Wareysigii uu muuqbaahiyaha Universal ka qaaday 10-kii bishan Febraayo madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo, kaas oo dhinacyo badan taabanayay. Qodobada wareysigaas iiga baxay waxa ka mid ahaa, in loo fiirsadana ay mudan tahay.

Isaga oo ka hadlaya xasiloonida siyaasadeed iyo dawladnimada, waxa uu ganafka ku dhuftay in xukuumaduhu isbeddelaan. Isaga oo ula jeeda haddii xukuumaddiisu dhacdo in wax walba ay eber ka soo bilaabmayaan.

Sidaa darteed ay wanaagsan tahay in hal xukuumadi ay muddo badan dalka hoggaankiisa hayso. Isa qodobkaas mid kale oo la mid ah oo ku saabsanaa dhanka la dagaalanka musuqmaasuqa waxa uu tilmaamay, in wax-ka-qabad la’aanta musuqa ay keentay xukuumadaha isbeddela mar walba.

Balse, haddii si xidhiidh ah oo isdaba joog ah hal xukuumad u joogto uu la dagaalanka musuqu yaraan doono. Labadan qodob oo u muuqda in madaxweyne Farmaajo aad uga biyo-diidsan yahay in xukuumaddiisa hadda la beddelo. Walow uu ku yimid doorasho dadban (Representative Election), haddana waxa uu rabaa in doorasho labaad oo isaga dantiisa u adeegaysa uu kursiga dib ugu soo laabto. Lama mid aha siyaasiyiinta u badheedha (Guusha iyo Guuldarrada), waxa uu muruqiisa iyo maankiisaba isugu geynayaa sidii usuan u oggolaan lahayn in xukuumaddiisu ay dhacdo doorashada soo socota.

Weliba wuu is hubaa, taageere xooggan oo aan loo babacdhigi karin ayaa uu ka haystaa beesha caalamka, dawladaha jaarka oo ay ugu tun weyn yihiin Itoobbiya iyo Eriteriya, iyo sidoo kale gudaha dalka oo uu rabo laba mid ahaan in uu ka yeelo: in uu maamulgoboleedyada gacanta ku wada dhigo doorashada horteed. Hadda waxa uu gacanta ku haystaa laba maamulgoboleed, mid saddexaadna khilaaf buu ka dhex riday oo ay u badan tahay in uu isna gacanta ku qaban doono.

Labada maamul goboleed ee soo hadhana wuu go’doomin doonaa, iyaga oo aan doorasho haleeli doonin kolkaa, saameynna ku yeelan doonin. Waa haddii uu doorasho ka duwan tii hore damco in uu qabto.

Haddii uu hannaankii doorashooyinka ee hore ku sii dhaqmana, barlamaanku doorasho cusub ma geli doono, waana uu ku qasban yahay in doorashada madaxtooyada debadii ay noqoto doorashada barlamaanku. Sidaa darteed haddana waxa uu isku deyi doonaa in uu muquuniyo barlamaanka, siyaasad ahaan iyo cudud ahaanba, si ay mar labaad ay u doortaan. Arrintan ah in barlamaanku mar labaad doorto waxa u fududeynaya, tiiyoo aanay jirin siyaasiyiin musharrixiin ah oo la babacdhigi kara.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu xooggan, isagana bar madow ayaa lagu dhejiyay (Black Mailing), waa ay adag tahay sida uu ku soo bixi doono Cabdiraxmaan. Siyaasad ahaanna waxa uu la jiraa Kiiniya iyo Imaaraatka. Labadaasna hadda saaxadda siyaasadda boos ugama banoona iyo saameyn toona. Cabdiraxmaan waa la col Itoobbiya, meel adagna wuu ka taagan yahay. 

Qodobada ugu dambeeya ee uu ka hadlay waxa ka mid ahaa, in 8-dii bishan Febraayo uu madaxweynuhu saxiixay sharcigii batroolka Soomaaliya. Tan iyo intii ay timid xukuumaddiisu waxa ay galaangal badan ku lahaayeen hirgelinta qodista shidaalka, tiiyoo aanay jirin madaxbannaani siyaasadeed oo Soomaaliya ay haysato maanta. Xataa hay’adaha dawliga ah ma wada dhisna, waa dal aan cago-adag ku taagnayn.

Raiisal wasaaraha Xasan Cali Kheyrre ayaa arrintan aad uga shaqeynaya, horena uga soo shaqeeyay shirkadaha Norwey ee dhanka shidaalka. Waxa ay u muuqataa in xukuumadda Nabad-Nolol ay rabto in ay dawladaha daneynaya shidaalka Soomaaliya uga faa’iidaysato in ay ku taageeraan soo noqoshadooda. isla Farmaajo ayaa wareysigan ku xaqiijinaya in ay tahay lagama maarmaan in sharcigan ay ansixiyaan xukuumaddiisu, cid uga habboonna aanay jireyn dabadood.

Facebook Comments