Qoraalladii taxanaha ahaa ee aan kaga hadlay sunta lagu duugay badda iyo barriga Soomaaliya, kuwaas oo aan baahiyay bilihii Febraayo iyo Maarso ee sannadkii hore 2019. Waxa aynnu ku dhex sheegnay maqaal ciwaankiisu ahaa “The Italian Connection: How Rome Helped Ruin Somalia?” oo uu saxafi Talyaani ahi ku qorey jariiradda Washington Post, sannadii 1993-kii.

Haddaba maqaalkii waxa ay dantu qasabtay maanta in aan afka Soomaaliga u turjumo, maaddaama oo xog badan uu xambaarsan yahay, bulshaduna ay u baahan tahay si loo wada fahmo. Maqaalkii oo turjumani waa sidatan:

Dhibaatada Soomaaliya waxa uu asalkeedu yahay musuqmaasuqii siyaasadeed ee cakirnaa ee Talyaaniga. Sannadihii siddeetamaadkii, siyaasiyiinta iyo ganacsatadu Talyaaniguba waxa ay dalka (Soomaaliya oo ay mar gumeysteen) ay ka dhigteen garoon ay ku baabi’iyeen mashaariic waaweyn, kuwaas oo wax yar loogu qabtay shacabka ama xaqiiqo ahaanba carqaladeeyay oo dhaawacay bulshada Soomaalida.

Marka uu Talyaaniga burbur ku waday Soomaalida maxay haayeen madaxda soomaalida mise shisheeyaha ayay marwalbo ka jecelyihiin sokeeyaha?

Waa hubaal in Talyaanigu uu masuul ka yahay dagaallada qabiilleysan iyo xasuuqa Soomaaliya” sidan waxaa yidhi Francesco Rutelli oo ah xubin ka mid ah ururka cagaaran ee deegaanka (Green Party), kaas oo kaalin muhiim ah ka ciyaaray in uu soo bandhigo fadeexadda Talyaaniga. Maraykanku, in kasta oo uusan ku luglahayn arrimaha Soomaaliya, haddana si fiican ayaa uu uga warqabay waxa ka socda.

Laba danjire oo Maraykan oo Rooma u fadhiyay, kuwaas oo la kala dhaho Maxwell Rabb III iyo Petter Secchia ayaa ka warbixiyay ansixinta Washington ee siyaasadda Talyaaniga ee Geeska Afrika ee siddeetamaadkii, iyaga oo xiganaya diblumaasiyiin Maraykan ah iyo saraakiil Talyaani ah. Xaqiiqada bakheylnimada Talyaaniga ee uu ku sameeyay Soomaaliya waxa ay ku caddahay dukumantiyo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo laga heli karo barlamaanka Talyaaniga.

Dokumantiyadaas oo tilmaamaya in Talyaanigu uu maalgeliyay 114 mashruuc oo Soomaaliya ah intii u dhexeysay 1981 – 1990-kii oo ku baxay wax ka badan 10 billion oo dollar. Kolka wax yar laga reebo (Sida barnaamijkii tallaalka oo ay fuliyeen hay’ado aan dawli ahayn), dhaqdhaqaaqyadii Talyaanigu waxa ay ahaayeen wax aan macquul ahayn oo qashin ah.

Qiyaastii 250 $ million ayaa lagu kharash gareeeyay waddada Boosaaso iyo Garoowe oo cabbirkeedu dhan yahay 450 killometers oo xigta saxaraha lamadegaanka ah, ee ay reer guuraagu lugta kaga gudbaan. In ka badan 40 $ million ayaa lagu kharash gareeyay cisbitaal cusub oo laga dhisay Qoryoolay oo ku taal koonfurta Muqdisho, oo lagu qalabeeyay mashiinnada casriga ah iyo qolalka hawlgallada. Iyada oo aanay Soomaalidu garanayn sida loo isticmaalo qalabkan, dabadeedna uu qurub-qurub u kala daatay cisbitaalkii.

