Habeen baxsan oo naruuro badan, dadkuna wada faraxsanyahay, waayeelkuna kolkaas uun ardaaga ku hoydeen. Doobabkii iyo gaashaantimooyinkiina ay daafaha ardaayada ku jalbeebtamayaan ayuu ahaa. Saxansaxo udgoon oo aad u caraf badan, ayaa dadka intii dibadda ardaayada joogtey ay sanka la raac-raacayeen.

Maanta galabtii waxa yeelku tilmaamayey saansaanta roob gudgude ah, oo deegaanka miri doona saqda dhexe. Illaa iyo kolkii cadceeddu godka kusii galbanaysey, waxa is qabsaday heelimaadka roobka soo onkodaya, iyo iftiinka cadceedda ee sii galbanaya.

Dhammaan dadka deegaanku, waxa ay moogganba u henganayeen gudgude lagu qabowsado, oo aan beryahaa ku di’in. Nabad lagu caano maalay ayaa ka jirta deegaanka meelo badan oo kamid ah, se gulufyo dagaal baa deegaanno jaal iyo jaarba la ah ka socda. Kuwaas oo ay isku haleeleen ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Amisom. Waxaana aad looga itaal roonaaday kolkaas Al-Shabaab, oo deegaanno dhawr ah laga fara maroojiyey.

Habeenkaas, waxa deegaanka ardaa kamid ah ku foolaneysay, oo aad u xanaf wareeraysey hooyo Batuulo. Waa la sugay, oo la sugay waxaana lagu ducaysanayey “Allow kala nabad keen”. Goor ku siman labadii habeennimo, ayaa ay ummushey gabadh. Isla durbadiiba roobkii gudgudaha ahaa ee galabta la saadaalinayey, ayaa ku bilaabmay deegaankii. Farxad iyo rayn-rayn ayaa lagu qaabilay. Batuulo odeygeedii Samatar, oo kolkaas uun kobta soo istaagey, baadi-goobna ugu jirey neef ka lumay, ayaa gabadhii u dhalatey caawa lagu taabtey warkeeda.

Samatar aad buu ugu ugu riyaaqay naxariistaas Eebbe iyo gabadhaas la isugu beegay, isagoo dhoolacaddeynaya ayuu kor u yidhi: “CAAWA WAA HABEEN BAXSAN, MAHADDAA EEBBOW ADAA LEH!” Waxa uuna u sheegay intii jaarka ahayd ee ardaaga fadhiday in gabarta u dhalatey uu u bixiyey “Baxsan”.

Dhammaan dadkii kalena waa la qaateen magacaas bilan in gabarta loo bixiyo. Roobkii kolkii uu cabbaar maasheeyey deegaankii, ayaa dadkii jaarka ahaana ka huleeleen ardaagii reer Samatar, oo ardaayadoodii ku hoydeen. Aroortii waxa is qabtay roobkii xalay miray deegaanka, oo carro san ah iyo iftiinka qorraxda ee oogta waaberi. Ramad dhaley caanihiisii baa hadhuubyo laga dhamay, deedna qof kastaa waxa uu abbaaray halkii hawl ama hadal ka xigey.

Baxsan waxa ay noqotey bilicsan ku soo biirtey reerka. Muraayad la isku daawado, oo Eebbahay dhaban iyo dheeh saafi ah ku galadeystay. Deegaankii ay ku dhalatey ee Far libaax, oo hoos taga degmada Beled Weyne, ayaa laga wada jeclaadey. Kolkay kacaantay oo gabadh dhoocil ah noqotey, aabbeheed Samatar cabsi xooggan baa soo food saartey.

Waxa uu ka cabsi qabey haddii Baxsan ay waxoogaa ugu darsanto da’dan hadda ee lix jirka ah, in laba waddo oo mid walba ay tahay dhabbo halaq ay u qorsheysatantahay. In ururka Al-Shabaab ay qasab ku guursadaan, iyada oo da’da intaas ah jirta, ama in dhibaato xooggani ka soo waajahdo ciidamada Amisom, oo tacaddiyo aan loo aabbo yeelin ku haya deegaanka.

II: Muddo kaddib, kolkii ay Baxsan noqotey toban jir waxa maalin maalmaha kamid ah booqasho ku timid deegaanka habaryarteed oo degan Beled Weyne. Markay aragtay Baxsan, oo kortay waxa ay walaasheed Batuulo iyo seeddigeed Samatar ka codsatey in loo oggolaado in magaalada Beled Weyne ay la degto, oo halkaas dugsi kaga darto iyadana lagu ogaado.

Samatar iyo Batuulo markay arrintaas ka fikireen, oo isla kaashadeen waxa ay go’aan ku gaadheen in taladaas ay oggolaadaan. Sidaasna Baxsan ay ku raacdo habaryarteed.

Habeen madow, oo saq dhexe ah ayaa Baxsan habaryarteed iyadoo cabsaneysa la baxsatey. Deegaanka kolkaas waxa ku dul loollamayey labada garab ee Al-Shabaab iyo Amisom, lagumana kala bixin. Balse, labada dhinacba tiro koob ayay leeyihiin dadka ku dhaqan deegaanka. Gabarta yar ee Samatar dhaleyna, duqey iyo da’yarba waa la ogaa, oo aqooni uguma laabneyn. Dhawr jeer oo Samatar la weyddiiyey halka ay aadday gabartiisii Baxsanna, waxa uu kaga gaabsadey “Habaryarteed ayay bilo usoo shaqeynaysaa”.

