Nabadsugidda (Security) Soomaaliya waxa ka masuul ah sida hadda ay u dhisan tahay dawladdu waa wasaaradda amniga. Wasaaraddaas baa si buuxda uga wakiil ah dhammaan wixii khuseeya amniga dalka. Laakiin ilaa hadda ma cadda sababta loogu baahday wasarad amni (Ministry of Security).

Dhammaan haykallada dawliga ah waxa amniga ka masuul ah wasaaradda arrimaha gudaha.

Hay’adda NISA

Hay’addani waxa ay si gaar ah uga masuul tahay nabadsugidda iyo sirdoonka dalka (Gude iyo Dibadba). Laakiin awood uma laha wasaaradda amnigu in ay maamusho hay’addan, oo waxa ay toos u hoos tagtaa madaxweynaha. Waa fahamxumada labaad ee ku jirta haykalka loo dhisayo amniga Soomaaliya. Sidaa darteed wasiirkii dhammaa ee amnigu awoodba uma laha hay’ad hoose, taliyaheeda ama agaasimaheedaba in uu maamulo.

Haddii hay’addan la rabo in ay hoostagto guddida fulinta (Madaxweyne ama Raiisal Wasaare), waa in aanay jirin wasaarad amni. Sababta oo ah wasaaradda amnigu waa gaar (Special), ku keliyaysatay shaqo cayiman oo ah nabadgelyo. Wixii amni ahna ay tahay in iyada looga dambeeyo, sida wasaaradaha kale.

Beddelidda Taliyaha ama Agaasimaha NISA

Taliyaha hay’adda oo aan lahayn muddo xileed ku filan, oo uu ku fahmo, kula qabsado, qorshena ku dejiyo waa mid ka mid ah waxyaalaha teedka ku ah in la gaadho qorshe amni oo buuxa. Agaasimaha marka la magacaabo, waxa ugu badan midka jooga saddex ama laba sanno.

Hay’addan caadi ahaan waxa loogu talogaley ugu yaraan shan sanno in uu qofku madax ka ahaado, ugu badnaanna waa 10-30 sanno. Weliba kolka la magacaabayana waa in uusan noqon mid bannaanka ka yimid, ee waa in uu hore xubin (sarkaal) uga ahaa hay’adda.

Tusaale ahaan dawladda KENYA oo kale, taliyaha hay’addaasi waxa uu joogaa ugu yaraan 5 ama 10-sanno, ITOOBBIYA oo kale waxa uu joogaa taliyaha hadda haystaa 25-sanno, JABBUUTI waxa uu joogaa ku dhawaad 30-sanno, SUUDAAN oo kale waxa uu joogaa wax ka badan 20-sanno, iwm. Qofka haysta khibarad iyo waaya-aragnimo toban sanno iyo ka badan ah, waa qof lafdhabar u noqon kara dhammaan xaaladda guud ee dalka, siiba amniga.

Taliyaha oo la beddelo dhawr qodob bay ku mushkilad ku tahay, horta waxa ugu horreeya ee in la isla fahmo ay tahay waa taliye la beddelo, oo ku kale lagu beddelo waxa ay keentaa la qabsigii hay’adda iyo saraakiisheeda oo burbura. Innaga oo og weliba in had iyo jeeraale la magacaabo qof bannaanka ka ahaa hay’adda. Muddo ayay qaadanaysaa inuu fahmo hay’addii, saraakiishii, qorshayaashii iyo wax walba oo hay’adda khuseeyay.

Waa ta labaade, haddii uusan jirin qorshe diyaarsan oo laanta fulinta ee madaxweynaha, raiisal wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha (wasiirka amnigu) aysan isla meel dhigin, taliyahana la kaashan gebi ahaanba ma jirto sabab eedda amniga gebigeedaba loo saaro agaasimaha la magacaabay. Sidaad darteed waa laba mid uun: in taliyaha loo dhaafo muddo ku filan, si uu isagu wax u fahmo oo qorshe amni u keeno, ama in laanta fulintu ay iyagu qorshe la yimaaddaan Dabadeedna hay’adduna ay taas ku shaqeyso oo lagula xisaabtamo.

Ciidamada Gaarka ah

Ciidamada tirada badan ee la soo tababbaro sannad walba, ee magacyada kala duwan loo bixiyaa, wax aan hagardaamo ahayn kuma aha qaranka. Ciidamo gaar ah (special forces) aan xad lahayn, waa waxyaabaha keenay khalkhalka amni ee Soomaaliya.