Dawladda Talyaanigu waxa ay 95 $ million ku bixisay bacriminta dhirta ee Muqdisho, kaas oo aan gebi ahaanba hirgelin. Xataa Talyaanigu jaamacad Soomaaliya ayaa uu aasaasay, iyadii oo haddana bulshadu 98 % ay tahay juhalo aan waxna akhrin waxna qorin (Illiterate). Barafasoorrada Talyaanigu waxa ay mushahar ahaan u qaadanayeen bil kasta lacag dhan 16,000 $ iyo 20,000 $.

Haddii aan sidaa u fiirinno laga soo bilaabo 1981-kii ilaa 1991-kii deeqdii Talyaaniga ee Soomaaliya waxa ay ugu badnaan u dhigantaa 50% dakhliga guud ee dalka (GNP), iyada oo uu sannadahaasna Talyaanigu ahaa cidda ugu deeqda badan Soomaaliya” ayaa uu yidhi Francesco Rutelli, waxa kale oo uu yidhi Rutelli: “Waa ay fududdahay in aad aragto saameynta taban ee aannu yeelannay iyo sida ay masuuliyaddaasi korkayga u tahay.”

Agronomist ka soo jeeda gobolka Florenca ee Talyaaniga oo lagu magacaabo Piero Ugolini, kaas oo ka soo shaqeeyay (si farsamo ahaana) safaaraddii Talyaaniga ee Muqdisho intii u dhexeysay 1986-kii ilaa 1990-kii ayaa sheegaya in badanka mashaariicdii iskaashi ee Talyaaniga la fulinayay iyada oo aan la tixgelinayn saameyntooda ay ku leeyihiin bulshada. Natiijaduna waxa ay noqotayba buu lee yahay in xiisaddii bulshada ka dhex socotay ay kor u kacdo oo ay horseedday dagaal sokeeye.

Illaa hadda Talyaaniga waa dal aan faraha kala bixin siyaasada Soomaaliya.

Tusaale ahaan Febraayo 1988-kii, Talyaanigu waxa uu ugu deeqay 4$ million si loo dhiso shirkad wadaag ah oo iibin doonta lo’da iyo idaha, oo ka iibsaneysa bulshada xooladhaqatada ah ee Soomaalida. Xoolahaas waa la naaxiyay oo waa la dhoofiyay, si ay dawladda Soomaaliya ugu hesho lacag caadi ah (Hard Currency). Hal sanno ka dib, M. Siyaad Barre waxa uu 3,500 oo madax lo’aad ah ka iibiyay ciidamada Yaman, si uu ugaga beddesho hub uu kula dagaallamo mucaaradkiisii, sida uu sheegay Ugolini.

Waxa kale oo uu Ugolini leeyahay: “Deeqdii Talyaaniga waxa loo isticmaalay in looga faa’iidaysto bulshada xooladhaqtada ah, si loogu taageero talis aan waxba ku soo kordhinayn horumarka gudaha, kana masuul ahaa dhimashada badan ee dadkiisa.”

Ugolini waxa uu tilmaamayaa in masuuliyiinta Talyaanigu ku guuldarreysteen in ay joojiyaan adeegsiga wax uu ugu yeedhay “Nooca Addoonsiga ee Casriga ah” ee ka jirey beerta Duca-degli ku taallay Jowhar. In ka badan 3,000 oo qof ayaa laga shaqaaleysiin jirey sannad kasta beerta oo badankood ka yimid Jeel ku yaalla badhtamaha dhirka sonkortu ka baxdo.

Shaqaalaha kale waxa ay ahaayeen (Ku-meelgaadh) oo liiska lagu buuxin jirey kolka ay shir wada leeyihiin maareeyaha beerta, booliska, hoggaamiyayaasha deegaanka iyo ururrada shaqaaluhu. Mushaharka maalin laha ah ee la bixiyo waxa uu ahaa 500 ilaa 700 oo liirada Talyaaniga ah oo u dhiganta 50 cent (Half dollar). Iyada oo ka dambeysa mashaariicdan aan la illoowi karin ayaa salka ku haysa musuqmaasuq duugoobay. Shirkadaha dhismaha iyo injineerrada Talyaaniga ee lagu abaalmariyay mashaariic qaali ah ayaa dib-u-dhac ku keenay heerka siyaasadeed ee Rooma iyo siyaasiyiinta maxalliga ahba.