Kolkii Baxsan la geeyey magaaladii Beled Weyne, iyada lafteeda waxa jooga ciidamada Amisom, iyo ciidamo waxoogaa ah oo ka socda dawladda dhexe. Muddo dhawr bil ah ayuun baa laga haystaa Al-Shabaab, balse dad aan la aqoonsan karin oo ururka kamid ah waa dhex joogaan. Garabkii hubeysnaa baa laga saarey keliya, balse fikrad ahaan waa u joogaan. Baxsan waxa lagu darey dugsi hoose, oo magaalada ku yaalla. Waxa ay noqotey ardayad aad ugu wanaagsan dhanka waxbarashada, dadaal badan, oo aan seeg-seeg lagu arag kolnaba.

Muddo labo sanno ah kolkii ay dhiganeysay dugsigii, waxa ay labadii sannaba u gashey kaalintaa koowaad. Taas oo gabdho iyo wiilalba u riyaaqeen dadaalkeeda aan kala go’a lahayn. Waxa ayna arrintaasi horseedday in loo gudbiyo fasalka afraad, oo laga boodsiiyo fasalka saddexaad.

Fasalkii afraad ayay u gudubtey waxa ayna noqotey ardayda ugu horreeya ee fasalkeedaas cusub. Markii uu dhammaadey sannad dugsiyeedkii, oo ayna dhammeystay dugsigii hoose, una gudbi rabto dugsi dhexe ayaa waxa ay damacday in deegaankeedi ay booqato, waalidkiina soo aragto, oo ku soo indho doogsato.

Habaryarteed walow ay arrintaas diidaneyd, haddana Baxsan waa ku adkeysatey in mar uun ay dhaayaha soo saarto waalidkeed oo ay aad u jeclayd. Waana ay u oggolaatey, sidaas ayayna ku ambabaxday oo ku aadday deegaankii Far libaax. Deegaanku sidii hore ma aha, hadda waxa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab. Baxsan hablihii faceeda ahaa ee ay jabadaanta wada dheelli jireen oo dhan waxa lagu wada darey ragg ka tirsan ururka iyo wiilal ay dhaleen oo dhallinyaro ah.

Markii ay tagtey gurigoodii, aabbeheed iyo hooyadeed si lama filaan ah ayay ugu farxeen aragga gabadhooda. Laabta ayay si wadajir ah u geliyeen, dhunkashana ugu dareen. Wareysi dheer kaddib, waxa ay u sheegtay in ay la joogeyso muddo dhowr mooggan ah. Kaddibna loo furi doono dugsigii, oo ay laaban doonto. Aabbaheed aad buu u argagaxey waxa uuna uga warramay sida xaalku yahay deegaanka, iyo in aan gabadh la dhaafeyn oo nikaax iyo jujuub dhakab lagu siinayo. Arrinkaasi filan waa ayuu ku noqdey Baxsan, cabsi badan ayaa soo waajahday!

III: Kolkii cadceeddii galbatey, dharaartiina habeen isu beddeshay ee la jiifsadey, oo dhegaha iyo tagoogada la is gashadey ayaa tiro koobkii ururka Al-Shabaab soo istaageen ardaaga hortiisii, una yeedheen xaajigii Samatar ahaa. Hurdadii ayaa reerkii ka wada salaley, waxa uuna u sheegay raggii in gabadh uu dhaley ay Beledweyne ka soo booqatey, oo dhawr toddobaad la joogeyso. Iyagoo xanaaqsan, oo ka cadhoodey beenta uu doorkii hore u sheegay iyo sida uu uga qariyey gabadhiisa ayay ku dhaheen:

Raggii: War Samatar illayn gabadha waad naga qarineysay, oo mujaahidiintu yaysan kaa nikaaxsan baad is lahayd sow maaha?

Samatar: May, wallaahi adeerrayaal gabadhu magaalada ayay ka gashey dugsi, markaa waan soo celin kari waayey ee iga raalli noqda!

Raggii: Annagaad been noo sheegaysaa! Ma gabadha dhawrka sanno maqneyd baad na leedahay waan soo celin kari waayey iyo dugsi baa lagu darey? Dugsiga xunkaa ee gaaladu maalgeliso iyo in nin mujaahid ah oorridiisa ay noqoto iyamaa wanaagsan?

Samatar: Wallaahi… … h… …k…f… Gaba…dhu way waxbarasho….j.hg….jeceshay,…. Een… markaa…. Mujaa… guurkuna waa… k. h…… gf.ukaar…. wax wacan.. eee… balse…!!

Raggii: Caadi u hadal xaaji, cidna wax kugu sameyn maysee, maxaad la cabsooneysaa? Immikana waa xilli dambee iska seexo waa inoo berri. Waxa lagaa rabaa inaad timaaddo majliska shuurada ee wilaayada Islaamiga ah ee Far libaax. Allah yaxfidak wa racaak!!!!

Samatar isagoo naxsan, oo anfariirsan misena jareyanaya ayuu ku hoyday ardaagiisii. Aroortiina waxa uu u sheegay gabadhiisa in aysan u soo bixin bannaanka, oo aaanay dhacanta soo dhaafin. Wuxuuna u sheegay in uu u hayaamayo halkaas iyo maqaaxiyii tolka. Balse, uma uusan sheegin halka uu tegayo iyo  in raggii ururku ay ballamiyeen. Duqii waxa uu tagey kobtii lagu lahaa kaaley ee shuuro iyo wilaayada lagu sheegayey. Reerkiisii ayaa dib loo diwaangeliyey,waxaana liiska lagu darey gabadhiisa Baxsan ee u timid.