Ciidanka dalku waa in uu shan noqdaa: booliiska, millateriga, sirdoonka, cirka iyo badda. Ciidamada gaarka ah iyaguna laba mid ayay noqonayaan in booliska la hoos geeyo, ama millateriga ama hay’adda nabadsugidda u qaabilsan dalka.

Laakiin Soomaaliya ciidamada lagu soo tababbarayo kuwii dalku lahaana kama mid noqonayaan (oo dalkii waa bilaa ciidan baa lagu lee yahay), kuwii la soo tababbarayna dawlado iyo hay’ado shisheeye ayay hoos tagaan. Si kale marka loo fiirinayana waxa ay noqon karaan ciidan aan qorshe iyo mabda’ lahayn, oo waxa sarkaalka shisheeya u jaangooyo uun ku dhaqmaya. Ciidankaas bilaa qorsha, mabda’ ah ee aan dawladda laamaheedana hoos imanayn ha ka sugin in ay dalka xasiliyaan.

Xalku Waa Maxay?

Caqabad iyo dhibaato aan xal lahayn ma jirto, dhammaan dhibaatooyinkani waa waxa uu waajaho qaran burburay oo dib u dhismaya. Gaar ahaan kolka la joogo qeybta amniga (Security Section). Sida aan korka ku sheegayba, waa in dib loogu noqdaa hannaanka amniga iyo masuuliyaddiisa (Security Struture and its Responsibilities).

B) Wasaaradda amniga ama wasaaradda arrimaha guduhu, waa in mid si toos ah loo hoos geeyaa dhammaan hawlaha amniga, lagulana xisaabtamo, qorshe cad oo qodobaysanna ay keentaa ama la hor dhigaa. Wasaarad amni in aan loo baahnayn baa aan ku dheganahay anigu, oo arrimaha gudaha ay tahay masuuliyaddiisa.

T) Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda (NISA), sida ay u shaqeyso, loo habeeyo, loo hawlgaliyo ayaa uu amniguna noqonayaa. La’aanteed wax guul amni ah lama gaadhi karo, sida ay u toosto ee looga daacad noqdo ayaa amnigu u sugmayaa. Sidaa darteed taliyaha oo bedelidda macno darrada ah laga dhaafo, waa tallaabo wax ku ool ah oo hore loogu qaaday amniga.

Aqoonta nabadsugid iyo sirdoon ee saraakiisha oo kor loo qaado, noloshooda shakhsiga ah iyo mushaharkooda oo la damaanad qaadaana waa lagama maarmaan.

Ugu dambeyn, isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo hay’adda, taliyaheeda iyo saraakiisheedaba ayaa muhiim ah. Hay’addanna haddii ay ka fursan waydo waa in ay wasaaradda arrimaha gudaha ku xidhan tahay si toos ah, ama ay u hoos tagtaa si toos ah ama dadban. Madaxweynaha iyo raiisal wasaaruhuna waa labada shakhsi ee sida gaarka ah uga masuulka ah hay’addan.

J) Guddiga fulinta ee madaxweynaha, raiisal wasaaraha, ku-xigeenkiisa, iyo dhammaan hawlwadeennada kale ee ay khusayso hadba sida ay uga daacadda yihiin arrinta nabadgelyada. Weliba haddii ay yihiin koox abaabulan oo guuleystay (Well prepared team), waa waxyaabaha ugu horreeya ee beddeli kara xaaladda guud ee amniga dalka. Iyaga ayaa ah shidaalka iyo maskaxda dhammaan waxan oo dhan dhaqaajin karta, haddii ay ka gaabiyaanna waa ku daayay amnigu, haddii ay ifafaale wacan muujiyaanna waa hubaal in uu si buuxda amnigu ugu soo noqonayo gacanta dawladda.

X) Barlamaanka, labadiisaba aqalba waa in ay abaabulaan guddi la mid ah guddiyada kale oo ku hawlan arrimaha amniga iyo la xisaabtankiisaba. Haddii qodobada hore oo dhan shaqeyn waayaan, barlamaanku waa isha keliya ee rejo ee weli sii hadhay. In kasta oo caqabad adag jirto oo ah kala madaxbannaanaan la’aanta laamaha sharcidejinta iyo laanta fulintu, haddana waa aynnu ku qasbannahay in la biya biyaysto waxa la haysto.

Facebook Comments