Cashuur bixiyaha Talyaaniga ah ayaa ku gacan saydhay biilka! Xakamaynta deeqaha iyo mashaariicda horumarineed waxaa wada wadaagay dhammaan xisbiyada siyaasadda, isla markaana si isku mid ah ayay u qeybsadeen dhammaan shaqooyinka ka jira waaxyaha dawladda iyo dawladdaba. Itoobbiya oo hore u ahayd dal uu Talyaanigu gumeystay oo ku taal Geeska Afrika ayaa iyadana la guddoonsiiyay abaalmarinta Masiixiyiinta. Xisbiga hantiwadaagga ee Soomaaliya isna waa uu helay.

Xidhiidhka fog ee hantiwadaaggu ku lahaa M. Siyaad Barre waxa uu soo bilaabmay horraantii toddobaatanaadkii, markii uu keligii taliyahii mustaqbalku qaatay hantiwadaagga, wacadna uu ku maray in uu isbeddel kacaan ku sameyn doono bulshada xooladhaqatada ah ee Soomaalida. Ugu horreyntii, M. S. Barre waxaa qaatay xisbiga hantiwadaagga ee Talyaaniga, xubnaha xisbiga, indheeragaradka bidix iyo ganacsatada kalgacalka leh oo ku soo noqnoqoyay Soomaaliya.

Laakiin xidhiidhkaas ayaa si lama filaan ah ku dhammaaday bilihii ugu horreeyay ee 1978-kii, ka dib markii M. S. Barre uu dagaal ku qaaday gobolka Ogaadeeniya ee ka tirsan Itoobbiya. Duullaankii Soomaaliyana waxa uu ku dhammaaday guuldarro iyo sharafdhac. Dabadeed M. S. Barre waa uu ka goostay Moosko, waana uu iska fogeeyay hantiwadaagga cilmiga ah.

Oktoobar 1978-kii ayaa markii ugu horreyay laga furay magaalada Milano rugta ganacsiga ee Talyaaaniga iyo Soomaaliya. Tallaabadii ugu horreyay ee isbaheysiga siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiga hantiwadaagga kacaanka Soomaaliya iyo xisbiga hantiwadaagga Talyaaniga. Hoggaamiyihii cusbaa ee xisbiga Bettino Craxi oo raadinayay in uu ka dhigo shuuciyiinta xoog uu ku xisaabtami karo. Wiilka uu seeddiga u yahay ee lagu magacaabo Paola Pillitteri ayaa ahaa guddoomiyaha rugta. In badan oo ka mid ah mashaariicdii dhismaha ee Talyaanigu ku maalgeliyay Soomaaliya waxa dillaalay rugta/golaha.

Dillaalnimada bilaa sharciga ah waxa ay noqotay wax soo noqnoqda oo isuba beddelay ganacsi ka dhex jira rugtan, sida laga soo xigtay dacwad laga gudbiyay Craxi iyo seeddigii Pillitteri gu’gii 1989-kii. Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo hore u ahaa kaaliyihii hore ee M. S. Barre ayaa ku eedeeyay dacwadda ah in hantiwadaagayaashu u ballanqaadeen isaga iyo sarkaal kale oo Soomaali ah in 50/50% qeyb oo 10% ka mid ah guddiga dhammaan heshiisyada uu galo goluhu/rugtu.

Labadan Soomaalida ah ayaa ku andacooday in lagu leeyahay lacag billion oo liira ah. Maxkamad madani ah oo ku taal Talyaaniga ayaa kiiskan diidday, iyada oo xukuntay in aysan macquul ahayn in la xaqiijiyo jiritaanka heshiis lagu kala qeybsanayo dillaalnimada bilaa sharciga ah iyada oo aan caddeyn loo haynin. Caydiid oo magaca macnihiisu uu yahay “midka aan u dulqaadan cayda” ayaa ka mid ah labada dagaal ooge ugu xoogga weyn Soomaaliya. La yaabna ma aha in uu si weyn u muddaharaaday markii ay ciidamada Talyaanigu ku soo noqdeen Soomaaliya bishii la soo dhaafay ee December, iyaga oo qeyb ka ah hawlgalka rejo soo celinta (Operation Restore Hope).