Waxaana Samatar loo sheegay in amiirka guud ee wilaayada qeybtan Far libaax uu damcey guurka Baxsan, sidaas darteed salaadda duhur in uu ku soo tukado masjidka. Halkaasna looga wada xaajoon doono arrinka guurka.

Samatar waxa uu kobtii kala dhaqaaqay rejo xumo, cabsi, naxdin iyo anfariir ku habsadey ilayskii ifka ee u bidhaamay, taas oo ahayd gabdhiisa mustaqbalka ifaya uu la rabey. Ardaagiisii kolkii uu ku noqdey, goor barqo ah waa ku dhici waayey in uu xaaskiisii Batuulo iyo gabdhiisii yareyd ee Baxsan uu arrinka la wadaago. Aamusni, gacmaha iyo dhabannada oo isku dhega ayaa salaaddii duhur loogu eedaamay. Dabadeedna, isla duhurkiiba waxa deegaankii ka da’ay roob geel dooje ah.

Markii uu qaadayna, ee reerkiina hadhimeystay ayaa uu Samatar dhinaca yara dhigay ardaaga. Isagoo ka fikiraya hoogga iyo hagardaamada ku soo food leh gabadhiisa qaryadda ah, ee aan loo quudhi karin bahalladan afka duubtay.

Isaga oo sidii u jiifa, ayaa uu ku war helay eedaanka salaadda casar. Naxdin ayuu la jareeyey, dhidid waaweynna waa ka soo yaacay. Illayn waxa la gaadhay xilligii ballantee, intuu weyseystay ayuu hore uga jaqaafiyey. Kuna gaadhay iyadoo la aqiimayo salaaddii casar. Waxa tujiyey ninkii amiirka ahaa ee ay wada ballansanaayeen. Samatar waxa uu intii uu salaadda ku jirey ku ducaysanayey “ Ilaahow mar uun Amisom soo gashaa tuulada, si uu dagaal u dhaco, oo aan gabarteyda ula baxsado.. ilaahow dhintaa amiir baaskani… ilaahow…. !!“.

IV: Kolkii salaaddii laga salaamo naqsadey, ee sunnihiina la daba dhigay. Ayaa duqii Samatar ahaa loo sheegay in amiirkii ku sugayo masjidka daaraddiisa, shaahna loogu diyaariyey halkaas. Samatar oo cagaha jiidaya ayaa amiirkii u tagey lana fadhiistay

Amiirkiii: Allaahu Akbar! Allaahu Akbar! Waa Xaaji Samatar, Maasha Allaah. Tafaddal, Tafaddal. Ha is martiyeyn Xaaji. Waa beydkii Alle iyo Amiirkii Wilaayada Islaamiga ah ee Far libaax!

Samatar isagoo naxsan, kana cabsanaya dad qalkan gacan qaadaya, ee wanaagga u muujinaya isagoo ogaa waxa uu gabadh da’yar tartarrada ku dhegay, ee uu derinta ku fuulay. Iyadoo oohin iyo cataabba dhammeystay. Ayuu si baqasho aad u badani ka muuqato ku yidhi:

Samatar: Waan dhawahay adeer!

Amiirkii: Horta adeer Samatarow dad Muslimiin ah ayaynnu nahay. Ilaahayna waxa uu ina faray wanaagga bulshada Muslimka in laga taliyo mar walba. Guurkuna wanaagga bulshada waa kuwa ugu horreeya. Waa raxmad, waa risiq, waa nimco, waa mawadda, waa waa….!! Sidaas oo ay tahay, gabadhaa qaryadda ah ee karti iyo wanaagba meeshii ugu sarreysay Eebbe ku manneystay ayaad iga qarisey. Waa dembi weyn oo aad ka gashey amiirka! Ciqaab ayaa kugu waajibi lahayd, haddaanan kuu tudheyn.

Balse, waan kaa xishooday. Dharka oo lagaa siibo, bulshadana la isugu yeedho deedna hortooda shaabbuug lagula dhaco ayay ahayd. Waan se ku cafiyey dar Alle Xaajiyow. Immikana, waxaan rabey inaad gabadhaada Baxsan i siisid, hadalna adoon ka soo celinin. Sidaasna ay ku noqoto sawjatii al xalaala bi nikaaxin muwaafaqu bi shariicatil Islaam lil amiir!!

Samatar: Adeer …. Waa run…. Oo waa… k …h… een … haddana… guu.. urku waa.. balse,…!!

Amiirkii: Maxaa ku daaray?! Hadal adeer. MIYAAD II DIIDEYSAA GABADHAADA?

Samatar: May! May! Walllaahi kuuma diidin adeer!! Balse, miyaanay ahayn in gabadha aan la soo shawro iyo hooyadeedba?

Amiirkii: Billaahi Caleyk!! Ma maato ayaa go’aankeeda lagala tashadaa? Waa ku sidee adeer!! Naag waa loo taliyaa, Alle iyo Rasuulna sidaas bay fareen!! Arrijaalu qawaamuuna cala-nisaa’i miyaanayd akhrin aayadda tidhaahda?!! Caqli iyo garasho ku filan ma leh dumarku, talana waa tii ina ragg u gooyo uun!

