiimeyneyso!

Facebook Comments