Xidhiidhka musuqmaasuq ee ka dhexeeyay Talyaaniga iyo M. S. Barre kaas oo bilawday 1978-kii ayaa dib u hagaagay ka dib markii uu Bettino Craxi uu noqday raiisal wasaaraha Talyaaniga. Hantiwadaagayaashii ayaa Soomaaliya ku soo harqiyay malaayiin doollar deeq ah. M. S. Barrena waxa uu helay ciidan, la taliyayaal millateri iyo tababbarayaal u tababbara ciidankiisa xoogga dalka.

September 1985-kii Bettino Craxi ayaa noqday raiisal wasaarihii ugu horreeyay ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Soomaaliya. Waxa uuna markaas u ballanqaaday M. S. Barre deeq lagu qiyaasay 450 $ million uu siin doono labada sanno ee soo socota. M. S. Barrena waa uu yimid isna markiisa Rooma booqasho ahaan, weliba laba jeer.

Kolkaas uu helay dhammaan deeqihii loo ballanqaaday sannadihii 1986 iyo 1987. Markii madaxweynaha Talyaanigu uu ku qaabilay kelitaliyaha Soomaaliga ah qasriga madaxtooyada ee Talyaaniga sannaddii 1987-kii, waa uu u hambalyeeyay M. S. Barre iyada oo markaas uun dib loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya cod ka badan 99%.

Dhinaca Soomaalida, waxa dhammaan lacagta gacanta loo geliyay curadka M. S. Barre, 48-jir la dhaho Col. Xasan Maxamed Siyaad Barre, kaas oo (Apartment) ku leh huteelka Raphael oo ku yaalla Rooma, waana isla huteelka raiisal wasaare Bettino Crasxi uu ka degganaa caasimadda Talyaaniga. Intii lagu gudojirey sannadadan, xubno ka mid ah qoyska M. S. Barre (keligii taliyuhu waxa uu leeyahay shan xaas iyo ugu yaraan soddon carruur ah) ayaa hanti iyo akoonno ku leh BAAN ku yaalla Switzerland. Dhanka Talyaaniga, liiska faa’iidaystayaasha waxa uu u akhriyaa sida yaa ugu fooq weyn, uguna shirkad dhismo iyo isgaadhsiin badan.

Dhammaadkii siddeetamaadkii (1980s) dawladda Talyaanigu waa ay lumisay xidhiidhkii dhabta ahaa ee ka jirey Soomaaliya. “Sida cad ee xaqiiqada ah ma garanayno oo wax aragti ah kama haysanno waxa ka dhacay Soomaaliya iyo daqiiqaddii ugu dambeysay oo aannu isku daynay in aannu badbaadinno M. S. Barre.” Sidan waxaa yidhi Francesco Rutelli. Bishii May ee 1988-kii oo ahaa xilliga ay aad u kacday ku qanacsanaaan la’aanta taliska M. S. Barre ayaa horseedday fallaago (mucaarad) waqooyiga Soomaaliya ah.

Keligii taliyuhu waa uu burburiyay mucaaradkii, isaga oo baabiiyay saddex magaalo oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15, 000 oo qof. Haddaynu Rooma ku noqonno, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa codsaday in la joojiyo xidhiidhka Soomaaliya waana laga diiday arrinkaas. Warbixinno qodobaysan oo tilmaamaya jidhdilkii iyo xasuuqii ay gashay xukuumaddii M. S. Barre, ayaa ay soo saartay Amnesty International. Balse wax saameyn ah kumuu yeelan dawlada Talyaaniga. Rooma waa ay ilaalisay xidhiidhkii ay la lahayd M. S. Barre ka dib dilkii loo geystay wadaadkii reer Muqdisho ee Salvatore Colombo ee dhacay July 1989, iyo sidoo kaleba kolkii baayoolajiyahan Talyaani ah ay ciidamada sirdoonka Soomaaliya (NSS) ay siday u garaacaayeen uu dhintay June 1990-kii.