Samatar: Adeer waa run… oo aayaddu waa sidaas. Haddana yaynaan maroojine, sow qoysku in uu isku tashto ma aha intii wax la qabsi lahaa, oo dhibaato ka iman lahayd… ya..ee.. ya.. ?

Amiirkii: Laa, Laa!! Cammii caqligaaga liita ee jahligu ka buuxo Qur’aanka halla doonane. Sidii aabbayaasheen iyo awowyadeen ugu dhaqmeen ayaa innagu waajib ah. Uunkii diinta innooga horreeyayna sidaas ayay ugu dhaqmeen. Adigoo aan ka labba labbeyn miyaad ii diiday mise waad i siisey?

Samatar: HAA! HAA! Waan ku siiyey amiir. Waan ku siiyey. Bilaa meher weliba ayaan kugu siiyey, ee fadlan mar uun i fasax, shaahiin hore ayuu ka fuuqsadey.

Amiirkii: Baarakallaah Xaaji Samatar! Waa sidii lagaa rabey hadalkaasi. Berri galab salaadda casar ayaa lagaa rabaa inaad masjidka timaadid, si aad farjiga Baxsan iigu xalaaleysid. Alxamdulilaah, immikana waad fasaxantahay. Nabaaddiino!!

V: Uur ku taallo iyo af kala qaad ayuu masjidkii kaga soo baxey duqii Samatar ahaa. Talo waa ku caddaatey, cabsi fara badan ayaana ka yeedhsiisey hadalkaas. Hadalkaasina waa ka baxey afkiisa, mana diidi karo! Nin weynoo hadal ka dhacayna waa geed qolof ka dhacday. Hoygiisii ayuu goor fiid ah ku beegmay, iyadoo xoolihii la xareynayo. Gambadh ayuu soo qabsadey dabadeed ardaaga hortiisii ayuu dhigtay. Islaantiisii Batuulo ahayd ayuu u yeedhay, iyada oo kolkaas uun ka faaruqdey lisidda labadii meesi ee reerku lahaa, kuwaas oo kala ahaa adhi iyo ishin.

Gambadh labaad ayay soo qaadatey, deedatana agtiisa ayay ku soo fadhiisatey. “Xaaji bal warran iyo maxaad sheegtay” ayay uga bilowday hadalkii. “Nabad qab iyo gallad Eebbe Batuulo” ayuu ugu warceliyey. Samatar oo faraha jejebinaya, fikir iyo maan tuujisna aannu u hadhin ayaa yidhi:

Samatar: Batuulo, xaaalad adag ayaa ina soo food saartay maanta!

Batuulo: Bisinka! Hee, maxaa dhacay Xaaji?!

Samatar: Waad ogeyd in ay ina soo booqatey gabadheennii yareyd ee Baxsan. Waa tii xaley saqdii dhexena qolooyinkii Al-Shabaabtu innoo yimaaddeen……

Batuulo: Koow! Haye, maxaa kale oo ka dambeeyey markaa Xaaji?

Samatar: Sug Batuulo, ha iga dhex gelin hadalkee. Ma sugto meher ma qabtee!!

Batuulo: Bal waayahee wad Xaaji.

Samatar: Waxa ay iiga yeedheen meeshan ay wilaayada ugu yeedhaan, waa la i diwaangeliyey mar labaad. Gabarteenna Baxsanna waa lagu darey liiskii reerkayga. Intaasi gelinkii hore ee maanta ayay dhacday…… waxa kale oo…

Batuulo: Yaah!! Yaah!! See naloo diwaangelihaa annagoo hore u diwaangashaneyn?! Ma waalanyihiin iyagu?

Samatar: Garan maayee, anba kula mid baan ahee. Dabadeed waxa ay igu amreen in aan salaadka casar ku soo tukado masjidka wilaayadooda, sidii baana dhacday oo waan ku soo tukaday. Waxaana ila ballansanaa amiirka maamula deegaankeenan Far libaax.

Batuulo: Haye! Oo maxas kaa rabey amiirkaasna?

Samatar: Waxa uu i weyddiistay gabarteenna Baxsan. Aniga ayaana lafahayga uga baqday Alle qaadkaas indhaha guduudnaa.

Batuulo: Aboo Aboo!! Oo hadda cunugteenna yariistaa oo toban iyo saddexda jirta mas rabaa in usi nikaaxsado? Adi maxaa ugu jawaabtey mogoo?

Samatar: Wallaahi marar badan baan ka madax adeygay Batuulooy. Balse, wuu ii gooddiyey wax aan sameeyo ayaan garan waayey. Xataa talada in aan kula wadaago wuu ku gacan saydhay. Anna cabsidii baa iga yeedhsiisey “Waan ku siiyey amiir

Batuulo: Alloore anaa i gaartay!!! Oo hadda dad qalkaas maa cunugteenna ku aaminnaa? Se iyada see noqohee haddii warkaan maqasho. Haddana nimankaas hadal ma lagu celin karo waa runtaa. Alla dhib badanaa aduunku!! Tanna manoo dambeysay?!

VI: Baxsan oo ardaaga xaggiisa dambe taagneyd ayaa maqleysay hadalka ay is dhaafsanayeen labadeeda waalid, ee muranka iyo khilaafka ay ka dareemayso. Waana ay maqleysay in amiirka wilaayada uu aabbaheed siiyey. Oohin ayay qabsatey, ilinta ayaa ka dareertay dhabannadeedii aan weligeed biyo mooyee aanay ilin dhanaani qoynin. Qalbiga ayaa holac iyo dhimbiilo aad u xanuun darani kaga bilaabmeen. Waxa ay ku celcelinaysaa hadal qoomamo iyo shalleyto ah

Alla maxaa i keenay tuulo baastan, miyaan filanayey musiibadan maanta igu habsatey? Ma anoo intaas le’eg baa nin la isiiyey, bal maxaa ii mustaqbal ah immika waa tane?

Hooyadeed Batuulo oo hiimhiimsashada oohinta Baxsan maqleysay, ayaa dareentay dabadeedna inta ay gambadhkii ka kacday soo istaagtay ardaaga xaggiisi dambe. Mise waaba Baxsan oo jilbaha ku mudatey dhulka, oohinna ka socoto.

Batuulo: Allla hooyo!! Baxsan ii aamus maamo, ii aamus. Adoogaagan baas waaye waxaas oo dhami….

Baxsan: Kulligiin waa ogtihiin, anaa i khiyaameyseen maahoo? An ma guursahaaye sheeddaankaas, an iskool aa rabaa, ma rabi guur ma rabi ma rabi…

Batuulo: Maba lagu daraayi, aamus mar lee maamo, ballan waaye ma lagugu daraayi…

Habeenkaas reer Samatar waxa ay ku seexdeen murugadaas iyo fajacaas la soo darsey. Talo iyo go’aan toona ma leh. Xeer amar diido ayaa lagu qaadaya labada waalid, hadday juuq dhahaan. Berri galab waxa loo ballansanyahay in Baxsan loo meheriyo amiirkii, duqii Samatar ahaana waa ku qasbanyahay in uu yimaaddo ballanta.

Kolkii aroortii la waaberiistay, ayaa oogtii hore waxa ay duqii iyo duqdii ku wada hadleen meel ka yara fog ardaaga. Waxaana ay go’aan ku gaadheen in aan talo kale oo ay yeelaan guurkan mooyee, aannay tu kale u bannaanayn. Haddii kale naftoodu in ay noolaato shaki la gelin doono. Laba daran mid dooro ayay noqotey. In meherkaas ay oggolaadaan ayay talo ku soo af meereen.

Kolkii la gaadhay galabtii ayuu duqii Samatar ahaa inta uu weysada boobey, hore u gaadhay masjidkii wilaayada ee lagu ballansanaa. Afar oday oo ay tol yihiinna maqaaxi wilaayada u dhaweyd ayuu ka sii kaxeystay, oo arrinkana uu la wadaagay. Masjidkii kolkii salaaddii laga baxey, ayaa la habeeyey, wax jidiinka la mariyana lagu sharraxay, oo aan sidaas u sii badnayn.

Furfurasho iyo salaan kaddib, waxa waddaad xarakada Al-Shabaab kamid ahaa isu meheriyey gabadhii aan guurka oggoleyn, oo aabbaheed oo isna la jujuubey wakiil loo dhigay iyo amiirkii deegaanka Far libaax. Waxaana lagu soo gebagabeeyey baarakallaah lakum, wa jamaca baynakumaa fil khayr wal khayr….. illaa shafka la isa saaray. Dhawr kiish oo lacag laga soo buuxiyeyna shantii odey ayaa cumaamadda loogu laabey.

Waxaaan duqii Samatar ahaa iyo amiirkii isku waafaqeen in gabadha yar ay iska dideyso, saas darteed caawa aanay suurtogal ahayn aqal galku, balse isla habeen dambeba loo xareyn doono. Caawana cudur daarkaas loo oggolaado. Amiirkii oo dhoosha ka qoslaya, maankiisana ka sawirtey in uu toban iyo saddex sanno jir isku kala bixin doono habeen dambe ayaa illaa intii laga baxayey masjidka ku celcelinayey “Haadaa bi fadli laah, wa bi raxmatihii”.

VII: Habeenkii kolkii uu odeygii Samatar ahaa u carraabay reerkiisii, ayaa uu islaantiisii oo ardaaga hortiisii boorash ugu karineysa reerka soo dul joogsadey. Bariidin iyo is xog wareysasho kaddib, waxa uu si hoose u weyddiiyey duqdii in ay huruddo iyo in ay soo jeeddo Baxsan. Waxa ayna ku tidhi “Way huruddaa oo way iska daalaneyd maanta”. Cashana ma sugine, hore ayay isu tuurtey. Kolkuu hubsadey soo jeed la’aanteeda ayuu damcay in uu si toos ah ugu warramo Batuulo.

Samatar: Naa batuuulo maanta gabarteennii baan soo meheriyey, oo waanigii maanta oogta waaberigeedii go’aan ku gaadhay inaan tego meherka ma garatay?

Batuulo: Haa Xaaji, si fiican ee bal ii warran, maxaa meesha ka dhacay?

Samtar: Gallad Eebbe ayay ahayde, gabartiina waan soo meheriyey, meherkii iyo gabbaatigiina waan innoo soo qaadey?

Batuulo: Maa Sha Allaah, wallaahi waynnu isaga baahnayn Samatarow. Kol walbana naagi waa sugto, dee intii qoorteenna iyo gacamheenna la goyn lahaa innagoo bixinna ayaa la innoo qaatey.

Samatar: Haa. Waa sidaas Batuulo, talo kale ma jirtee. Intanna iga qabo bal waa intii xaawaleyda loogu talo galey e.

Batuulo: Keen Xaaji, waa si wanaagsane. Berri ayaan casuumi doonaa xaawaleyda jaarka una sheegi doonaa munaasibadda cunugteennee.