Markii xubno mucaaradka ahi ay ka cawdeen baarlamaanka in Talyaanigu uu taageerayo keli-talisnimo, wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaas ee Talyaaniga Gianni De Michelis ayaa ku jawaabay: “Haddii aan ka tagno dhammaan dawladahaas ay maamulaan keli-talisyadu, Afrika ma jiri doono cid ka hadhay oo aynnu la shaqeynaa.”Talyaanigu waxa uu lumiyay fursaddiisii ugu dambeysay uu dib ugu soo ceshan karayay saaxiibbo uu ku yeesho Soomaaliya, waxyar ka hor intaan lagu qasbin M. S. Barre in uu ka cararo Muqdisho, ayaa wasiirkii arrimaha dibaddu ee De Michelis isku dayay in uu ka dhaadhiciyo wakiilladii dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee Rooma ku sugnaa in xaaladda siyaasadeed ee hadda uu ka mid noqdo keligii taliyihii hore.

Musiibada ku luglahaansha Talyaaniga ee Soomaaliya, sida uu tilmaamay Francesco Rutelli iyo kuwo kaleba, ayaa ahayd in Talyaanigu uu hal boos oo keliya ka taagnaa siddeetameeyadii in cadaadis lagu saaro M. S. Barre in uu beddelo tallaabooyinkiisa. Laakiin mar kasta oo isaga (Barre) iyo Greens ay ka codsadaan dawladda in ay ku xidho deeqda Talyaaniga ee Soomaaliya, xuquuqul insaanka si ay u habeeyaan, waxaa diiddayay danaha xooggan ee ku xeeran raiisal wasaare Bettino Craxi.

Hadda Bettino Craxi iyo Pillitteri ba waxa ay dhexda u fadhiyaan fadeexadda musuqmaasuq weyn oo Milano ah. Garsoorayaasha baadhaya arrintan ayaa ku andacoonaya in xisbiga hantiwadaaggu ee Milan uu abaabulay shabakad ballaadhan iyo dillaalnimo sharcidarraa oo la siinayay saraakiisha maxalliga ah ee ka tirsan badidood xisbiyada sii loogaga bedddesho heshiisyo dawli ah oo waaweyn. Garsoorayaasha ayaa barlmaanka Talyaaniga ka codsaday in xasaanadda laga qaado hoggaamiyayaasha hantiwadaagga ah ee baadhistu ku socoto.

In ka badan sagaashan siyaasiyiin iyo ganacsato ah oo badankood ay xidhiidh la lahaayeen Bettino Craxi, ayaa la xidhay. Sidoo kale waxoogaa shirkado dhisme ah iyo shirkado kale sida: Cogefar iyo Lodiagiani, kuwaas oo ka qabtay Soomaaliya shaqooyin waaweyn, kuna luglahaa. Gudaha Soomaaliya, burburintii guud ee kala dambeynta ka dib bixitaankii M. S. Barre ayaa ku qasbay hay’adihii bini’aadantinimada in ay iskaga baxaan dalka.

Qaramada Midoobayna ay codsato faragelin Maraykan. Kolkii ciidamada Maraykanku ay doomo ku yimaaddeen dekedda Muqdisho, ayaa waxa ay sii daayeen saddex doomood oo daxaleystay oo uu Talyaanigu ugu deeqay Soomaaliya, si loogu horumariyo barnaamijka kalluumeysiga. Doomahaasna gebi ahaanba lama isticmalin.


W/Q: Wolfgang Achtner, Suxufi Talyaani ah, W/T: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Maqaalka: https://www.washingtonpost.com/archive/opinions/1993/01/24/the-italian-connection-how-rome-helped-ruin-somalia/cd843c56-6443-42e4-98b6-0f0a9147cee3/

Facebook Comments