Samatar: Waa hagaag Batuulo. Balse habeen dambe Baxsan waa in la geeyaa guriga amiirka, caawa waan cudur daartey mooyee, isla hadda ayuu rabeyba!

Batuulo: Bisinka oo iimaan la’aa wuxu! Gabadha muddo halla naash naashee muu sugo, xagguu ku xidhaan jirey wuxu. Dugaagsanaa!

Samatar: Mooyidiisa Batuulee, wadaad oo dhan baa sidaa isaga kulule. Habeen dambe aqal galku yuuusan dhaafin, haddii kale waan isku dhacaynaa amiirkee.

Batuulo: Bal waayahay Xaaji. Anaa intaa dhammeynaya ee igu daa.

Saamtar: Hawraarsan.

Kolkii aroortii waagu beryay, ayaa Batuulo damacdey in ay gabadheeda Baxsan ku qalqaaliso oggolaanshaha guurka, waxa ay u sheegtay in meherkii shalay dhacey, wax kale oo la sugaana uusan jirin. Badbaadinta waalidkeed iyo qoyskeeduna ay iyada oo oggolaata aqal galka ku xidhantahay. Laba daran mid dooro ayaa ay noqotey, Baxsanna talo kale oo saddexaad oo u baannaan ma jirto! Ugu dambeyn waxa ay ka labba labbeysaba, Baxsan waa oggolaatey arrinkii.

Batuulo iyo asxabteedii jaarkuna waxa ay bilaabmeen in ay diyaariyaan aroosaddan da’da yar, ee caawa ay u tahay gudcurkii god lagu ridi lahaa mustaqablkeedii ifayey. Wixii cillaan iyo cusbur lagu dhoobo, huruud iyo qasilna kal iyo hoos lagaga duuggo ayaa laga soo saarey caruusad widh widheysa, oo dhabankeedii dheeha lahaa, ee murugada dharaarihii u dambeeyey dishootey lagu soo kabo oo mar labaad lagaga dhalaaliyo. Balse si kasta oo muuqa iyo diirka loo qurxiyo, kasha iyo rabitaanku waa kuwo murugeysan oo sida dhimbiisha u holcaya!

VIII: Kolkii  laga baxey salaaddii casar, ee shaah, salool, xalwo lagu casariyeeyey. Ayaa la bilaabay in Baxsan la gelbiyo oo baabuur xaajiyad ah(Toyota) oo amiirku u soo direy shidhka hore la saaro. Dhallinta gelbineysa oo dumar keliyaata ahna xaajiyadda xaggeeda dambe la saaro. Baxsan weligeed isma odhan baabuur xaajiyad ah ayaad arooskaaga raaci doontaa. Weligeed isma odhan tuulo sidan u baaba’ ah ayaa lagugu guursan doonaa.

Weligeed isma odhan nin aanad jeclayn ayaa aqal laguugu xareyn doonaa, misena aad kaaga da’weyn. Dhegaheeda waxa intii la gelbinayey aad uga batey islaamaha jaarka ee ku leh

Hooyo farax, maxaa ku haya ee aad afka la buureysaa? Naag ninkii dhali kara ayaa dhaqi karee? Ilaahay ugu mahadnaq sawjka aad heshay, hadduuba ku doortey amiirka wilaayadeennu? Waxbarasho waxba kuu tarimayso, kolleyba naag guri sugeysa ayaad ahayd. Haddana calafkaagii ayaa kuu yimide gacanta qabso oo hore ka raac…”. 

Hadalladaasi waxa ay qalbigii holcayey ee Baxsan ku noqdeen sidii baatrool loogu sii darey oo kale, oo holacii ayaa holac ugu darsamey, murugadiina u laba jibbaamatey!

Wixii la soo wadaba, gurigii amiirka ee arooska loogu talo galey ayaa la keenay. Durbadiiba waxa soo dhaweeyey saddexdii xaas ee uu hore amiirku u qabey oo Baxsan da’deeda oo kale ah. Marka laga reebo hal mid oo ah ta ugu weyn oo iyadu saddex gu’ oo keliya Baxsan ka weyn. Baxsan way naxday, amankaag iyo fajac ayay ku noqotey. Qolkeedii caawa lagu bakhtiin lahaa ayaa la dhex geeyey. Gacmuhu waa ay gariirayaan, dhidid ayaa kor iyo hoosba ka qulqulaya jidhkeeda.

Kolkii salaaddii cishe laga baxey, ayaa amiirkii oo xabaasuud lagu darey xulbad iyo xildiid soo cabbey uu u soo galey. Urtaas soo kaaheysa ayay marada sanka saaratey Baxsan. Isagoo ka xanaaqay in ay sanka ka qabsatey, ayuu si qeylo leh ugu yidhi:

“MA SAWJKAAGA XAALASHA AH AYAAD SANKA KA QABSANEYSAA? Alle ka cabso ukhtii fil islaam!” Kolkii uu dharkii la baxey, ayay ku dhici weydday in ay eegto Baxsan. Oo miyay eegi kartaaba, ma wax la eegaa dadqalkani?!

Waa afartan jir kal iyo hoosba shaasheystay, murqihiisu adkaadeen, oo adkaadeen, oo geeljire isku tuntay aad mooddo. Baxsan kolkay aragtay in uu u soo socdo dhankeeda ayaa ay is tidhi baxso, mise dhab ayuuba siiyey. Wax ay is adkeysaba, ugu dambeyn xoog ayuu ku fuulay. Oohin iyo cadaab aannay weligeed maleysan ayuu dareensiiyey. Habar wacashadeeda iyo oohinteeda dadkii oo dhan waa ay maqlayaan , haddana juuq looma odhan. Qof kasta dhegaha ayuu ka fureystay. Habeenkaas sidaas ayay ku dhammaysatey Baxsan. Dharaaro badan ayaa sidaas ay ku jirtey, oo aan loo kala aabba yeellin aroor, barqo, duhur, casar, fiid, cishe, saq dhexe, hiirta waaberi.

Wixii cadaabkaas iyo ciilkaasi nolol maalmeed u noqdo Baxsan, ayaa muddo ka soo wareegtay. Laba sanno kaddib, iyadoo muuq ahaan iyo maan ahaanba is beddeshay. Dil joogto ahna uu amiirku habeen kasta iyo kol kasta oo ay amar diiddo sameysaba uu la dul taagnaa. Ayaa goor barqo ah deegaankii Far libaax ay weerar ku soo qaadeen ciidamadii Amisom.

Dhammaan xeryihii iyo deegaannaddii ku hareeraysnaa Far libaaxna ay Amisom hore gacanta ugu soo dhigtay, ayaa Far libaaxna la isku haleelay goor barqo ah, dagaal aad u qadhaadh oo meydka iyo dhaawaca labada dhinacba uu tiro beelay ayaa ka dhacay kobtaas. Libintiina waxa heshay Amisom, oo si gaadmo leh hub iyo saanad culusna sidata ay kula dul dhacday Al-Shabaab. Amiirkii iyo laba guuto oo uu watana waxa ay firxadkii galeen deegaanno ka tirsan shabeellada dhexe.

IX: Deegaankii Far libaax waxa si buuxda ula wareegay ciidamada Amisom. Waxa ay deegaankii ka aasaaseen dugsiyo waxbarsho oo ay bilaash ku sheegeen. Cisbitaallo iyaguna bilaash ah iyo xarumo kale oo bulshada loogu talo galey. Baxsan iyo hablo badan oo kale oo asaaggeed ah u dhaxeyso da’doodu 11-jir illaa 17-jir, ayaa loo dhisay teendhooyin iyo xeryo ay Amisom leedahay. Muddo bil ah kolkii halkaas lagu xannaaneynayey carruur ay Baxsan ka mid tahay. Ayaa Baxsan waxa ku soo baxey uur aannay filaneyn. Mana ahayn wax ay ku keliyeysatay, balse hablo yaryar oo iyada lamid ahna waa lagu arkay uurkaas.

Qeybtii caafimaadka u qaabilsaneyd Amisom iyo hay’adihii kaleba waxa ay Baxsan iyo hablihii yaryaraa ee uurka lagu helay, oo dhan ku amreen in ay toddobaad kasta tagaan xeryaha caafimaadka ee bilaashka ah. Kuwaas oo ay maamulaan ciidamada Amisom. Si loola socdo xaaladdooda caafimaad iyo halka ay mareyso.

Baxsan waxa la soo dersay dhibaatooyin ka badan intii hore, hadda waa laba qof oo isku dul nool. Waalidkeed meel ay kaga warranto garanmayso, asxaab ma jirto, tol iyo tolane toona meel kuma oga. Waa gabadh yar oo 15-sanno ah. Mustaqbalkeedii lagu dheelay, diihaalka iyo darxumada ka muuqata aan la maleysan kareyn.

Aroor walba waxa ay ku kallahdaa xeryaha Amisom mid kamid ah, si ay biyo uga soo dhaansato. Jirikaan aannay xadkiisa qaadi kareyn ayaa ay dhabarka ama sinta ku soo xammaashaa. Mararka qaar biyaha waa loo diidaa, cuntada kalena waa lamid ah oo sida ay ku hesho ayaaba adag. Gaar ahaan toddobaadkii u dambeeyey ee hay’addu ku tidhi waa inaad ku xidhnaataa xeryaha caafimaadka ee Amisom. Maan garaneyso sababta ay ciidamda Amisom u cadaadinayaan ee u xisdidiyaan.

Aroor kamid ah arooryaha, oo aannay cidiba soo toosin dadkii xeryaha ku jirey. Ayaa Baxsan damacday in aan looga dheerayn biyaha iyo gasiinka, oo ay hore u gaadho. Aroortaas ay hiirta waaberi jarmaadday wax ay is lahayd farxad ayaad la soo noqon doontaa, balse ma aysan noqon sidii ay fileysay. Kolkii ay gaadhay xafiiskii ciidamada, ayaa mid kamid ah saraakiishii Amisom uu u tilmaamay in ay teendhadan ciidamadu leeyihiin ee xafiiska hortiisa ah ay ku sugto inta uu isasoo diyaarinayo.

Teendhadii ayay dhaxanta dhaceysa ka gashay, waa cidla’ teendhadu. Dhawr miis oo ay ciidanku ku shaqeeyaan iyo dhawr sariir bukaan, oo go’yaal cadcad saaaranyihiin ayaa yaalla. Kolkii ay cabbaar fadhiday, ayaa mar qur ah u soo wada galeen sarkaalkii Amisom iyo wiil tujumaan ah oo la socda. Waa ay u yimaaddeen Baxsan, laba kursi ayaa soo hor dhigteen. Baxsan oo is leh waxa lagaala hadli doonaa arrimaha ah in laguu fududeeyo baahiyahaaga aad xerada u soo doonato. Ayaa uu sarkaalkii hadallo af-ingiriisi ah ku la hadlay ninkii turjumaanka ahaa. Ninkii Soomaaligii ayaa Baxsan u turjumay kuna yidhi:

Soomaaligii: Baxsan ninkani waa askariga ugu sarreeya ee xeradan aad ka tirsantahay, waa nin wax badan kuu qabanaya, aad kuu qaddariya, wixii aad rabto oo dhan ku fududeynaya balse waxa uu kugu xidhayaa hal sharddi oo ah in aad goorta uu doono derin iyo furaash u noqoto!!

Baxsan oo yaabtay, naxday, cabsootey oo amankaag ku dhacey ayaa kor u tidhi “YAAH! YAAH! Maxaad tidhi wasakhyahow?! Maxaad imoodday aniga waryaa?”. Turjumaankii iyo sarkaalkii oo ka yaabbay sida ay waji gabaxa uga muujisay arrinkaas, ayaa af ingiriisi iskula hadlay… Deedna hal mar ku war heshay uun iyadoo lagu soo boodday, deedna afka la qabtay.

X: Baxsan kolkii afka la qabtay, waxa isla durbadiiba lagu durey irbaddii suuxdinta. Kaddib maankii iyo miyirkiiba waa ka tagey. Waxa ay ku war heshay iyadoo maryihii laga jeex jeexay, qoyaan badan uu jidhkeeda ka muuqdo. Iyo iyadoo dul saaran mid kamid ah sariirihii bukaanka loogu talo galey ee teendhada dhex yaalley. Waxa ay keliya xasuusataa iyadoo afka la qabtay deedna irbad lagu mudey. Hareeraha ayey fiirisey mise cidiba ma joogto. Bannaanka uma bixi karto, oo hu’gii waa laga jeex jeexay. Weli maankeeda milgihii iyo sharaftii waa ku hadheen.

Madaxa ayay ka soo riddey teendhada inta hore, deedna waxa arkay sarkaalkii saaka aroortii la joogey. Inta uu turjumaankii Soomaaliga ahaa soo kaxeystay ayay mar labaad u soo galeen Baxsan. Inta ay isku yax yaxdey, ayay mid kamid ah go’yaashii cadcaddaa ee sariirta ku goglanaa isku qarisay. Deedna sarkaalkii oo qoslaya, aadna ugu jees jeesaya ayaa u soo dhawaadey deedna hadallo afka ingiriisiga ah ayuu kula hadlay. Kii Soomaaliga ahaa ayaa u turjumay kuna yidhi:

Wuxuu ku yidhi maxaad isla qarineysaa, maanta oo dhan baan ku daawanayee, kaana dhergee!”.

Kolkii ay intaa maqashay ayaa Baxsan wadnuhu go’ay. Oohin iyo baroor ayay bilowday. Dhulka ayay isla dhacdey, iyadoo ku qelinaysa hadallo ay ku canaananeyso tujumaankan ay dhiigga la wadaagto, misena sarkaalkan daba dhilifka u ah, waxa ayna ku cataabeysay

Damiir laawe ayaad tahay, ma walaashaa ayaa cadowga loo jebiyaa? Miyaan gabadh kula dhalan? Damiirkii xagguu kaa aaday? Naxariistii walaalnimo aaway, miyaanad Soomaali ahayn?” Turjumaankiina uma jawaabo, ee isaga iyo sarkaalkii ayaa qosolka isugu jiibiya sida ciyaartii jaan dheerta iyo dhaantada.

Si kedis leh ayay u tuseen Baxsan muuqaal ay ka duubeen, iyada iyo ninka sarkaalka ah wixii saaka uu ku sameeyey. Way Naxday! Oo afka gacanta saartay, oo iyadoo ooyeysa jilbaha qabsatey wiilkii turjumaanka ahaa. Iyadoo ka codsaneysa in uu ka tirtirto, oo sharafteeda u ilaaliyo. Wuxuuna ku yidhi:

Haddii aad rabto inaan la baahin muuqaalka, waa inaad mar kasta oo sarkaalkan iyo kuwo lamidka ah kuu baahdaan aad oggolaataa. Haddii kale muuqaalkan ayaan baahinayaa, oo dhammaan dadka deegaanka iyo adduun weynaha tusayaa”.

Iyadoo oo jareynaysa ayay “Waayahay” ku soo koobtay warraaqeedii. Waddo kale oo aan taas ahayn uma bannaanyn. Markanna, sidii ay guurka amiirkii u oggolaatey ayay mar labaad falkan aadka u liitana u oggolaatey. Baxsan sidii ay biyaha iyo gasiinkaba u soo doonan jirtey aroor kasta ayay kol kasta oo saraakiisha Amisom u baahdaanna ugu timaaddaa, oo sidii la doono ay ka yeelaan. Mustaqbalkeedii god ayuu ku dhacay, jid iyo jiho ay ka baxdo garanmayso.

Murugo iyo diihaal uma reebbana! Indhihii waa qalaleen oo ingageen sidii oohintu uga socotey. Cidla’ iyo ciirsila’ ayay noqotey Baxsan. Waxa ay dharaar uun rajeynaysaa iyada iyo kumanaanka lamid ahiba, in ay cadaabtan ka baxaan oo loo gargaaro lana samata bixiyo.

Halkan kala deg sheekada oo dhammeystiran: https://abdifatahbarawani.files.wordpress.com/2019/09/galbashada-ilayskii-ifka.pdf

Facebook Comments